Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Unicef: hawada wasakhaysan maskaxda carruurtay...

$
0
0

Toddobo iyo toban milyan oo carruur ah oo da'doodu ka hoosayso hal sano ayaa qaata hawo wasakhaysan taas oo halis galisa koriinkii maskaxdooda, sida ay ka digtay hay'adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Carruurta Koonfurta Aasiya ayaa ah kuwa ugu daran ee ay arrintani saamaysay, 12 milyan oo carruur ah ayaana ku nool goobo wasakhawga hawada ee ka jiraa uu lix jibaar ka sareeyo sidii loo baahnaa.
Afar milyan oo kalana waxay halis ku wajahaysaa bariga Aasiya iyo Pacific.
Hay'dda badbaadada dhallaanka ee Unicef waxay sheegtay in ay u badan tahay in hawada wasakhaysan ay dhaawacdo maskaxda ayna wax u dhinto korniinkii ay samayn lahayd.
Warbixintan waxaa lagu sheegay in arrintan sidoo kale lala xiriiriyay dhibco hoose oo ay ka keeneen caruurtu "qiimayn lagu sameeyay garaadkooda kaas oo hadal iyo mid aan hadal ahayn isugu jiray, xasuustooda, iyo waliba in ay ka dhibco hooseeyaan carruurta qayrkood ah iyo waliba khalkhal ku yimaaddo neerfahooda.
"Iyadoo ay dunidu sii magaaloobayso aysanna jirin hab ku filan oo lagu xakamaynayo wasakhawga hawada carruur badan oo kale ayay halis soo wajihi doontaa sannadaha soo socda" sida ay sheegtay Unicef.
Waxay ku baaqday in wajiyada la daboosho waxyaabo hawada sifeeyana la adeegsado, carruurtana aan la safranin wakhtiyada ay hawadu aad u wasakhaysan tahay.
Bishii hore uuro halis ah ayaa isku gadaantan hawada magaalada Delhi ee caasimadda u ah Hindiya.
Qaar ka mid ah iskuullada ayaa la xiray. Laakiin markii dib loo furay waalidku waxay maamulka ku eedeeyeen in uusan ahmiyad siinaynin caafimaadka carruurta.
storvideo: 


Mareykanka oo Qudus u Aqoonsaday Caasimada Israel

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadi shalay ku dhawaaqay in Mareykanka uu si rasmi ah ugu aqoonsaday magaalada Qudus in ay tahay - Israel.
Trump wuxuu sheegay in dowladdiisu ay billaabayso qorshaha ay safaaradda Mareykanka ee Tell Aviv ugu rareyso magaalada Jerusalem ama Qudus.
Tallaabadan ayaa caro iyo qeylop dhaan ka dhalisay dunida Muslimka iyo guud ahaan caalamka. Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa magaalada Qahira nooga soo diray Xuseen Sahnuuni.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:59
0:00:00 /0:04:59
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waa maxay shaqadiisu

$
0
0

7th December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweyne Ku xigeenka aan dhicin ee Galmudug Shaqadiisu maxay noqon doontaa.
Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, oo ku magcaaban madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kuna shaqeeya siyaasadda ah "ninkii Galmudug qabsadaaba waa adeerkay, ayaan la garanayn waxay shaqadiisu noqon doonto. Ka dib Heshiiska maanta ay Muqdisho ku kala saxiixdeen beelaha Cayr, Sacad iyo Murursade, ayaa waxa lagu heshiiyey in beesha Sacad ay iyagu Galmudug madaxweyne ka noqdaan, beesha Cayr ay iyaguna Galmudug Raisulwasaare ka noqdaan, halka beesha Murursadana iyaguna sii haynayaan Gudoonka Baarlamaanka.
Maxamed Xaashi Cabdi carabey, oo ka soo jeeda beesha Sade, siyaasadana ay isaga mid yihiin Bare Hiiraale ayaa sadex madaxweyne oo soo maray Galmudug, oo kala siyaasad duwanaa oo mid ka mid ahi ahaa Dagaal ooge, midna Damuljadiid iyo madaxweynaha hadda xilka hayaa oo isaguna horay u ahaan jiray Qaad wale la soo wada shaqeeyey. Mar haddii Galmudug madaxweyne iyo Raisuwasaare yeelatay saami qaybsigii beesha Sade Daarood muxuu noqon doonaa
Post navigation
- Heshiiska Beelaha Habar gidir
storvideo: 

Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha...

