Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga oo Ka Hadlay...

$
0
0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay qorshaha kaga dagan dagaalka Xarakada Al-shabaab iyo xaqiijinta amniga guud ahaan dalka.
Waxa uu sheegay in uu yahay shaqi aad u yaqaano Ciidamada islamarkaana howsha ugu horeysa uu qaban doono ay noqon doonto sidii loo tayeyn lahaa Ciidamadada Xoogga dalka Soomaliyeed oo dhibaato ay ka muuqato.
Sidoo kale Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay ka shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ahaan dalka, kadib la qorsheyn doono dagaal lagu qaado Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in ay dhiiri galin doonaan dhamaan ciidmadda Xoogga dalka Soomaliyeed si aysan u dhihin daryeel kama heshiin madaxdiina.
Ugu dambeyntii Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in iskaashi ay la sameyn doonaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan, oo dhamaadka sanadkaan la rejeynayo in ay bilaabaan sidii ay kaga bixi lahaayeen guud ahaan dalka.
storvideo: 


Jeneraal Tareedisho”Al-Shabaab Ka Soo Qaxay...

$
0
0

Generaal Maxamed Axmed Tareedisho taliyaha Guudatada 52,aad qeybteeda 21,aad ee ka howlgalla Xadka kulmiya Gobolada Galgaduud, Hiiran iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Shabaab ay soo gaareen Gobolada Dhexe.
Waxa uu sheegay in Saraakiishaan Al-Shabaabka ah ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay Diyaaradaha Mareykanka ka wadaan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba aysan u ogolaan doonin in Al-Shabaab qax ah in ay soo galaan Gobolada Dhexe ayuu yiri taliyaha.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Saraakiisha Al-Shabaab iyo Ciidankooda ay galeen Buuraha Galgala,sidaas darteedna ay dalbanayan in Buurahaas laga saaro.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab oo ka qaxay...

$
0
0

Janaaral Max'ed Axmed Tareetisho o kamid ah saraakiisha ciidaanka xoga Dalka ee gobolka Hiraan ayaa sheegay in ay kawar hayaan firxadka Maleeshiyad argagixiisada Al-shabaab ee kaso caraaray Shabeelada hoose, Gado, Jubada Dhexe iyo Jubada hoose ,ayagona doonaya in ay ku dhumaalaystan deganaadda hostaga Gobolada hiraan, Mudug iyo Galgaaduud Janaaral Max'ed Axmed Tareetisho ayaa itasi raciyaay [...]
storvideo: 

Sawirro:-R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

$
0
0

Riyad ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa sidoo kale magaalada Riyad uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  oo khudbad ka jeediyey shirka  ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Halkana hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0002-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0002-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0002-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0002-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0002-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0002-... 630w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/ac-300x185.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/ac-356x220.jpg 356w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/ac-696x429.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/ac-682x420.jpg 682w" sizes="(max-width: 768px) 100vw, 768px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0005-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0005-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0005-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0005-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0005-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0005-... 630w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0013-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0013-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0013-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0013-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0013-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0013-... 630w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0008-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0008-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0008-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0008-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0008-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2017/11/IMG-20171126-WA0008-... 630w" sizes="(max-width: 1080px) 100vw, 1080px" />
The post Sawirro:-R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga appeared first on Shabelle.

Cali Gacal shalay miyuu saxnaa mise maanta? Daawo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudg Cali Gacal Casir ayaa ku hadlay laba hadal oo aad loo yaabay oo ku saabsan wadahadalka u socdo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-jameeca.
Guddoomiye Casir ayaa Shalay sheegay in shirka ka dhacay Nairobi iyo kan ka furmayo Jabuuti labaduba ay yihiin Siminaar la qabtay oo aysan kasoo bixi doonin wax natiijo ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay in wixii kasoo baxo aysan aqoonsan doonin isla markaasna aysan Galmudug khuseyn.
Halkaan hoose ka daawo hadalkaas
Midda lala yaabay ayaa haddana noqotay inuu Maanta sheegay inay madaxdaas matalaan Maamulka Galmudug isla markaasna ay dowladda dhexe heshiisiisay oo ay gacanta isku gelisay madaxdii is khilaafsanaa ee Galmudug.
Wuxuu sheegay in natiijada kasoo baxdo shirkaas ay wax fiican u noqon doonto Galmudug isla markaasna uu taageersan yahay.
Halkaan hoose ka daawo hadalkaas.
Haddaba waxaa is waydiin mudan Casir Shalay miyuu saxnaa Mise Maanta? maxeyse tahay sababta keentay isbadalkaan laba maalin ee isku xigta ah?.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Booska hebel baan ku socdaa ???? By:Barkhad-ladiif...

