Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in Warbaahinta si...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ayaa sheegay in warbaahintu ay u tabisay qaab khaldan weerarkaasi
Waxaanauu tilmaamy in wararka sheegaya in Raggii weeraray Hotelkaasi ay wateen Aqoonsiga hay'adda Nabad Sugida ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana xusay in arritaasi ay tahay fal dambiyeed.
Sidoo kale Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in Raggii fuliyay weerarkaasi aysan wadan Kaarka Aqoonsiga saxda ah ee NISA, balse ay ku
Dhawaan ayaa wargeyska The Guadian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska waxa uu shaaciyay in Raggii fuliyay weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 ay isticmaalayeen Aqoonisiga hay'adda NIS, islamarkaana u suura galiyay in ay gudaha u galaan Hotelkaasi.
storvideo: 


Sawirro:-Guddoomiye Jawaari oo Suudaan uga qeyb...

$
0
0

Khartuum ( Sh. M. Network )-Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada dalalka carabta ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta wadanka Suudaan.
Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Suudaan waxaa furitaankiisa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo dhamaan Guddoonka iyo Xildhibaanada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS U matalaya Baarlamaanka carabta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka carabta ee Baarlamaanka carabta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan Ibraahiim Axmed Cumar ayaa ugu horeyn u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimada uu shirkan dalalka carabta u leeyahay.
Shirkan waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee dhawaan laga qaaaday dalkan Suudaan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka carabta.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Dhageyso: Ciidamada Xoogga Dalka oo Al shabaab kala...

$
0
0

C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulak iyo Maamliyadda Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Raio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Koonfur galbeed la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose oo markii hore ay ku sugnaayeen nabad diidka Al shabaab. Guddoomiye ku xigeenka Maamulak iyo Maamliyadda Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaanada Ciidamdu kala wareegeen maleeshiyada Al shabaab ay yihiin deegaano hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose. C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay maleeshiyaadka Al shabaab ku dhibaatayn jireen Dadka Shacabka ah balse hada ay si buuxda Ciidamada Xoogga Dalka ay gacanta ku haayaan ayna Khasaare gaar siiyeen nabad diidkii Al shabaab ee ay kala wareegeen. Howlgalkaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in deegada yar yar ee maleeshiyaadku kaga sugan yihiin Gobolada Dalka looga gacan maroojiyo. Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/11/Waresyi-Gudomiye...
storvideo: 

su’aalo ku haboon in la is weydiiyo marka mawduuc la...

$
0
0

Maqaalkii hore waxaynu ku soo qaadanay (SIDEE MAWDUUC LOO FALANQEEYAA?).
Maqaalkaas oo aynu kaga waranay sida ugu wanaagsan ee mawduuc looga hadlo. Maqaalkaasi waxa uu ka hadlayay afar shay oo muhiim u ah sidii loo heli lahaa falanqayn is-faham iyo ixtiraam ku dheehan tahay ,xog, fikrad iyo khibradna la kala faaidaysto.
Waxa saldhig u ah falanqayn kasta hal mid :Rayi-is-weydaarsi oo ay la macno yihiin hadalada sidan oo kale ah :
(Waa maxay aragtidaa ku saabsan ama sideed u aragtaa..........?
Waxa nidaamka, aqoon is-weydaaarsiga iyo habsami u socodka falanqayntana gun-dhig u ah saddexdan:Xogta , fikradaha iyo khibradaha uu qofkastaa ku qurxinayo kuna ladhayo hadalkiisa iyo doodiisa.
Dhinac kale hadaynu ka eegno falanqayntu waxay leedahay su'aal iyo jawaab. Su'aashu waxa u dhigma oo booskeedii metelaysa weedha Ray'iga ,tusaale ahaan ( waa maxay Ra'yigaaga ku saabsan..... mawduucan?, jawaabta aad bixin doontana waxa ku jira saddexdan ama midkood , xogtaad hayso, fikradahaaga iyo khibradaad u leedahay su'aashaas hore lagu waydiiyay.
Maqaalka aynu qormadan ku soo qaadan doonaa waxa uu noqon doonaa :(su'aalo ku haboon in la is waydiiyo marka mawduuc la falanqaynayo).
Maqaalkan waxaynu ku qaadan doonaa hab sawir ah, si macnuhu u fududaado,qoraalkuna u soo koobmo. Su'aalahan marka aynu is weydiinayno waxaynu isticmaalaynaa weedha (Ra'yi)
Tusaale ahaan AXMEDOW sideed u aragtaa (Ra'yigaaga) manhajkan cusub ee loo sameeyay dugsiyada SOMALILAND?
Jawaabta AXMED waxaynu ku arki doonaa qaar ka mid ah saddexdii ahaa qalabka su'aal lagaga jawaabo. Jawaabahaas oo noqon kara sidan oo kale:
Axmed Xogta uu ka hayey heerka ay taagnayd tayada manhajkii hore , ayaa uu u adeegsan karaa inuu ku qiyaaso tayada manhajkan cusub. Sidoo kale Fikrado lagu horumarin karo manhajkan ayaa uu ku soo bandhigi karaa Ra'yigiisa.
AXMED waxa uu qiimayn karaa manhajkan isaga oo isticmaalaya khibrada uu u leeyahay mawduucan ama uu garanayo cid aqoon u leh mawduucan, tusaale ahaan AXMED waa macalin dugsi sare.Waa kuwan sua'alihii ku haboonaa in la isweydiiyo marka mawduuc la falanqaynayo.