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaan ay maamulaan Al-shabaab.
Diyaaradaha ayaa duqeeyay deegaanka Ilimey oo qiyaastii 130 km (80 miles) kaga beegan dhanka Koonfurta Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Deegaanka la duqeeyay waxaa maamula dagaalyaanadda Al-shabaab.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradaha ay bartilmaameedsadaeen gaari dagaal oo waday qalab lagu diyaarinay qaraxyo.
Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Dowladda Soomaliya Ali Nuur ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in diyaaradaha ay duqeeyeen gaari ay la socdeen Al-shabaab, balse uusan sheegi karin khasaaraha ka dhashay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Al-shabaab Mohamed Abu Usama ayaa beeniyay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyaan gaari ay lahaayeen, Al-shabaab, taasi badalkeeda ayuu sheegay in la waxyeeleeyay dad shacab ahaa oo xoolo dhaqato u badnaa.
Waa duqeyntii 29-aad ee laga fuliyo gudaha Soomaliya, iyadoo Dowladda Mareykanka ay inta badan war kasoo saarto duqeymaha lagu qaado saldhigyadda dagaalyahanadda Daacish iyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka.PUNTLAND POST
The post Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Mareykanka oo wadahadal ugu baaqay siyaasiyiinta Kenya

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga inuu joojiyo qorshaha la doonayo in toddobaadka soo socda loo dhaariyo xilka madaxtinimada.

Mareykanka oo wadahadal ugu baaqay siyaasiyiinta Kenya

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga inuu joojiyo qorshaha la doonayo in toddobaadka soo socda loo dhaariyo xilka madaxtinimada.
Ku xigeenka xoghayaha Mareykanka u qaabilsan Afrika, Donald Yamamoto ayaa soo gabagabeeyay booqasho uu ku tegay Kenya, halkaa oo uu kula kulmayay siyaasiyiinta reer Kenya iyo xubnaha ururada rayidka.
Arrimaha ugu waaweynaa ee laga hadlay ayaa la sheegay inay aheyd kala qeybsanaanta dhanka siyaasadda ee u dhaxeysa xisbiga tallada haya ee Jubillee iyo isbaheysiga mucaardaka ee NASA. Mr Yamamoto ayaa labada dhinac ugu baaqay inay wada hadlaan, waxaana uu ka digay in lagu dhaqaaqo ficilo ka baxsan dastuurka sida in la dhaariyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
Odinga ayaa horay u sheegay in uusan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadeen guddiga doorashada, isagoo na qaadacay doorashadii ku celiska ee dhacday bishii Oktobar. Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii ku celiska.
storvideo: 

Dadka ka barakaca dalka DRC oo ka badan kuwa bariga dhexe

$
0
0

Collaada ka taagan dalka dalka Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Congo ayaa sannadkan dad gaaraya 1.7 milyan oo qof ku qasabtay inay ka qaxaan guryahooda, taasi oo sababtay wax hey'adaha gargaarka ay ugu yereen xassarad ballaaran.

Madaxweynaha JFS oo Shir guddoomiyay kulan looga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA):--Madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka , waxaana ka soo qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha XFS, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal ayaa caawa ka shacay Villa Somalia.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.
Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad hawlaha Lagu dhameystiro Dastuurka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel

storvideo: 


Dadka ka barakaca dalka DRC oo ka badan kuwa bariga...

$
0
0

Collaada ka taagan dalka dalka Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Congo ayaa sannadkan dad gaaraya 1.7 milyan oo qof ku qasabtay inay ka qaxaan guryahooda, taasi oo sababtay wax hey'adaha gargaarka ay ugu yereen xassarad ballaaran.
Tani waxay la sheegay inay ka dhigantahay in sannadka xiga ee 2018-ka ay kasii dari doontaa xaaladda barakacayaasha ee dalka DRC Congo.
Dalkan ayaa waxaa halakeeyay dhowr sano oo xassilooni darro ah, iyadoo kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay isku dayayaan inay la wareegaan gacan ku heynta dalkaasi, waxaana xaaladda hadda jirta uga sii daray kadib markii ay qabsoomi weyday doorashadii sannadkii hore.
Agaasimaha hey'adda Norwegian refugee council ayaa sidookale sheegay in dadka kasoo barakacaya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Congo ay ka badanyihiin dadka kasoo barakacaya collaadda dalalka Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.
Warbixin ay dhawaan soo saareen xarun laga la socda dadka gudaha ku barakacay ayaa lagu sheegay in maalin walba dalkaasi ay ka barakacaan ku dhawaad lix kun oo qof.
storvideo: 

Dawladdii Hoose Ee Hargeysi Waxay u Baahantahay...

