Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Reysal wasaaraha Somaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Dib ugusoo Laabtay Dalka.

$
0
0

Reysal wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somaliya Dr.Cabdiwali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka Tirsan Golahiisa wasiirada ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda wadanka Somaliya.
Reysal wasaaraha oo in Mudo ah dalka ka Maqnaa Safarona kusoo kala Bixinayay wadamada Dibadda qaar kood ayaa saxaafadda uga warbixiyay safarkiisa kadib markii uu soo Gaaray Caasimadda dalka waxaana uu ku Nuux Nuuxsaday in Natiijadii kasoo Baxday safaradiisa ay yihiin Guul iyo beesha Caalamka oo sii Laba Jibaaray Taageeradii ay Somaliya sii Nayeen.
Reysal wasaaraha ayaa intaasi kadib u Gudbay xaruntii uu qaraxa dadka Badan ay ku dhinteen ka dhacay ee Hargaha iyo Saamaha.
Dr.Gaas waxa uu cadeeyay in qaraxaasi uu ahaa Mid musoobo ah isla Markaasina ay ka danbeeyaan dad sida uu Yiri aan ka Shaqeyneyn Danaha Shacabka.
Hadalka Reysal wasaaraha ayaa kusoo beegmay xili Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab ay ku Tilmaameen qaraxaasi in uu ahaa Mid ay ku wiiqayaan Awooda Cadawga waxbadanna uu kor u qaadayo Istaraatiijiyada dagaal oo ay dhawaan ku baaqeen.
Abdikamil Yusuf Mohamud.
Xafiiska Wararka Ee Muqdisho.


Kumanaan dadweyne ah iyo madaxda ugu sareysa dalka oo isugu soo baxay Gegida Istadiyo Koonis

$
0
0

Waxaa hadda ka socda gudaha magaalada Muqdisho dibadbax aan loo kala harin oo ay ka qeybqaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dibadbaxan ayeey dadku ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan Qarixii xasuuqa ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxaas oo ay mas'uuliyadiisa sheegteen xoogagga al Shabaabku.

Madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha ayaa dhowaan la hadli doona dadka halkaas isugu soo baxay.

Dibadbaxayaasha ayaa weli ku soo qulqulaya goobta uu mudaaharaadku ka socdo wixii war ah ee ku soo kordha mudaaharaadkana dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.

halgankanet@gmail.com  

Ciidamada AMISOM oo madaafiicda goobta hadda ku duqeynaya qeybo ka mid ah magalaada Muqdisho

$
0
0

Ciidamada AMISOM ayaa hadda mafaaciida waa weyn oo aad culculus ku garaacaya deegaano hoostaga degmada Heliwaa.

Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa ah meelaha ugu daran ee hadda ay madaafiicdu ku dhaceyso waxaana halkaas ka socda barakac baahsan oo saameyn ku yeeshay dhamaan dadka ku dhaqan Suuqa Xoolaha iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Weli madaafiicdu waa socotaa wixii war ah ee soo kordha dib kala soco haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com  

 

Dowladaha Kenya iyo Faransiiska oo ciidamo soo dhoobay xadka Soomaaliya iyo Kenya

$
0
0

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobterka loo yaqaan ayaa saakay lagu arkayaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidamadan oo Faransiis iyo kenyaati isugu jira ayaa ku raadjooga sida la sheegayo Haweeney Faransiis ah oo maalmo ka hor dhanka Soomaaliya loo qafaashay, inkastoo aan la ogeyn halka lagu heysto haweeneydaas.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledxaawo ayaa sheegaya in aysan ogeyn halka ay ciidamadan ku sii jeedaan, sidoo kale madaxda Kenyaatigu faahfaahin dheeraad kama bixin halka ay ciidamadaas ku wajahan yihiin.