$
0
0

Booska hebel baan ku socdaa ????
By:Barkhad-ladiif M. Cumar
Marka isbedel sidan oo kale dhaco oo xukuumaddii hore bedelayso xukuumad kale waxa inta badan dhaca in dad faro badan oo dibadda joogay oo u badan kuwo xisbiga taageera inay ololaha u galaan sidii ay shaqo uga heli lahaayeen ama xil uga qaban lahaayeen xukuumadda cusub ee dhalatay, waxaanay dadkaasi sii eegtaan booska ay doonayaan si hadhow booskaasi loogu bedelo ama loogu magacaabo marka xisbigoodu guulaysto.
Ninba nin buu ku xisaabtamayaa booska uu joogo ama uu hayo, kama fikirayo in shaqo kale ama meel kale sii xaadh xaadho ee boos uu joogo nin ay ilmaadeer yihiin buu niyada iyo maankaba ku hayaa,isagoo u arkaya in wakhtigii ololaha aanu xisbiga la shaqayn amaba ka aragti duwanaa markii uu xisbigiisa u shaqaynayey amaba aanu tacab galin xisbiga uu taageeraha u yahay wakhtigii ololaha.
Waxa kale oo jira caqabad kale oo bulshaddu saamayn ku leedahay in qof kasta oo xisbiga taageerayey ku qasbaya inuu hungureeyo inuu madax noqdo mar hadii uu xisbigiisa guulaystay, waxaanay dadka kala kulmaan cadaadis ah maxaad u soo dhimanaysay ee aad xisbiga iskugu wareerinaysay hadii aanad waxba ka noqonayn iyo hadii aanad xukuumadda cusub ku jireen oo laguugu guurayo maxaad habeen iyo maalin aad u ordaysay, taasina waxay keenta hadii uu xukuumadda ka mid noqon waayo inuu u arko in lagu guuray oo uu mucaarad ku noqdo hogaamiyihii uu soo saaray ama nin cidlo lagaga tagay.
Hogaamiyaha la doortaana waxay ku adagtahay in wixii la shaqaynayey oo dhan uu xukuumadda ku wada daro, ilayn dadkii hore usii shaqaynayey ee dawladda ku jiray iyana laga wada dareerin maayo, waana caqabad kala haysta madaxweynihii la doortay iyo dadkii u shaqayaneyey.
Aan ku soo noqdo sheekadaynii, qof kasta wuxu sii qorshaystay hebelka lagu bedeli lahaa, dadku way kala duwan yihiin dadka qaar waxay la tahay oo uu xukuumadda u galayaa wax ka qabso sida hebel ba guryo uga dhistay, kaliya intaas baa u muuqata, haddaba, Ninka sheekadani ku socoto oo aan magaciisa usoo gaabinayo Moogane (Moogane waxaan ugu bixiyey aduunka mooyee aakhiro warba uma hayo), Moogane wuxuu ka mid yahay dadka sidaas u fikiraya ee isagu sii qorsheystay booska uu doonayo,waxa uu ku socda nin ay isku xaafad yihiin oo agaasime waaxeed ka ah wasaarad dhaqaale leh, agaasime waaxeedkani waxa uu mudadii uu xilkaasi hayey dhistay guri iyo dhul badan oo uu magalada ka iibsaday, Moogane waxa uu sii qorshaystay inuu isna laba guri iyo lacago badan ka dhigto mudadda uu joogo maadaama oo isna sidan oo kale ku soo socoto uu ka ka gaadhsiiyo wixii uu urursan karo.
Mar uu dad ay asxaabyihiin u waramayey Mooge waxa uu yidhi "anigu xisbiga waan u soo halgamay, waxaana ololahaasi iyo dagaalkaasi oo dhan u galay sidii aan booskaasi hebel la igu bedeli lahaa, waayo isagu guryo iyo hanti badan buu ka dhistay dee anna intaas in leeg baan uga baahanahay inaan ka urursado"
Nin ay saaxiib ahaayeen oo meesha fadhiyey ayaa ku yidhi "waar dee waynu ognahay agaasime waaxeedku lacagta uu qaato hadii uu sodan sanno ururiyo guri iska daaye jago ma iibsan karo, marka hadii uu guri dhistay ilayn xoolihii umadda uun buu boobay oo waa la iska garanayaye, waxaan kuula talin lahaa ilaahay baa wax aad cunto ku siinne, ha ku fikirin in sidaas uu wax u boobay u boobtid oo guri iyo hanti ka urursato xoolaha umadda hadii kale kun xanuun iyo ubadka oo ka xanuunsado uun baad ku dhamayn lacagtaasi umadda ee aad sii qorshaysatay inaad ku macaashto oo hantiile ku noqoto"
Mooge oo saaxibkii u jawaabay waxa uu yidhi "saaxiib xaaraantan aad ka hadlaysa ma cid ka madhan baad aragtay, sookuwan quraankii lacag laga dhigay ee kii doolar haysta uun quraankii baranayo kii kale ee aan dollar haysana suuqa meehanaabayo, soo kuwan kuwii diinta inoo joogay aad arkaysid sida uu macaashayaan iyo siday hawlaha u wataan,nin kasta oo ganacsidde ahi wuxu macaasha boqolkiiba saddex boqol soo kuwan maalin taajir wada noqday ee masaajidkana safka hore kaaga horeynaya, adeer noloshii baa adkaatay oo wax walba kugu kalifaysa hadda ma gaajaad u dhiman, ta labaad umaddaas oo dhan ninna mushaharkiisa kuma noolla ee nin walba meesha uu haysto uun buu tukaan ka dhex dhigtay dee kuwaas sida la yidhaahdo uun baa anna lay odhan, midda kale ilaahay waa dambi dhaafe oo wuu kaa dhaafi karaa dambiyadda waa Qafuurul raxiim."
Dadka inta badan caadaysta musuqmaasuqa ama cunista hantidda dadweynaha marka aad ka waaniso xaaraanta iska daa, waxay inta badan ku doodaan ilaahay waa wax kaste cafiye, wax walbana wuu cafinayaa waa Qafuurul raxiim, waana kalmadda ay niyada ku haystaan in wax kasta oo ay cunaan laga cafinayo.
Sheekadani waxay tusaale u tahay nolosha dhabta ah ee wadanka ka jirta, isbedel kasta oo dhaca shakhsiyaad kooban uun bay bedel u tahay, qof walibana wuxuu u ordayaa uun inuu dhaco ama uu boobo hantidda ummadda, qof walba wuxuu ku xisaabtamayaa sidii uu hebel u bedeli lahaa, laakiin ma jirto isbedel nololeed oo la doonayo, inkastoo dadku ku hanweyn yihiin in madaxweynaha cusub noqdo mid si weyn wax uga bedela hab dhaqankaasi mudadda dheer soo taxnaa ee nin waliba xafiiska uu joogo uu boqorka ka yahay,isla markaana ilaa aad caanihiisa u dhiibto aanay adeegaasi ku dhamaanayn taas oo dadku ku qasban yihiin in xafiiska marka aad tagto qofka jooga shahaadiisa sii diyaariso, waxaan sheekadan ku soo xidhayaa ilaahay ha laga baqdo arsaaqdana alla bixiyee ninna yaanu ka welwelin inuu gaajo u dhinto ee ha ka walwalo inay xaaraani calooshiisa gasho.
By:Barkhad-Ladiif M. Cumar
Email:barkhadladiif@hotmail.com
storvideo: 

FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY W/Q....

$
0
0

FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY
W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar
Waxaynnu doorannay Madaxweyne cusub; Md. Muuse Biixi Cabdi. In ka badan kala badh bulshadii Somaliland ee codaysay ayaa dooratay. Doorashadiisa waxa ku baxay tacab bulsheed oo xooggan. Aniga ayaa ugu yar oo safar boqollaal Kiiloomitir ah ayaan u galay si aan ugu codeeyo. Safarka intaa le'eg uma galin inaan wax gaar ah ku helo, waxaan se u galay inaan codkayga ku biiriyo isbeddal xaqiijiya sinnaan iyo horumar. Aniga iyo ummaddu ba, waxaannu filaynaa wax san. Waxaannu rejaynaynaa isbeddal horusocod ah.
Mudane Madaxweyne, Somaliland waxay ku jirtaa marxalad aad u adag. Waxa ku kulmay xaalado dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsheed oo aad u murugsan. Waa xaalado u baahan garasho sarraysa oo hoggaamineed, aqoon maaraysa, iyo aragti togan oo ka dab qaadanaysa dammiir nool iyo dareen dhaaddan wadciga ku meersan. Waxaannu ku doorannay annaga oo intaasba adiga kugu tuhmayna.
Waxaannu ku doorannay annaga oo kuu arkaynnay musharraxa ugu habboon marka loo eego labadii musharrax ee kula tartamayay. Waxaannu ku doorannay iyada oo Xukuumaddii ka dhalatay Xisbiga aad hoggaamisaa wax badan qabatay, wax badan oo kale na ay tasaysay. Sidaas darteed, waxaannu kaa filaynaa inaad sii kobciso horumarkii dalku gaadhay muddadii uu xisbigaagu talada hayay iyo inaad toosiso waxyaabaha badan ee innaga qalloocsamay.
Mudane Madaxweyne, waxaad la wareegaysaa dal dhammaystiran, nabdoon, oo leh hay'ado dawli ah oo waxoogay shaqeeya. Waxaad la wareegaysaa dal quluubta bulshadiisu kala fogaatay oo yuhuuntoodii ummadnimo kala furfurantay. Waxaad la wareegaysaa dal sicir-barar, dhaqaale-darro iyo abaaro jiitamay regaadiyeen. Waxaad la wareegaysaa bulsho dhaqan ahaan iyo qiyam ahaanba burburtay, oo dibudhis muddo qaadan kara u baahan. Waxa lagu doortay muddo 5 sanno ah. Waa muddo-xileed aad u kooban marka loo eego qabyada jirta.
Doorashadii Madaxweynenimo ee dalka ka dhacday waxay ka tagtay xanaf iyo xanuunno saameeyay midnimada wadareed. Xaaladdaa oo loo geeyay abaabulkii beelaysnaa iyo hadalladii aan tudhaalaha lahayn ee siyaasiyiintu waxay shacabka geyaysiiyeen kala-fogaansho nafsadeed. Hiilada qabyaaladeed maanta ayay ugu daran tahay. Waxay baabi'isay dareenkii qarannimo loo wada hanweyn yahay oo lagu wada dhaato. Waxay dhiirrigalisay in wax kasta oo la wada lahaa la kala yeesho. Waxay dadkii u qaybisay reero iska soo hor jeeda. Sidaas darteed, mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa abuurista qarannimo loo siman yahay oo xidhiidhisa ummadda iyo dareenkeeda.
Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa hoggaamin guddoonkeedu urursan yahay iyo gole xukuumadeed oo si siman kaaga talo qaata. Waxaannu kaa filaynaa xukuumad layska wada dhex arki karo oo aan ku dhisnayn hagbad iyo jeegaan. Waxaannu kaa filaynaa xukuumad soo dhoweysa bulshadii aan kuu codaynnin iyo kuwii ku doortay labadaba. Waxaannu kaa filaynaa sii-xoojinta horumarrada laga sameeyay wada-hadalladii Khaatumo iyo dib u sixidda saami-qaybsiga beelaha darafyada.
Baahida ugu weyn ee ay maanta ummadda Somaliland qabtaa waa caddaalad. Caddaalad-darrada ku milantay hannaanka dawladnimo waxay halis ku tahay guud ahaan jiritaanka ummadda. Intii suurtogal ah, waxaannu kaa filaynaa caddaalad... caddaalad... caddaalad.
Saami-qaybsiga beeluhu waa xaqiiqo mudan in si maangal ah loo derso. Sidoo kale Xukuumad kooban oo tayo lehi waa mid aan dalku ka fursan karin. Is-diiddada labadan xaaladood ka dhex oogani waa mid ka mid ah hal-xidhaalayaasha ku hor yaalla. Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah is-waafajinta xukuumad tiro ahaan kooban, saami ahaan laga wada muuqdo, qof kastaana ku habboon yahay kaalinta loo igmaday.
Dhaqaale ahaan, dalku wuu fuuqbaxay. Waxa qiime-beelay shilinkii, waxaana kor u kacay maciishaddii. Taasi waxay sababtay in ganacsiyo badani suuqa ka baxaan, shaqo-la'aantu xoogaysato, noloshu adkaato, oo aan guryo badan dab laga shidan. Waxa kale oo ay sababtay kala-fogaanshaha xooggan ee dabaqadaha dhaqaale ee bulshada. Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa in sicir-bararku noqdo waxyaabaha ugu horreeya ee ay xukuumaddaadu wax ka qabato.
Magaalooyin badan oo ay caasimaddu ka mid tahay waxa ka jirta biyo-la'aan xooggan. Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa in aad biyo ku filan oo nadiif ah ka hirgalisid caasimadda iyo magaalooyinka kale ba.
Waxbarashada dawliga ahi waxay ku sugan tahay xaalad adag oo ay ugu wacan tahay miisaaniyad-la'aan. Si taas la mid ah, waxa kala badan tirada Jaamacadaha iyo tayada aqoonta ay bixiyaan. Kala-nidaaminta Jaamacadaha iyo hubinta in ay buuxiyeen shuruudihii Jaamacadnimo iyo in kale waxa hor taagan dareenka qabaliga ah oo ay awoodihii arrimahaa wax lagaga qaban lahaa u garbo-duuban yihiin. Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaad mudnaan weyn siin doontid horumarinta tacliinta dalka.