$
0
0

Dawladdii Hoose Ee Hargeysi Waxay u Baahantahay Gurmad & Bad-baadin.
"Qof Kastaa Dhaqada Loo Dhiibay Wuxuu Gaadhsiin Karaa Heerka Aqoontiisa".
Xoghayeha fulinta dawladda hoose ee hargeysa wuxuu caqabad ku yahay:-1. Shacabka.Oo wuxuu kala direy shaqaalihii faya-dhawrka & daba-galka raashinka & daawooyinka dhacay.2. Dawladda hoose lafteeda. Oo wuxuu ka xidhay ilihii dakhligu uga soo hoyan jirey oo ay kaw ka tahay ganaaxii ku dhici jirey ganacsatada iibisa raashinka & daawooyinka dhacay.
Sideedaba marka laga hadlayo masuuliyiinta dawladda hoose ee dalka. Mashiinka shaqada dawladaha hoose ee dalka wareejiyaa waa xoghayaha fulinta.
Hadaba Xoghayaha dawladda hoose ee hargeysa wuxu xidhay gabi ahaan-ba shaqadii dawladda hoose fulin jirtay iyadoo ay gabi ahaan-ba ay taagantahay mana jirto wax hawl ah Oo Ka socota dawladdii hoose ee hargeysa.Taas Oo ay sabab u tahay:-1. Aqoon darro ka haysa xoghayaha hawlaha dawladda hoose.2. Isagoon uba diyaarsanayn inuu wax ka barto arimaha shaqo sida:. Dakhli loo soo xareeyo . Faya-dhawrkii caasimadda Oo baaba"ay. . La shaqaynta laamaha biyo kama dhibcaanka ah ee la"aantood shaqo soconayn.
Markaan dib u milicsado xiligii uu joogay xoghayihii hore Ee dawladda hoose mudane Mawliid Keyse Muxumed. Waxyaalihii uu ku guuleystay shacabkuna mahadiyay waxa ka mid ahaa.Abuurista & hawgalinta shaqaalaha hayjiinta dawladda hoose. Kuwaas Oo Ka shaqayn jirey kaantaroolidda & daba galka raashinka & daawooyinka dhacay ee ganacsatadu shacabka ka iibiyaan.Sidaynu wada ognahayna maanta cududrada ugu badan ee dalka Ka jira waxa sababa raashinka & daawooyinka dhacay ee ganacsatadu sida badheedhka ah ay shacabka uga iibiyaan.Abuurista & ka shaqaysiinta shaqaalaha fayo-dhawrku wuxuu faa'iido u lahaa $?. Shacabka & $?. Dakhli ganaaxeed uga soo hoyan jirey dawladda hoose.
Hadaba maxaa dhacay?.Waxa dhacay in ganacsatada waaweyn ee dalku ay weerar qaawan ku qaadaan oo bilaa xishooda xoghayihii hore ee dawladda hoose mudane Mawliid. Dagaalkaas Oo daarnaa maxaa loo qabanayaa raashinka & daawooyinka dhacay ee aanu shacabka ka gadayno. Iyagoo ugu denbeyntina ku guuleystay bedelaadda xoghayihii hore ee dawladda hoose mudane Mawliid Kayse. Isla markaana ka hawl-galay Keenista xoghayaha iyaga danahooda u adeega kaas oo ah xoghayaha fulunta ee maanta jooga. Kana adeegayay shacabka & dawladda hoose ee uu xoghayaha ka yahay. Oo talaabadii u horeysay ee uu qaadaa ay noqotay fulinta doonistii ganacsatada dhiigyo cabka ah. Isla markaana kala direy shaqaalihii hayjiinta ee daba galka raashinka & daawooyinka dhacay.Iyadoo halkaana laba mushkiladood kaga kala furmeen :1. Shacabka.Oo ay dib ugu furantay mashaqadii raashinka & daawooyinka dhacay oo shacabkina mar labaad dabada loo qabtay &2. Dawladdii hoose.Oo iyana halkaa ku wayday dakhligii ganaaxa uga soo hoyan jirey markay shaqaaluhu soo qabtaan raashinka & daawooyinka dhacay halkaana ay ku muteysan jireen xadhig & ganaax lacageed.Taas oo sababtay in maanta shaqaalihii dawladda hoose noqdaan bilaa mushahar bishii saddexaad Oo xidhiidha. Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.
Markaan dib ugu noqdo xoghayihii hore ee dawladda hoose mudane Mawliid Keyse Muxumed.Wuxuu ahaa xoghaye ka soo shaqeeyay sideeda degmo ee ay ka koobantahay caasimadda hargeysi. Isagoo garanayay 1. Shaqada uu ka shaqaynayo.2. Isagoo garanayay dhamaan mujtamaca caasimadda hargeysa Oo guri guri u garanayay.3. Isagoo garanayay meelaha + sababaha kordhin kara dakhliga dawladda hoose ee hargeysa.4. Isagoo ay caado u ahayd inuu la majaaliso shaqaalaha & hawl-wadeenada laf dhabarka u ah horu socodka hawlaha shaqo ee dawladda hoose.5. Isagoo bedelay dhaqan shacabku ku dhaqmi jireen oo ahaa in nootaayooyonku dib u bedeli jireen warqadda iibka dhulka iyagoo qorshahoodu daarnaa inay yaraato lacagta kala wareejinta labada iib. Isagoo xoghayihii xiligaas u maamulay inuu u sameeyo 30% --40% discount ah. Halkaana ay dib uga soo hoyatay dakhligii caadiga ahaa ee dawladda hoose ee hargeysa.
Hadaba xoghayaha maanta jooga markaad kala hadasho arin cashuureed wuxuu si dhib yar u odhanayaa haygala hadlina. "Xigasho masuuliyiinta qaybta cashuuraha dawladda hoose ee hargeysa".
Sidaa darteed waxaanu u soo jeedinaynaa cid kastoy khusayso in sida ugu dhakhsaha badan loogu gurmado bad-baadinta & sabato bixinta dawladda hoose ee hargeysa oo mishiinkii shaqada wareejin lahaa uu noqday fadhiid.
Allaa Mahad Leh.
Qalinkii:- Gar. Keyse Koosaar Cilmi.
storvideo: 

Waxaan sahmin ku sameynay Afartan (40) Qodob oo ka...