halgankanet@gmail.com   

Milan oo dooneysa Maxwell iyo Khedira

$
0
0

Kooxda kubbadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa dooneysa sidii ay bisha January ula soo wareegi laheyd daafaca kooxda Barcelona, Maxwell iyo xiddigga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Sami Khedira.
Maxwell ayaa dhaawacyo ay la soo darseen tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona horraantii sanadkii 2009, xilligaa oo uu kaga soo biiray kooxda Inter, waxaana hadda uu u muuqdaa in uu boos rasmi ah aanu ka heysan Barcelona.
Tababaraha kooxda Barcelona, Pep Guardiola ayaa la sheegay in xiddiga daafaca bidix uu ka doorbidayo Eric Abidal iyo Adriano, taas oo ka dhigeysa inuu noqdo dooqa saddexaad ee garabka bidix.
Sidoo kale Khedira ayaa khilaaf ka dhashay kaarki cassaa ee uu qaatay ciyaartii Levante waxa uu kala dhexeeyaa tababaraha kooxa Real Madrid Jose Mourinho, taasna Milan waxay u aragtaa fursad ay ku soo xero gelin karto labada ciyaaryahan.
Tabaharaha kooxda AC Milan, Massimiliano Allegri oo tan iyo markii uu kooxda yimid la soo saxiixday ciyaartoy tayo leh, waxaana uu muddo dhowr sano ah kaddib naadiga u gacan geliyay horyaalka dalka Talyaaniga

Ra’isulwasaare C/weli Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Burundi Kadib Markii Uu Maanta Dalka Kusoo Laabtay

$
0
0

R/Wasaaraha Soomaalaiya Mudane C/weli Maxamed Cali ayaa maanta dib ugu soo laabty dalka kadib markii uu safar dheer ku soo kala bixiyay wadamo dhowr ah isagoo dhanka kale garoonka diyaaradaha ku qaabilay Wasiirka difaaca dalka Burundi oo isna booqasho maanta ku yimid Muqdisho.
Dr. C/weli Maxamed Cali R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dheer ku soo kala bixiyay wadamada Mareykanka, Denmar iyo Ethiopai ayaa subaxnimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha caalmaiga ah ee Aaden Cadde, waxaana xubnihii la socday ka mid ahaa Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dekadaha gaadiidka Badda, circa iyo dhulka Aaden Xaaji Aaden iyo C/raxmaan Dheere, Afhayeenka Xukuumadda Eng.Yariisow iyo xubno kale.
R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid ahaayeen R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda mudane Maxamed Maxamuud Xaaji, R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha  C/wahaab Ugaas Xuseen “Ugaas khaliif”, wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn”, Wasiiru dowlayaal, wasiir ku xigeenno guddoomiyaha gobolka banaadir iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Intaasi kadib ayaa R/wasaare C/weli waxa uu garoonkla diyaaradaha ku qaabilay wasiirka gaashaandhigga dalka Burundi Gaciyu Bwenge Pontien  oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho
Marii uu qaabilay wasiirka difaaca dalka Burundi ayuu R/wasaaruhu uga hadlay saxaafadda sida loo soo dhaweeyay wasiirkaasi iyo safarkii uu ku tagay qaar ka mid ah wadamada caalamka isagoo tilmaamay in uu si guul ah ku soo dhamaaday safarkiisa islamrkaaana uu kasoo qeybgalay shirarka golaha amniga golaha guud ee qaramada midoobay shirkii kooxda xiriirka caalamka iyo kulamo uu magaalada Addis ababa kula soo qaatay  R/wasaaraha Ethiopia Melas Zenawi.
Sidoo kale wasiirka gaashandhigga wadanka Burundi Gaajiyo Benge Boosyee oo isna la hdalay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ujeedada uu u yimid Muqdisho ay tahay sidii uu ugu kuurgali laha xaaladda dalka waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in ciidamo cusub ay dowladda Burundi u soo direyso Soomaaliya hadii loo baahdo.
Mas’uuliyiintii soo dhaweeysay wasiirka gaashaandhigga Burundi ayaa waxa ka mid aha wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, taliye ku xigeenka ciidamaad xoogga dalka Gen C/kariim Dhego badan, taliye ku xigeenka ciidanka amisom iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamaad Burundi.

Dood cilmiyeed ku saabsan sara u qaadida kaalinta saxaafada ee nabada oo maalintii labaad ka soconaya Magaalada Cadaado {Sawiro}.

