Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Aduunka oo Muqdisho...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Sadexda december oo ah Maalinta Caalamiga ee Naafadada Aduunka ayaa munaasabad lagu xusayey oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradaha Haweenka,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warfaafinta iyo Dastuurka, waxaana loogu talo galay in lagu dhiiro galiyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ugu horeyn munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in munaasabadaan ay leedahay ahmiyad gaar ah islamarkaana loogu talo galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa munaasabdda ka sheegay in dadka Naafadaha ay mudan yihiin in la dhiiro galiyo islamarkaana door wanaagsan ay ku yeeshaan horumarada Bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa shegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yahiin in mar walibo ay u adeegaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo gaba gabada munaasabadda ka hadashay ayaa shegtay in xukumadda ay diyaar u tahay in dadka naafada ah la caaawiyo.
16-ka December sanadkii 1962-kii ayey aheyd markii Golaha Guud ee Qaramada Miidoobey ay u aqoonsadeen 3-dii December iney tahay Maalinta Caalamiga ee Naafada Aduunka.
storvideo: 


Mukhtaar Roobow oo la kulmay Guddoomiyaha...

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali "Abuu Masuur" oo haray uga tirsanaa Al Shabaab ayaa maanta Kormeer ku sameeyay xarumo hor leh oo ku yaalla Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Waxaana ka mid ah goobaha uu tagay xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo xarunta madaxtooyada Maamulkaasi.
Afhayeenka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ay ka wada hadleen arrimaha Ammaanka iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sheekh Mukhtaar Roobow oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Gobollada Baay iyo Bakool, tan iyo markii uu isu soo dhiibay Dowladda ayaa Kormeer ku tagay xarumo muhiim ah, sida Saldhigyada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Gobolladaasi.
storvideo: 

Xulafada Sacuudiga oo soo dhoweeyey Cali Cabdalla...

$
0
0

Xulafada uu Sacuudigu hor kacayo ayaa soo dhoweeyey hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo xoogagiisu ay dagaal kula jiraan Xuutiyiinta, kaasoo wadahadal ku yaboohay.
Hadal ay xulafadu soo saartay ayaa lagu sheegay in go'aankaas "uu yahay mid hogaanka qabanaya, lana safanaya rabitaanka dadka, Yemenna ka xoraynaya miliishiyada daacadda u ah Iiraan".
Mr Saalax wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in "bog cusub la furo" haddii isbahaysigu uu qaado xannibadda, uuna joojiyo weerarrada.
Laakin Xuutiyiinta, oo ay jaal ahaayeen ilaa todobaadkii hore, waxay ku eedeeyeen khiyaano qaran.
Hogaamiyaha kooxda, Cabdulmaalik al Xuuti wuxuu Mr Saalax ku eedeeyey inuu jaal la ahaa Sacuudiga, arrintaasoo "uu ka shakisanaa balse iminka cadaatay".
Cali Cabdalla Saalax iyo Xuutiyiinta oo dagaallamaya
Dirirta u dhaxaysa xoogagga Mr Saalax iyo dagaallamayaasha Xuutiyiinta ayaa maalmo ka socotay magaalada caasimadda ah ee Sanca. Kooxaha gargaarka waxay sheegeen in tiro dad ah lagu dilay boqolaal kalena lagu dhaawacay.
Xuutiyiinta waxaa taageerta Iiraan, waxayna jaal la ahaayeen xoogagga Mr Saalax oo ay ka wada hor jeedeen xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdurabbuh Mansuur Haadi tan iyo 2014.
"Waxaan ugu baaqayaa walaalaha iyo dalalka deriska ah iyo isbahaysiga inay joojiyaan weerarka, oo ay qaadaan hareereynta, ayna furaan garoomada dayaaradaha oo ay ogolaadaan in dadka la gaarsiiyo raashinka gargaarka iyo in la badbaadiyo kuwa dhaawacyada qaba, innaguna waxaan furi doonnaa bog cusub oo ku dhisan deris wanaag" ayuu ku yiri Mr Saalax Khudbad uu TV ka sii daayey.
Wuxuu intaa ku daray "si wanaagsan ayaan u tacaamuli doonnaa, waxa Yemen ku dhacaynna waa wax ku filan".
Madaxweyne Haadi ayaa isna soo dhoweeyey hadalkaas, wuxuuna sheegay in uu Mr Saalax kala shaqayn doono sidii Xuutiyiinta looga hortegi lahaa.
Wuxuu codsaday in 'dhinacyada siyaasadda oo dhan ay bog cusub furaan, lana sameeyo isbahaysi qaran oo sal ballaaran, kaasoo seeska u dhiga waayo cusub, dadka oo dhamina ay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa miliishiyada inqilaabka samaysay'.
Xuutiyiintu way ku gacan sayreen hadalka Mr Saalax. Afhayeen u hadlay ayaa yiri 'khudbadda Saalax waa afgambi ka dhan ah isbahaysigii aan wada ahayn, waana mid dibadda soo dhigaysa khiyaanada ay wadaan kuwa sheegaya inay duullaanka ka soo hor jeedaan'.
Dagaalkan ugu dambeeyey ayaa qarxay Arbacadii, markii taageerayaasha Mr Saalax ay ku eedeeyeen fallaagada Xuutiyiinta inay jabiyeen dhismaha masjidka magaalada ugu weyn
storvideo: 

