Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Tension near Barawe after Al Shabaab retook nearby town

$
0
0

A tense of fighting remains high in the outskirts of the southern port town of Barawe in Lower Shabelle region, a day after Al Shabaab regained control of a nearby small area.
Troops from Somalia's Federal government backed by African Union soldiers were reported to have begun a military movement around Rasadaay, situated 10Km away from Barawe.
Rasadaay has been recaptured by Al Shabaab on Monday after African Union forces (AMISOM) and their Somali allies withdrew from the town, according to the sources.
According to Aden Madoobe, the district commissioner of Barawe, told Radio Shabelle that coalition forces are trying to expel Al Shabaab from Rasadaay and the entire region.
storvideo: 


Rag Miino Aasayay oo ay Kula Qaraxday Duleedka...

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Rag miino aasayay in ay kula qaraxday deegaanka Daniga oo illaa 11km dhinaca Galbeed ka xiga Degmada Balcad ee Gobolkaas.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Miinada ayaa la qaraxday ilaa afar Ruux oo ahaa kuwii aasayay, waxaana la sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku darayaa in ragga miinada la qaraxday uu ku jiro sarkaal sare oo u qaabilsanaa Al-shabaab dhinaca miinooyinka balse aan la sheegin magaciisa.
Miinada ayaa la dhigi rabay buundo caan ah oo la yiraahdo buundada Macalin Weyne.
Deegaanka daniga ee Degmada Balcad waaxaa dhawaan ka dhacay qarax Miino oo lala eegtay gaari caasi ahaa waxaa ku dhintay qaraxaas afar ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo baaraley ahaa.
Maamulka Dowlada iyo Degmada Balcad ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan Dhacdadaasi.PUNTLAND POST
The post Rag Miino Aasayay oo ay Kula Qaraxday Duleedka Degmada Balcad appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xog ka cusub shirka DF iyo maamul goboleedyada iyo 6...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Magalaada Muqdisho waxaa weli ka socda kulan maamulada dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Federalka uga wada xaajoonayaan Ajande ka kooban Lix qodob kuwasoo ay kawada hadlayaan guddiyada farsamada ee labada dhinac.
Guddiyadaan oo uu shir gudoominayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca maamulada waxaa u fadhiya kulankaas xubno ka kala socda 5 maamul goboleed.
Wararka aan ka haleyno kulankaas ayaa sheegaya in diirada lagu saarayo wadahadalkaan u dhexeeya guddiyada labada dhinac ka socda sidii looga heshiin lahaa 6 qodob ee uu ka kooban yahay Ajendaha shirka, iyadoo xogta aan heleyno xuseyso in maalinta berri ah ay u yeerteen Wasiirka Dastuurka iyo Qorsheynta Dowlada Federaalka, kuwasoo su'aalo laga waydiin doono howlaha ay gacanta ku hayaan.
Guddiyada matalaya Dowlada Federaalka ayaa ka saraakiil ka socota Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya iyo Ra'isal wasaraha iyadoo Wasiirka arimaha gudaha uu ka cayaarayo door dhexdhexaadin labada dhinac ah.
Qodobka xusidda mudan, guddiga ka socda Xafiiska RW Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Agaasimhii guud ee Wasaarada arimaha gudaha ee xilka laga qaadey Yaxye Cali Ibraahim.
Dhinaca kale waxaa kulan albaabadu u xiran yahay u socdaa madaxda Dowlada Federaalka iyo maamulada iyadoo aysan jirin Warar saxafada ka hayso ilaa hadda.
Kulanka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa si rasmiya u furmey iyadoo khudbado ka akhriyeen madaxda labada dhinac.
Dadka siyaasada la socda ayaa khudbadihii xalay la jeediyey u arkayey iney ahaayeen kuwo lagu wajahayey amniga, iyadoo dhinacyadu ka fogaadeen khilaafyada siyasadeed oo jira kuwasoo saldhig u ah wada shaqeyn la'aanta labada dhinac.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Laba Maleeshiyo Beelood Oo Dagaal Ku Dhexmaray G...