Somaliland waxay ka mid tahay dalalka ugu caafimaadka liita dunida. Nafta bini'aadamku waxay si fudud ugu dhiman kartaa wax fudud. Adeegyada liita ee caafimaadku waa kuwo ka soo jeeda maamul-xumo dawli ah iyo la'aanta siyaasado qaran oo caafimaadka haga. Tan awgeed, Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa hirgalinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, la awoodi karo, loona wada siman yahay.
Waxaannu kaa filaynaa yagleelista jewi abuuri kara dhallinyaro nafahooda aaminsan oo ku kalsoon in aqoontoodu u goyn karto shaqo iyo xil kasta oo qaran leeyahay. Tan awgeed, Madaxweyne, lagaama filayo in caaqil iyo dillaal-siyaasadeed oo dambe hannaan gurracan u meelmariyaan cidda shaqooyinka qaranka loo igmanayo.
Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa qorshe iyo fulin lagula tacaalayo abaaraha soo noqnoqday iyo siyaasad badbaadisa deegaanka iyo inta ku nool.
Inta badan Wasiirradu waxay ku raad-gataan xidhiidhinta beelaha ay ka soo jeedaan iyo Madaxweynaha, taas oo ay kaga mashquulaan shaqadii ay ahayd inay qaranka u qabtaan. Taasi waxay meesha ka saartay isla-xisaabtankii shaqo, waxaanay Wasiirnimadii ka dhigtay shaqada ugu fudud ee qof qaban karo. Mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaan Wasiirradaadu shaqada qaranka kaga mashquulin inay adiga iyo bulshada idiin kala dab-qaadaan.
Musuqa iyo boobka hantida qaranku waa dhibaato ina daashatay tan iyo dhalashadii dawladnimada casriga ah. Sidaa darteed, mudane Madaxweyne waxaannu kaa filaynaa inaad dhaqan-xumadaas tirtirtid iyo in ciddii musuq ku caddaado tallaabo adag oo lagu cibro-qaato laga qaado. Waxa kale oo aannu kaa filaynaa inaad meesha ka saartid dareenka ah in xilalka dawladda dhakhso looga taajiro, loogana fara qabsado.
Muddooyinkii ugu dambeeyay, waxa abuurmay dhaqammo siyaasadeed oo aad u liita. Waxa xoogaystay af-miishaarnimada, waxaana isa soo taray weji-ku-macaashka. Weji-ku-macaashku waa gabboodfal xun oo dadka lagu gumeeyo waxoogay maalin-dagaal ah, isla markaana uu qofku qofnimadiisii ku waayayo qaddar cunto ah. Waa dhaqan liddi ku ah akhlaaqda suubban, qiyamta wanaagsan, karamka aadamaha iyo sharciyadda qarannimo intaba. Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaad dhaqammadaa intii suurtogal ah soo afjartid.
Dhinca kale, waxa baaba'ay halbeegyadii wax lagu wada qiimaysan jiray. Waxa lumay qiimiyadii lagu kala sooci lahaa wanaagga iyo xumaanta. Wax kasta oo wanaagsanaa ayaa xumaaday; wax kasta oo xumaa ayaa wanaagsanaaday. Dawladnimadii suubbanayd ee qof kasta dedaalkiisa, aqoontiisa, xirfaddiisa, hibadiisa iyo kaalintiisa nololeed ku qiimayn lahayd ayaa meesha ka baxday. Deetana qof waliba waxa uu toshay derajo maxlal ah oo uu isagu isku aqoonsaday; Suldaan, Aqoonyahan, Suxufi, Abwaan, Siyaasi, Borofesar i.w.m. Waxa la arkay qof isagu is qiimeeya, deedna si xishood-darro ah, shahaado-sharaf u samaysta ama soo-dhoweyn u abaabusha. Sidaas darteed, mudane Madaxweyne, waxaannu kaa filaynaa inaad anshaxa mujtamaca toosiso, dhisto, oo aad arrimahaa xisaabta ku darsatid.
Mudane Madaxweyne, waxqabadka dhabta ah ee lagu naalloon karaa wuxu ku xidhan yahay hadba sida aad uga jawaabto baahiyaha mujtamac ee tiro beelay. Sidaas darteed, waxaannu kaa filaynaa waxqabad aan ku salaysnayn 'igu sawir', faan iyo is-iibin, laakiin daarran tayada iyo wax-ku-oolnimada mustaqbalka fog.
Mudane Madaxweyne, waxaannu ku doorannay 5 sanno, ee kumaannu dooran 6, 7 ama 8 sannadood. Tan darteed, waxaannu kaa filaynaa in ay doorashooyinku ku qabsoomaan xilligii loogu talo galay oo aanay dib u dhicin Baarlamaan 13 sanno iska fadhiya iyo xukuumad 7 sanno iska joogta. Sidoo kale, waxaannu kaa filaynaa go'aammo ku aaddan waxa laga yeelayo Golaha Guurtida iyo Saamiqaybsiga kuraasta Wakiillada.
Mudane Madaxweyne, fule xantiisa ma mooga e, dadka kaa soo horjeedaa waxay kugu sheegaan nin ad-adag, macangag ah, oo aan jeclayn inuu dhegaysto afkaarta tiisa ka geddisan. Waxa ku hor yaalla caqabado aan u baahnayn hadal adag, gacan adag, iyo go'aan adag, bal se u baahan miyir iyo xasillooni.
Ugu dambayntii, mudane Madaxweyne, adduun magac baa ka hadha. Maanta waxaad haysataa fursad aad ummaddaada kaga kasban karto magac dhaxal reeba oo jiilasha dambe ku hadaaqaan, isla markaana aad aakhiradaada ku wanaajin karto, haddii Rabbi ku waafajiyo. Waannu kuu ducaynaynaa ee Ilaahay kuguma xilo masuuliyadda culus ee aad qaadday.
Maxammad Saleebaan Cumar
Email: halabuur2@gmail.com
Twitter: @halabuur
Facebook: Muhammad Suleiman
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta...