Daawo- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed faarax Oo Mudanayaasha ...
Hadda Daawo Baashe Maxamed Faarax Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo shirgdoominaaya fadhigii saaka ee xeerarka kala duwanaa lagu ansixinaayey:
[embedded content]
storvideo: 

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka South Africa

$
0
0

Cape Town ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Dalka South Africa ayaa sheegaya in Ganacsade Soomaali ah ay kooxo hubeysan oo Madow ah ku dileen Cape Town , sida ay xaqiijiyeen Soomaalida ku dhaqan Magaaladaasi.
Shaqsiga la dilay ayaa waxaa uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaano Magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda, waxaana lagu Magacaabi jiray Axmed shire Nuur.
Goobjoogayaal ka agdhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysteen kooxo hubeysan oo doonayay in ay dhacaan Marxuumka, iyagoo rasaas ku furay kadibna uu goobta ku geeriyooday.
Ciidamada Booliska ee Dalka South Africa ayaa wada baaritaano la xariira dilkaasi oo lagu raadinayo dambiilayaasha geystay falkaasi.
Khamiistii la soo dhaafay ayey ahayd markii laba wiil oo Walaala ahaa lagu dilay Magaalada Johannesburg ee South Africa, kuwaas oo hal Dukaan ka wada shaqeynayay, waana Astaan muujineysa in markale uu soo badanayo dilalka iyo dhaca loo geysto dadka Ajaanibta ah ee ku nool Dalkaasi.
The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka South Africa appeared first on Shabelle.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka South Africa

$
0
0

Cape Town ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Dalka South Africa ayaa sheegaya in Ganacsade Soomaali ah ay kooxo hubeysan oo Madow ah ku dileen Cape Town , sida ay xaqiijiyeen Soomaalida ku dhaqan Magaaladaasi.
Shaqsiga la dilay ayaa waxaa uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaano Magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda, waxaana lagu Magacaabi jiray Axmed shire Nuur.
Goobjoogayaal ka agdhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysteen kooxo hubeysan oo doonayay in ay dhacaan Marxuumka, iyagoo rasaas ku furay kadibna uu goobta ku geeriyooday.
Ciidamada Booliska ee Dalka South Africa ayaa wada baaritaano la xariira dilkaasi oo lagu raadinayo dambiilayaasha geystay falkaasi.
Khamiistii la soo dhaafay ayey ahayd markii laba wiil oo Walaala ahaa lagu dilay Magaalada Johannesburg ee South Africa, kuwaas oo hal Dukaan ka wada shaqeynayay, waana Astaan muujineysa in markale uu soo badanayo dilalka iyo dhaca loo geysto dadka Ajaanibta ah ee ku nool Dalkaasi.
storvideo: 

Ciidamada Puntland oo howlgallo ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Howlgalladan oo u muuqday kuwa qorsheysan ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Garsoor iyo Israac ee Magaaladaasi Gaalkacyo.
Saraakiisha ciidamada Booliska ee Puntland ayaa sheegay in howlgalladaasi ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaank, si laga hortago kooxo Habeenkii Dhac ka geysta Magaaladaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray cabasho xoogan oo ay dadweynaha ka muujinayeen Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
The post Ciidamada Puntland oo howlgallo ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

Cali Kh. Galayr oo Muuse Biixi kala hadlay awood qaybsi

$
0
0

Magaalada Hargeysa, professor Cali Khaliif Gallaydh madaxweynaha khaatumo ayaa faah-faahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxweynaha la doortay ee somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka.


