Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shirkii Golaha Wasiirada XFS oo ka dhici lahaa...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Shirkii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka soconaya magaalada Muqdisho.
Waxaa shir guddoominaya ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,iyadoo looga hadlayo howlaha horyaala Golaha WasiiradaXukuumadda Soomaaliya.
Waxaa lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo,balse waxaa dib u dhac uu ku yimid in shirka uu ka dhoco Baydhabo,maadaam halkaasi ay ka socoto qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabdda lagu xusayo sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegatay markii la dhisay maamulka koonfur Galbeed oo uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo munaasabadaasi ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana soconaysa qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadaasi.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiirka Waxbarashada XFS oo heshiis la saxiixday Hay'adda Amiin Ambulance ee Muqdisho

storvideo: 


Soomaali  Lagu Soo Eedeeyey Inuu Haweeney Si Dadban...

$
0
0

Amiin Maxamed oo 18-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minesota, kadib, markii lagu soo oogay inuu Haweeney la saarnayd Bas uu taataabtay.
Eedeysanaha ayaa lagu soo oogay Dembi ku aadan Isku-day Fal Galmood ah, iyo inuu Haweeneyda ka taataabtay inta u dhexeysa labadeeda lugood, waa sida hadalka loo dhigay.
Telefishin la mataano ah CBS ayaa sheegay inuu Amiin Maxamed falkaasi geytay, xilli ay isaga iyo haweeneyda wada fadhiyeen Laba Kursi oo isku dhow.
Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay haddii lagu helo Eedeymaha lagu soo oogay inuu muteysan doono Xabsi Hal sanno ah ama Ganaax dhan 2,000 oo Dollar.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Wasiirka Amniga oo sheegay in Maamul Goboleedyada ay...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya iyo dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira ay siwadajir uga qeyb qaadan doonaan sugida amniga dalka.
Waxa uu sheegay in heshiiskii London lagu gaaray iyo kii Muqdisho uu qeyb ka ahaa in siwadajir ah leyskaga kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshooyinka amniga loogu talo galay.
Hadalkaan ayaa Wasiirka Amniga Soomaliya waxa uu sheegay xili uu soo xirayay Shir looga hadlayay amniga oo ka socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Maraykanka Oo Sheegay Inay Bishaan Somalia Ka...

$
0
0

War-saxafaadeed ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayey ku sheegeen inay bishan tahay tii ay ugu dhaqdhaqaaqa badnaayeen abid ee ay Duqeymo ka fuliyaan gudaha Somalia.
War-xaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Kala-barka bishan November oo keliya ay fuliyeen duqeymo ka badan kuwii ay fuliyeen tan iyo markii ay Hawlgalka Duqeymaha ka bilaabeen Somalia sannadkii 2007-dii.
AFRICOM waxay kaloo sheegeen inay bishan November 14-dii qaadeen duqeymo dhinaca Cirka oo ay la beegsadeen Dagaalamayaal Alshabaab oo ku sugnaa meel 60 mayl dhanka W/galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Bilowgii bishan, Maraykanka waxay ballaariyeen duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Somalia. Waxaana duqeymahaasi ka mid ahaa mid lala beegsaday Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee ku sugan W/bari Somalia.
Duqeymaha ka dhanka ah Kooxda Daacish-ta Somalia ee ay Maraykanka fuliyeen ayaa la sheegay inay gaarayaan 5 duqeyn oo ka mid ah 8- da jeer ee Duqeymaha ay Maraykanka bishan ka fuliyeen gudaha Somalia.
Kordhinta Duqeymahaasi ayaa la sheegay inay daba joogto Go'aankii uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump bishii March ku fasaxay in ay Ciiddankiisa awood u isticmaalaan Weeraradooda ka dhanka ah Alshabaab.
Sidoo kale, Waaxyaha Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay labadooda ku eedeeyeen Alshabaab inay dileen boqolaal ka tirsan Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS, kadib, markii ay ku weerareen Saldhigyadii ay Ciiddankaasi ku lahaayeen qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Faah faahinno ka soo baxaya Qof Rayid ahaa oo lagu dilay Caabudwaaq

