Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Filanwaagii Guuldaradda Ee Xisbiga——-!

$
0
0


In aad loollan siyaasadeed ku guulaysato ama ku guuldarraysato amaba aad dagaal guul kala hoyato, waxa ay ku xidhan tahay in aad marka horeba guul iyo guuldarraba ku talogasho.
Loollan marka aad gelayso si aad u guulaysato waa in aad filan kartaa in lagaa guulaysto, filashadaasi laba faa'iido ayay leedahay:

  • Marka aad filanayso in lagaa guulaysan karo waxa aad bixinaysaa dadaal badan, si aad libta u hesho oo aan lagaaga guulaysan, filashada noocan ahi waa dhiirigelin.
  • Waxa aad aqbalaysaa guuldarrada haddii lagaa guulaysto, waayo waxa aad rumaysnayd inay guuldarradu suuraggal tahay, aqbalaadda noocan ahi waxa ay dawo ka tahay niyadjab kugu yimaadda oo aad si kama danbeys ah u guuldarraysato, dibna u hollan waydo loollan danbe.

Tartankii madaxnimo ee ay xisbiyada saddexda ah ee soomaaliland (Kulmiye, Waddani iyo Ucid) loogu kala codeeyey 13/11/2017, waxa si aad isugu dhow natiijada isugu haysta labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.
Ma jiro war kama danbeysa ah ama u dhow, oo labadaas xisbi mid ka mid ah siinaya guusha.
Xaqiiqadu waxa weeye in ay labada xisbi ku kala cod badan yihiin gobollada qaarkood, oo midkoodba meelo ku horreeyo.
Hase yeeshee, in xisbi hebel meel heblaayo codka ku hoggaaminayo kama dhigayso inuu guulaystay guul kama danbeys ah.
Warku waa gaajo, qofku marka uu gaajoonayana dhegahiisu wax baahitira ayuun bay maqlaan, hadba nooca baahidiisu tahay ee naftu jeceshahayna wuu u dhega nugulyahay.
Dadka oo loo sheego war aan la hubin oo aan dhab ahayni waxa uu keeni karaa dhibaato wayn oo aan la saadaalin karin cidhib xumadeeda.
Sidaas oo kale diin ahaan waxa layna faray in aynnu iska hubinno wararka laynoo sheegayo, oo aynaan wax kasta oo aynnu maqallo gudbin, inta aynnu runnimadiisa ka hubinayno, haddii uu warkaagu waxyeello - horreysa ama danbeysa - geysanayana in aad sheegtaa waaba reebban yahay, xattaa hadduu run yahay, waa haddii aan laga faa'iidayn dheef ka wayn dhibta ka dhalanaysa.
Haddii dadka dhegaha loogu rido in xisbiga Waddani guulaystay oo dhab ahaan uu shanta sannadood ee soo socda dalkan xukumi doono ama la yidhaahdo xisbigeenna Kulmiye ayaa guullaystay oo weliba guul kama danbeys ah ku badiyey, ka dibna kolka si dhammaystiran loo tiriyo codadka ay soo baxdo in warkii lagu seexday mid aan ahayn uu komiishankii doorashooyinku sheegay, taasi waxa ay keeni kartaa u qaadan waa iyo kalsooni darro guddida laga aamino iyo weliba, in dadkii warka guusha ah la liqsiiyey ay qaadan kari waayaan guuldarrada iyo madax xanuunkeeda.
Sidaa awgeed waxa aan dadka qoraalkaygan akhriyi doona ee xilkaska ah ku waaninayaa in ay ku talo galaan suuraggalnimada guusha iyo guuldarrada, sababtuna waxa weeye codadka xisbiyadu aad iyo aad ayay isugu dhowyihiin, haddii xisbi hebel uu gobol hebel ku horreeyo intaa in u dhiganta ayuu xisbiga kalena ku horreeyaa gobo kale.
Haa, xog ogaal ayaan u ahay in dadweynaha kala taageera labada xisbi mid walba warka uu jecelyahay laga dhergiyey, hase yeeshee xaqiiqadu waxa ay ka qiimo badan tahay xigtaysiga iyo xayeysiiska aan dhabta ahayn.
Inaga oo filaynna guul iyo guuldarro labadaba aynnu ka warsugno natiijada ay guddida doorashadu ku dhawaaqi doonaan maalmaha soo socda.
Ninkii aad la jeclayd in uu ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya madaxnimada Soomaaliland waad la dadaashay oo la ololaysay oo haddana u codaysay, intaasba adiga oo yeelay haddana, ogsoonow in wadajirka iyo ilaalinta danta guud ee ummaddu uu ka mudan yahay ninka kursigaas hanan doona.
Muddadi lagu jiray ololaha doorashooyinka waxa bulsho ahaan ina soo gaadhay dhaawac wayn dhinaca dhaqaalaha, anshaxa iyo wadajirka bulshadaba, aynnu ka shaqaynno sidii aynnu dib ugu dhayi lahayn dhaawacaas si wada jir ah.
Ololihii doorashadu waxa uu inagaga tegay raad xun oo qabyaaladeed, Alle waxa aynnu waydiisanaynaa in aanay natiijaduna inagu sii fogayn xumaantaas la soo toosiyey ee lagu ololeeynayey bilihii ina dhaafay.
Guul waarta, nabadgelyo iyo horrumar dhinac wal oo wanaagsan ba ah ayaan Alle uga rajeynayaa dalkan iyo dadkiisa.
Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)
Email: Tubtatoosan02@gmail.com
storvideo: 