$
0
0

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo dhinaca kale gurigiisa ku booqday Cumar Carte Qaalib oo horey u xilal kala duwan oo kamid yahay Ra'iisul Wasaare uga soo qabtay dalkeena.
Mudane Khadar oo u joogo dalka Sucuudiga howllo shaqo ayaa u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato bulshada Soomaaliyeed, kadibna waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Diblumaasiyiinta iyo Shaqaalaha. Isagoo ku boggaadiyey howlaha muhiimka ah ee dadka Soomaaliyeed u hayso safaaraddu.
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shaqaalaha safaaradda howlaha muhiimka ah ee u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
"Maanta waxaan fursad u helay inaan booqdo Safaaraddeena Soomaaliya ee ku taalla Boqortooyada Sucuudiga,waxaana la kulmay diblumaasiiyiin iyo madax u bisil una tababaran howsha loo idmaday, waana ku ammaanayaa dadaalkooda Soomaalinimo iyo sida ay uga go'an tahay iney kaalin mugleh ka qaataan soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda". Ayuu yiri R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Dhinaca kale, R/W ku-xigeenka Soomaaliya ayaa ku booqday gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Riyaad Mudane Cumar Carte Qaalib oo horey xilal kala duwan oo kamid yahay Ra'iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibedeed uga soo qabtay dalka. Wuxuuna uga mahad-celiyay tacabkii iyo dadaalkii uu geliyay dawladnimada iyo shaqadii uu ka qabtay xiriirka arrimaha Dibedda intii uu joogay Wasaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.
Wafdiga Ra'iisul wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta Berri ah u amba- bixi doona Jiddah oo ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Barakaysan ee Makkah si ay u soo gutaan waajibaadka cumrada.
storvideo: 