$
0
0

Cadaado:-Dood cilimiyeed ku saabsan sara u qaadida kaalinta saxaafada ee nabada iyo xalinta khilaafaadyada ayna soo qabanqaabisay hay’ada TARDO ayaa maalintii labaad ka socdo magaalada Cadaado ee caasimada maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb.
Doodan oo socon toonta mudo sadex maalin ah ayaa waxaa ka qayb qaadanaya ilaa 40-Ruux oo isugu jira qaybaha bulshada rayidka ah sida Haweenka Suxufiyiin iyo Culumaa’idiin iyo xubno ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana mudadaasi doodan lagu jeexjeexayaa kaalinta ay saxaafadu kaga jirto sara u qaadida nabada iyo xalinta khilaafaadyada.
Dooda ayaa waxaa furay gudoomiye ku xigeenka maamulka dagmada Cadaado Nuur Yarow Xayle isagoo sheegay in doodan ay tahay mid muhiim ah ayna ka soo bixidoonaan qodobo muhiim ah oo deegaanka waxku ool u ah.
Mid kamid ah Suxufiyiinta Kaqeeb gashay Dood cilmiyeedkaasi ayaa Sheegay Kaalinta ay saxaafada madaxa banaan ay ka qaadan karto Sara uqaadida Nabada Waxuuna faahafaahin ka bixiyay Xasaafada madaxa banaan iyo sida ay uga qeeb qaadan karto Sara uqaadida Nabada.
Dadka kaqeeb qaadanayay Dood cilmiyeedkaan ayaa Soo dhaweeyay Doodaha nuucaan oo kale ah inlagu qabto Magaalada Cadaado ee Caasimada Ximan iyo Xeeb iyagoo hay’ada TARDO uga mahad celiyay isukeenida bulshada.
Dood cilmiyeedkan maalintii Labaad kasocda magaalada Cadaado ayaa waxaa uu yahay wajigii sadexaad waxaana maalmaha soo socda lagu falanqayn doonaa kaalinta ay saxaafadu ku yeelan karto sara uqaadida nabada iyo xalinta khilaafaadyada.
Xafiiska Warqabadka
Heegantv.com
Cadaado
Jeylani Xasen Cusmaan
Jiilaani2011@hotmail.com

SOMALIA: Puntland says the visit of Somaliland leader in Lasanod was ‘Provocative’

$
0
0

PRESS RELEASE
09 October 2011
Somalia: Puntland Condemns Somaliland Leader’s Provocative Visit
The leader of Somaliland’s separatist administration, in northwestern Somalia, has visited military positions in parts of Sool region of Puntland.
Sool and Sanaag regions are part of Puntland State of Somalia. Since October 2007, Somaliland forces have occupied Las Anod town against the wishes of the local population. Regrettably, it is Somaliland’s occupation that has triggered extremists to operate in those regions by benefiting from local grievances.
The Somaliland leader, Mr. Ahmed Mohamed Mohamud (Silanyo), visited Las Anod town and reached approximately 18km from the Puntland defense line at Tukaraq town in Sool region.
We urge Somali neighbors, regional powers and the wider international community to note Somaliland’s provocation against Puntland, which might ignite a conflict and destabilize the region.
— END —


Settlers Assault Muslim, Christian Graves

$
0
0

In a new settler attack on Muslim and Christian sites, dozens of graves were desecrated in the Israeli city of Jaffa on Saturday, October 9

Puntland oo Daandaansi ku Tilmaantay Booqashadii Axmed Siilaanyo ee Laascaanood [War-Saxaafadeed]

$
0
0

Garowe (RBC) War saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ee magaalada Garowe ayaa si adag loogu cambaareeyey booqashadii maalin ka hor magaalada Laascaanood uu ku tegey madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
War saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Shabakadda Raxanreeb ayaa ku qornaa luuqadda Ingriiska, hase yeeshee waxaan u bedelnay Af-Soomaali si akhristayaasha oo dhan u fahmaan. Wuxuuna nuxurkiisu ahaa sidan;-
                                                  WAR SAXAAFADEED