Cabdiraxmaan Caynte oo Xukuumadda Soomaaliya ku...

$
0
0

Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte ayaa xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay sida geed qalllalay oo caleentiisu dhulka ku hoobanayso,kadib markii ay is-casileen labo Wasiir oo muhiim ah.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xukuumadda Soomaliya ay lamid tah geed bolol ah oo sii dhimanaya,islamarkaana aan nuxur iyo neecaw midna lahayn."Caleemaha geedku marka ay qallalaan(engagaan) way hoobtaan. Geedkii oo aan nuxur &neecaw toona laheyn ayaa bolola,ka hor intuusan dhiman,kaddibna qambobin. Kolkaas ayaa qashinkiisa la iska xaaqaan #Somalia",ayuu yiri Cayne.
Hadalka Caynte ayaa ku soo beegmay,xilli ay maanta is-casishay Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed,iyadoo sheegtay in ay ku adkaatay duruufta shaqado ee Wasaaradda oo ay ku tilmaantay"mid isku-qasan oo is-barbaryaac ah".
Wasiirkii Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxmmed ayaa sidoo kale is-casilay 12 bishii hore ee October,kadib markii uu soo baxay fashil ku aaddan dagaalka xukuumadda Soomaaliya ee dalka looga saarayo Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey shirkii madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka adkaan waayeen Al-shabaab,islamarkaana raadinayaan qorshe kale.
Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud. Bishii June ee sannadkaan ayaa madaxweyne farmaajo u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka UK,inkastoo uu durbadiiba iska casilay.
The post Cabdiraxmaan Caynte oo Xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay geed qallalay oo caleentiisu daadanayso. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Waa dhammaadka jiritaanka Argagixisada iyo billowga...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa si dar dar leh u wada howlgalada la doonayo in deegaanada fara ku tiriska ah ee dalka ay kaga dhuumanayaan Maleeshiyada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab looga xorreeyo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka, ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamo gaar ah loo diyaariyey in Nabad diidka Alshabaab ay ka saaraan dalka, waxaana Ciidamadaasi loo dhammeeyey saanad Ciidan, Gaadiid dagaal, Hub, raashin iyo Xaquuq joogto, taasi oo waxbadan ka tari doonta in si dar dar leh ay ku socdaan howlgaladaasi.
Shacabka Soomaaliyeed, ayaa iyagguna dagaalka Maleeshiyada Alshabaab dalka looga xorreeynayo ka qeyb qaadanaya, waxaana durba bilaabatay in Haweenka Soomaaliyeed Biyo iyo Raashin ay furumaha dagaalka ugu geeyaan Ciidamada Difaaca.
15-11-2017, maanta Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ku warreejiyeen Sahay fudud oo isugu jirta Caano, Buskud iyo Timir, waxayna ugu talo galeen Ciidanka Jiida hore ee dagaalka ku jira inay isticmaalaan.