Cali Kh. Galayr oo Muuse Biixi kala hadlay awood qaybsi

$
0
0

Magaalada Hargeysa, professor Cali Khaliif Gallaydh madaxweynaha khaatumo ayaa faah-faahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxweynaha la doortay ee somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka.
Cali Khaliif oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in kulamadaasi ay ku saabsanaayeen heshiiskii labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo dhowaan ku kala saxiixdeen magaalada Caynabo, isagoo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay qodobbada heshiiska.
Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayuu uga waramay Cali Khaliif marka hore waxay ka wada hadleen isaga iyo Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha la doortay ee Somaliland.
storvideo: 

Roobow oo la kulmay Wariyeyaasha Baydhabo

$
0
0

Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo ee isugu jira qeybaha kala duwan ee warbaahinta, kadib casuumaad uu u sameeyay.
Wariyeyaasha ayaa salaadii Duhur kadib ku xaadiray Madaxtooyada, waxaana markii ay galayeen qolka uu ku jiray Roobow laga wada damiyay Telefoonadooda, iyada oo sidoo kale laga reebay qalabkii warbaahinta ee ay isticmaalayeen, maadaama arrin gaar ah loogu yeeray.
Roobow ayaa Wariyeyaasha la qaatay kulan isbarasho ah, kadibna wuxuu ka dalbaday in qalabka warbaajinta aysan u adeegsan "Roobow oo Dowladda isku soo dhiibay" balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in Dowladda uusan isku soo dhiibin ee uu ku yimid wada hadal, wariyeyaashana looga baahan yahay in ay sidaas ula socdaan.
Wuxuu sheegay warbaahinta in ay adeegsadaan Roobow oo isku soo dhiibay Dowladda, wuxuuna tilmaamay isaga inuusan isa soo dhibin, balse ay jiraan Hoggaamiyeyaal Shabaab ka tirsanaan jiray oo isa soo dhiibay.
Dhanka kale Roobow ayaa sheegay maanta la kulankiisa wariyeyaasha in halkaas ajande uu ku saabsanaa balse wixii howlo kale ah uu dib kala soo wadaagi doono.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo ”Dowladda waxaa ka go...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Amniga Soomaaliya ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan in ay amniga kala wareegaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Shirkan oo muddo labo maalmood ah soconaya ayaa Soomaaliya iyo Beesha Caalamku waxa ay dib u eegid ku samaynayaan qorshayaashii ka hirgalay shirkii Soomaaliya ee London, hirgalinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka oo haatan ay meel wanaagsan maraya howlaha isku dhafka Ciidanka iyo sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd amniga dalka kaddib markii uu soo gaba-gaboobo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay dhankooda si mug leh u buuxiyaan kaalinta ay maanta Soomaaliya ka sugayso, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
"Waxaa noo muuqata ifafaallo ku aaddan Soomaaliya oo xor ka ah argagixisada, dhammaanteenna taas ayaan ka midaysannahay oo aan ka leenahay qorshe midaysan, beesha caalamkana waxa aan ka doonaynaa in ay si buuxda uga soo dhalaasho ballan qaadyadii Shirkii London."
Madaxdka iyo masuuliyiinta ka soo qayb galay Shirweynaha Amniga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaaraha dalka, Raiisul Wasaare Kuxigeenka, Xubno ka mid Golaha Wasiirrada, Madaxweynayaasha Dowladda Goboleedyada,Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.s Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirrada dalalka shisheeye ee Soomaaliya, Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, wufuud ka kala timid caalamka iyo hoggaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM.Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Jilaaga caanka ah Shashi Kapoor oo dhintay

$
0
0

Shashi Kapoor oo ahaa jilaa caan ah ayaa ku dhintay Hindiya, wuxuuna ahaa 79 sano jir.

