Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Khilaafka doorashada Kenya "Weli fari kama qodna"

$
0
0

Sawaxan iyo buuq ayaa qabsaday xarunta Bomas ka dib markii looga dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashada ku celiska ah.
Wuxuu helay boqolkiiba 98, codadkii laga dhiibtay doorashada lagu muransan yahay ee mucaaradka ay qaadeceen.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyiinka Kenya, IEBC, ayaa tiriyay codadka 266 deegaan oo ka mid ah 290ka deegaan ee xildhibaanada laga soo doorto ee Kenya.
Taas waxay muujineysaa in 24 deegaan aysan ka dhicin doorasho. Ka dib la talin dhanka sharciga ah waxay go'aansadeen in aysan tirin deegaanadaas.
inta badan deegaanadaas oo ah galbeedka Kenya ayaa laga joojiyay codeynta ka dib markii xaaladda amniga ay xumaatay.
Dadka Kenya waxay ku daaleen khilaafka siyaasadeed iyo dacwooyiinka ka dib loo gudbiyo maxkamadda.
Sidoo kale, dad badan ayaa sheegay in ay dhibaato kala kulmeen muddadii lagu guda jiray doorashadii la diiday iyo midda hadda lagu muransan yahay.
Balse waxaa la filayaa in qalalaasaha siyaasadda uu sii socdo maadaama mucaaradka ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashadan ku celiska ahayd ayna dalbadeen isbedel.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo taageerayaashiisa ugu baaqay in aysan codeyn ayaa la filayaa in natiijadan uu diido.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Raila ayaa helay boqolkiiba 38, sida uu shaaciyay guddiga doorashada, waxaana la filayaa in uu dacwadda dhanka sharciga ah markale la tiigsado.
Maxkamadda ugu sareysa ee Kenya waxay tixgelineysaa dacwadaha la xiriira sax ahaanta doorashada.
Eegidda sharciga iyo waxa uu ka qabo codeynta lagu muransan yahay iyo muranka siyaasadeed ayaa halkoodii ka sii socon doona.
Waxaa jiray isku dhacyo rabshado watay oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha mucaaradka oo ka dhacay Nairobi iyo qeybo ka mid ah gobollada Kenya.
Sida uu Raila Odinga uga hadlo natiijada doorashadan ayey ku xiran tahay dhabaha ay Kenya qaadeyso maalmaha ama isbuucyada soo socda.
Odinga muxuu uga baxay tartanka doorashada
Hoggaamiyaha mucaaradka ee kenya, Raila Odinga ayaa difaacay go'aankii uu uga baxay tartanka doorashada madaxtinimada.
Raila oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in uusan doonayn ka qeybgalka doorasho "hannaankeeda lagu sii go'aamiyay ciidda guuleysanaysa".
Wuxuu intaa ku daray "in aysan Kenya nabad ka sii jiri karin inta ku shubashada doorashada ay socoto."
Raila Odinga ayaa sheegay in ka dib halgankii 1992-dii, ay markale dalbanayeen madaxbannaani labaad oo ka dhacday Kenya.
Horraantii sagaashamaadkii waa xilligii Kenya uu ka dhaqan galay sharciga axsaabta badan ee siyaasadeed.
Doorashadii lixaad ee la qabtay ka dib xilligaas ayey ku andacoonayaan in si qalad loo maareeyay, waana sida maxkamadda ugu sareysa Kenya ay sheegtay.
"Markii ay tirinta codadka billaabatay waxaa la qalday natiijada. Wax kastoo qalad ah, waa qalad," ayey ku sheegeen qoraal ay soo saareen.
Doorashadii 8-dii Augusta waxay ahayd tii ugu horeysay ee abid maxkamad ay laasho, qaaradda Afrika. Waxayna ahayd middi afaraad, caalamka oo dhan.
Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa qabo walaac ah in doorashada soo socota lagu shuban doono, "kana xumaan doonto kuwii hore".
"Waxaan aragnay in guddiga IEBC ay ka go'an tahay in uusan isbedel ku sameyn xubnaha ka tirsan si looga fogaado qaladaadka iyo isdaba marinta sababay in doorashada lagu celiyo."
"Waa in aysan dhcin qaladaad la mid ah kuwii 2008-dii," ayuu xusay Raila.