kadib dhacdaddii dhiigga badan uu ku daatay ee ka dhacday isgooyska 14 Oktoobar Ex Zoobe, waxaa la arkayey qeybaha kala duwan ee bulshada oo xeryaha Ciidamada iyo xarumaha kale ee Dowladda imaanaya, kuwaasi oo codsanaya in loo fududeeyo siddii ay qeyb uga noqon lahaayeen dagaalka wadajirka ah ee Nabad diidka lagu ciribtirayo, taasi oo ku tusineysa in Shacabka ay arkeen wado kol horre ka qarsooneed.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa abaabulkii ugu dambeeyey ugu jirta in Nabad diidka Dalka oo dhan laga xorreeyo, waxaana Madaxda dalka ugu sarreeysa ay xirteen Tuutaha dagaalka, iyaggoo balan qaaday in dhiiggii ay u shubeen dadkii ku dhaawacmay Xasuuq Ex Zoobe, badalkiisa ay furinta ku shubi doonaan dhiig lagu tabaruci doona Ciidanka, waxayna arrintaas dhiiri gelineysaa Ciidamadeena oo darreemaya in Madax u heelan ay hareer taagan yihiin.
Dhalinyaradda Soomaaliyeed, ayaa iyagguna muujinaya kaalintooda dagaalka, waxayna wadaan wacyi gelin iyo abaabul ballaaran oo bulshada ay ugu iftiimanayaan xorreynta dalka inay ka qeyb galaan, waxaana xalay ay Magaaladda Muqdisho ku qabteen Munaasabad loogu magac daray Kacdoonka Nabadda, taasi oo loogu baroor diiqayey dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacday Xasuuqii 14ka Okotoobar, R/wasaare Xasan Cali kheyre, ayaana ka qeyb galay Munaasabaddaasi, isaggoo boggaadiyey doorka dhalinyaradda, sheegayna in dhalinyaradda Soomaaliyeed hadda ay soo jeesteen.
Kooxda Alshabaab oo sanadihii ugu dambeeyey la daalaa dhaceysay itaal yari iyo dhabar jab xooggan, ayaa wixii ka dambeeyey markii ay geeysteen Qaraxii dadka badan ay ku waxyeeloobeen ee Ex Zoobe ka dhacay 14kii Oktoobar waxaa soo wajahay qal qal iyo kala shaki kooxda dhexdeeda ah, waxaana dhibka hadda ay ka seexan la'yihiin uu yahay siddii ay ka yeeli lahaayeen hirka weyn ee kusoo wajahan, kaasi oo ay aaminsan yihiin horjoogayaasha sare ee Alshabaab in ay ku kala firxan doonaan.
Dhowaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibadooda caalamka waxay Magaaladda Jilib ee Gobolka jubbada dhexe duqeen ay ka fuliyeen ku bartilmaameedsaday xaruntii ugu weyneyd ee Alshabaab ay ku sameyn jireen qaraxyada ay ku laayaan dadka shacabka ah, waxaana Ciidamada halkaasi ay ku dileen 81 oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad dagaalmayaal ahaa, sida uu xaqiijiyey Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Eng Yariisoow.
Isku soo wada duub makaad Eegto sida hadda ay wax u socdaan, waxaan arkeysaa Bulshada qeybaheeda kala duwan, Saraakiisha Ciidamada iyo Madaxda sare ee dalka oo markaan isku hadaf ah, lehna hal aragti oo ah in ay isku kaashaan dagaalka Kooxda arxanka darran ee Alshabaab Soomaaliya looga xoreynayo, waxaana shaki ku jirin in la marayo dhammaadka Argagixisada iyo bilowga Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
W/Q:- C/raxmaan Maxamed Gacan
storvideo: 