$
0
0

Waxaan sahmin ku sameynay Afartan (40) Qodob oo ka mid ah Waxqabadkii uga Waaweynaa ee ay ku guulaysatay dowladdii uu Hogaaminaayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. (Hoos Ka Akhri) .
Xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Isla-markaana jirtay Todoba sano iyo badh , waxaa u qabsoomay arrimo waaweyn oo xukuumadihii ka horeeyay ugu qabsoomi waayey sanooyin iyo wax ka badanba . taasi oo Bulshadda Somaliland si weyn u soo jiitay Wax-qabadka aad u badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xilka iminka ka degaysa u qabsoomay mudadii ay jirtay.
Taasi oo balanqaadkeedii hore 95 % ay u hirgaleen waxyaabihii Madaxweyne Axmed Siilaanyo sheegtay inuu wax ka qabanaayo, gaar ahaana dhinacyada Nabadgelyada, Bixinta Mushaharooyinka.waxbarashada, arimaha bulshadda . Xidhiidhka Arimaha debadda iyo kordhinta dhaqaalaha Somaliland iwm.
Hadaba bal aynu soo qaadano Afartan (40) Qodob oo ka mid ah Wax-qabadka uga Waa-weyn ee ay ku guulaysatay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee wakhtigu ka dhamaaday.Taasi oo cadeynaysa inay xukuumadu wax badan qabatay waxaana ugu muhiimsan oo la xusi karaa
1. Xukuumaddii Siilaanyo ayaa la wareegtay Qasnaddo madhan iyo dayn aan xad lahayn oo ay ka tagtay xukuumaddii ka horeysay, Lakiin waxay beerka u dhigatay inay ka talaabsato caqabadihii ay xafiiska ugu yimaadeen intoodii badnaa siiba Bixinta deymankaasi cuslaa ee ay la wareegnay , taasi oo gaadhaysay lacag u dhiganta Laba iyo labaatan $22 Milyan oo Dollar.
2. Dowladu waxay ku guulaysatay markiiba inay bixiso mushahaarkii ciidanka iyo shaqaalaha dowlada si joogto ah u shaqeynayey.iyaddoo u kordhisay 200%.
3. Iyaddoo dhaqaalaha dalku tagnaa heerka dhaqaale oo 40 milyan mudo dhan 8 Sanadood marka aynu u eegano Xukuumaddii hore . Waxay ku guuleysatay xukuumadda Siilaanyo kor u-qaadida Miisaanayada sanadeedka Qaranka iyo Kobcinta dhaqaalaha wadanka oo aad kor ugu kacday heer-sarena maraysa maanta taasi oo noqotay inay sagaal jeer laba-laabmo dhaqalaha dalka oo ay ka dhigtay in sanad waliba heerka dhaqaaluhu kor u kaco oo u gaadho $ 363 Milyan
4. Brige-ka labaad ee Hargaysa oo 5 sanno qabyo ahaa oo xukumadii hore ay bilowday ayaa lagu dhamaystiray 100 maalmood ee ugu horeeyay ee talada ay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ay qabatay.
5. Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ayaa Waxbarashada Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare bilaashka ka dhigtay. Taasi oo kor u qaaday in tirada caruurta wax-barataa ee hore u tahli waayday, inay daboolaan lacagta waxbarashada , ka faaideystaan.
6. Waxay ku guulaystay Joojinta lacagihii Giinbaarta ahayd iyo inay lacagtaasi Giinbaarta ahayd ka badesho Gobolka Togdheer iyo meelo ka mid ah Goboladda Bariga JSL.taasi oo keentay isticmaalka Shilinka Somaliland Dalka oo dhan.
7. Xukuumaddu waxa ay ka shaqaysay tayeynta jamacadaha . taasi oo keentay sida laxaadka leh ee ay u dheeri-galisay dhamaan muwaadinta ku dhaqan goboladda kala duwan ama gayigeena Somaliland.
8. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa meesha ka saartay fikirkii hore ee caalamka ka jiray ee Arrimaha Somaliland Iyo Somaliya si keliya u wada arkaayay, taasi oo ahayd talaabooyin dublamaasiyadeed ee ay xukumadda Siilaanyo hore u qaaday kuna abuurtay in caawimada ay bixiyaan qaar ka mid ah wadamadda deeq bixiyayaashu si toos ah loo siiyo Somaliland.
9. Waxa ay guuleysatey Xukuumadda Axmed Siilaanyo Abuurista Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo ay bixiyaan UK. Holland iyo Denmark. kaasi oo ay ujeedadiisu tahay Kor u qaaddida adeegyada Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale (Sida : Waddooyinka, Madaarrada, Dekedaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Iwm).
10. Waxaa la sameeyey Diyaarinta Qorshe Qaran (National Plan), kaasi oo koobaaya Baahiyaha Horumarka Gobolladda dalka, si loogu qeybiyo Mashaariicda iyo Maalgelinta Qaab xaq soor leh.
11. Waxaa lagu guuleystay Tv-ga Qaranka in : Awoodiisa war-baahineed la gaadhsiiyay dhamaanba Caalamka, Iyaddoo Studio-yaal iyo hawlwadeenadii ka hawlgali ahaa oo dhan loo sameeyey.
12. Dhamaan Dhismayaasha . Guryaha Dawlada iyo Goobaha kale ee Qaranka JSL looga Arimiyo sida Wasaaradaha iyo Hayadadda kale Dowliga ah oo dhan . Waxaa laga hirgaliyay Dhismayaal Casri ah oo qalabeysan Iyo agabkii lagaga Shaqeyn-lahaa Xafiisyadaa oo casriya.
13. Waxaa lagu guuleystay Idaacada qaranka ee Radio Hargaysa oo dalka iyo dibadaba si weyn looga dhageysto, taasi oo xukumadani sanadkii koowaad ee ay xilka qabatay soo iibisay. Taasi oo ka qayb qaadatay Balaadhinta iyo Baahinta Idaacadda Qaranka Radio Hargeysa ayaa la gaadh-siiyay halkii ugu saraysay abid oo ah dhamaanba Dalka oo dhan iyo Wadamada jaarka ah oo iyagana laga dhageysto taasoo arin aad u muhiima iyo guul u soo hoyatay Shacabka Somaliland.