War deg deg ah Kulankii Ahlusuna iyo Galmudug ee...

$
0
0

Waxaa Maanta shir uga furmay dalka Jabuuti caasimadiisa dijabuuti maamulada Galmudug iyo Ahlsuna kaa oo la doonayo in lagu xaliyo qifaaf xoogan oo labada maamul muda ka dhaxeeyey
Kulanka oo ku furmay jawi dagan ayaa u muuqday mid meela badan leysaga soo dhawanaayey
Dood dheer kadib ayaa leysla gartay in Xildhibaanada Ahlusuna loogu daro 40 xildhibaan oo cusub oo qaabiil loo qeybsanaayo waxaana leyslagartay
Waxaana loo qeybsaday sidaan
Beesha Habar gidir iyo duduble 15 xildhibaanBeesha Mareexaan 10 XildhibaanBeesha Murusade 8 xildhibaanBeesha Abgaaal. 4 XildhibaanBeesha Dir. 3 xildhibaanWaxaa. Kale lleysku raaxay in gudoomiyaha. Barlamaanka la siiyo Ahlusuna waxaana sida sharciga ah laga keenaayo shaqsi ka soo jeedo beeesha Murusade waxaana. Lo badinayaa wiil uu dhalay. Caalimka weyn ee Sheikh Maxamed. FaaraxWaxa. Hada. Laga doodayaa sida loo mideen lahaa labada. Ciidan Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey Puntland

$
0
0

Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in hal argagixiye ku dhintay duqeyn ka dhan ah Daacish oo ay ka fuliyeen Waqooyi Bari Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraynkanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Soomaaliya ay dhacday Galabnimadii Maanta oo Isniin ah.
Dowladda Maraykanka ayaa horraantii bishaan bilowday beegsiga kooxdaan yar,laakiin sii fidaysa ee Daacish. Bilowgii sannadkaan maamulka Trump ayaa ballaariyey weerada militari ee ka dhanka ah xagjirka,gaar ahaanna Al-shabaab ee xiriirka laleh Al-Qaeda.
Daacishta Soomaaliya oo la sheegay in ay gaarayaan 2oo,ayaa tiro badan oo kamid ah Al-shabaab ka soo goosteen.
Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa sannadkaan qaaday in ka badan 20 weerar oo ka dhan ah ururada xagjirka ah.PUNTLAND POST
The post Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey Puntland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magalada Nairobi ee...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Nayroobi, Nofeembar, 27, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo gaaray Maagalada Nayroobi.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.
"Xiriirka ka dhaxeeya labada dal waa mid ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo bishii Maarso ee sanadkan ayuu booqasho rasmi ah ku yimid Kenya si loo xoojiyo xiriirkaas, haatanna waxa uu ka qeyb galayaa caleema-saarka Madaxweyne Kenyatta." ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axemed.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa qaadan doona muddo hal maalin ah, waxaana berri oo Talaadada ah uu ku biiri doonaa hoggaamiyeyaal ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka oo ka qeyb galaya caleema-saarka.
Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta Safaraddda Soomaaliya ee Sucuudiga

storvideo: 

Kenya oo kulminaysa Farmaajo iyo Natenyahu

$
0
0

Kn: Xafladda caleemo saarka madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo maalinta baritoole ah ka dhacaysa Nairobi ayaa la filayaa inay kulmiso madax Bariga Afrika u badan iyo hogaamihaya Israa'iil, Benjamin Natenyahu oo sida ay Kenya shaacisay ka soo qayb galaya xafladda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo galabta soo gaaray Nairobi ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee madal aan tan Qaramada Midoobay ahayn la fariista hogaamiye dalka Israa'iil.
Natenyahu oo ah hogaamiyaha kaliya ee caleemasaarka Uhuru uga imaanaya meel ka baxsan qaaradda Afrika ayaa la filayaa inuu si gooni gooni ah ula kulmo madaxda Afrikaanka ee munaasabadda ka soo qayb galaysa, laakiin lama oga in Farmaajo uu kamid noqon doono hogaamiye yaashaasi sida gaarka ah ula kulmaya ra'iisul wasaaraha Israa'iil.
Madaxweyneyaasha Jabuuti, Uganda, Ruwanda, South Sudan iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kamid ah madaxda ka qayb galaysa caleemosaarka madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
storvideo: 