Xaaska Robert Mugabe oo baxsatay & Afganbi ka socda...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Saraakiil ka tirsan mucaaradka Zimbabwe ayaa wargeysyada u sheegay in xaaska Madaxweynihii Zimbabwe Grace Mugabe ay ka baxsatay dalka.
Saraakiisha ayaa sheegay in Grace Mugabe ay sacado un ka hor xiliga kacdoonka u dhooftay dalka Namibia oo ay ka heshay magan galyo Siyaasadeed.
Waxa ay tilmaameen in Grace Mugabe ay ka daran tahay Madaxweynaha dalkaasi oo isna ku jira Xabsi guri, waxa ayna sabab ka dhigeen inay aheyd shaqsiyada maskaxda u aheyd Mugabe.
Ciidamada Militariga ee dalka Zimbabwe ayaa xalay saqdii dhexe iyo arooryadii Saaka oo Arbaca ah la wareegay Telefishinka dowlada ZPC iyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada.
Warbaahinta Zimbabwe qaarkood ayaa qoraaya in afganbi uu ku socdo dalka Zimbabwe, isla markaana ciidamo mucaarad ah ay isku go'doomiyeen qasriga Zimbabwe.
Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Militariga oo kasoo muuqday Telefishinka ayaa sheegay in hawlgalka socda uusan ahayn afgembi balse ay wadaan hawlgal ay kusoo qab qabanayaan burcad ku hareeraysan Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, ayuu yiri Gen.Moyo.
Hawlgalkan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo la filayey inuu noqon doono ninka xilka kala wareegi doona.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday Asbuucii hore Mr. Emmerson Mnangagwa ayaa taageero badan ku leh Militariga dalkaasi.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

East African bloc calls for sustaining peace in warring Somalia regions

$
0
0

Africa’s regional bloc IGAD on Tuesday called on the international community to sustain and build peace between Somalia’s rival regional states of Puntland and Galmudug.
A statement issued after a two-day meeting, the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) vowed to work with Somalia’s federal government and Puntland and Galmudug administrations to find a lasting solution to the protracted clashes over control of the central town of Galkayo.
Galkayo is currently divided into two districts, with Galmudug governing the south and Puntland the north. The town has been plagued by recurrent clashes between the neighboring states over its control.
The ceasefire deal signed in January between President Abdiweli Mohamed Ali of Puntland and President Abdikarim Hussein Guled of Galmudug ended clashes between forces of the rival states, which first broke out in October 2016, killing over 50 people including civilians and displaced over 90,000 others.
By signing the deal, the state presidents agreed to cease hostilities by withdrawing forces from the disputed town and to build confidence between the two state administrations.
IGAD called upon Puntland and Galmudug administrations to proactively support the peace committees to fully engage in the upcoming peace-building efforts.
“IGAD remains committed to supporting the federal government of Somalia in its mandate to build peace, security, and stability in Somalia,” it said.
IGAD through its Special Mission to Somalia (SMS) organized a two-day Consensus Building Preparatory Workshop for peace-building and the implementation of the different ceasefire and peace agreements signed between Puntland and Galmudug over Galkayo disputes.
The workshop brought together governors and mayors of Puntland and Galmudug to discuss a roadmap to bring about a lasting peace.
The post East African bloc calls for sustaining peace in warring Somalia regions appeared first on Shabelle.