14. Waxaa lagu guuleystay Idaacad Cusub Ee Quraanka kariimka ah. taaso oo Radio Hargeysa laga furay ,waxaana loogu talo- galay in laga dhageysto Quraanka kariimka ah iyo Barashadiisaba iyada oo dhamaana laga Hirgeliyay FM'yada Goboladda dalka S/land oo dhan Sida Goboladda: Togdheer, Awdal, Saaxil, Sool, Maroodijeex, Sanaag. arintani oo dadka Somaliland ay aad ugu diirsadeen.
15. Waxaa lagu guuleystay in labadda madaar ee Hargeysa iyo Berbera, laga sameeyo Garoomo aan waxba ka dhicin kuwa caalamiga ah, kuwaasi oo naftu dareemayso xaga kalsoonida marka aad aragto qiimaha Qalabka iyo sida Amniga loo sugaayo. iyaddoo laga dhigay Dhismayaal aad u waaweyn oo casriya sida kuwa Caalamka oo kale. kuna xidhanyihiin Qalabka dhanka Amniga (CCTV Security Cameras) iyo baadhitaanka lagala soconaayo dhamaanba dhaq-dhaqaaqyada dadka Garoonka soo galayaa iyo kuwa ka baxaaya gedigoodba.
16. Xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa ku guuleysatay Bixinta Darajooyinka Ciidamada Qaranka JSL iyo weliba Biladaha Geesiniimo ee ay Mutaystaan . marka hawlaha dhinaca shaqadda iyo xaaladaha kale ee Ciidan - niimo khuseeya iyo waliba sida ay u kala Sareeyaanba, waxaana loo sameeyay Darajooyin iyo jaran-jaro ay u kala Sareeyaan sida lagu aqoonsado Astaantoodda ciidanimo.
17. Mashruuca Balaadhinta iyo Biyo galinta Caasimadda Hargeysa , ayaa hada waxa u marayaa heer geba.gabo ku dhow. iyadoo hawlaha ugu muhiimsan ee la qabtayna ay tahay Dhismaha kayd-biyood( reservoiurs), 12km ayaa la qoday tuubooyinkiina la geliyay, waxaa kaloo dhamaaday dhismaha Guryaha Pumpka iyo Matoorada.
18. Waxaa la dhamaystiray qodida qaar ka midda ceelasha dhaadheer ee Miyiga iyo Magalooyinka . iyadoo ay socdaan qorshaooddu iyo kuwa kale qodidooduba.
19. Dhismaha Wadadda Ceerigaabo . Taasi la yaab ahayd . sidii uu ugu dhiiraday Madaxweyne Siilaanyo ugana badheedhay dhisimaha wadadaa dheer ee jidka ceerigaabo. Wadadaasi ceerigaabo oo dad badani u arkayeen mid riyo ah oo aan run noqonayn hadana waxaynu aragnay siduu uu dhaqaajiyay uguna dhabeeyay dhismiheedda oo dad badan ugula muuqday dhalanteed.
20. Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay gacan mug leh ka geysatey wadooyin badan oo ay ka mid yihiin Hargeysa-Berbera Jidka Oodweyne-Burco-Hargeysa Waddada Hargeysa-Sallaxlay-Ina Guuxaa Laamida Kalabaydh-Hargeysa Dawga Cad ee Woqooyiga Hargeysa Waddada Dila-Boorama ,wadadda wajaale.iwm.
21. Waxaa lagu guuleystay soo saaridda Lacagta shanta kun ee shilinka Somaliland iyo waliba kunka ee shilinka Somaliland oo cusub .mid si fudud loo qaadan karaayo dalkuna u baahnaa.
22. Xukuumaddu waxay ku guuleysatay helitaanka Biyo nadiif ah, iyadoo laga fa'iidaysanayso biyaha dhulka hoostiisa, Biyaha roobka iyo kuwa dooxooyinkaba. Hadaba waxaa markii ugu horaysay la hindisay ama la sameeyay in la helo Riigag Awood u leh Qodidda Ceelasha Gunta Dheer. taasi markii ugu horaysay ay Xuukumad Somaliland ahi hawshaasi hirgeliso , siiba biyaha nadiifta ah in Miyiga la gaadhsiiyo, Nasiib wanaag waxaa lagu guuleeystay in la gaadhsiiyo magalooyin badan oo Somaliland.
23. Waxaa la dhisay 1 Dam oo aad u mug weyn lagana dhisay (Xunbo.weyne ) oo ka tirsan Caasimadda Hargeysa.
24. Xukumadu muddadii afarta sano ahayd ee ay xilka haysay waxay shirkado maal-gashi oo waaweyn ay ku qancisay in dalkeenu uu yahay goob amni oo la isku halayn karro taasi oo keentay in si rasmi ah looga bilaabo baadhitaanada khayraadka dabiiga ah ee dalkeena , sida Betrol iyo macadano kala duwan. hawshaasina oo dalka uga socoto si wanaagsan.
25. Waxaa laga Aqoonsaday Jamhuriyada Somaliland Boqortooyada UK, Siiba Magaalooyin ka mid ah Gudaheeda Sida Magaalooyinka Sheifield, Bristol. Birmingham iyo Cardiff, iyaddoo Golayaasha deegaanka ee Magaalooyinkaasi ay si Buuxda u aqoonsadeen Qadiyada Gooni isu-taaga Somaliland waana Magaalooyinkii ugu Horeeyey ama meeshii ugu Horaysay ee laga Aqoonsado Somaliland mudadii ay 26-ka sano ahaa ee Gaarka u ahayd Xoriyadeedana haysatay taana waxaa la odhan-karaa Hormuuudkeedu waa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
26. Waxay dowladii Ahmed Siilaanyo ku talaabsatay. wax la taaban karo xaga Arimaha dibadda. Siiba wada hadaladii aadka u soo jiitay muwaadinta reer somaliland ee ay la galeen Somaliya iyo ka dhaadhicinta ictiraaf raadinta Somaaliland Beesha calaamka iyo Maamulidda Hawadda Somaliland.