  • Raila: "Kenya nabad kama dhici doonto inta doorashada lagu shubanayo"
  • Kenya: Afar arrimood oo dhci kara ka dib go'aankii Raila

Rabshado ka dhashay natiijiadii doorashadii 2008, waxaa ku dhintay dad aad u badan, kumannaan qofna guryahooda ayey ka barakeceen.
"Waxa muuqato in doorashada 26-ka bishan ay ka xumaan doonto middii hore," ayuu yiri hoggaamiyaha NASA, xilli uu la hadlayay warbaahinta isbuuc ka hor doorashada maanta la soo afjaray.
storvideo: 


Midowga Europe Oo Ugu Baaqay Madaxda Soomaalida Inay...

$
0
0

Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Ururka Midowga Europe. Federica Mogherini ayaa ugu baaqday Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda inay u midoobaan sidii loola dagaalami lahaa kuwa colaadaha ku haya dadka Soomaalida, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Catherine Ray oo ah Afhayeenka Madaxa Siyaasadda Dibedda ee EU-da auaa sheegay inay Midowga Europe soo dhaweynayaan Shirka Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda shalay uga furmay magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Hoggaamiyayaasha laga doonayo inay nabadda Somalia iyo inay tallaabo ka qaadaan Kooxaha dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay Dowladaha xubnaha ka ah EU-da si wadajir ah u cambaaraynayaan Weerarkii ay Al;shabaab ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalladda Muqdisho.
EU-da waxay kaloo ugu baaqeen Ummadda Soomaaliyeed inay u midoobaan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Horumar.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Khilaafka doorashada Kenya “Weli fari kama qodna”

$
0
0

Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga
Sawaxan iyo buuq ayaa qabsaday xarunta Bomas ka dib markii looga dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashada ku celiska ah.
Wuxuu helay boqolkiiba 98, codadkii laga dhiibtay doorashada lagu muransan yahay ee mucaaradka ay qaadeceen.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyiinka Kenya, IEBC, ayaa tiriyay codadka 266 deegaan oo ka mid ah 290ka deegaan ee xildhibaanada laga soo doorto ee Kenya.
Taas waxay muujineysaa in 24 deegaan aysan ka dhicin doorasho. Ka dib la talin dhanka sharciga ah waxay go'aansadeen in aysan tirin deegaanadaas.
Natiijada markii la shaaciyay, waxay rabshado ka bilowdeen deegaanada mucaaradka laga taageero
inta badan deegaanadaas oo ah galbeedka Kenya ayaa laga joojiyay codeynta ka dib markii xaaladda amniga ay xumaatay.
Dadka Kenya waxay ku daaleen khilaafka siyaasadeed iyo dacwooyiinka ka dib loo gudbiyo maxkamadda.
Sidoo kale, dad badan ayaa sheegay in ay dhibaato kala kulmeen muddadii lagu guda jiray doorashadii la diiday iyo midda hadda lagu muransan yahay.
Balse waxaa la filayaa in qalalaasaha siyaasadda uu sii socdo maadaama mucaaradka ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashadan ku celiska ahayd ayna dalbadeen isbedel.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo taageerayaashiisa ugu baaqay in aysan codeyn ayaa la filayaa in natiijadan uu diido.
Raila ayaa helay boqolkiiba 38, sida uu shaaciyay guddiga doorashada, waxaana la filayaa in uu dacwadda dhanka sharciga ah markale la tiigsado.
Maxkamadda ugu sareysa ee Kenya waxay tixgelineysaa dacwadaha la xiriira sax ahaanta doorashada.
Eegidda sharciga iyo waxa uu ka qabo codeynta lagu muransan yahay iyo muranka siyaasadeed ayaa halkoodii ka sii socon doona.
Waxaa jiray isku dhacyo rabshado watay oo u dhexeeyay booliska iyo taageerayaasha mucaaradka oo ka dhacay Nairobi iyo qeybo ka mid ah gobollada Kenya.
Sida uu Raila Odinga uga hadlo natiijada doorashadan ayey ku xiran tahay dhabaha ay Kenya qaadeyso maalmaha ama isbuucyada soo socda.
Odinga muxuu uga baxay tartanka doorashada