Sawiro: Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay shirka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Roma (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo arrimaha magaalooyinka Afrika oo ka furmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka socda Afrika, Maaamulada magaalooyin iyo Duq magaalooyinka wadamo ku yaala Afrika, Ururo, Hey'ado Caalami ah iyo Bulshada Rayidka magaalooyinka.
Guddoomiye Taabid ayaa waxaa shirkan ku wehliya Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Rome iyo Mas'uuliyiin kale.
Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay kobaca ay sameynayaan magaalooyinka Afrika, horumarada ka jira Qaaradda iyo arrimo kale.
Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa Khudbad ka jeediyey shirkan oo uu uga hadlay horumarka iyo is bedelka ka jira magaalada Muqdisho, muddo 27 sanno kaddib bur burkii.
Gudoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri:
" Waxaan maanta magaalada Rome - Italy uga qeybgalay shir caalami ah oo lagu casumay dhoor magaalo ee qaaradda Aftica oo ay Wasaaradda Arimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga nagu casuntay. Waxaa sharaf weyn ii aheyd anigoo matalaya Magaalada Muqdisho in aan ka hadlo arimaha aminga, nabadgelyada & magaalo-uguurista (Urbanization) oo sii kordheysa. Waxaan u mahadcelinayaa Safiir Cabdiraxman Sh. Ciise & teamka Safaaraddeena oo si diiran inoo soodhaweeyay"

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somali Minister quits, 2nd in less than two months

$
0
0

Somalia’s Minister for Humanitarian Affairs and Disaster Management, Dr. Maryan Qasim Ahmed suddenly resigned on Wednesday, citing personal circumstances.
The minister announced her resignation during a press conference in Mogadishu.
Qasim who was among the cabinet appointed by Prime Minister Hassan Ali Khayre in late March this year has made a significant work on the humanitarian situation in the country.
She becomes the second minister to resign since last month as the government is struggling to step up the fight against Al Shabaab and restore peace in Somalia.
Last month, the country’s minister of defense, Abdirashid Abdullahi Mohamed has stepped down, along the National Army Chief, without giving reason to the sudden resignations.
The post Somali Minister quits, 2nd in less than two months appeared first on Shabelle.

Madaxweyne Mogabi oo xabsi guri ku jira iyo ammaanka...

$
0
0

Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF. Xiisadduna waxa ay cirka isku sii shareertay maantii Salaadadii markii gawaadhi qafilan lagu arkay iyaga oo la dhigayo duleedka waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Haraare, inkasta oo aanay caddayn ujeeddadoodu.
storvideo: 


Somali Minister quits, 2nd in less than two months

$
0
0

Somalia's Minister for Humanitarian Affairs and Disaster Management, Dr. Maryan Qasim Ahmed suddenly resigned on Wednesday, citing personal circumstances.
The minister announced her resignation during a press conference in Mogadishu.
Qasim who was among the cabinet appointed by Prime Minister Hassan Ali Khayre in late March this year has made a significant work on the humanitarian situation in the country.
She becomes the second minister to resign since last month as the government is struggling to step up the fight against Al Shabaab and restore peace in Somalia.
Last month, the country's minister of defense, Abdirashid Abdullahi Mohamed has stepped down, along the National Army Chief, without giving reason to the sudden resignations.
storvideo: 

East African bloc calls for sustaining peace in...

$
0
0

Africa's regional bloc IGAD on Tuesday called on the international community to sustain and build peace between Somalia's rival regional states of Puntland and Galmudug.
A statement issued after a two-day meeting, the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) vowed to work with Somalia's federal government and Puntland and Galmudug administrations to find a lasting solution to the protracted clashes over control of the central town of Galkayo.
Galkayo is currently divided into two districts, with Galmudug governing the south and Puntland the north. The town has been plagued by recurrent clashes between the neighboring states over its control.
The ceasefire deal signed in January between President Abdiweli Mohamed Ali of Puntland and President Abdikarim Hussein Guled of Galmudug ended clashes between forces of the rival states, which first broke out in October 2016, killing over 50 people including civilians and displaced over 90,000 others.
By signing the deal, the state presidents agreed to cease hostilities by withdrawing forces from the disputed town and to build confidence between the two state administrations.
IGAD called upon Puntland and Galmudug administrations to proactively support the peace committees to fully engage in the upcoming peace-building efforts.
"IGAD remains committed to supporting the federal government of Somalia in its mandate to build peace, security, and stability in Somalia," it said.
IGAD through its Special Mission to Somalia (SMS) organized a two-day Consensus Building Preparatory Workshop for peace-building and the implementation of the different ceasefire and peace agreements signed between Puntland and Galmudug over Galkayo disputes.
The workshop brought together governors and mayors of Puntland and Galmudug to discuss a roadmap to bring about a lasting peace.
storvideo: 

Daawo: Cabdiqaadir Jirde oo Jawaab Siiyey Afhayenka...