27. Xukuumadda Md , Silaanyo, waxay hirgalisay siyaasad qeexan oo ku dhisan in dacwadeenu ay gaadho fagaarayaal caalami ah, iyadoo mudadii todoba sano ahayd ee aynu ka soo gudubnay Madaxwaynaha iyo wufuud heer sarre oo qaranka matalayaa ay booqasho waaweyn ku tageen wadamo badan oo caalamka ka mid ah kuwaasi oo ay la yeesheen kulamo kala duwan oo ku saabsan Qadiyada Reer Somaliland.
28. Madaxwayne Siilaanyo, waxaa uu la kulmay Madaxwaynayaal, Raysal wasaarayaal Amiiro iyo Boqoroba waxaanay qiimayntaasi diblomasiyadeed ay ku timid in fariinteena ay gaadhay dowladahaasi iyo kor u-qaadista heerka diblomaasiyadeed ee JSL, oo ay xukumadda Siilaanyo u horseeday . isla-markaana ay fududeysay in Madaxwayne Siilaanyo hadal ka jeediyo kulamo Calaamiya.
29. Qabashada Doorashooyinii Golaha Deegaanka iyo tartankii Ururradda Siyaasadda Jamhuuriyada Somaliland oo wadanka ka qabsoontay,Sanadkii 2012 Taasi oo ay ku-soo Baxeen Saddex Xisbi Qaran (Ucid. Kulmiye Iyo Waddani) iyo Golaayaal deegaan oo cusub guud ahaanba Dalka oo dhan Doorashadaasi waxay ku Qabsoontay si Nabad-gelyo ah.
30. Waxaa la furay xarumo caruurta agoonta iyo Derbi-jiifta oo badan siiba Magalooyinka waaweyn ,iyaddoo ay ugu weynayd Xarun Hoy iyo goob waxbarasho u noqotay ilaa 717 ka mid ah Caruurta Agoonta ah ee Somaliland laga furay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa. Waxaa maal-galisay Dawladda Kuwait. taasi oo uu xadhiga ka jaray Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo.
31. Waxaa la aasaasay Ciidanka damdamiska Qaranka Somaliland. xaruntiisuna tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, laamana ka furan yihiin Gobollada dalka, kaas oo hoos imanaya Ciidanka Booliiska . looguna talo-galay inay goobaha dabku ka kaco ka hawlgalaan iyo xakamaynta goobaha dabku ka kaco.
32. Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay hirgelisey Dugsiyo dadka indhoolayaasha iyo Dhegoolayaasha ah . sida dugsiga dhegoolayaasha oo laga furay Magaallo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ( School For The Deaf ) kaasi oo Xadhiga ka Jaray Madxweyne Siilaanyo . qalab badan oo casriya ayaa la dhigay . isla-markaana ay ka faa,deysanayaan dadka dhegoolayaasha ah . sida computers wax u ka taraysa waxbarashadooda.
33. Xukuumadda ayaa hirgalisay Maxjaro laga dhoofiyo xoolaha nool. Daryeelka caafimaadka xoolaha dhoofaya , dhaqaale badana ka soo xaroonayo iyo waliba dheerigalinta muwaadinta ay ka helaan shaqooyin badan.
34. Dowladda Siilaanyo waxaa ay gashay heshiiyo caalami ah oo horumarineed ,sida Heshiiskii Maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World oo La Horgeeyay Baarlamaanka Somaliland . ka-dib markii heshiiskaas ay xukuumaddu la gashay shirkadda reer Emarat ee DP World.
35. Xukuumadda Siilaanyo ayaa Heshiis kale oo Saldhiga Berbera ku saabsan ayey Somaliland iyo imaaraadka Carabta si rasmiya u kala saxeexdeen, kaasi oo ogolaanaya in Magaaladda Berbera ay imaraadku ka samaystaan saldhig milateri . Baarlamaanka Somaliland ayaa Ansixiyay Heshiiskaasi Saldhiga Milatary ee Berbera.
36. Madaxweyne Siilaanyo ayaa duleedka galbeed ee Berbera ka dhagax-dhigay Dhul lagu qiyaasay dhawr iyo toban KM oo laga dhisi doono Free Zone-ka dekada Berberi yeelan doonto oo wax weyn ka tari doona isticmaalka dekadda.
37. Waxaa la sameeyey seerayaal lagu xanaaneeyo xoolaha nool sida geela iyo lo,da taasoo dheeri-galisay muwaadiniinta reer Somaliland iyo inay ka helaan munaafacad aad u badan. Ama Dhiirigelinta wax soo saarka, xoolaha nool, ganacsiga iyo ilaalinta deegaanka.
38. Dowladdii Md. siilaanyo xaga Nabeynta iyo dibu-heshiisinta wax-qabad baahsan ayey ka muujisay siiba Gobolada Bariga Somaliland . taasoo soo xeeragalisay kooxdii SSC iyo Khaatumo , Waliba keentay horumar badan Nabadaynta Beelaha wada daga Bariga iyo Mashariic aad u badan oo ay ka qabatay xaga Gobolada Bariga. Nabadaynta iyo maamul ku fidinta Gobollada Bari ee dalka.
39. Xukuumaddu waxay ku dhiiratay nidaamka isku tashiga . iyaddoo sameysay doorashaddii ugu danbeysay in ay bixiso 100% . ka-dib si looga maarmo gacanta shisheeye.
40. Waxay ku guuleysatay Xukuumadda Siilaanyo. Qabashada Doorashaddii ugu danbeysay ee Madaxtooyadda iyo tartankii Axsaabta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo wadanka ka qabsoontay 13-Nov 2017 . Taasoo uu kusoo Baxay Musharaxintii Xisbiga Kulmiye , Doorashadaasi oo ku Qabsoontay si nabad gelyo ah.
Waxaa aan ku soo Geba-gabaynayaa; Runtii Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu umadda reer Somaliland tusay dhammaan Astaamaha Hogaamineed ee dalkeenu u baahan-yahay.
Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu Alle "Ka Abaal-mariyo Waxqabadkiisii noqday" Madaxwayne Qaran ay ka go,nayd inuu dalkiisa gaadhsiiyo Horumar dhinackasta leh.
Kuna sifoobay dal jacayl iyo in ay Waddinayadu Qalbigiisa degtay.
Allah Mahad Leh.
Adan Yusuf Elmiadanyusuf@hotmail.com
storvideo: 