$
0
0

Dagaal u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe dagaalkaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana inta badan halkaasi ku dagaalamayay laba Maleeshiyo Beeleed oo kala ahaa xoolaley iyo Beeraley sida uu Dalsan u sheegay Yuusuf Axmed Yalaxoow oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dagaalkaas uu masuul ka yahay Genaraal Sheegoow oo ka mid ah Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in mid ka mid ah dadka dagaalamaya la saftay.
Waxa uu sheegay in Hubkii iyo Gaadiidkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya loo adeegsaday dagaalkaas sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale waxaan isku daynay in aan la xiriirno General sheegoow si aan wax uga weeydiino eedeynta loo jeedinaayo balse nooma suurtagelin.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Jawaari oo Shirka Baarlamaanka Carabta uga qeyb...

$
0
0

Halkaan ka dhageyso wareysiga
Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle.

Shir Wadatashi ah oo Wasaaradda Warfaafinta maanta ay ka furtay Magaalada Muqdisho+Sawirro

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Shirkaan  oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya una dhexeeyay Masuuliyiinta Wasaaraddaasi, kuwa Maamul Goboleedyada iyo Masuuliyiinta Warbaahinta Madaxa banaan ayaa maanta waxa uu si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow  ayaa ka warbixiyay u jeedada shirkaan isagoona tilmaamay muhiimadu in ay tahay sidii iskaashi uu u dhexmari lahaa Warbaahinta dalka oo dhan islamarkaana la turxaan bixiyo tabashooyinka jira iyadoona la isla soo qaadi doono talooyin ku saabsan Xeerka Saxaafadda ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed horyaalla.
Dhinaciisa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo  Madashaasi hadal ka jeediyay ayaa ku bogaadiyay Warbaahinta Madaxa banaan  sida dareenkooda u cabireen kadib weerarkii 14-kii Bishaan October ka dhacay Magaalada Muqdisho .
Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo isna ka qeyb galay Munaasabadaasi ayaa ku dhaliilay Warbaahinta dhex dhexaadka ah in ay baahiyeen warar ku aadan shaqsiyaadkii fuliyay weerarkii Hoteel Naasa Hablood  2 in ay siteen Aqoonsiyada Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed xilli Warbaahinta Madaxa banaan eedeymahaasi ka xiganayeen Sarkaal ka tirsan isla Ciidanka dowladda Soomaaliya ,waxaana isweydiin Mudan Ma in Warbaahinta Madaxa banaan ay ka aamustaa haddii xittaa Aqoonsiyada shaqsiyaadkaasi adeegsadeen ay ahaayeen kuwa been abuur ah taas oo ay ka dhalaneyso su’aal ah Ciidamada dowladda miyaan garaneyn aqoonsiyada saxda ah ee Ciidanka Nabad Sugida.
Hadaba shirkaan ayaa  soconaya muddo 2 cisho ah  waxaana si wada jir ah uga qeyb galaya Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta dowladda dhexe, Wasaaradaha Warfaafinta dowlad Goboleedyada , Madaxda Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo, NUSOJ iyo  Wariyayaasha Soomaaliyeed.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22852884_10208629860... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22852884_10208629860... 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22852884_10208629860... 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22852884_10208629860... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22852884_10208629860... 560w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22852884_10208629860... 960w" sizes="(max-width: 300px) 100vw, 300px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22893954_10208629858... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22893954_10208629858... 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22893954_10208629858... 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22893954_10208629858... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22893954_10208629858... 560w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/22893954_10208629858... 960w" sizes="(max-width: 300px) 100vw, 300px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/23167791_10208629860... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/23167791_10208629860... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/23167791_10208629860... 747w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/10/23167791_10208629860... 960w" sizes="(max-width: 300px) 100vw, 300px" />
The post Shir Wadatashi ah oo Wasaaradda Warfaafinta maanta ay ka furtay Magaalada Muqdisho+Sawirro appeared first on Shabelle.