$
0
0

Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Rag hubeysan oo Qof shacab ahaa ku dilay Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in Marxuumka la dilay uu ka yimid Degmada Guriceel, islamarkaana maleeshiyaad hubeysan ay Xalay ku dileen Maqaaxi ku taala Magaaladaasi Caabudwaaq.
Saraakiisha ammaanka ee ku sugan Caabudwaaq ayaa sheegay in ay ku raad jogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi, islamarkaana haatan ay wadaan baritaano la xariira sida ay wax u dhaceen.
Lama oga sababaha ka dambeeya dilkani, balse muddooyinki dambe ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ka taagnaa xiisado u dhexeeya Beelo wada daga Gobolkaasi.
Weli ma jiro wax war oo ka soo baxay Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku aadan Dilka Marxuumkaasi.
The post Faah faahinno ka soo baxaya Qof Rayid ahaa oo lagu dilay Caabudwaaq appeared first on Shabelle.

Faah faahinno ka soo baxaya Qof Rayid ahaa oo lagu...

$
0
0

Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Rag hubeysan oo Qof shacab ahaa ku dilay Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in Marxuumka la dilay uu ka yimid Degmada Guriceel, islamarkaana maleeshiyaad hubeysan ay Xalay ku dileen Maqaaxi ku taala Magaaladaasi Caabudwaaq.
Saraakiisha ammaanka ee ku sugan Caabudwaaq ayaa sheegay in ay ku raad jogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi, islamarkaana haatan ay wadaan baritaano la xariira sida ay wax u dhaceen.
Lama oga sababaha ka dambeeya dilkani, balse muddooyinki dambe ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ka taagnaa xiisado u dhexeeya Beelo wada daga Gobolkaasi.
Weli ma jiro wax war oo ka soo baxay Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku aadan Dilka Marxuumkaasi.
storvideo: 

Kulan looga hadlayay ka qeyb qaadashada Horumarinta...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Kulan looga hadlayey Wacyi galinta Shaqaalaha Dowladda sida ay uga qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho kaasoo ay ka qeyb galeen Mus'uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Blshadda Soomaliya
Kulankan ayaa looga hadlayey Wacyi Galinta Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay ugu qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka iyo arrimo kale.
Waxaa ka qeyb galay Mas'uuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana soo agaasimahay Xiriirka Guud ee Guddiga Shaqalaha Dowladda Soomaaliya.
Nuur Axmed Diiriye Gudoomiye ku xigeenka Ururka Shaqaalaha Dowladda iyo C/risaaq Macalin Cilmi Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Dowladda ayaa si-dajir ah u sheegay in loo baahan in Shaqaalaha Dowladda inay si-wanaagsan ula socdaan Waajibaadka lagu leeyahay iyo kan iyagu leeyihiin.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda laga rabo inay qeyb ka qaataan wax soo saarka Dalka iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.
"Waxaan ka rabnaa Shaqaalaha Dowladda inay qeyb ka qaataan wax soo saarka dalka iyo Kobcinta Dhaqaalaha,taasi ayaana Muhiimad Gaar ah noo leh runtii waxaa ay shaqaaluhu ku soo shaqeeyeen xili adag balse hadda meel wanaagsan ayey marayaan".
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda sidoo kalena ah kusimaha Wasiir C/casiis Salaax Armaan ayaa waxaa sheegay haddii siwada jir ah loo shaqeeyo wax badan toosayaan sidoo kale Shaqaalaha Dowladda xil iska saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba.
"Waxaan qabsan karnaa wax badan hadii aan u waddo shaqeyno siwadajir ah, waxaa kale oo nagala rabaa in aan qeyb ka qaadano Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba taas ayaana muhiim inoo ah meel kasta oo aaan joogno".
Barnaamijkan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Seddex Bilood ah sidda uu Qorshuhu yahay waxaana lagu qaban doonaa Xarumaha kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda, Iyadda oo Maanta lagu qabtay Xarunta Acedemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta..W/Q: Ali Axmed Sheikh
storvideo: 

Robert Mugabe, Halyeey qaran mise nin Zimbabwe hagardaameeyay?

$
0
0

Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sanadihii 1980-naadkii xiligaas oo ciidamadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka.


Wahaabii Warkaa bal eeg https://www.youtube.com...