Kuuriyada Woqooyi oo ku macneysey dhoolatuska...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA):- Wassaaradda Arrimaha dibada kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtey dhoolatuska balaaran ee ay wada jirka u samaynayaan Maraykanka iyo Kuuriyada koonfureed iyo sidoo kale hanjabaada Maraykanka ee ku aadan Pyongyang inay horseedayso dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya.
Xiisada gacanka Kuuriya ayaa sii xumaanaysey bilihii u dambeeyey kadib markii kuuriyada Woqooyi si isdaba joog ah u tijaabisay nooca xambaara Madaxyada Nuclearka
Kuuriyada Woqooyi waxay sheegtey todobaadkii la soo dhaafey inay tijaabisey gantaalihii ugu badnaa isla markaana horumar balaaran ka samaysey xaga gantaalaha qaaradaha iskaga gudba sidoo kalana waxay iska dhaga tirtay baaqyada iyo qaraarkii Qaramada Midoobey ee looga dalbanayay inay joojiso tijaabada gantaalaha
La-taliya amniga Qaranka Maraykanka HR Mcmaster ayaa sheegay in halista dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya maalinba maalinta ka dambaysa soo dhawaanayo
Arbacadii la soo dhaafay dhoolatuska waxa kusoo biiray diyaarada casriga ah ee P1P waxaanu socon doonaa ilaa jimcaha.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Erdogan oo shir deg deg ah isugu yeeray Hogaamiyaasha Dunida Muslimka