09 October 2011

Dawlada Puntland oo Cambaareysay Booqashada Daandaansiga ee Hogaamiyaha Somaliland
Hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah ee waqooyiga Soomaaliya ayaa booqasho ku tegey fariisimo ciidan oo ka tirsan gobolka Sool.
Gobolada Sool iy Sanaag waxay qeyb ka yihiin dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Tan iyo bishii October 2007 markii ay xoogaga Somaliland qabsadeen magaalada Laascaanood taasoo ka dhan ah rabitaanka shacabka deegaanka. Waxaa wax laga xumaado ah in dullaanka Somaliland uu kiciyey kooxi xagjiriin ah oo ka hawkgala goboladaasi iyagoo ka faa’ideysanaya carada dadka deegaanka.
Hogaamiyaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) wuxuu booqday magaalada Laascaanood isagoo  ugu yaraan 18-KM u soo jirsaday jiida ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland ee magaalada Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.
Waxaan ku boorineynaa deriska Soomaaliya, awoodaha gobolka iyo bulsho weynta caalamka inay ogaadaan in daandaansiga Somaliland ee ka dhanka ah Puntland uu dhalin karo khilaafaad uuna gobolka ka dhigi karo meel aan xasilooneyn.
-DHAMAAD-

Banaanbax Muqdisho kadhacay iyo Madaxweyne Shariif oo Qudbo ka Jeediyay

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Banaanbaxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday qaraxii xooganaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka danbeeyeen ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad weyne aad u badan oo ka kala yimaaday degmooyinka gobalka Banaadir kuwaasi oo ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeeda Al-Shabaab.
Masuuliyiin badan oo ay ka midyahaayeen masuuliyiinta maamulka gobalka iyo Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka soo qayb galay banaanbaxaxaan oo ka dhacay degmada C/casiis.
Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa garoonka Studio Konis kula hadlay kumannaan dibad baxayaal ah.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka geeriyoodeen ardaydi lagu laayay qaraxii ka dhacay xaruntii harkaha iyo saamaha ee Muqdisho.
Sheekh Shariif Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa falkaasi ku tilmaamay mid ka baxsan diinta islaamka, isla markaana lagu baabi’iyay dad shacab ah.
Madaxweynaha ayaa ku guubaabiyay shacabka in ay dowladda kala shaqeeyaan sugida amniga meelna uga soo wada jeestaan maleeshiyaadkan gubaya shacabka.
RBC Radio


DAAWO SAWIRRADA :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeybgalay Banaanbax ay dadka reer Muqdisho ku muujinayeen Dareenkooda ku aadan Qaraxii Hargaha iyo Saamaha

Madaxweyne Shariif “Dambiilayaal dalalkooda fakad ka ah, iyo caasi-waalidiin miyaa dalka uga tageynaa”

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyay Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday qaraxii ismiidaaminta ay Al-Shabaab ku gumaadeen Arday iyo shacab kale oo maanta ka dhacay Stadium Conis ayaa waxaa uu ku baaqay in Al-Shabaab meel looga soo wada jeesto. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in 20-kii sano ee dalka [...]

Wayne Rooney oo Laga Yaabo In Laga Qafiifiyo Ganaax Uu Muteystey

$
0
0

Ciyaaryahanka kooxda Man United Wayne Rooney ayaa laga yaabaa in laga qafiifiyo ganaax uu ku qaatay kaarka casaanka ciyaartii ay xulka Ingiriiska iyo Montenegro ee jimcihii kuna dhamaatay barbarro 2-2. Kulankaa oo ay xulka Ingiriiska ugu soo gudbeen ciyaarhaa kama dambaysta ah ee Euro 2012 ayaa waxaa jirta cabsi ah in Wayne Rooney la ganaaxo [...]

On-campus Veil Ban Angers Tunisia Islamists

$
0
0

Reflecting a growing tension between Tunisia’s secularists and Islamists, fierce clashes have been going in different cities between in the country over a decision to ban the full-face veil in university campus and the airing of an animated film depicting Allah


Tacsi Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajucuun

$
0
0

Tacsi   Inaa  Lilaahi  Wa Inaa Ileyhi Raajucuun
Jaaliyada Reer Nour  ee uk  waxay tacsi tiraanyoleh u  diraayan dhamaan eheladii, qaraabadi iyo asxaabti  u
ka  geeriyooday marxuum  Ahmed Xassan Nour  oo ku geeriyooday london.
waxaan illaahay uga baryaynaa inuu janaddi kawaraabiyo  intii u katagayna  samir  iyo iman ka siiyo.
Aamin  aamin.