Shir Wadatashi ah oo Wasaaradda Warfaafinta maanta...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya una dhexeeyay Masuuliyiinta Wasaaraddaasi, kuwa Maamul Goboleedyada iyo Masuuliyiinta Warbaahinta Madaxa banaan ayaa maanta waxa uu si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka warbixiyay u jeedada shirkaan isagoona tilmaamay muhiimadu in ay tahay sidii iskaashi uu u dhexmari lahaa Warbaahinta dalka oo dhan islamarkaana la turxaan bixiyo tabashooyinka jira iyadoona la isla soo qaadi doono talooyin ku saabsan Xeerka Saxaafadda ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed horyaalla.
Dhinaciisa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo Madashaasi hadal ka jeediyay ayaa ku bogaadiyay Warbaahinta Madaxa banaan sida dareenkooda u cabireen kadib weerarkii 14-kii Bishaan October ka dhacay Magaalada Muqdisho .
Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo isna ka qeyb galay Munaasabadaasi ayaa ku dhaliilay Warbaahinta dhex dhexaadka ah in ay baahiyeen warar ku aadan shaqsiyaadkii fuliyay weerarkii Hoteel Naasa Hablood 2 in ay siteen Aqoonsiyada Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed xilli Warbaahinta Madaxa banaan eedeymahaasi ka xiganayeen Sarkaal ka tirsan isla Ciidanka dowladda Soomaaliya ,waxaana isweydiin Mudan Ma in Warbaahinta Madaxa banaan ay ka aamustaa haddii xittaa Aqoonsiyada shaqsiyaadkaasi adeegsadeen ay ahaayeen kuwa been abuur ah taas oo ay ka dhalaneyso su'aal ah Ciidamada dowladda miyaan garaneyn aqoonsiyada saxda ah ee Ciidanka Nabad Sugida.
Hadaba shirkaan ayaa soconaya muddo 2 cisho ah waxaana si wada jir ah uga qeyb galaya Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta dowladda dhexe, Wasaaradaha Warfaafinta dowlad Goboleedyada , Madaxda Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo, NUSOJ iyo Wariyayaasha Soomaaliyeed.
storvideo: 


Wacyi gelinta ururka SSB oo meel fiican maraysa

$
0
0

1st November 2017 admin Category :
Ururka Sanaag, sool iyo Bari, oo marka la soo gaabiyo loo qoro SSB, ayaa wacyi gelin ka bilaabay dhowaan gobolka sanaag, sida hadda muuqatana fariintoodii waxay gaartay dhamaan qaybaha bulahada kala duwan ee reer Maakhir Fariintaas oo ahayd " Warsangeli iyo argagixiso kuma wada noolaan karaan gobolka Sanaag". Taageer SSB Haddi aad doonayso in argagixisada iyo taageerayaashooda laga saaro guud ahaan Soomaaliya
Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Hadaaftimo oo kasoo hor jeensaday Sanaadiiq si dhuumaalaysi ah Somaliland ku doonaysay inay kusoo geliyaan Degmadaasi.
Opslaet af Warbaahinta Dawladda Puntland pa 31. oktober 2017

storvideo: 

Somaliland: Ololaha doorashada iyo haweenka ganacsatada ah

$
0
0

Iyadoo olalada doorashada somaliland ee taageerayaasha saddexda xisbi ka wadaan magaalooyinka waaweyn uu haatan socday ku dhowaad laba todobaad oo zaxmada , buuqa, sawaxanka iyo muusikada laga dareemayo suuqyada ganacsiga , waa maxay siday u arkaan haweenka ganacsiga yaryar ku haysta wadooyinka hortooda ?

Ma jiraa Siyaasi Soomaaliyeed oo Masaajid buuxa iyo...