Hoggaamiyaha mucaaradka ee kenya, Raila Odinga ayaa difaacay go'aankii uu uga baxay tartanka doorashada madaxtinimada.
Raila oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in uusan doonayn ka qeybgalka doorasho "hannaankeeda lagu sii go'aamiyay ciidda guuleysanaysa".
Wuxuu intaa ku daray "in aysan Kenya nabad ka sii jiri karin inta ku shubashada doorashada ay socoto."
Raila Odinga ayaa sheegay in ka dib halgankii 1992-dii, ay markale dalbanayeen madaxbannaani labaad oo ka dhacday Kenya.
Horraantii sagaashamaadkii waa xilligii Kenya uu ka dhaqan galay sharciga axsaabta badan ee siyaasadeed.
Doorashadii lixaad ee la qabtay ka dib xilligaas ayey ku andacoonayaan in si qalad loo maareeyay, waana sida maxkamadda ugu sareysa Kenya ay sheegtay.
"Markii ay tirinta codadka billaabatay waxaa la qalday natiijada. Wax kastoo qalad ah, waa qalad," ayey ku sheegeen qoraal ay soo saareen.
Doorashadii 8-dii Augusta waxay ahayd tii ugu horeysay ee abid maxkamad ay laasho, qaaradda Afrika. Waxayna ahayd middi afaraad, caalamka oo dhan.
Kenyatta ayaa markii labaad ku guuleystay doorashada Kenya
Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa qabo walaac ah in doorashada soo socota lagu shuban doono, "kana xumaan doonto kuwii hore".
"Waxaan aragnay in guddiga IEBC ay ka go'an tahay in uusan isbedel ku sameyn xubnaha ka tirsan si looga fogaado qaladaadka iyo isdaba marinta sababay in doorashada lagu celiyo."
"Waa in aysan dhcin qaladaad la mid ah kuwii 2008-dii," ayuu xusay Raila.
Rabshado ka dhashay natiijiadii doorashadii 2008, waxaa ku dhintay dad aad u badan, kumannaan qofna guryahooda ayey ka barakeceen.
"Waxa muuqato in doorashada 26-ka bishan ay ka xumaan doonto middii hore," ayuu yiri hoggaamiyaha NASA, xilli uu la hadlayay warbaahinta isbuuc ka hor doorashada maanta la soo afjaray.
storvideo: 

Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo doorashada ku guuleystay

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Kenya(SONNA) Uhuru Kenyatta ayaa helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay uu helay 0.09 boqolkiiba. Laakiin Raila wuu qaadacay doorashada kamana qeybgalin,sida uu ku dhawaaqey Guddiga doorashada ee Kenya.
Guddiga doorashada ee Kenya ee IEBC ayaa sheegay in tirada dadka codeeyay ay ahayd boqolkiiba 39.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chabukati ayaa codsaday in aysan rabshado dhicin, qof kastana uu ka qeybgalo amniga iyo kala dambaynta.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatooyiinkii dhacay intuu khilaafka taagnaa iyo markii codeynta ay socotay.
Mucaaradka ugu wayn Kenya, NASA oo uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa horey u sheegay in aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxdo doorashadan.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku adkaystay in doorashadan ay u diyaargaroobeen si ay u noqoto "mid xor iyo xalaal ah."
Balse Mucaaradka ayaa sheegay in aan waxba laga qaban wixii ay ka cabanayeen ee ay diideen oo ka mid ahayd in guddiga uu dib u dhigo doorashada iyo in xubno ka mid ah shaqada laga ceyriyo.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddoomiye Jawaari oo shacabka Suudaan ugu hambalyeeyay cunqabateyntii uu Mareykanka ka qaaday"Sawirro"

storvideo: 

Wararka Dibada: Amiirka Qatar “Sacuudiga Iyo...