Jilaaga caanka ah Shashi Kapoor oo dhintay

$
0
0

Shashi Kapoor oo ahaa jilaa iyo soo saare ka tirsanaa Bollywood ayaa ku dhintay hindiya wuxuuna ahaa 79 sano jir.
Kapoor, oo jilay aflaan badan oo meel sare gaaray sida Deewar iyo Kabhie Kabhie, wuxuu xanuunsanaa muddo oo uu ku jiray cisbitaal.
Wuxuu xubin ka ahaa qoysaska Kapoor, kuwaas oo tobannaan sanno aad ugu badnaa jilidda aflaanta Hindiga.
Wuxuu dhowr goor ku guuleystay abaalmarinno qaran, waxaa sidoo kale dowladda Hindiya ay siiyay abaalmarinta sharfidda shacabka ee Padma Bhushan, sannadkii 2011-kii.
Sidoo kale wuxuu ka qeybgalay jilliinka aflaan British iyo American ah.
Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar, wuxuuna jilay illaa 150 filim oo ay ka mid yihiin tobannaan ah aflaanta Britain.
Aflaantiisa qaar waxaa loo turjumay Afsoomaali waxaa daawado dad badan oo Soomaali ah oo taageera jilaagan.
Wuxuu aflaan badan la jilay jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan (oo Soomaalida qaar ay u garanayaan Cali Dheere), kaas oo ahaa ragga ugu aflaanta fiican Bollywood. Sannadihii 1970-maadkii illaa 18-meeyadii, waxay labada jilaa sameeyeen aflaan ay walaalo wanaagsan yihiin ama saaxiibo aad isugu fiican.
Hadalkiisii ahaa "Mere paas maa hai" (Laakiin waxaan haystaa taageerada hooyo) - xilli ay murmeen Cachchan oo walaalo ay ku jilayeen Deewar, wuxuu haqday middkii ugu sareeyay ee malaayiin tqof oo caalamka ku kala sugan ay taageereen.
storvideo: 

Video: Sidee ayaa loo dilay madaxweynihii hore ee...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Sanca (- Online) - Madaxweynihii hore ee dalka YemenCali Cabdalla Saalix ayaa lagu dilay magaalada Sanca, sida laga sheegay raadiyaha wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiita.
Xisbiga Saalix ayaa sidoo kale xaqiijiyey in hoggaamiyahooda la dilay. Ilo-wareedyo ku dhow Saalix ayaa taleefishinka Aljazeera u sheegay in madaxa kooxda qaabilsan sugidda ammaanka Salah, Hussei al-Hamidi sidoo kale la dilay.
Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix oo ka baxay magaalada Sanca ayaa gaadiidkiisa wadada loo galay, waxaa la socday kaaliyaha xogheyaha guud ee xisbiga Yaasir Cawaadi, General Cabdalla Maxamed qowsi iyo wiilkiisa Khaalid Cabdalla Saalix.
Markii ay soo gaareen tuulada Jaxshi oo u dhaw Sanca ayaa waxaa soo weeraray 20 Tikniko ah oo Xuutiyiinta ah, kadibna nolosha ayaa lagu qabtay Cali Cabdalla Saalix, gaariga aya laga soo dejiyay, Madaxa ayaa laga toogtay, waxaa sidoo kale la dilay kaaliyaha ururka halka wiilkiisa Khaalid oo dhaawac ah la afduubtay!
Dhinaca, waxaa la la'yahay mas'uuliyiinta ka tirsan ururka, Lama oga halka ay joogaan xogheyaha guud ee ururka Mu'tamar Caarif Zuuka iyo taliya ciidanka Dhaariq Saalix.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Cali Cabdalla Saalax oo "lagu dilay" dagaal ka dhacay Yaman

$
0
0

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay dileen madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax ka dib dagaal ka dhacay Sanca.


DAAWO SAWIRRADA:- Wejigii Labaad Ee Shirka London Oo...