$
0
0

1st November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Ma jiraa Siyaasi Soomaaliyeed oo Masaajid buuxa iyo imaamkooda ay hal mar u wada ilmayn lahaayeen
Shalay oo bishu ahayd Monday , October 31, 2017, salaadaa Duhur ka dib, markii Imaamka Masaajidka Khaalid Bin waleed ee magaalada Toronto, uu bilabaabay in Bulshada Muslimiinta ah ee salaadda Duhur ku tukatay Masaajidka uu u sheego in Maydka Cawad Casharo Masaajidka yaalo oo aynu ku tukanayno. Sheikh Abukar Sh. Hussein, Imaamka Masjidka Khaalid Bin Walid ee Toronto, markii uu bilaabay magaca Cawad Casharo wuxuu bilaabay oohin kaga wada ilmaysiisay dhamaan Muslimiintii masaajidka ku sugnayd. Sheekha oo qiiro iyo jacayl uu u qabay Cawad Casharo ka muuqatay, ayaa cabaar ka dib Muslimiintii Masaajidka joogtay u sheegay in 30 sano ka hor isaga iyo dhalinyaro kale oo ku cusubaa dalka canada inay Allah ha u naxariiste Cawad Casharo kula kulmeen Masaajidka Jaamac ee magaalada Toronto, uuna Cawad Casharo siiyey talo ahayd in Soomaalidii dalka uga soo horaysay oo kharibnayd iska ilaaliyaan inay la saaxiibaan, oo la saaxiibaan kuwooda fiican isaga oo u sheegay.
Arinta kale oo aad ku ogaan kartaa qofka uu ahaa Allah u naxariistee Cawad Casharo . Maalmihii ugu danbaysay noloshiisa ayaa nin oday ah oo jaaliyadda Toronto ka mid ah ayaa waydiiyey su'aal ka mid ahayd dardaarankii oo hayd . " ADIGU CID LACAG MA KU LEEDAHAY" Jawaabtii Marxuumka ayaa waxay noqotay "Dawladihii aan u shaqayn jiray". Taasina waxay kuu cadaynaysaa in Cawad Casharo Qarankiisa uu Iskaa u qabsio ugu shaqaynayey, isaga oo xitaa Sariir saaran
Post navigation
- Wacyi gelinta ururka SSB oo meel fiican maraysa Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga -
storvideo: 

Nolosha xoola dhaqatada abaaruhu ku habsadeen ee Bariga Afrika

$
0
0

Waa wado godad badan oo ku taal degmadada Kajiado ee Kenya. Waa meel aad u kulul oo boodh badan. Waxa maraya laba nin oo xoolo dhaqato ah oo huwan go'yaasha guudan ee ay caanka ku yihiin dadka halkaa ku nooli. Waxa ay carraabinayaan ilaa lixdan neef oo lo' ah, waxaanay sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Tanzania.

Nolosha xoola dhaqatada abaaruhu ku habsadeen ee...