$
0
0

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo wareysi siiyey Barnaamijka 60 minutes ee ka baxa Telefishinka Maraykanka ayaa u qeylo dhaamiyey Maraykanka inuu dhex dhexaadiyo iyaga iyo Xulafada Sacuudiga.
Amiirka Qatar ayaa wareysigan ku sheegay in xayiraada iyo cunaqabateynta ay kusoo rogeen dalalka uu hogaamiyo Sacuudiga ay ku ahayd kadis iyo naxdin uusan fileyn, isagoona sheegay in tilaabadaasi lagu soo beegay 2 todobaad kadib shirkii ka dhacay Riyaad ee Maraykanka iyo dalalka Islaamka oo looga hadlayey la dagaalanka argagaxisada.
Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa iska fogeeyey in dowladiisa ay wax taageero ah siiso Argagaxisada, isagoona su'aalo laga weydiiyey xafiiska kooxda Taliban ku leedahay magaalada Doxa.
"...Talibanka anaga ma casumin ee Maraykanka ayaa naga codsaday inay xafiis ka sameystaan dalkeena, si ay wadahadal ulla yeeshaan anagana waan ka ogolaanay..." ayuu yiri Amiirka Qatar oo iska fogeenayey eedeynta ku aadan in maamulkooda uu maalgeliyo kooxaha xagjirka ah.
"...Ma taageerno Argagaxisada balse waxaa taageernaa in shacabka gobalkan ay helaan xoriyad taasina weeye mida ay diidan yihiin oo ay ka cabsi qabaan..." ayuu yiri.
"...Xulafada Sacuudiga waxay doonayaan waa inay afgembiyaan maamulka Qatar, maahana markii ugu horeysay hada kahor bay isku dayeen inay sidan oo kale u afgembiyaan aabahay 1996dii..." ayuu yiri Sheikh Tamim.
Sheikh Tamim ayaa xilka qabtay 2013 isagoo 33 sano jir ah kadib markii aabihiisa Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani uu xilka ku wareejiyey, Aabihiisa ayaa isaguna xilka afgembi ku qabsaday 1995dii xili odeygii dhalay uu ku maqnaa safar dibada ah, inqilaabkaasi 1995 ayey Sacuudiga si weyn uga soo horjeedeen maadaama ay xiriir fiican la lahaayeen Sheikh Tamim awoogiis xilka laga boobay.
Waxaana la sheegaa in afgembigii fashilay ee 1996dii ay ka danbeysya Boqortooyada Sacuudiga oo dooneysay inay xukunka kusoo celiso hogaamiyihii hore.
Wuxuu Amiirka Qatar balanqaaday inuu dadaal xoogleh gelin doono sidii loo xalin lahaa khilaafka khaliijka isagoo yiri "...Hadii xulafada sacuudiga ay dhankeena 1 mitir oo wanaag ah noo muujiyaan, waxaa balan ah inaan anagan 10.000 mile oo wanaag iyo soodhaweyn ah u muujino..." ayuu yiri hogaamiyaha Qatar oo walaac ka muujinaya cunaqabateynta saaran 5tii bilood ee lasoo dhaafay.
Inkastoo ay aad u doonayaan in xal arrintan loo helo ayuu hadana Amiirka Qatar sheegay inaysan sharaftooda ka tagin doonin oo ay difaacan doonaan madax banaanidooda.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Akhriso: Ajendaha Shirka u Socdo Madaxda Dowladda...

$
0
0

Waxaa maalinkiisii labaad galay Shirka udhexeeya Madaxda Dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Shirka oo shalay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynayaasha Maamulada; Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubaland, Sidoo kale waxaa goobjoog ka ah Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo Duqa Muqdisho.
Shirka oo shalay Furmay ayaa ahaa oo Kaliya is arag balse maanta ayey Madaxda falanqeynayaan qodobada muhiimka ah ee tahay in miiska la soo saaro, waxyaabaha ugu horeeyay ee doodiisa haatan socoto ayaa ah, Dajinta iyo Xalinta Xiisada Siyaasadeed ee udhexeysa Dowladda iyo maamul Goboleedyada.
Mudooyinkan waxaa mugdi kujiray xiriirka Maamul Goboleedyada ay la leeyihiin Dowladda dhexe kadib Xiisadii khaliijka.
Kulamo gaar gaar ah ayaa saaka jiray oo ay lahaayeen dhinacyada shirsan waxaana qadadii maanta kadib lawda galay hoolka iyadoo dood adag hada ay udhexeyso Madaxda shirsan.Aqriso Qodobada ay ka Shirayaan Madaxda Maamul Goboleedyada:Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Guddiyada Amniga Iyo Difaaca oo Kulan Ka Yeeshay...