$
0
0

Skip to content

Links
Bookmarks

  • Hadhwanaag
  • Maroodijeexnews

- Daawo: Gudoomiyaha Garabka Haweenka KULMIYE Canab Cumar Ileeye Oo Hambalyo Udirtay Koomishanka Doorashooyinka
Published on November 16, 2017 by Magan
Advertisement
Ku Xayeysiiso
(c) 2011-2017 ToggaHerer. All rights reserved | Website designed by Ramaas Software
storvideo: 

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Ammaanka iyo Arrimo kale

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan xaaladda Dalka.
Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow “Ducaale”  ayaa warbixin guud laga dhageystay, taasi oo ku aaadan Xaalada Ammaan ee Dalka.
Waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda  ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kuna soo dhigeen 29 Qof oo lala xariirinayo Al Shabaab.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in haatan baaritaano ay ku socdaan Raggaasi oo ay gacanta ku hayaan Laamaha Ammaanka ee dowladda.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/shirka-gokaha-wsiirada-khamiis16-11-2017-.mp3
 
The post Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Ammaanka iyo Arrimo kale appeared first on Shabelle.

“Waanu Haynaa Natiijadii Doorashada, Waana La...

$
0
0

Hargeysa(Waaeen):-Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa digay cawaaqib xumo ka dhalan karta hadal ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye.
Afhayeen Buubaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay sheegay inuu xisbiga Kulmiye iska sheegtay guulo aan loogu dhawaaqin waxaanu yidhi "Waxaanu leenahay guddida doorashada arimaha uu xisbiga kulmiye ku dhex jiro ee uu habeen iyo maalinba la dhex fadhiyo baraha bulshada imikana uu saxaafada sida badheedhka ah ula soo hor fadhiistay inuu sheegto guulo aan loogu dhawaaqin, waxaanu leenahay arintaasi waa mid keeni karta nabad galyo daro, waa mid isku dhac keeni karta, bulshadana iska horkeeni karta, waana arin wiiqi karta nidaamkii quruxda badnaa ee inoo soo dhamaaday, waanan uga digaynaa."
Afhayeen Ibraahin Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay hayaan natiijada doorashada balse ay sugayaan guddidii u xil saarnayd inay ku dhawaaqdo waxaanu yidhi "Waanu haynaa natiijooyinkii cidii guulaysatayna waa la og yahay laakiin waxaanu sugaynaa sida sharcigu dhigayo guddida doorashooyinka qaranka oo shaacin doona natiijada mana jeclin inaanu ka hor dhacno, waxaanu se u digaynaa qolyaha saxaafada la soo hor fadhiistay ee bulshada horteeda ka sheeganaya qaraxyo iyo guulo, waa la ogyahay in umada somaliland u codaysay isbedel, anaga oo ixtiraamayna nidaamka inoo dajisan iyo sharcigaba sidii lagu yaqaanay xisbiga Waddani oo ilaalinayna sharciga ma jeclin inaanu ka hor dhacno guddida doorashada."
storvideo: 

Daawo: Komishanka Oo War Cusub ka soo Saaray...

Robert Mugabe, Halyeey qaran mise nin Zimbabwe...