$
0
0

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan halkaan idiinkugu soo gudbineynaa sawirrada wejiga labaad ee shirka London oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayadoo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
storvideo: 

Wasaaradda maaliyada Puntland oo horgeysay...

$
0
0

Wasaaradda maaliyada Dawlada Puntland ayaa horgeysay golaha wakiilada miisaaniyada cusub ee ay Dawladu ku shaqayn doonto sanadka soo-socda ee 2018.
Wasiirka Maaliyada Dawlada Puntland Cabdilaahi Saciid Carshe oo khudbad ka horjeediyey Baarlamaanka wuxuu ka codsaday inay ansixiyaan miisaaniyadan maadama wasaaradu in mudo ah u fadhiday shaqada miisaaniyada ayna isku taxa-lujisay inay keento odoroska miisaaniyada 2018.
Miisaaniyada Puntland ee 2018 oo ku salaysan lacagta doolarka ayaa gaaraysa $92,713,364 sanadkii oo ah dakhli iyo kharash is le'eg, Wasiir Carshe ayaa sheegay inaysan miisaniyadan ku jirin lacago ka muuqday miisaaniyadii 2017 taas oo laga filaayey hay'addo caalami ah hase ahaate aan laga helin, waxaana xusid mudan inay miisaaniyadan ay ku jiraan miisaaniyadaha 7-degmo oo katirsan degmooyinka Puntland iyo deeqaha ka yimaada hay'adaha caalamiga sida Qaramada midoobay iyo Bangiga aduunka.
Warbaahinta PUNTLAND POST oo la hadashay qaar kamida xildhibaanada golaha wakiilada Puntland waxay sheegeen inay cod u qaadi doonaan meel marinta miisaaniyadan marka ay soo akhriyaan kana soo baaraan degaan.
Inkasta oo sanad walba miisaaniyada Puntland uu baarlamaanku ansixiyo hadana waxaa la sheega inaan loogu dhaqmin sidii ay ahayd aysana si billa ah hay'adaha kala duwan ee Dawlada iyo ciidamadu u helin xaquuqda ugu jirta miisaaniyada sida mushaaraadka iyo gunooyinka, sidoo kale waxaa muuqata inay meesha ka maqan tahay la xisaabtankii golaha wakiilada oo mar walba ah kuwo gacanta un u taaga miisaaniyad walba iyo sharci kasta oo ay xukuumadu usoo gudbiso.PUNTLAND POST
The post Wasaaradda maaliyada Puntland oo horgeysay baarlamaanka miisaaniyada 2018 appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Bariga Afrika Ee...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post]-Munaasabadan oo lagu qabtay hoolka Jaamacada Bariga Africa ee Magaalada Bosaso, ayaa waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland Maamulka Gobalka Bari ,Maamulka Jaamacada Bariga Africa, Waalidiin, Aqoonyahano, iyo Marti sharaf Kale oo badan.
Munaasabada a oo ahayd mid qaab ahaan ka duwanayd kuwii lagu qaban jiray jaamacada marka laga fiiriyo sida loso Agasimay, ayaa lagu sagootinaayay ardaydii ka qalinjabisay Kuliyaddaha kala duwan ee ay Jaamacdu bixso.
Waxaa Sido Kale Ardayda Qalin Jabinaysay Ku Jiray 8 Arday Oo Kuliyada Sharecada Ka Qatay Shahadada Mastarka Ah Ee Waxbarashada Heerka Labaad Ee Jamacada.
Dr Adaan Sheikh Doon Cali Gudomiyaha Jamacada Bariga Afrika ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay iyo Eheladooda ,wuxu sido kale u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Bariga oo uu sheegay in ay dadaal badan galiyeen sidii ardaydan ay heerkan uso gaari lahaayeen ,wuxuuna dhanka kale amaanay waxyaabihii ay qabteen ardayda mudadii ay dhiganaayeen jaamacada .
Macallimiin oo ka mid ahaa macalimiinii wax-soo-baray ardayda ayaa dhankooda ardayda kula dardaarmay in ay ugu adeegaan cilmigii labaray bulshadooda, sidoo kalana ay Midoobaan.