$
0
0

Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen xaalada ammaan ee dalka.
Kulankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya maanta ay guddoonka Golaha shacabka ku wareejiyeen Mooshin la xiriira xaaladda amni ee dalka oo sii xumaaneysa.
Kulanka Guddiyada Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka ee galabta ka dooday mooshinka maanta ay ku wareejiyeen Xildhibaannada ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Guddiyada Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in galabta ay iska xog wareysteen arrimaha amniga, maalmaha soo socdana ay horgeyn doonaan Baarlamaanka.
Mooshinkan waxaa uu imanayaa iyada oo shalay Golaha wasiirrada Soomaaliya ay xilkii ka qaadeen Taliyayaashii Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya kaddib weerarkii Sabtigii ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


Inter oo Kusoo Laabatay Kaalinta Labaad

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa kusoo laabatay kaalinta labaad ee horyaalka kadib marki ay xalay 2-1 uga adkaatay kooxda Hellas Verona.
Inter oo xilli ciyaareedkan aanan marnaba dhinaceeda la dhigin ayaa waxaa goolka koowaad u dhaliyay laacibka khadka dhexe uga ciyaara ee Borja Valero daqiiqadi 36-aad, hase yeeshee Verona ayaa ka daba tagtay kadib marki uu goolka barbarraha u keenay Giampaolo Pazzini oo rigoore ku dhaliyay.
Goolka kaalinta labaad kusoo celiyay Inter waxaa si qurux badan u dhaliyay wiilka reer Croatia Perisic.
Inter hadda waxay leedahay 29 dhibcood, waxay laba buundo ka hooseysaa kooxda horyaalka hogaamineysa ee Napoli.
storvideo: 

Kante oo Soo Laabanaya

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea N'Golo Kante ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto garoomada, kadib marki uu kasoo bogsaday dhaawac uu muddo todobaadyo ah la jiifay.
Kante oo ah xidig u dhashay dalka France balse kasoo jeeda qaarada Africa, ayaa ka dhaawacnaa muruqa cajirka tan iyo bishii September. Waxaa lagu wadaa inuu kursiga keydka soo fariisto ciyaarta ay kooxdiisa Chelsea la ciyaari doonto habeenka Talaadada.
Lugta labaad ee ciyaarta Roma iyo Chelsea ayaa ka dhaceysa magaalada Roma. Is aragi hore waxay kusoo dhamaatay 3--3.
storvideo: 