Ugu dambayntii su'aalahan sawirka ku qorani waa qaar aynu ku kala qaadan doono aragtiyo kala duwan markaynu ka jawaabno. Kuwaas oo inaga caawin doona inaynu xalal u helno baahiyaha kala duwan ee bulshada.
Waxaan ka soo qaatay buugga :
(ConversationIntelligence)JUDITHE. GLASER.
storvideo: 

W/Diinta iyo Awqaafta JFS oo 400 oo kutubo ah ku...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta kuwareejiyay Wasiir kuxigeenka Cadaaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland, inkabadan 400 oo kutubta quraanka kariimka qawlkii eebe oo loogu tala galay in lagu horumariyo dugsiyada lagu barto qur'aanka kariimka.
kulanki wareejinta kutubtaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaan Axmed ugaas oo ah guddoomiyaha guddiga Cadaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada jubbaland ,guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Jubada Hoose,Wasiir ku xigeenka Cadaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland iyo Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta xukumadda soomaaliya.
Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Jubada Hoose Axmed Nuur iyo xildhiban Axmed ugaas guddoomiyaha guddiga Cadaaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada Jubbaland ayaa kutubtaan loogu deeqay ku tilmaayay mid qayb ka qaadaneysa waxbarida ubadka.
Wasiir kuxigeenka Cadalada,Dastuurka iyo arrimaha Diinta dowlad goboleedka jubbaland Aadan Ishaar Cumar ayaa xusay in dhiiro galintada dugsiyada iyo xarumaha lagu barto Diinta ay tahay mid waajib ah.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta xukumada federalka Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in dowlada soomalaiya ay ka go'an tahay dhiiro galinta waxbarashada gaar ahaan barashada diinta islaamka si looga hor tago in si qaldan loo fasiro diinta.
storvideo: 

Weerar ka dhacay dibedda baarlamanka Tunisa

$
0
0

Booliska Tunisia ayaa maanta oo arbaco ah sheegay inay xireen tuhmane mintid Islaami ah oo laba sarkaal ku mindiyeeyey banaanka dhismaha baarlamanka dalkaas ee magaalada Tunis.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ninka weerarka soo qaaday uu ahaa inay yaqaanaan mas'uuliyiinta, islamarkaana kadib markii uu weerarka geystay uu sheegay in boolisku uu u arko inay yihiin "dabo-dhilif".
Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa waxaa uu ka dhaawacmay qoorta, waxaana loola cararay isbitalka, gaar ahaan qeybta daryeelka deg degga ee xooggan.
Tunisia ayaa waxa ay adkeysay ammaanka goobaha muhiimka kadib weeraro dhimasho lahaa oo dhacay sanadihii dhowaa, oo ay ku jiraan mid ka dhan ahaa ilaalada madaxtooyada ee magaalada Tunis, iyo mid dalxiisayaal lagula eegtay magaalada Sousse.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

Ganacsiga casriga ah ee iibka internetka oo Soomaaliya kusoo kordhay

$
0
0

Siciid Maxamed oo ah hal abuure ganacsi oo da'yar ayaa Soomaaliya kusoo kordhiyay ganacsiga qadka internetka oo badeecooyinka laga dalbado.


Laba Caruur Ah Oo Ku Dhintay War Ay Biyo Ka Cabayeen...