Tacsi Ku Socota Eheladdii Marxuun Axmed Xasan Nuur

$
0
0

Dhamaan dadka  hoos ku qorani waxay tacsi u dirayaan heledii  iyo qaraabadi  marxuun Ahmed Xasan Nour oo ku geeriyooday xalay magaalada London.
isagana waxay ilaahay uga baryayaan janatul ferdowsa.
Abiib Xasan Dugsiiye
Abdirahmaan Ali Kaahiye
Mohamed Haamud  Shekh
Ahmed Ibraahim Taani
Samriye Aden Kaahin
Farhaan Daahir  Aden
Musa Cawaale FAahiye
Mohamed Musse Waabari
Khadar Abdi  Aden
Abdirahmaan Abdilaahi Aamin (Atam)
Abdi Haashi Mohamed
Cumar  Ali Jaamac
Ahmed  Abdi  KHaliif
Mohamuud  Bookh
Mohamed  Xirsi
Mohamed  Ibraahim
Abdirashiid  Ibraahim
Cumar  Xussen Migane
Mukhtar  Husen migane
Mohamuud Mohamed  Hussen
MOhamed aw Abdi
Mahdi Ali aw  Abdi
Ali  Muxumed Fadal
Ibraahim Abdi Faarah
Xassan Bille Abokor
intii u katagayna samir  iyo imaan ilaahay haka siiyo
aamin  aamin.

Daawo Sawirada: Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Prof. Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safari uu ku soo kala bixiyay dalalka Mareykanka, Dernmark, Imaaraadka Carabta iyo weliba dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga soo qeybgalay shirar caalami oo looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa maanta markii ay dalka dib ugu soo laabteen waxaa garoonka diyaaraddaha ee Aadancadde si weyn ugu soo dhoweeyey golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, maamulka gobolka iyo dadweynaha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ra’iisul Wasaaruhu uu halkaasi ku gacan qaaday mas’uuliyiintii soo dhoweysay.
Ra’iisul Wasaare Prof. Cabdiweli ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay socdaalkiisii dheeraa wuxuuna ku nuux nuuxsaday inuu guul ku soo dhamaaday, isla markaana shrikii guud ee Q/midoobay ee ay ka soo qeybgaleen isaga iyo wefdigiisu ay jawi wanaagsan ku qaateen.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Wakaaladdii Harkaha iyo Saamaha ee ay mashaqadu ka dhacday October 04,2011 kadib markii ay kooxda dhiigyacabka ah ee Khawaarijta Shabaab ay Qarax la beegsadeen halkaasna ku laayeen shacab tiradoodu kor u dhaafeysay 70 oo u badnaa Arday, wuxuuna R.wasaaruhu aad ula yaabay dhibaatada meesha ka dhacday iyo baaxada qaraxu saameeyey wuxuuna si gaar ah u dulm istaagay bakhaar ay laheyd Wasaaradda Caafimaadka oo ay ku jirtay
daawo taasoo ku baaba’day Qaraxa.






Shacabka Soomaaliyeed oo soo Dhaweeyey Go’ aamadii ay Baarlamanka Federaalka ka soo saareen Badda Soomaaliya, kuna Tilmaamey Mid Taariikhi ah.

$
0
0

Iyadoo markii ay taariikhdu ahayd 8/10/2011 kulankii ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka waxay Go’ aamo Taariiikhi ah ka soo saareen Badda Soomaaliya, waxaana Go’ aamadaas si weyn u soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed ee lagu difaacayo Badda Soomaaliya ka dib markii 21 Sanno ee la soo dhaafey ay soo baxeen Shaqsiyaad heshiisyo Beenaad ah la galeen Dowlado iyo Shirkado Shisheeye Sii Akhri…

Op-Ed:Who Answers to the Youth? Youth Campaign Against The Age Limitations of Law No. 20