Dowladda Sacuudiga oo xroriyad yaab leh siineysa...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Dowlada Sacuudiga ayaa daboolka ka qaaday inay xoriyad dheeri ah siineyso Dumarka u dhashay dalkeeda ee horay looga mamnuucay daawashada cayaaraha.
Dowlada ayaa sheegtay in wixii hadda ka danbeeya ay dumarka awoodi karaan ka qeybgalka daawashada cayaaraha Garoomada waaweyn ee Sacuudiga.
Qorshaha xoriyada dheeriga ah lagu siinaayo dumarka ayaa waxaa ku howlan Maxamed Bin Salmaan, si sharciyada looga qafiifiyo dumarka.
Qoysaska ayaa awoodi doona in ay gudaha u gallaan Garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam, iyagoo cayaaraha la daawan kara dhalinyarta.
Sidoo kale, Guddiyada dowlada Sacuudiga ugu magacaaban ciyaaraha ayaa sheegay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awoodaan in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.
Docda kale, tani ayaa haweenka u noqon doonta fursad labaad oo usoo hoyatay dumarka Sacuudiga, waxaana xusid mudan in todobaad ka hor loo fasaxay kaxeynta gaadiidka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maxaad kala socotaa qorshihii laga lahaa weerarkii...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Warar soo baxaayo ayaa sheegaya in weerarkii Hoteel Naasa-Hablood 2 uu ahaa mid laga filaayay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku qaadayaan Hoteelka kadib hanjabaado ay u direen qaar kamid ah howlwadeenada Hoteelka.
Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo hormaray qorsho lagu daahfuri lahaa shirka wadatashiga iminka u socda madaxda Qaranka iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka.
Maxamed Caddow oo ka tirsan Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xili lasii qorsheynaayay in dowlada Federaalka ay Hoteel Naasa-Hablood ku qabato daahfurka shirka wadatashiga 5ta maamul Goboleed.
Suxufi Caddow ayaa tilmaamay in weerarka uu soo hormaray, balse uu qorshuhu ahaa in daahfurka shirka uu ka dhaco Hoteelka, isla markaana uu halkaa gaaro Madaxweyne Farmaajo, si uu u daahfuro shirka inkastoo aysan taa dhicin.
Suxufi Caddow oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa tilmaamay in xiligaa uusan Madaxweyne Farmaajo joogin Hoteelka.
Waxa uu farta ku goday in Hoteel Naasa-Hablood uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada Federaalka maadaama uusan sidaa uga sii fogeyn halka laga maamulo dalka ee Villa Somalia.
Isagoo muujinaaya in qorshaha Farmaajo uu ahaa tagista Hoteelka ayuu suxufi Caddow yiri "Waxaan xaqiijin karnaa inuusan madaxweynuhu joogin Hotelka, xilligii uu dhacaayay weerarkaas"
Waxa uu carab dhabay in weerarka Alshabaab ee Hoteel Naasa-Hablood uu ahaa mid dhakafaar ku noqday dhammaan dadka ku sugnaa goobaha ka agdhaw Naasa-Hablood, maadaama Hoteelka uu ahaa mid aan la haweysan karin balse iminka uu amarka ku dhacay.
Waxa uu u muuqday mid lagu beegaayay daahfurka shirka wadatashiga dowlada iyo maamul Goboleedyada, waxaana xusid mudan in Hoteelkaasi ay degnaayen Seddex meelood laba meel iyo bar wafdigii ka socday maamul Goboleedyada ee shirka u imaaday Muqdisho.
Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan weerarada ka geysta goobaha ay ku badan yihiin shacabka iyagoo uu ujeedkoodu yahay mid lagu kordhinaayo geerida si warbaahinta adduunka ay u buun-buuniso jiritaankooda weli taagan.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay curatay sanada 2017 waxaa dalka ka dhacay Qaraxyo u dhexeeya 20 ilaa 30 oo ay ku dhinteen dad qiyaastii lagu sheegay 500qof , halka ay 630-kalena ku dhaawacmeen.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Amiirka Qatar oo shaaca ka qaaday qorshe halis ah oo...