$
0
0

Waa wado godad badan oo ku taal degmadada Kajiado ee Kenya. Waa meel aad u kulul oo boodh badan. Waxa maraya laba nin oo xoolo dhaqato ah oo huwan go'yaasha guudan ee ay caanka ku yihiin dadka halkaa ku nooli. Waxa ay carraabinayaan ilaa lixdan neef oo lo' ah, waxaanay sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Tanzania.
Laba sanadood halkaa roob kama da'in, xoolo dhaqato badan oo Joshua Nchoki ka mid yahay ayaa hayaamay oo xadka ka talaabay. Laakiin imika Kenya ayuu ku soo noqday ka dib markii dawladda Tanzania bilawday in ay qabqabato dadka ajaanibka ah ee xoolahooda sida sharci darrada ku daajinayey seerayaasha dalkaas. Laba boqol oo neef ayuu lahaa laakiin haatan wuxuu la soo noqday kala badh in ka yar.
Julius Nchoki wuxu dul taaganyahay meel ay ku dhinteen neefaf kale oo lo'diisa ka mid ahaa oo markaas uun dhintay oo raqdooda diqsi ka buuxo. Wuxu yidhi gaajay la dhaqaaqi kari waayeen oo geedi dheer bay soo galeen oo halkan bay ku dhinteen.
"Neefka halkaa ku dhintay wuxu ku jiray lo'dii aan Tanzania u hayaamiyey laakiin qasab bay igu noqotay inaan soo celiyo dhibaatadii halkaa naga qabsaday awgeed. Waayadii hore kolka abaaro dhacaan aayar uun baanu Tanzania u talaabi jirnay oo ilaa inta roob ka da'ayo xagan aanu ku maqnaan jirnay, laakiin imika waa la isku dacareeyey oo deg deg baan uga soo noqonay." Ayuu ku cataabay Julius Nchoki
Ilaa intii xadhigu bilaamay waxa la qabtay tobanaan qof oo Maasai-ga reer Kenya ah ayaa Tanzania lagu xidhay bishii la soo dhaafay oo keli ah. kumanaan neef oo lo' ah ayey dawladdu qabsatay oo dadkii watay laga xaraashay.
Magaalada ku taala xadka ee Loi-tok-tok ayaa cabsida ay dadku ka qabaan in la xidhaa ay aad u sii kordhaysaa, dad badan oo Maasai-ga Kenya ah ayaa ka cadhooday xoolahooga laga xaraashay. Gudoomiyaha dhinaca Kenya Harsama Kello ayaa sheegay in boolis la geeyey goobaha ay joogaan xoolo dhaqata ka too talaabay Tanzania si looga hor tago in weeraro aar goosi ahi dhacaan.
"Haa waxa jirta cabsi laga qabo weeraro aar goosi ah. dadka Maasai-ga ah eek u nool dhinacan Kenya ayaa lo' ka soo qaada Maasaaiga Tanzania. Markaa waxaanu ka baqaynaa in Masaai-ga reer Tanzania ee xagan u soo talaabay lo'da laga qaado, waana arrin aad u halis ah oo aanan doonayn in ay dhacdo." Ayuu yidhi Harsama.
Mar la weydiiyey sida ay doonayaan in ay arrinta ku xaliyaan, ayaa wuxu ku jawaabay "Waxaanu doonaynaa in dublamaasiyadu shaqayso, danjirahayaga ayaa wasaaradda arimaha dibadda Tanzania la xidhiidhaya rajo fiicanna waanu qabnaa."
Ilaa haatan Maasai-ga Kenya waxay Tanzania ka soo qaadeen ugu yaraan shan kun oo neef oo lo' ah, laakiin dawladda Tanzania waxay ku adkaysanaysaa in aanay xoolo dal kale ka yimid daaqi karin dalkeeda. Warbxin ay soo saartay ayey ugu sheegtay Maasaai-ga reer Tanzania ee xoolahoodu joogaan Kenya in ay si dhakhso ah ugu noqdaan dalkooda. Luhanga Mpina oo ah wasiirka xoolaha iyo kalluumaysiga ee Tanzania, waxaanu yidhi
"Daaqsintu qayb kama aha heshiisyada aanu dalalka jaarka ah la galnay. Xiidhiidhka naga dhexeeyaa waa mid sharciga ku salaysan, markaa qofka dalkayaga xoolahiisa iskala soo galaa wuxuu noola midyahay qof dambiile ah talaabo sharci ahna waanu ka qaadaynaa. Waxa jira xoolo dhaqato badan oo maxkamadaha dacwado kaga socdaan, sababtuna waaa in ay jabiyeen xeerarka heshiishyada laba geesoodka ah ee dalkayaga iyo kooga ka dhexeeya."
Khilaafkan u dambeeyey ee dhex yaal dawladaha Tanzania iyo Kenya wuxu tilmaan u yahay xiisada isa soo taraysa iyo sida ay hakadka u gashay wada shaqayntii fiicnayd ee labada dal lahaan jireen.
Bulshada xoola dhaqatada ah ee labada wadan ku nool ayaa iyagana ay arintaasi saamaysay waxaanay caddayn u tahay dhaqaalaha labada dal ee xidhiidhkan xumaaday wax yeelay.
storvideo: 

Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo...