$
0
0

Daawo: Cabdiqaadir Jirde oo Jawaab Siiyey Afhayenka Kulmiye Xaalna ka bixiyey Hadal uu Dhibsaday Gudoomiye Ciro Oo ka soo yeedhay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye
[embedded content]
storvideo: 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Tacadiyada Garsoorka Radio Shabelle 15-11-2017,

Natiijadii doorashadii Somaliland ka qabsoontay...

$
0
0

Natiijadii doorashadii Somaliland ka qabsoontay 13kii bishan oo mugdi badani hadheeyey, cabsina laga qabo in khilaaf hor leh ay ku keento xisbiyada.
Waxa Daabacay staff-reporter on Nov 15th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - 13kii bishan Nov. sannadka 2017 oo immiga laba maalmood uun laga joogo, ayey ahayd maalintii ay dadka reer Somaliland sida sharafta leh ugu dareereen una guteen doorashadii muddada la sugayey. Waxana ay dadweynuhu u codeeyeen si nabad iyo karaamo leh. Laakiin waxa shiki badani soo baxay markii ay taageerayaasha xisbiyadu isla habeenkiiba social media-ha soo geliyeen tirooyin is dhaaf ah oo ay ugu kala abtirinayaan goobihii ay sanaaduuqdu yaalleen. Muran iyo faan ayaana ka dhex bilowday xisbiyadii iyo taageerayaashoodii. Illaa iyo immigana waxa socda tartankii iyo dagaalkii social media-ha ay isku dhaafsanayeen taageerayaasha xisbiga iyo weliba madaxda xisbigu.
Xilligan aan joogno waxa murankii gudaha u galay xarunta Komishanka oo guddiga Komishanka loo tirinayo in aanay illaa immiga qaadin tallaabadii kaga habboonayd soo af-jaridda natiijada iyo in ay ku dhawaaqaan sidii ay xisbiyadu u kala heleen. Beddelkeediina waxa la sheegayaa in ay madaxda xisbiyada ka sugayaan amar iyo oggolaasho ay ku iclaamiyaan natiijada. Taasi oo seeggan sharciga Komishannada caalamiga ah iyo ta Somaliland ee loo igmaday.
Saxaafadda Awdalpress oo xuuraamisay sababta keentay in uu dib u dhac ku yimaaddo in la iclaamiyo natiijada iyo culasyka uu yeelan doono buuqa iyo sawaxanka laga maqlayo dadka kala taageera xisbiyada, ayaa ah mid loo sibir saarayo mad madaw ka dhex jira Komishanka.
Wakhtiga la codeeyey iyo habka ay muwaaddiniintu codka u dhiibteen waxa ay ahayd mid shacabka farax gelisay, caalamkana soo jiidatay, laakiin waxa ay kharribantay markii ay Komishanku awoodi kari waayeen in ay si deg deg ah u soo saaraan natiijada. Halka ay maanta maraysaana waa meel aad u adag, oo haddii ay xataa ku dhawaaqaan aan u cuntamayn dadkii codeeyey iyo xisbiyadii loo kala codaynayey.
Sababta ay sidani u dhacday ayaa dad badan oo doorashada danaynayey su'aalo iska weydiinayaan, waxana la kala garan la'yahay in musuq-maasuq iyo wax is daba marini ay jirto iyo in aanu jirin sharci kala xadaynaya hawsha sidii loo maamuli lahaa, gaar ahaan sidii natiijada loo gaadhi lahaa.
Sidoo kale, waxa iyana mid ay dadku la yaabban yihiin ah, sababta ay mas'uuliyiinta xukuummadda Somaliland qaarkood faraha ugula jiraan sanaaduuqda iyo goobaha cod bixintu ka dhacday ee weli aan sanaaduuqda laga soo qaadin amma loogu eedaynayo in ay sanaaduuqda qaar u xanniban yihiin mas'uuliyiin aan ahay Komishanka.
Isku soo wada duuboo, waxa bulshada reer Somaliland iyo caalamkuba indhaha ku hayaan, sidii ay natiijadu u soo bixi lahayd, xisbiyaduna ay ugu qanci lahaayeen. Wakhtiga ay Komishinku dheereeyeen ayaana shakiga oo dhan keenay.
Awdalpress
This post has been viewed 225 times.
storvideo: 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle 15-11-2017