$
0
0

Wararka aan ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe qeybo ka mid ah ayaa waxa ay sheegayaan in War ku taalla tuulada Gumareey ay ku geeriyodeen laba Caruur oo doonayay in ay Biyo ka cabaan.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa sheegay in Wartaas oo ay buuxiyeen Roobab shalay ka da'ay tuuladaas ay labadaasi Caruurta ah ku dhaceen.
Tuulada Gumareey oo dhanka Galbeed 7km u jirta degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababtay in Warta ku taalla ay ku geeriyoodaan laba Caruur ah oo Goob jooguhu Da'doodu uu ku sheegay 8 jir iyo 10 sano jir.
Ugu dambeyn mudo saacado ah oo meydkooda la raadinayay Caruurtaas la helay kadibna la'aasay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Shirkadda diyaaradaha Pakistan oo illowday laba mayd

$
0
0

Waxay ahayd duullimaadkii ugu dambeeyay ee PIA ee New York, waxaana shaqada la wareegeysa Etixaad Airlines.

Ciidamada Puntland oo rasaas ku furay Dad Dibadbax ka dhigayay Boosaaso

$
0
0

Boosaaso  ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa Barqanimadii maanta rasaas xoogan ku furay boqolaal dadweyne ah oo dibadbaxyo ka dhigayay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Waxaana rasaastaasi ku dhintay 1 Qof , iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo shacab ahaa, sida ay xaqiijiyeen Ilo dedeegaanka ah.
Dibadbaxayaasha ayaa ka soo hojeeday xirnaashaha Dekedda Boosaaso, kadib markii ganacsatada Dekeddaasi ay cabasho ka keeneen lacago dheeraad ah oo lagu dalacay.
Waxaana dibadbaxayaashu ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Puntlan Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”
Arrimahahan ayaa ku soo beegmaya, xilli dhawaan Dekedda Boosaaso lagu wareejiyay shirkad Ajanabi ah oo laga leeyahay Dalka Isutaga Imaaraadka Carbta, si ay hormariso Dekeddaasi.
 
The post Ciidamada Puntland oo rasaas ku furay Dad Dibadbax ka dhigayay Boosaaso appeared first on Shabelle.

Ganacsiga casriga ah ee iibka internetka oo...

$
0
0

Siciid Maxamed oo ah hal abuure ganacsi oo da'yar ayaa Soomaaliya kusoo kordhiyay ganacsiga qadka internetka oo badeecooyinka laga dalbado.
Waxa uu leeyahay shirkad lagu magacaabo Muraadso, taas oo uu bilaabay sanadkii 2015-kii isaga oo markaas ka qeybgalayay tartan lagu dhiirogalinayo hal abuurka ganacsi.
Markii koowaad si daran ayuu ugu guuldaraystay in fikradiisa ganacsi ay shaqayso, balse halkaas kuma uusan niyad jabin, wuxuuna waxyar ka badalay qorshihiisa.
Waxa uu la yimid fikrad kale oo ah in uu sameeyo sida ay sameeyaan shirkadaha waaweyn ee reer galbeedka, taasoo ah in ay furaan dukaamo rasmi ah oo dadka toos wax uga iibsan karaan, sidoo kalane ay ku barbar wadaan iibka internetka.