$
0
0

1st November 2017 admin Category :
Sucuudigu goormuu doorasho galay oo Baarlamaan yeeshay. Mooshinkii ay lacagta ku qaaan jireen tan ayaa ka daran
Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga oo dhawaan la dhisay ayaa Maanta Doortay Guddoonkooda.
Xildhibaan Cabdulqaadir Sh.Cali Ibraahim #Baqdaadi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga,Guddoomiye kuxigeenka waxaa loo doortay Xil.Raabaca Sh. Nuur iyo Xoghayaha Guddiga oo loo doortay Drs.Xil.Maryan Maxamed Xuseen.
Guddigaan ayaa ka shaqayn doona xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sacuudiga.
storvideo: 

Sharciga la dagaalanka argagixisada oo la...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in la horgeeyo sharciga la dagaalanka argagixisada.Xildhibaanada BF oo la horgeynayo sharciga la dagaalanka Argagixisada
Guddiga Difaaca baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegay inay dadajinayaan sharciga, si meesha looga saaro awoodaha argagixiso ee taagan.
Xoghayaha Guddiga Difaaca baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay inay xooga saarayaan sidii xildhibaanada ay u horgeyn lahaayen sharciga la dagaalanka argagixisada, waxa uuna cadeeyay in sharciga uu mar waliba yahay middawo u ah quwada argagixisada iyo wixii la halmaala.
Xoghayaha Guddiga waxa uu ujeedka ku sheegay inay doonayaan in awood dheeraad ah ay helaan Hay'adaha amniga ee ku shaqeeya duruufaha kala duwan.
Waxa uu Xildhibaan Sadiiq carab dhabay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin amni, wuxuuna tilmaamay mar walba inaan loo baahneyn tacsi iyo baroordiiq.
Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in xukuumada Somalia ay hordhigi doonaan fududeynta dhaqaalaha ku bixikara dadajinta sharciga oo ahmiyad gaara u leh dalka.
Tani ayaa kusoo beegmeysa xili dadka qaarkii ay qabaan in Xildhibaanadu ay caqabad ku yihiin amniga maadaama aysan go'aano ka qaadan amni darida jirta.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in Warbaahinta si Khaldan u tabisay weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ayaa sheegay in warbaahintu ay u tabisay qaab khaldan weerarkaasi
Waxaanauu tilmaamy in wararka sheegaya in Raggii weeraray Hotelkaasi ay wateen Aqoonsiga hay’adda Nabad Sugida ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana xusay in arritaasi ay tahay fal dambiyeed.
Sidoo kale Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in Raggii fuliyay weerarkaasi aysan wadan Kaarka Aqoonsiga saxda ah ee NISA, balse ay ku
Dhawaan ayaa wargeyska The Guadian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska waxa uu shaaciyay in Raggii fuliyay weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 ay isticmaalayeen Aqoonisiga hay’adda NIS, islamarkaana u suura galiyay in ay gudaha u galaan Hotelkaasi.
The post Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in Warbaahinta si Khaldan u tabisay weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 appeared first on Shabelle.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo si dadban ugu goodiyay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in warbaahinta qaar ay kula xisaabtami doonaan warbixinada ay u tabinayaan bulshada qeybahooda kala duwan.
Waxa uu Xeer ilaaliyaha sheegay inay hayaan cadeymo muujinaaya in warbixinada qaar ay yihiin kuwo aan ku saleysneen xaqiiqda, sidaa aawgeed aysan u dulqaadan doonin wararka aan xaqiiqda ku saleysneen.
Waxa uu Xeer ilaaliyuhu sheegay in warbaahinta qaar ay ku qaldanaayeen in ay tabiyaan in ragii weeraray Hoteelka Naasa-Hablood 2 Sabtidii ina dhaaftay ay wateen aqoonsi Taliska Nabada sugidda ah.
Waxa uu beeniyay in warka noocaasi ah uu ahaa mid lagu bahdilaayo Hay'adda isla markaana uu ahaa been abuur muuqda oo lagu degdegay.
"Cidna kama aqbali doono inay baahiso warar aan ku saleysneen xaqiiqda cidna ugama aamusi doono warbixinada noocaasi ah"ayuu yiri
Qaar kamid ah warbaahinta ayaa baahiyay in raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 ay wateen aqoonsiyada Taliska Nabada sugidda iyo dareeska ciidanka Dowladda Federaalka, inkastoo ay kasoo xigteen Wargeysyo reer galbeed iyo kuwo kale oo Afrikan ah.
Dhinaca kale, waxa uu hadalkan kusoo beegmayaa xili wixii ka danbeeyay weerarkii Zoobe ay warbaahinta adduunka xooga saarayeen wararka khuseeya Soomaalida.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dad baabuur lagu laayay Mareykanak