$
0
0

Doha (- Online) - Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo wareysi siiyey Barnaamijka 60 minutes ee ka baxa Telefishinka Maraykanka ayaa u qeylo dhaamiyey Maraykanka inuu dhex dhexaadiyo iyaga iyo Xulafada Sacuudiga.
Amiirka Qatar ayaa wareysigan ku sheegay in xayiraada iyo cunaqabateynta ay kusoo rogeen dalalka uu hogaamiyo Sacuudiga ay ku ahayd kadis iyo naxdin uusan fileyn, isagoona sheegay in tilaabadaasi lagu soo beegay 2 todobaad kadib shirkii ka dhacay Riyaad ee Maraykanka iyo dalalka Islaamka oo looga hadlayey la dagaalanka argagaxisada.
Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa iska fogeeyey in dowladiisa ay wax taageero ah siiso Argagaxisada, isagoona su'aalo laga weydiiyey xafiiska kooxda Taliban ku leedahay magaalada Doxa.
"...Talibanka anaga ma casumin ee Maraykanka ayaa naga codsaday inay xafiis ka sameystaan dalkeena, si ay wadahadal ulla yeeshaan anagana waan ka ogolaanay..." ayuu yiri Amiirka Qatar oo iska fogeenayey eedeynta ku aadan in maamulkooda uu maalgeliyo kooxaha xagjirka ah.
"...Ma taageerno Argagaxisada balse waxaa taageernaa in shacabka gobalkan ay helaan xoriyad taasina weeye mida ay diidan yihiin oo ay ka cabsi qabaan..." ayuu yiri.
"...Xulafada Sacuudiga waxay doonayaan waa inay afgembiyaan maamulka Qatar, maahana markii ugu horeysay hada kahor bay isku dayeen inay sidan oo kale u afgembiyaan aabahay 1996dii..." ayuu yiri Sheikh Tamim.
Sheikh Tamim ayaa xilka qabtay 2013 isagoo 33 sano jir ah kadib markii aabihiisa Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani uu xilka ku wareejiyey, Aabihiisa ayaa isaguna xilka afgembi ku qabsaday 1995dii xili odeygii dhalay uu ku maqnaa safar dibada ah, inqilaabkaasi 1995 ayey Sacuudiga si weyn uga soo horjeedeen maadaama ay xiriir fiican la lahaayeen Sheikh Tamim awoogiis xilka laga boobay.
Waxaana la sheegaa in afgembigii fashilay ee 1996dii ay ka danbeysya Boqortooyada Sacuudiga oo dooneysay inay xukunka kusoo celiso hogaamiyihii hore.
Wuxuu Amiirka Qatar balanqaaday inuu dadaal xoogleh gelin doono sidii loo xalin lahaa khilaafka khaliijka isagoo yiri "...Hadii xulafada sacuudiga ay dhankeena 1 mitir oo wanaag ah noo muujiyaan, waxaa balan ah inaan anagan 10.000 mile oo wanaag iyo soodhaweyn ah u muujino..." ayuu yiri hogaamiyaha Qatar oo walaac ka muujinaya cunaqabateynta saaran 5tii bilood ee lasoo dhaafay.
Inkastoo ay aad u doonayaan in xal arrintan loo helo ayuu hadana Amiirka Qatar sheegay inaysan sharaftooda ka tagin doonin oo ay difaacan doonaan madax banaanidooda.
storvideo: 

Amiirka Qadar oo ku eedeeyay Sacuudi Carabiya iyo...

$
0
0

Amiirka Qadar ayaa Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa ku eedeeyay inay doonayaan in ay afgembiyaan xukuumadiisa.
Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa wareysi uu siiyay Taleefishanka CBS barnaamijka "60 Minutes" in ayna Doha dooneynin inay xidho Talfeeshinka Al-Jazeera wuxuuna sheegay kuna eedeeyey in afarta waddan doonayaan in la xidho faragalina ku hayaan arrimahooda daakhiliga ah.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Nin loo xiray weerarkii Qusuliyadii Mareykanka ee Benghazi

$
0
0

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay gacanta ku dhigeen nin looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa weerar lagu qaaday dhismihii qunsuliyadii Mareykanka ay ku lahaayeen magaalada Benghazi.


Gargaarkii la garsiiyay magaalooyiin ku yaalla Suuriya

$
0
0

Gargaarkii ugu horeeyay ayaa gaaray dadka rayidka ee ay macaluusha ku habsatay kuwaasi oo ku nool bariga Ghouta,oo ku taalla duleedka - Dimishiq.
Goobtan waxa gacata ku haya mucaaradka Suuriya.
Qaramada midoobe ayaa sheegtay in 40,000 oo qof oo ku nool magaalooyiinka Kafr Batna iyo Saqba gargaar la gaarsiiyay.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markiii madaxa guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobe uu sheegay in dhibaatada haysata rayidka ku nool halkaasi ay tahay mid liidata.
Waxa uu sidoo kale sheegay in arrintani ay tahay mid u dhiganto dambi dagaal.
Dad gaaraya 350,000 oo qof ayaa tan iyo sanadii 2013 waxa go'doomiyay xoogag gacansaar la leh dowladda Suuriya .
Kolanyo ka kooban 49 ah gawaarida xamuulka oo ay saran yihiin raashiin kala duwan oo gargaar ah ayaa la gaarsiiyay magaalooyinka Kafr Batna iyo Saqba .
Afhayeen u hadashay hay'ada laanqayrta cas ee Suuriya ayaa sheegtay in sidoo kale gargaar la gaarsiin doono Hamouria aiyo Ain Tarma .
storvideo: 

Hogaamiyihii Catalonia ee shaqada laga cayriyay oo...