$
0
0

Kadib markii uu dhaqaalaha Zimbabwe si weyn u burburay sanadihii lasoo dhaafay, dad badan ayaa saadaalinayay in Mugabe uu isna dhici doono, balse markasta taas waa uu ku beentaynayay illaa iyo hadda.
Hase yeeshee waxaa laga yaabaa in markii uu la saftay xaaskiisa, taageereyna in ay isaga badasho uu taas ku lumiyay taageeradii xisbigiisa iyo waliba ciidanka kuwaas oo xukunka ku hayay illaa iyo hadda.
Isaga oo 93 jir ah ayuu sanadihii dhawaa aad tabcaan u noqday muuqaal ahaan, balse sidaas oo ay tahay waxa uu doonayay in uu markale isu soo taago doorashada madaxtinimo sanadka soo socda.
Ka hor doorashooyinkii 2008-dii, waxa laga soo xigtay in uu yiri "Haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan waa in aad iska tagtaa". Markii uu kaalinta labaad galay doorashada, wareeg labaadna loo gudbay waxa uu Mugabe sheegay in 'Alle oo kaliya' uu xilka ka qaadi karo.
Si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, Morgan Tsvangirai ayaa ka baxay wareegii labaad ee doorashada kadib markii ciidammada ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka, iyada oo markii dambe Mugabe lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan oo laga dhigay Ra'isulwasaaraha Zimbabwe muddo afar sanno ah.
Sooyaalka Mugabe oo kooban
?1924: Dhashay
?1964: Waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian
?1980: Waxa uu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada kadib
?1996: Waxa uu guursaday Grace Marufu
?2000: Waxa uu ku guuldaraystay afti , kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka.
?2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay
?2017: Waxa uu xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa
Halyeey Halgan
Mar ayaa waxaa loo arkay in uu yahay halyeey dalkiisa iyo dadkiisa u halgamay , meeshana ka saaray xukunkii caddaanka tirada yar ee dalkaas majaraha u hayay, waana sababta hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ay uga gaabsadaan in ay dhaleeceeyaan.
Adduunka intiisa badan horey ayuu u socday, balse isaga wali halkii ayuu taaganyahay, tusaale ahaan xisbigiisa aragtiyada shuuciyadda ku dhisan waxa ay wali la dagaalamayaan in ay ka reeyaan xooggaga hanti goosadka waxa ay ku tilmaameen.
Qof kasta oo dhaleeceyn u jeediyo waxaa loogu yeeraa "Qaa'inul waddan ama dabo dhilif", kalmadahaas oo markii lagu guda jirey halganka hubeysan qofkii lagu dhoho ay ka dhigneyd xukun dil ah oo kale.
Markasta waxa uu dhaqaale burburka Zimbabwe ku eedeyn jirey dalalka reer galbeedka oo ay hoggaaminayso Britain, wuxuuna sheegi jiray in ay doonayaan in ay xilka ka tuuraan, xoogna kula wareegaan dhulka beeraha ah..
Dadka isaga naqdiya ayaa ku eedeeyay in uusan fahamsanayn sida uu u shaqeeyo dhaqaalaha adduunka casriga ah.
Waxa uu muddo badan ku mashquulsanaa sida loo qeybsanayo qeyraadka dalka halkii uu ku mashquuli lahaa sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha Zimbabwe.
Mugabe ayaa mar yiri hadalkii caan baxay ee ahaa in dalkiisa uusan waligiis musalafi doonin, balse sanadkii 2008-dii Zimbabwe waxa ay ahayd markab sii quusaya oo kale, sicir bararkana waxa uu gaaray 231 milyan boqolkiiba, waxayna u ekeyd in Mugabe uu doonayay in uu ka wardoono xeerada salkeeda.
Prof Tony Hawkins oo ka tirsan jaamacadda Zimbabwe ayaa yiri "Markasta oo siyaasadda iyo dhaqaalaha is barbar imaadaan, markasta siyaasadda ayaa guuleysan jirtay".
Sanadkii 2000 markii uu la kulmay mucaaradad adag markii koowaad, waxa uu markiiba buris u qaatay burburinta dhaqaalaha Zimbabwe oo ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan Afrika si uu ugu guuleysto hardankii siyaasadda.
Waxa uu la wareegay beerihii ay lahaayeen dadka caddaanka kuwaas oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha Zimbabwe, waxaana meeshii ka cararay deeqbixiyeyaashii caalamka.
Marka si kale loo dhigo, Mugabe waxa uu ka reeyay mucaaradkiisa oo dhan, isaga oo xukunka kusii nagaaday.
Kaartooyinkii uu isticmaalay isaga iyo tageerayaashiisa waxaa ka mid ah tii barigii ay jabhadda ahaayeen.
Markii uu dhadhamiyay guuldaradii koowaad ee doorashada, sanadkii 2000 xiligaas oo uu ku guuldaraystay aftidii dadka laga qaaday, ayaa waxa uu hawlgaliyay maleeshiyaadkiisii oo wata magaca "halyeeyada dagaalka" kuwaas oo gacan ka helaya ciidammada amniga , waxayna bilaabeen in ay laayaan mucaaraadka, qaar la jir dilo, qaarna la cabsi galiyo.
Siddeed sano kadib iska arrintii oo kale ayaa dhacday kadib markii Mugabe uu galay kaalinta labaad ee doorashada wareegii koowaad ee doorashada. Waxaana kaalinta koowaad ka galay hoggaamiyihii mucaaradka Morgan Tsvangirai.
Marka loo baahdo, dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda sida ciidammada, shaqaalaha rayidka ah iyo waliba warbaahinta oo ay gacanta ku hayaan xubnaha xisbiga ZANU-PF ayaa la hawlgaliyaa si loogu adeego danaha xisbiga.
Ninkii u dagaalamay in uu hirgaliyo nidaamka hal qof iyo hal cod, ayaa markii dambe soo rogay in qof kasta oo codka dhiibanaya uu cadeeyo halka uu degenyahay, islamarkaasina keeno waraaqaha uu ku bixiyay korontada iyo biyaha, taas oo aysan heli karin dad badan oo dhalinyaro ah oo fuqaro ah, una badnaa taageerayaasha mucaaradka.
Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sanadihii 1980-naadkii xiligaas oo ciidamadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka.
Mr. Nkomo ayaa markii dambe aqbalay in uu awoodda la qeybsado Mugabe, si la mid ah sidii Tsvangirai uu u aqbalay kadib markii la laayay kumanaan qof oo taageersanaa.
Waxyaabaha aan shakiga lahayn ee 33-dii sano ee uu xilka hayay u qabsoomay Mugabe waxaa ka mid ah waxbarashada oo 90% dadka reer Zimbabwe laga dhigay kuwa wax qora, waxna akhriya.
Balse taas waxa ay horseeday in dadkii aqoonta yeeshay ay darsaan dhibaatada Zimbabwe, kadibna qaataan go'aano ay kaga soo horjeedaan isaga.
Dhambaalo laga soo xigtay dowladda Maraykanka oo lagu soo daabacay bogga Wikileaks sanadkii 2011-kii ayaa lagu sheegay in Mugabe uu qabo kansar.
Balse sidaas oo ay tahay wuxuu markasta sheegi jiray in uu xilka ka degayo marka uu guuleysto halganka uu ku jiro. Waxaase marar badan soo baxay warar suuqa ku jiray oo ahaa in xisbigiisa ZANU-PF ama dalalka dariska ay xukunka ka tuuri doonaan Mugabe.
Waana isla taas middood waxa hadda dhacaya, inkasta oo aanan wali lagu kala bixin.
storvideo: 