Qaar ka mid ah ardayda dhameystay waxbarshada Jaamacad ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda maamulka iyo Macalimiinta jaamacad E A U iyo waalidiinta, waxan sida oo kale sheegan in Mudad ay wax baranayeen ay wax badan u qabteen bulshada si gaar ah dadka danyarta ah iyo kuwa magaalada .
Wasiir Dowlayaasha Wasaraha Warfaafinta Iyo Dekadaha Puntland Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Axmed Siciid Cabdirixmaan Ayaa Ardayda Kula Dar Darmay Inaysan halkasi wax barshad kaga harin.
Gudomiyaha Gobalka Bari Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Ayaa Goobta Uga Balan Qaday Drs Maryan Maxamed Oo Baratay Cafimaadka Iyo Faadumo Oo Ka Qalin Jabinaysay Kuliyada Enjinerinka Inay La Shaqayn Donan Shirkada Dhisaysa Dekada Bosaso.
Ugu Danbeyn ayaa Waxaa Ardayda la Gudoonsiiyay Shahaadooyin Kala Duwan waxaanna Gudoonsiiyay Gudomiyaha Jaamacad Bariga Afrika Dr Aadan Sheekh Doon Cali iyo Qaar Ka mid ah masuuliyiintii ka qeyb galay.Cabdiqani BoosPuntland Post- Bosaso
The post Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Bariga Afrika Ee Bosaso. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Arrin cusub: Roobow oo shaaciyay inuusan isku...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Madaxtooyada maamulka uu saacado ka hor kulan khaas ah ku dhexmaray Horjooge ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Mukhtaar Roobow iyo Suxufiyiinta Baydhabo.
Kulanka Roobow iyo Suxufiyiinta ayaa salka ku hayay hakinta qaabka ay Suxufiyiintu u tabiyaan wararka Roobow iyo in meesha laga saaro ''Roobow oo isku soo dhiibay dowlada''.
Inta lagu guda jiray isbarashada Mukhtaar Roobow ayaa Suxufiyiinta ka dalbaday inay damiyaan dhammaan qalabka codadka duuba iyo Kaamiradaha, waxa uuna intaa kadib ka dalbaday inaysan Oran ''Mukhtaar Roobow oo isku soo dhiibay dowlada''
Roobow waxa uu Suxufiyiinta ka dalbaday in xiliyada ay tabinayaan wararka isaga khuseeya ay adeegsadaan ''Roobow oo ku yimid wada hadal uu la galay dowlada''
Waxa uu sheegay inuusan isku dhiibin dowlada, balse uu la galay wadahadal sidaana uu ku helay magangalyo, wuxuuna qiray in Saxaafada ay si khaldan u tabiso wararka isaga khuseeya.
Nuqul kamid ah haddalka Roobow ayaa ahaa ''Suxufiyiintu waxa ay wararkooda ku tabiyaan Roobow oo isku soo dhiibay dowlada, anigu isma soo dhiibin ee waxaan dowlada la galay wadahadal''
''Is dhiibid waxaa la dhihi karaa sida Horjoogayaasha ku jira gacanta dowlada ee is dhiibay''
Roobow wuxuu ka dalbaday Suxufiyiinta in qalabka warbaahinta aysan u adeegsan ''Roobow oo Dowladda isku soo dhiibay" balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in Dowladda uusan isku soo dhiibin ee uu ku yimid wada hadal.
Sidoo kale, Suxufiyiinta ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay sidaas ula socdaan oo aysan isku khaldin sifaha u dhexeeya labada eray.
Si kastaba ha ahaatee, Ajandaha Roobow ee la kulanka Suxufiyiinta ayaa ahaa keliya qodobkaasi oo uu sheegay inuu u leeyahay ahmiyad gaara.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Daawo: Wareysi-Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Madaxa...

$
0
0

Daawo: Wareysi-Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Madaxa Banaan SSJW Ayaa si waafi ah Uga Hadlay Doorashadii..
HargeysaToggaherer)-Wareysi-Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Madaxa Banaan SSJW Ayaa si waafi ah Uga Hadlay Doorashadii..
Daawo Wareysgaasi uu Siiyey shabakadani Toggaherernews maanta iyo waxyaabaha uu kaga hadlayba:
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live