US airstrike against Islamic State group in Somalia kills 1

$
0
0

The U.S. military says it has carried out an airstrike against the Islamic State group in northeastern Somalia that killed one extremist.
The statement from the U.S. Africa Command says the airstrike was carried out Monday afternoon in coordination with Somalia’s government.
The United States early this month began targeting the small but growing presence of the Islamic State group in Somalia.
The Trump administration early this year approved expanded military efforts against extremists in the Horn of Africa nation, primarily the homegrown and al-Qaida-linked al-Shabab.
Many of the Islamic State group fighters, who are said to number around 200, defected from al-Shabab.
The U.S. this year has carried out more than two dozen drone strikes against the two extremist groups.
The post US airstrike against Islamic State group in Somalia kills 1 appeared first on Shabelle.

US airstrike against Islamic State group in Somalia...

$
0
0

The U.S. military says it has carried out an airstrike against the Islamic State group in northeastern Somalia that killed one extremist.
The statement from the U.S. Africa Command says the airstrike was carried out Monday afternoon in coordination with Somalia's government.
The United States early this month began targeting the small but growing presence of the Islamic State group in Somalia.
The Trump administration early this year approved expanded military efforts against extremists in the Horn of Africa nation, primarily the homegrown and al-Qaida-linked al-Shabab.
Many of the Islamic State group fighters, who are said to number around 200, defected from al-Shabab.
The U.S. this year has carried out more than two dozen drone strikes against the two extremist groups.
storvideo: 

Ciro iyo cali Khaliif oo kulamay

$
0
0

28th November 2017 admin Category :
Cali Khaliif iyo Ciro oo ka wada hadlay sidii qas iyo fawdo loga sii wadi lahaa degaanada beesha dhulbahante degto
Cali Khaliif Galaydh iyo Abdiraxman Cirro, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa looga hadlay sidii dadka deegaanka Khaatumo inta hadhay gacanta loogu galin lahaa maamulka SNM oo ay ugu weyn-tahay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
[embedded content]
storvideo: 


Waxay ahayd 65 jir laga ceyriyey ciidanka, balse...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa deegaanka Garas Baaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxay xalay ku dileen Haweeney horay uga tirsaneyd Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Haweeneydaan oo lagu Magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, Da'deedana lagu shegay 65 Sano jir ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Gurigeeda loogu tegay.
Sidoo kale qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in Codkiisa iyo Magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa faah faahiyay sida ay wax uga dhaceyn."Anagoo oo Xaafada Garas Baaley joogno ayaan maqalnay rasaas, markii aan kala cararnayna waxaa naloo sheegay in Maama Siteey la dilay, dadkii dilayna ay baxsadeen, runtii manaqaano waxa ay ahayeen dadkii dilay waana argagaxnay" ayuu yiri goobjoogaha.
Dhanka kale waxaa xiriir la sameynay Maamulka deegaanka Garas Baaley si aan xogo dheerad ah uga helno balse kama jawaabin taleefoonadeena.
Dilalka noocaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay dalka, waxaana Haweeneydaan la sheegay in ay ka mid aheyd Haweenkii horay looga ruqseeyay Ciidanka xiligii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay, kadibna ay kusoo dhacday mele cidlo ah oo aysan nafteeda ku diufaaci karin.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog: Kheyre oo shaqada ka eryey xubno ku beel ahaa...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Warar laga kalsoon yahay oo ay - Onlinne ka heshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Amniga ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyey ku xigeenka haya'daha Duulista Hawada lagana qaaday jagadii uu hayey.
Sidoo kale Xoghayaha Joogtada Wasaaradda maaliyadda iyo ku xigeenkii NISA ayaa iyagana xilalkii laga qaaday, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen - Online.
Sida ay xogta ku helayso - Online, arrintaan ayaa loo aanaynayaa iney ka salka ku hayso khilaafka siyaasadeed ee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid iyo Ra'iiul Wasaare Kheyre.
Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa dhamaantood waxay isku hayb yihiin Cumar Cabdirashiid; Khilaafka ayaa salka ku haya arrinta mowqifka Khaliijka ee ay dawladdu qaadatay, ayada oo Cumar Cabdirashiid uu ku xiran yahay dowladda Imaaraadka.
"Dadka xilalka laga qaaday waxay ku hayb yihiin Ra'iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashid, arrintuna waxay tahay mid la xiriirta khilaaf u dhexeeya Xasan Khayre iyo Cumar Cabdirashid oo siyaasadda ahaan iska soo horjeeda, taas ayaana saameysay kaliftayna in ay xilalkooda waayaan" ayuu yiri mid kamid ah ilo-wareedyada la hadlay - Online oo codsaday inaan magaciisa lga shaacin.
Illaa iyo hadda lama yaqaan sabab shaqo oo dadkan xilka looga qaaday marka laga reebo xiisadda ka dhex oogan Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Trump oo hal sano ku jebinaya record-kii Obama ee...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Washington DC (- Online) - Weerarkii ugu dambeeyey ee duqeyn ah oo Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya ayaa lagu dilay xubin ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya, galabnimadii Isniinta.
Waxa uu ahaa weerarkii 29-aad ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya, tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Donald Trump, sida ku cad xog laga helay xafiiska saxaafadda daba-galka Mareykanka ee Bureau of Investigative Journalism, iyo kii 3-aad ee sanadkan 2017.
Weerarkii ugu horeeeyey ee sanadkan Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa waxaa la qaaday ayada oo Obama uu xukunka hayo.
Weerarkii Isniintii ayaa yimid toddobaad kadib markii weerar lala beegsaday kooxda Al-Shabaab looga dilay 100 dagaalyahan, markii lala helay xero tababar oo ku taalla meel 125 mile kaga beegan Muqdisho.
Ayada oo Trumop uu muddo 10 bilood ah Somalia ka fuliyey 29 weerar, waxa uu hadda shan weerar kaliya u jiraa record-kii weerar ee 34-ka ee Obama uu Soomaaliya ka fuliyey muddadii 8-da sano ahayd ee uu xilka hayey.
"Weerarada ayaa hadda noqday kuwa joogto ah" waxaa sidaas yiri Jack Serle oo ka tirsan xafiiska Bureau of Investigative Journalism kuna taqasusay weerarada drone-ka.
"Waxaan waa wax aan horey loo arag"
Mid ka ka mid ah sababaha kordhiyey weerarada ayaa ah ayada oo Trump uu ciidamada siiyey amar hal mar kaliya ah oo ah inay wixii ay doonaan sameeyaan, ayaga oo aan ansixin ka sugin mar walba oo ay weerar qaadayaan.- OnlineXafiiska Minneapolis-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Muran ka taagan cidda maamuleysa hey'adda daryeelka macaamiisha ee Mareykanka