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Ammaanka iyo...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoomiyay ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan xaaladda Dalka.
Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow "Ducaale" ayaa warbixin guud laga dhageystay, taasi oo ku aaadan Xaalada Ammaan ee Dalka.
Waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kuna soo dhigeen 29 Qof oo lala xariirinayo Al Shabaab.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in haatan baaritaano ay ku socdaan Raggaasi oo ay gacanta ku hayaan Laamaha Ammaanka ee dowladda.Halkaan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/shirka-gokaha-wsiira...
storvideo: 

Barlamaanka Ingiriiska oo  soo dhaweeyay doorashadda Soomaaliland,

$
0
0

London  ( Sh.M.Network)-Aqalka Barlamanka Ingiriiska ayaa si diiraan u soo dhaweeyay doorashadii todobaadkani ka dhacday deegaanada Maamulka Soomaaliland waxa ayna ku tilmaameen mid u qabsoontay qaab dimuqraadi ah.
Sidoo kale Aqalka ayaa  uga Mahad celiyay muwaadiniinta iyo musharixiinta  reer Soomaaliland kala dambaynta iyo biseylka Nabadda oo ay muujiyeen intii doorashadu socatay,
Sidoo kale Baarlamanka ayaa sheegay in Uk ay maalgalisay Kor joogayaasha Caalamiga ah ee doorashada Soomaalind iyagoona Beesha caalamka ugu baaqay in Soomaaliland laga taageero horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo weliba sidii Soomaaliland Caalamku u Aqoonsan lahaa.
Shacabka reer  Soomaalinad ayaa 13 kii bishani  u dareeray  codeynta doorashada Madaxweynaha Soomaaliland oo ay ku tartamayaan 3 Xisbi oo kala ah Kulmiye, Ucid, iyo Wadani,
Dhawaan ayaana la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo cidda ku guuleysatay Hoggaanka Maamulkaasi Soomaaliland.
 
The post Barlamaanka Ingiriiska oo  soo dhaweeyay doorashadda Soomaaliland, appeared first on Shabelle.


Barlamaanka Ingiriiska oo  soo dhaweeyay doorashadda...