Dhulgariir ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed

$
0
0

Dhulgariirka naadirka ah ee ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed Arbacadii waa mid kii labaad ee ugu awoodda badnaa ee dalkaas soo mara abid, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay 5.4 ayaa galinkii dambe ku dhuftay magaalo xeebeedka Pohang ee ku taalla koonfurtaa-bari ee dalkaas, intaas ka dibna dhulka ayaa marar badan dhaqdhaqaaqay.
Ugu yaraan 57 ayaa ku dhaawacan tahay in kabadan 1,500 oo ruuxna hoy la'aan ayay noqdeen.
Tallaabo aan horray loo saadaalinina, wasaaradda waxbarashada ayaa dib u dhigtay imtixaankii qaran ee qorshaysnaa in ardayda laga qaado Khamiista.
Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warrantay in ay tahay markii koobaad ee arrin dabiici ah ay baajiso imtixaankan qaran ee ardayda iyo waalidka ay ku qaadato in ay u diyaargaroobaan billooyinka.PUNTLAND POST
The post Dhulgariir ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Somaliland oo shaacisay xiliga lagu dhawaaqayo...

$
0
0

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey Waqtiga ay ku dhawaaqayaan Natiijada Codadkii ay shacabka Somaaliland ku soo dooranayeen hogaanka shanta sano ee soo Socotaa.
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay soo afjareen tirinta coddadkii ay kala heleen xisbiyadu, balse ay dib u dhigeen ku dhawaaqida Natiijada, si ay u xaliyaan cabashooyin ka yimid qaarka mid ah xisbiyada Mucaaradka oo sheegay in Xisbiga talada haya ee Kulmiye uu Doorashada ku galay dhamaan Awoodii Dowladda.
Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse ayaa sheegay inay Natiijada si rasmi ah ay ugu dhawaaqi doonaan 17-bishaan oo ah maalin Jimco ah ka horna ay dabagal iyo hubin ay ku sameynayaan Suurto-galnimada in Musuq-maasuq uu dhacay.
Dhanka kale xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa guulo hor-dhac ah mid walba ka sheegtay doorashadii 13- November ka dhacday Somaliland.PUNTLAND POST
The post Somaliland oo shaacisay xiliga lagu dhawaaqayo Natiijada Doorashada appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

War deg deg ah-: Wasiirka Maaliyadda oo ka baxay...

$
0
0

Sida ay xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre waxaa goor-dhaw ka baxay Shirka Golaha Wasiirada oo ka socda Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle kadib muran soo kala dhax galay Wasiirka iyo Ra'iisal Wasaaraha.
Saraakiil lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirka uu soo bilaawday Saakay 9:15 Amilaa waqtigaana uu ka socda Guriga Ra'iisal Wasaaraha waxaana jira doodo kulul oo u dhaxeeya Xubnaha ka qeyb galaya Shirkaas.
Wasiirka Maaliyadda iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa la sheegay in ay dood dhaxmartay Muddo dhowr daqiiqo ah kadibna waxaa Shirka ka soo baxay Wasiir Bayle.
Lama oga waxa uu salka ku haayo Khilaafka Wasiirka iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Arintaan ayaa ku soo beegmayso iyadoo maalintii Shalay ay ku dhawaaqday iscasilaadeeda Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maryan Qaasim Axmed waxayna iscasilaadeeda u cugsatay is bar bar yaaca ka jira Shaqada Xukumadda.
storvideo: 

UN urges KDF to stop Somalia charcoal export

$
0
0

The United Nations Security Council on Tuesday urged the Kenyan Defence Forces (KDF) to implement a ban on charcoal exports which earns Al-Shabaab at least Sh1 billion ($10 million) a year.