$
0
0

Dalka Mareykanka waxaa uu muran ka taagan yahay ciddii maamuli lahayd hey'adda daryeelka macaamiisha ee dalkaasi, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu waxba kama jiraan kasoo qaaday magacaabistii hore, isagoona xilkaasi u magacaabay shakhsi aad ugu dhaw isaga.

Madaxda Puntland oo kormeertay Xarumaha Dawladda Ee...

$
0
0

28th November 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladdda Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta 27 Nov 2017 Kormeeray xarumaha dawladda ee degmada badhan ee gobolka Sanaag.
Kormeerka ayaa waxaa Agaasimaha ku wehelinaayey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, Maayirka degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Isu duwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha dawladda Puntland iyo Masuuliyiin kale.
Agaasimaha ayaa soo kormeeray xarumaha dawladda degmada Badhan ee kala ah Wasaaradda Waxbarasha, Wasaaradda Degaanka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Jeelka weyn ee magaaaladaasi oo dhisme kasocdo, Jammacadda Maakhir, riigga magaalada iyo biyo gelinta magaalada oo shaqadeedii socoto, sayladda Xoolaha iyo sidoo kale xarumihii qadiimiga ahaa ee dawladda kuwaas oo u baahan dayactir.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa sheegay in degmada Badhan ee gobolka Sanaag laga hirgeliyey inta badan dhismayaasha dawladda ee muhiim ka ah, isla markaana ay dhammaan xarumahaasi gacanta kuhayaan shaqaale waddaniyiina oo masuuliyad gaara iska saaray illaalinta xarumahaasi muhiim ka ah .
Sidoo kale Agaasimaha ayaa tilmaamay in ay jiraan xarumihii dawladda ee qadiimiga ahaa qarkood oo burbur xoogani soo gaadhan, isla mar'ahaantaana ay u baahan yihiin dayactir xoogan oo ku yimaada isku-tashi bulshada dhexdeeda ah iyagoo cuskanaya halku dhiggii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa [PUNTLAND HA ISKU-TASHASHO], waxaana uu Agaasimuhu ku booriyey maamulka gobolka iyo kan degmadaba inay masuuliyad gaara iska saaran sidii wax looga qaban lahaa xarumahaasi u baahan dayactirka madaama ay kaga faa'iidaysan karaan dayactir kadib shaqooyinka qaarkood ee ay u hayaan Bulshadooda.
Dhinaca kale Agaasimaha oo soo kormeeray Jeelka weyn ee degmada Badhan ayaa cadeeyey in jeelku qabyo yahay inta hadda dhisan iyo inta hadda la dhisayoba lagu hirgeliyey isku-tashi bulsho, waxaana uu shacabka reer Puntland gaar ahaan shacabka reer Sanaag kula dardaarmay inay ka qayb qaataan dhismaha Jeelka maadaama uu muhiimad gaara u leeyahay gobolka gaar ahaan degmada.
Ugu danbayn, Agaasimaha Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladdda Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa soo kormeeray degaanka Xubeera halkaasi oo hore u hayad xaruntii Sandaladda beel-weynta Warsangeli iyadoo ay wax-yeelo ba'an u geysatey duufaantii 1974-1975, waxaana uu Agaasimuhu booqday Gurigii Alle haw-Naxariistee Marxuun. Suldaan Maxamuud Cali Shire oo wakhti dheer kadib weli dhismihiisu taagan yahay.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live