  • Sawirro: Ganacsiga waratada Afrika
  • Hoos u dhac ku yimid ganacsiga Shiinaha

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
"Qaabka isku barbar wadista labada hab waa kan ugu wanaagsan, Amazon hadda waxa ay furtay dukaamo rasmi ah, halka dukaamadii waaweynaa sida Walmart ay iyaguna bilaabeen in ay internetke wax ku iibiyaan" ayuu yiri Siciid.
Hadda macaamiisha waxa ay bilaabeen in marka ay badeecada ku arkaan dukaan, oo ay tijaabiyaan, in marka dambe ay qadka internetka ka dalbadaan, ganacsiga Siciidna waa mid bulaalaya hadda.
Dadka waxa ay lacagta ku bixiyaan adeegga Zaad ee ka shaqeeya jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.
Hadda Muraadso waxa ay furatay dukaamo kala duwan magaalooyinka Somaliland, waxayna qaateen shaqaale ka badan kii hore.
Sida uu sheegay Mathew Reed oo ka tirsan shirkadda Ovum, ganacsiga iibka internerka waa mid kusoo kordhaya qaaradda Afrika, balse wali caqabado ayaa jira.
"Dad badan waxa ay ku noolyihiin nolol hoosaysa, iibka internetka waa adeeg dadka dabaqada dhexe ku habboon, sidaasi darteed caqabada haysata suuqan ma ahan mid Soomaaliya oo kaliya ku kooban" ayuu intaas ku daray Reed.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Balse isticmaalka taleefoonka gacanta oo sii kordhaya awgiis ayaa muujinaya rajo weyn oo ah in suuqan uu sii kordhi doono sanooyinka soo socda. Marka la gaaro sanadka 2020-ka, dad gaaraya 725 malyuun oo qof oo Afrika ku nool ayaa taleefoonada gacanta isticmaali doona.
Soomaaliya waxaa intaas usii dheer qadka internetka ee dhagaatiyada badda hoosteeda lasoo mariyo oo la gaarsiiyay sanadkii 2013-kii, waxaana hawshaasi fulisay shirkadda Liquid Telecom. Dhagaatiyadan waxa ay maraan 11 dal oo Afrika ah.
Magaalooyinka oo sii kordhaya, laguna sii badanayo, iyo dadka oo dhalinyaro u badanaya ayaa ah sababo kale oo kor usii qaadaya adeegsiga suuqan iibka internetka ee afka qalaad loogu yaqaano (e commence).
Meelaha ugu badan ee Muraadso ay macaamiisheeda ku gaarto ayaa ah aaladda Facebook oo Soomaalida intooda badan ay isticmaalaan.
Dalalka Iibka Internetka ku horeeya Afrika waxaa ka mid ah Koonfur Afrika, Kenya iyo Nigeria, waxaana ka mid ah shirkadaha caanka ah Jumia oo u shaqeeysa sida shirkadda Amazon oo kale.
Cabdiqani Diiriye oo madax ka ah shirkadda Innovate Ventures oo Soomaaliya ka dhisan ayaa yiri "Shirkadda Jumia waxa ay garoowsadeen faraqa u dhaxeeya iyaga iyo Amazon, sida kaabayaasha dhaqaale ee Afrika ka jira iyo dhaqanka, sidaas darteed waxa ay hawsha u wajaheen si ka duwan Amazon".
Shirkadaha hadda qorsheynaya iibka internetka waxaa ka mid ah shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo sheegtay in sanadkan dhamaadkiisa ay bilaabayso suuq internetka ah oo wax kasta laga iibsan karo, mana ahan Kenya oo kaliya ee sidoo kale dalalka kale ee Afrika.
Shirkadda Muraadso wali waa shirkad yar, bishii waxa ay kala rogtaa lacag dhan $4,000 doolar, waxayna durba leedahay shirkad kale oo tartan kula jirta oo lagu magacaabo Samionline.com. Diiriye wuxuu qiyaasayaa in shirkado kalana ay soo kordhaan.
"Faa'iidada dadka ugu jirta ayaa ah in aysan u baahnayn in ay waqti badan ku bixiyaan aadista suuqa, ama ay xitaa gaadiid raacaan, wax kasta gurigooda ayaa loogu keenayaa" ayuu yiri Cabdiqani Diiriye.
storvideo: 

Gudoomiye Abdilqadir Jirde oo hadallo seef ah ku...

$
0
0

Gudoomiye Abdilqadir Jirde oo hadallo seef ah ku weeraray Kulmiye, kana codsaday in farriinta Bajaajku uga sido Xamar ay dadka u sheegaan. ( Daawo adaa yaabiye )
Waxa Daabacay staff-reporter on Nov 1st, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Guddoomiye Abdilqadir Jire oo ololihii maanta ka hadlayey beerta xorriyadda ee Hargeysa ayaa ka dhawaajiyey arrimo xasaasi ah. Waxanu toos u weeraray wasiirkii hore arrimaha dibadda Mohamed Abdillaahi oo la sheegay in uu ka yimid magaalada Muqdisho oo uu muddo ku sugnaa.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 15 times.
storvideo: 