$
0
0

Justice is not something confined to the situations where judges and juries handle certain cases. On the contrary it is a requirement for doing everything of any nature, characteristic, kind or crux of the matter. If it is Meritocratic, Fairness or Utilitarianism concepts of Distributive and Retributive theories of justice, you would never stumble upon a concept that contends elders of age and gives them exclusive rights with no cogent grounds whenever it comes to the question of who should make decisions at national, regional and local levels. Therefore, putting legal limitations in place for consolidating a democratic political system with so-called inclusive participation and rights to vote or to be voted for can be described as an imprudent and impulsive move.The Municipal Elections Act (referred to as Law No. 20) has provisions in it such as article 34 which sets the minimum age for candidacy to be 35 years of age. This is contrary to the definition of youthful age in the National Youth Policy (15yrs to 35yrs). Thus, this means that only citizens beyond the youthful age have the right to be voted for. Therefore, this is either intentional or unintentional marginalization dared to be put in place by the law-makers. Youth are legally hindered to be part of the local councils. They are not allowed to be members of parliament and government council of ministers. The national constitution which is the most supreme reference does not allow for the youth to be in the parliament and in the government cabinet of ministers but not to be councilors in the city councils. The Somaliland National Youth Umbrella realized the difficulties attached to the amendment of the constitution in this current time and space. Because the constitution is silent on the age requirement of local government candidacy, it seemed strategic and practical to firstly focus on participating in the local governments. The Law No 20 campaign for lowering minimum age requirement by at least 8 years has already started and made itself on the top of political discussion. It is this issue that I’ll attempt to analyze in this piece of writing. Agreeably, it is marginal and unfeasible to spurn the youth to become actively and constructively involved in their own governance and to instill a sense of community ownership and cooperation in Somaliland’s economical, social and political development. As Somaliland has been struggling to rebuild the state, youth have been a major player in the reconstruction and took the most significant role in the process. This is an argument which I always draw whenever I am talking to the people and whenever I am writing on the stuffs related to the youth and their contribution to the reconstruction of Somaliland as a nation-state with hybrid democracy. I buoy up my argument with the facts you can easily notice when you study the contemporary history of Somaliland. SNM could not work, sustain its struggle and turn its dreams into reality without the imperative support of the youth. Somaliland could not embark upon the peace and stability initiatives without the endorsement of the youth who were holding guns and having heavy weaponry in their hands and militias’ camps. The young militia men were those who obeyed their elders without conditions, put their guns down and managed to rehabilitate their selves. Again, they were those who dared to safeguard their nation by persevering the challenges of poverty and paucity of opportunities. This is remarkable fortitude and courage which really deserves meaningful acknowledgement. In the democratization process, youth are heroes worth to be noted and learned from. Without our youth, I doubt our elections would be successful as such. They were managing the voting process and at the same time were voting for the parties. They were conducting the parties’ rallies and were looking after the stability and the peacefulness of the process. In this regard, let me give the credit to the youth and say to them you are really those who stood up and made our democratization process successful. Despite the immense contributions of the youth, there are numerous sociopolitical challenges faced by them which, if not addressed, may spoil their positive role. 75% of the youth society in Somaliland are unemployed and most of them have been unemployed for the last consecutive three years (this is what has been found out in a youth status survey conducted by the Somaliland National Youth Organization, SONYO Umbrella), our youth do not have appropriate places (youth centers) to come together, exchange their views and empower their selves. The education and health facilities are so limited. Geographically, Somaliland belongs to a region, namely horn of Africa, which is hostile and almost lacks law and order. Furthermore, terrorism, violence and chaos had become a permanent feature of this part of the world.Therefore, taking all above-mentioned issues and facts into account, we must draw our attention to the situation and the demands of our youth. Is it right, logic or even prudent to censure the ambitions of the young talents in Somaliland and prevent the youth from participating in the municipal elections. To my idea, denying 70% of the population and keeping the majority of the population isolated and away from determining the future of this nation is not only unwise but also can serve as a stepping stone to a divergence which can lead the country to an anomalous direction. Let me tie up the points I have marked in this article and underline my call to the elders, policy-makers and authorities of Somaliland and request them to give attention to the demands of the youth. The youth are today matured. They learned a lot and acquired practical experience in state-building. They can be entrusted to take the responsibility of making the future bright over their shoulders. Thus, they currently need to be allowed to participate in the local governments. If their demands are met and their ambitions are supported, then Somaliland would be truly a country which its entire citizens are eligible to vote (already possible for everyone) and to be voted for (currently not possible for the youth). As a result, this will consolidate the hybrid democracy we opted for running our nation and complete the democratization process. I hope the members of the House of Representatives will realize the facts on the ground and stand up to give the youth the rights they truly deserve. I hope they will support the bill of Act 20/2011 amendment and remove the legal barriers and limitations in that Act. Saeed M. Ahmed SONYO Umbrella Executive Director Youth Activist and Researcher Hargeisa, Somaliland

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live