In adopting a resolution renewing the ban, the council acted on the basis of a UN monitoring group finding that Al-Shabaab earns at least $10 million a year by shipping charcoal primarily to Dubai.

KDF contingents assigned to Amisom are specifically cited in the UN monitors’ report as having failed to assist Somali authorities in blocking charcoal exports.

The report notes that Kenyan troops are deployed at the two ports in Somalia from which Shabaab sends charcoal to Dubai.

KDF commanders have denied the monitors access to those ports in Kismayo and Buur Gaabo, the report states.

The council resolution adopted by a vote of 11 in favour and four abstentions urges Amisom to assist Somali authorities in “implementing the total ban on the export of charcoal from Somalia.”

In a clear reference to the KDF units accused of preventing UN monitors from investigating the charcoal trade, the resolution “calls upon Amisom to facilitate regular access for the (monitors) to charcoal exporting ports.”

The resolution also threatens unspecified “measures” for failure to comply with the charcoal ban. UN monitors are urged in the resolution to continue focusing on efforts to enforce the ban adopted in 2012.

Efforts by a 32-nation coalition of maritime forces to “disrupt” the export of charcoal from Somalia are likewise endorsed in the council’s resolution.

Addressing the 15-member body on Monday, Somalia UN Ambassador Abukar Dahir Osman said he particularly welcomes steps to fully implement the charcoal ban.

The resolution also renews for one year the partial lifting of an embargo aimed at preventing arms trafficking to Somalia.

The country’s government is permitted to make limited imports of weapons under the revised terms of the embargo.

The four countries abstaining in Monday’s vote were Bolivia, China, Egypt and Russia.

Their decision to withhold affirmative votes was reportedly motivated in large part by disagreement with the resolution’s renewal of sanctions against Eritrea.

UN monitors say they have no evidence of Eritrean support for Shabaab.

Such alleged assistance was the basis for the punitive measures taken by the council against Eritrea in 2009.

The post UN urges KDF to stop Somalia charcoal export appeared first on Shabelle.

Shirka Golaha Wasiirada ee lagu waday in lagu qabto...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo lagu waday in maanta lagu qabto Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed ayaa baaqday, sababo aan la shaacin darteed.
Balse kulanka Golaha Wasiirada ayaa goor dhwaweyd ka dhacay Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo qoddobo kale.
13 bishii July ee Sanadkan ayey ahayd markii kulanka Golaha Wasiirada lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland.
Waxaana tan iyo xilligaasi kadib Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay in kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada lagu qaban doono dhammaan xarumaha Maamul Goboleedyada ka jira Dalka.
storvideo: 

UN urges KDF to stop Somalia charcoal export

$
0
0

The United Nations Security Council on Tuesday urged the Kenyan Defence Forces (KDF) to implement a ban on charcoal exports which earns Al-Shabaab at least Sh1 billion ($10 million) a year.
In adopting a resolution renewing the ban, the council acted on the basis of a UN monitoring group finding that Al-Shabaab earns at least $10 million a year by shipping charcoal primarily to Dubai.
KDF contingents assigned to Amisom are specifically cited in the UN monitors' report as having failed to assist Somali authorities in blocking charcoal exports.
The report notes that Kenyan troops are deployed at the two ports in Somalia from which Shabaab sends charcoal to Dubai.
KDF commanders have denied the monitors access to those ports in Kismayo and Buur Gaabo, the report states.
The council resolution adopted by a vote of 11 in favour and four abstentions urges Amisom to assist Somali authorities in "implementing the total ban on the export of charcoal from Somalia."
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live