Meydka Gabar Soomaali aheyd oo laga helay gobalka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Australia (SONNA) Booliska Queensland ayaa xaqiiyay in meydka haween oo ay ka heleen koofur bari Brisbane inuu yahay Naima Hassan oo 27 jir soomali ah la waayay.
Xubno ka tirsan dadweynaha ayaa ka helay meydka xeebta Birkdale shalay galab saacadu markay ahayd 5:20 Talaadadii.
Booliska ayaa goobta xiray xalay oo dhan waardiye ka hayay iyadoo baarayaashu sugayaan baaritaan lagu samaynayo meydka si loo xaqiijiyo haybta iyo waxa sababay dhimashada.
Askarta booliska ayaa baaritaano dheeraad ah ka waday goobta laga helay maydka maanta oo Arbaco ah.
Naima Hassan ayaa markii u danbaysay qoyskeeda arkeen subixii Sabtida, waxayna inoo sheegeen in xubno ka tirsan qoyska ay soo eegeen Meydka isla markaana ay xaqiijiyeen inay aheyd gabadhooda.
W/Q Xarbi fareey
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaamulka cusub ee golaha deegaanka Xudur oo maanta si rasmi ah u howlgalay

storvideo: 

Shirka maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka oo...

$
0
0

War aan ka helnay shaqsiyaad goob joog ku ah shirka wadatashiga maamuul goboleegyada iyo dowlada Federaalka ayaa dhowr maalin ka socoda xarunta looga arimiyo Soomaliya ee madaxatooyada shir looga hadlaayo ayaaha Soomaliya
Shirka ayaa inta badan lagu xaliyey arimo dhoowr ah oo leysku diidanaa iyadoona xiligaan u muuqatoin uu meel fiican maraayo meelaha qaar leysaga soo dhawaday
Arimaha hada laga hadlaayo ayaa ah dhanka amniga iyo iiska dhafka ciidamada iyo goorta la qaadaayo dagaa'ka uu madaxweynaha Soomaliya iclaamiyey iyadoona xiligaan arimahaas la qorsheeynaayo dhawaana go aan.mideysan laga gaari doono
War hoose aan helnay ayaa sheegay in shirka dhowr cisho qaadan dooono madaama masiirka Soomaliya looga hadlaayo
Kulanka ayaa la soo afjari doonaa ugu danbeen maalinta Sabdiga ee nagu soo aadan
Masuuliyiinta aan la xariirnay ayaa noo sheegay shirka uu meel fiican.maraayo.madaxda Soomalida xiligaan ka muuqato biseel suyaasadeed iyo dareen wadaninimo Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Beesha Abokor Ciise oo Gaadiid Ololaha Loogu Talo...

$
0
0

Berbera(ToggaHerer)-Salaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Abokor Ciise(Ciise Muuse) oo kamid ah beelaha ku dhaqan gobolka Saaxil, ayaa gaadiid loogu talo galay ololaha xisbiga KULMIYE ku wareejisay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.Gaadiidkan oo tiradoodu dhantahay laba, isla markaana loo qorsheeyey inay dardargeliyaan hawlaha ololaha ee uu xisbigu ku jiro, ayaa waxa guddoomiye Muuse Biixi Cabdi gacanta ka geliyey waxgaradka beeshan oo uu hormood u yahay Suldaan Maxamed Cismaan Guuleed(Badda cas), waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay haldoorka beeshan, laguna bogaadiyey kaalinta lama ilaawaanka ah ee kaga jiraan hawlaha olole ee uu xisbigu waqtigan ku jiro.Aqoonyahan Axmed Carab oo kamid ah waxgaradka beesha Abokor Ciise oo ugu horrayn madasha lagu kala guddoomay gaadiidkan ka hadlay, ayaa sheegay inay beel ahaan diyaar u yihiin inay maal iyo maskaxba kaga qaybgalaan ololaha xisbigu ku jiro iyo dedaalka uu ugu jiro inuu hoggaaminta dalka markiisii labaad ku guulaysto, waxana uu tilmaamay kamid yihiin shacabweynaha reer Somaliland eeku qanacsan waxqabadka xisbiga KULMIYE.Suldaan Maxamed Cismaan Guuleed oo kamid ah hormoodka beeshan oo isagu fureyaasha gaadiidkan, ayaa xusay inay deegaan ahaan kaalin muuqata kaga jiraan halganka uu KULMIYE ugu jiro inuu talada markale qabto, isla markaana ay kamid yihiin dadka cuudka iyo cududaba diyaarka ula ah xisbiga KULMIYE.Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan uga mahadnaqay gaadiidka ay waxgaradka beeshani ugu deeqeen KULMIYE, waxana uu xusay inuu gaadiidkani wax badan ka tari doono hawlaha adag ee uu xisigu waqtigan ku jiro.
storvideo: 

Daawo Xaaji Cabdiwaraabe Salaadiintu waxay...