$
0
0

Hogaamiyihii Catalonia ee shaqada laga cayriyay , Carles Puigdemont,ayaa la sheegay in uu gaaray dalka Belgium.
Qareen u dhashay dalka Belgium ayaa sheegay in uu wakiil ama qareen u noqon doono Mr Puigdemont.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo baxayeen warar sheegayay in Mr Puigdemont iyo qaar ka mid ah wasiiradii xilka laga qaaday ay isu diyaarinayaan in magangalyo siyasadeed ay dalbadaaan.
Mar sii horeysay ayaa dacwad oogaha guud ee Spain waxa uu ku baaqay in dacwad lagu soo oogo hogaamiyihii Catalonia .
Dacwooyiinka lagu soo ogayo waxaa ka mid ah in uu ku kacay falal mucaaradnimo iyo khiyaano qaran .
Dhanka kale xukuumadda Spain ayaa si toos ah ula wareegaysa qaar ka mid ah laamaha maamulka gobolka Catalonia ka dib markii maamulkii hore shaqada laga cayriyay.
Aftidii ka dhacday gobolka Catalonia ayaa waxa ka dhashay muran xoogan oo ugu dambayntii sababay in la kala diro dowladdii gobolkaasi Catalonia.
Dowlada Spain ayaa ku tilmaamtay aftidasi in ay tahay mid sharci daro ah.
storvideo: 

Nin loo xiray weerarkii Qusuliyadii Mareykanka ee...

$
0
0

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay gacanta ku dhigeen nin looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa weerar lagu qaaday dhismihii qunsuliyadii Mareykanka ay ku lahaayeen magaalada Benghazi.
Mr Trump ayaa ninkani magaciisa ku sheegay Mustafa al-Imam, waxa uuna sheegay in cadaaladda uu ku wajihi doono gudaha Mareykanka .
Weerarkaasi lagu qaaday Qunsuliyadii Mareykanka ee Bengazi waxa ku dhintay safiirkii Mareykanka ee halkaasi Chris Stephens iyo seddex qof oo kale oo Mareykan ah.
Mr Trump ayaa xilligii ololaha doorashada uu ku jiray waxa masuuliyada dusha u saaray Hillary Clinton oo xilligii weerarka uu dhacayay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda.
Weerarkaasi Bangazi ayaa waxa horey loogu xiray nin kale oo looga shakisanaa in uu ku lug lahaa .
Ninkani ayaa waxaa lagu maxkamadeynayaa gudaha dalka Mareykanka.
Weerarka Qunsuliyada Mareykanak ee Benghazi ayaa dhacay sanadii 2012.
storvideo: 

Odinga oo qaadacay natiijada doorashada Kenya

$
0
0

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa gaashaanka ku dhuftay naatiijada doorashadii toddobaadkii hore ka dhacday dalkaasi waxaana uu ku baaqay inaan la oggolaan inay sharci ahaato.
Guddiga doorashada Kenya ayaa shaaciyey in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu doorashada ku guuleystay.
Odinga ayaa sheegay inay iska cabin nabadeed kala hortagi doonaan natiijada waxaana uu sheegay inaysan sharci ahayn, islamarkaana aysan nabadi jiri doonin ilaa isbeddello lagu sameeyo sharciyada doorashada
Jacfar Kuukaay ayaa hadalka Odinga ka waraystay weriyahayaga Khadar Maxamuud Xareed.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:03
0:00:00 /0:05:03
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Fanaanada Farxiya KABAYARE oo maanta arin lagu farxo...

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live