$
0
0

New yorka(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Ugu yaraan siddeed qof ay ku dhimatay magaaladaasi 11 kalena dhaawac halisa uu soo gaaray ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wada uu dad ku jiirsiiyay meel ay maraan dadka baaskiillada wata ee wado ku taalla xaafadda Lower Manhattan.
Waxaa la sheegay in Ninka baabuurka waday ay da'adiisu ahayd 29 jir oo markii uu dadka jiiray ka degay gaariga, waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah kadibna laxiray sida ays heegayaan saraakiisha ammaanka.
Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii.
Xog uu helay telefishanka CBS ayaa lagu sheegay in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay ay muujinayso in uu xiriir la lahaa Daacish.
Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday si dhaawaciisa loo dabiibo,waxaana Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, uu yiri "wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan".
"waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno"Ayuu intasi ku daray.
Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku sheegay sidan" waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York.
storvideo: 

Sawirro:-Guddoomiye Jawaari oo Suudaan uga qeyb galay Shirka Baarlamaanka Carabta

$
0
0

Khartuum ( Sh. M. Network )-Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada dalalka carabta ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta wadanka Suudaan.
Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Suudaan waxaa furitaankiisa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo dhamaan Guddoonka iyo Xildhibaanada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS U matalaya Baarlamaanka carabta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka carabta ee Baarlamaanka carabta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan Ibraahiim Axmed Cumar ayaa ugu horeyn u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimada uu shirkan dalalka carabta u leeyahay.
Shirkan waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee dhawaan laga qaaaday dalkan Suudaan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda  dalalka carabta.
Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/222.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/222-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/222-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/222-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/222-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 845px) 100vw, 845px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/11.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/11-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/11-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/11-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/11-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 1007px) 100vw, 1007px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/oo.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/oo-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/oo-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/oo-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/oo-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 928px) 100vw, 928px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/33.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/33-80x60.jpg 80w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/33-265x198.jpg 265w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/33-696x522.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/33-560x420.jpg 560w" sizes="(max-width: 868px) 100vw, 868px" />
The post Sawirro:-Guddoomiye Jawaari oo Suudaan uga qeyb galay Shirka Baarlamaanka Carabta appeared first on Shabelle.

Baabuur Dad ku laayay Mareykanak

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Ugu yaraan siddeed qof ay ku dhimatay magaaladaasi 11 kalena dhaawac halisa uu soo gaaray ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wada uu dad ku jiirsiiyay meel ay maraan dadka baaskiillada wata ee wado ku taalla xaafadda Lower Manhattan. Waxaa la sheegay in Ninka baabuurka waday ay da'adiisu ahayd 29 jir oo markii uu dadka jiiray ka degay gaariga, waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah kadibna laxiray sida ays heegayaan saraakiisha ammaanka. Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii. Xog uu helay telefishanka CBS ayaa lagu sheegay in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay ay muujinayso in uu xiriir la lahaa Daacish. Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday si dhaawaciisa loo dabiibo,waxaana Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, uu yiri "wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan". "waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live