$
0
0

Xaaji Cabdiwaraabe Salaadiintu waxay murashaxiinta ula kala safteen waxay doonayaan in la xanaaneeyo
[embedded content]
storvideo: 

Daawo Suldaan aadan faarax oo ka hadlay kulankii...

$
0
0

Daawo Suldaan aadan faarax oo ka hadlay kulankii madaxweynuhu isugu yeedhay maanta
[embedded content]
storvideo: 

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo...

$
0
0

Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Soo Afmeertay Laba Siyaasaddood Oo Dalka U Hogaamin Doona Dawladda Casriya"Barnaamijkani Waxa Uu Wax Weyn Ka Tari Doona Jaan-Tuska Shaqo Daadajineed Ayaa Fursad Wanaagsan U Siin Donna Shaqaale Walba, Iyadoona Wax Wayn Ka Tari Doonta Shaqaalaha Ka Caban Jiray In Aan Shaqo Loo Dirsan"md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle
Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa maanta soo afmeertay isla markaana si rasmi ah u jaangoysay haggayaasha iyo siyasaadaha qaab-dhismeedka shaqo daadejinta iyo diiwaanka xogta ee Shaqaalaha Somaliland.
Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Masuuliyiinta kale hay'adda shaqaalaha, ayaa maanta Shirweyne ay Hargeysa ku qabatay ku soo afmeertay Siyaasad Casri ah oo lagu habeyn iyo hagid u noqon doono Shaqaalaha kala duwan ee dawladda Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo nidaam dawladnimo casri ah la filaayo in uu qaranka u horseedi doono.
Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraal Saxaafadda ka hor akhriyey oo uu kulanka Barnaamijkan la soo afmeeray maanta ku faahfaahiyey waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan.
Bilowga Dawlad Casri ah "Modern Government" iyo Shaqaale Waajibaad Shaqo kala le "Job Specification" Qof walbana kaalin ku haboon laga hawl geliyo "Right person to the right position".
Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo maanta soo afmeertay haggayaasha iyo siyasaadaha qaab-dhismeedka shaqo daadejinta "Re-organization and Re-structuring" iyo hannaanka keydka iyo diiwaanka xogta "Record Management"
- Iyadoo muddooyinka sannadaha ahaa ee shaqaalaha dawladdu ka hawl galayeen wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee dawladu dareemayeen shaqo shaqaalaha qaar uun ku urursan iyo daadajin la'aan shaqo ayaa xog-ururin, xaalad darsid iyo xog-ogaal u noqosho kadib waxaa maanta lasoo saaray saablayda shaqo ee 8 hay'adood oo dawli ah kuwaas oo loo qaatay tijaabo
- Jaan-tuska Shaqo daadajineed ayaa fursad wanaagsan u siin donna shaqaale walba oo ka hawl gala Wasaarad dawladeed in uu noqdo mid shaqo ku foogan iyadoona wax wayn ka tari doonta shaqaalaha ka caban jiray in aan shaqo loo dirsan ama aan aqoontiisa laga faa'idaysan
- Dib u habayntan saablayda shaqo ayaa muujin doonta baahida dhabta ah iyo nooca shaqaale ee Wasaaradu u baahan tahay waxaanay iftiiminaysa in qof walba halka uu ku haboon yahay la dhigo "Right person to the right position"
- Sidoo kale jaantuskan ayaa wata waajibaadkii shaqo "Job Specification" taasi oo masuulka maamulka ah u fududayn doonta in uu shaqaalaha la xisaabtamo
- Waxaa iyadna isla maanta lasoo afmeeray haggaha iyo siyaasada keydka iyo xafiddida xogta , kaasi oo wax weyn ka tarri doona sida Wasaaradaha iyo hay'adaha dawladu u yeelan lahayeen xafiis keyd oo dhamaan macluumaadka shaqaalaha iyo guud ahaanba xogta shaqo ee goobta ka socda lagu ilaasho
- Ilaalinta iyo keydinta xogta ayaa dawladda ka dhigi doonta mid horusocod le isla markaana masuulka cusub ku hogaamin doonta qabyo-tirka intii qabsoontay iyo qorshaynta kuwo cusub
Arimahan ayaa shaqada iyo shaqaalaha dawlada u hogaamin doonta dawlad casri ah qof walbana dhigi doonta halkii uu ku haboonaa.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa la idin kaga fadhiyaa...

$
0
0

Muqdisho, 1 November 2017---Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab. "Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go'an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda. "Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live