$
0
0

London ( Sh.M.Network)-Aqalka Barlamanka Ingiriiska ayaa si diiraan u soo dhaweeyay doorashadii todobaadkani ka dhacday deegaanada Maamulka Soomaaliland waxa ayna ku tilmaameen mid u qabsoontay qaab dimuqraadi ah.
Sidoo kale Aqalka ayaa uga Mahad celiyay muwaadiniinta iyo musharixiinta reer Soomaaliland kala dambaynta iyo biseylka Nabadda oo ay muujiyeen intii doorashadu socatay,
Sidoo kale Baarlamanka ayaa sheegay in Uk ay maalgalisay Kor joogayaasha Caalamiga ah ee doorashada Soomaalind iyagoona Beesha caalamka ugu baaqay in Soomaaliland laga taageero horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo weliba sidii Soomaaliland Caalamku u Aqoonsan lahaa.
Shacabka reer Soomaalinad ayaa 13 kii bishani u dareeray codeynta doorashada Madaxweynaha Soomaaliland oo ay ku tartamayaan 3 Xisbi oo kala ah Kulmiye, Ucid, iyo Wadani,
Dhawaan ayaana la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo cidda ku guuleysatay Hoggaanka Maamulkaasi Soomaaliland.
storvideo: 

Sawirro: Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Cutub ka tirsan ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay wadada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Degaanka Deynuunaay oo ka tirsan Gobolka Baay.
Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Sarakiisha Ciidamadu waxa ay sheegen in ay ku baadi goobayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo koontorool ay dadka lacag uga qaadaan dhigtay sida ay hadalka u dhigeyn.
Maxamed Ibraahim Nuur, oo ah Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay in mudada uu socday howlgalka ay Ciidamada Dowladda maleeshiyada Shabaab kala wareegen degaano hor leh oo ka tirsan Baay.
Wuxuu sheegay in ay dhexda u xirteen sidii ay ula dagaalami lahayeen Al-shabaab, shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ee Shabaab.

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somalia oo bilaabaysa qabyo-qoraalka xeerka carruurta.

$
0
0

Dowladda Somalia iyo hay'adda UNICEF ayaa khamiistii Maanta daah-furay qabyo qoraalka xeerka xuquuqda carrruurta,taasoo qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo xuquuqda carruurta Somalia.
Xeerkaan xuquuqda carruurta,markii la ansixiyo wuxuu noqon doonaa as-aaska horumarinta iyo ilaalinta dhammaan xuquuqda carruurta ee dalka,kadib markii Somalia ay saxiixday heshiiska xuquuqda carruurta bishii October ee sannadkii 2015.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Somalia Deeqa Yaasiin Hagi Yuusuf iyo agaasimaha qaybta Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay'adda UNICEF,Leila Pakkala oo caasimadda Muqdisho ka daah-furay xeerkan,ayaa sheegay in tallaabadan muujinayso sida adag ee ay wasaaraddu u rumaysantahay in ay xaqiijin doonto mustaqbalka wanaagsan ee carruurta Somaliyeed."Daah-furka hannaanka qabyo-qoraalka xeerka carruurta ee Maanta ayaa muujinaya sida ay xukuumadda Somalia uga go'antahay xaqiijinta in qodobadii heshiiskii CRC ay noqdaan kuwa dhab ka ah Somalia",yey tiri Wasiir Deeqo.
Wasaaradda Haweenka Somalia ayaa la shaqeysa hay'adda UNICEF iyo ururada bulshada rayidka ah ee ku hawlan qabyo-qoraalka xeerka carruurta Somalia,waxayna raadinaysa in si ballaaran shacabku uga qayb qaato arrintaas.
Pakkala ayaa sheegay in ilma kastoo Somali ah uu leeyahay xaqa ay leeyihiin dhammaan carruurta caalamka."Waxaan ku kalsoonahay in xeerka xuquuqda carruurta uu as-aas sharci ah siin doono si loo taabbo-geliyo ilaalinta dhammaan xuquuqda carruurta Somalia",ayuu raaciyey Pakkala.
PUNTLAND POSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Somalia oo bilaabaysa qabyo-qoraalka xeerka carruurta. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Kooxaha dowlad diidka ee. Dhaqaalo badan ku bixiyo...

$
0
0

Kooxaha dowlad diidka ee. Dhaqaalo badan ku bixiyo Baraha Bulshada si looga been sheeg Farmaajo. Iyo Kheyre
Nov 16, 2017 -
Xildhibaanada iyo Siyaasiiin Mucaarad ku ah Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay in dhaqaalo badan ku bixiyaan Baraha Bulshada si loo muujiyo in ay sii yaraaneyso taageerada bulshada u heyso dowlada.
Xubnahan Mucaaradka ah oo dhaqaalo badan ka helaya Dowlado Carbeed iyo Ururo is qarinaya ayaa bilaabay in ay sameystaan dhalinyaro baraha bulshada asxaab badan ku leh kuwaa ay siiyeen dhaqaalo si ay u baahiyaan borobogaando iyo dhaliilaha dowlada .
Dhalinyarada lacagaha ka helay Kooxaha mucaaradka ah ayaa bilaabay in baraha Bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twiterka soo dhigaan qoraalo iyo muuqaalo u muuqda kuwa dowlada looga soo horjeedo laguna ceebeenayo.
Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowlada ayaa sidoo kale sameeyay bogag bodan oo Facebooka iyagoona lacago ku bixinaya si aragtidooda iyo mucaarada dowlada uu dad badan u gaaro.
Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare Kheyre ayaa ahaa kuwa si weyn uga dhax muuqday baraha Bulshada, waxaasa moodaa in hada ay sii yaraanayaan ayna xoogeesanayaan dadka mucaradka dhaqalaha siiyeen.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey loogu xamanayay in dhankeeda dhaqaalo badan ku bixineysay Baraha Bulshada , waxaana wararku sheegayeen in Madaxtooada dhalinyaro badan dhaqaalo ku siineysay faafinta Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Sunihii Mudane Siilaanyo ee 80 Cod iyo Saadaasha...

$
0
0

Sunihii Mudane Siilaanyo ee 80 Cod iyo Saadaasha Hadda ee 80 Kun?
Tan iyo wakhtigii ay Somaliland ka hirgashay nidaamka tartanka ku dhisan axsaabta badan oo ku beegnayd 2003, waxaa lagu soo tartamay kursiga Madaxweyne nimo ee Somaliland laba jeer oo hore 2003 iyo 2010 iyo tii sedexaad oo ah tan manta dhacday 2017. Haddaynu yara dul istaagno oo aan dib idiin xasuusiyo siday u dhacday iyo natiijooyinkii labadaa doorasho ee hore 2003 UDUB 205590 Cod Kulmiye 205,510 Cod iyo Ucid oo helay 77,160 cod. Tii ku xigtay ee 2010 KULMIYE ; 266,906 , UDUB; 178,881 , iyo UCID oo helay 92,459.
Haddaba, Waxaa xusid mudan in Mudane siilaanyo oo ah Madaxweynaha hadda ka dagay hogaanka in uu dhigay sune ku dayasho mudan oo dalka Somaliland u soo jiiday Sumcad iyo Wanaag aynu ka kasbanay guud ahaan Beesha Caalamka markii uu kaga tagay ee uu aqbalay 80 cod.
Waxaa iyana xusid mudan Doorashadii ku xigtay ee 2010 in Mudane Rayaale lagaga helay sideetameeyo kun inuu isna dhigay taariikh mahadho ahayd oo illaa hadda aan quluubta shacabka Somaliland ka bixin, waxayna ahayd markii laba xubnood oo ahaa saraakiishii Xisbigii UDUBi ay si lama filaana warbaahinta uga sheegeen in lagu shubtay oo ayna aqbalayn natiijada, balse Mudane Dahir Rayaale uu la yimid ku dhac iyo geesinimo ka dib markuu warbaahinta u sheegay inuu aqbalay natiihada islamaraana aan la dhagaysan hadalka kasoo yeedhay xubnahaa hadlay.
Waa laba taariikhood oo mudan in la is xasuusiyo marka la barbar dhigo Doorashadan hadda oo la saadaalinaayo in lagu kala guuleysto ama lagu kala hormaro codad dhan 80 kun. Wallow laga dhursugaayo Gudida Doorashada Somaliland maalmaha inagu soo foolka leh. Musharaxii laga guuleysto ee aqbalaana waxa uu qaaday jidkii labadaa hogaamiye ee taariikhda somliland ku suntan , haddii uu daadafeeyana waxa uu gali doona bog madow oo aan shacabka Somaliland waligii aanu illaawin marka la eego sumcada iyo wanaaga doorashadina inoo soo hoysay ee aynu kaga kasbanay beesha caalamka.
Waxaa iga talo ah in aan la suulin sunihii Mudane Silaanyo iyo taabicidii Mudane Rayaale.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeisa,Somaliland
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live