storvideo: 

Maleeshiyaad ka tirsana Shabaab watayna hub iyo...

$
0
0

Maleeshiyaad ka tirsanaa argaggixisada Al-Shabaab oo wata gaari nooca Cabdibilaha loo yaqaano ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kuwaasi oo ka soo cararay howlagallada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka sida uu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow "Waxaa is [...]
storvideo: 

Sh. Cali Dheere ” Muslimiintu waa in ay Hubka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa looga fal celiyay go'aankii uu madaxweynaha Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.
Caddeymo uu bixiyay Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayuu uga hadlay go'aanka Trump ee ka dhanka ah muslimiinta, wuxuu sheegay in tallabada Qudus uu Mareykanku ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda ay muujinayso sare ukaca cadaawadda uu qabo islaamka iyo muslimiinta.
Al Shabaab waxay sheegtay in dhulka Filasdiin dhammantiis uu yahay dhul barakeysan oo muslimiintu ay leeyihiin waxayna muslimiinta usoo jeedisay in ay u istaagaan difaaca muqadasaadka "waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muslimiinta in ay hubka qaataan oo Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa ay ka difaacaan gumeysiga Yahuudda ee Mareykanku taageerayo, wixii xoog lagaaga qaato lagumasoo ceshado wax aan awood aheyn" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Jawaab celintan ka timid Al-Shabaab ayaa imaanaysa xilli Shacabka Muslimiinta caalamka ay ka caroodeen warkii xalay kasoo yeeray Trum ee magaalada Qudus uu kusiiyay Yahuudda Sahyuuniyadda waxaana meelo badan oo caalamka islaamka katirsan ka dhacaya dibad baxyo rabshada wata oo loogasoo horjeedo dowladda Mareykanka.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Diyaarad ay Hindiya leedahay oo Shiinaha ku burburtay

$
0
0

Diyaarad aan ciddina wadin oo Hindiya leedahay ayaa "ku xad gudubtay hawada Shiinha ka dibna ku burburtay" dalkeeda sida ay ku warrameen warbaahinta Shiinuhu.


Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday in ay isku dhiibeen...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Bydhabo (Caasimadda Online) - Maleeshiyaad ka tirsanaa argaggixisada Al-Shabaab oo wata gaari nuuca Cabdibilaha ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay,kuwaasi oo ka soo cararay howlagalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka sida uu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow
Maleeshiyaadkani oo katirsanaa arggagixisada Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan Degmada DiinSoor ee Gobolka Bay.
Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow ayaa sheegay in maleeshiyadaasi is soo dhiibtay ay wateen gaari nuuca Cabdibilaha loo yaqaano iyo hubkooda.
"Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya," Ayuu yiri guddoomiye Ibraahim.
Maleeshiyaadkani ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo khayaas ahaantii 154 KM dhanka Koonfureed kaga began degmada Diinsoor ee Gobolka Bay,halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan arggagixisada Shabaab.
Is soo dhiibitaanka iyo kala cararka maleeshiyada SHabaab ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayaan howlgalada dalka looga sifeynayo Alshabaab,kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaaashanaya AMisom iyo saaxiibada caalamka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Diyaarad ay Hindiya leedahay oo Shiinaha ku burburtay

$
0
0

Diyaarad aan ciddina wadin oo Hindiya leedahay ayaa "ku xad gudubtay hawada Shiinha ka dibna ku burburtay" dalkeeda sida ay ku warrameen warbaahinta Shiinuhu.
Zhang Shuili oo ah masuul u hadlay Shiinaha ayaa sheegay in arrintani ay dhacday "maalmihii u dambeeyay" balse ma uusan sheegin meesha ay arrintani sida gaarka ah uga dhacday.
Wakaaladda wararka Xinhua ayaa ka soo xigatay in uu yiri "Hindiya waxay meel uga dhacday madaxbannaanida dhuleed ee Shiinaha".
Calaaqaadka labadan dal ayaa sii xumaaday xagaagan ka dib markii ay ku murmeen muran ka dhashay dhulka joogiisu sarreeyo ee Himalayan.
Zhang ayaa sheegay in ciidammada ilaaladu ay sameeyeen hawlgal lagu "xaqiijinayo" diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ee la sheegay, arrintaas ayayna warbaahinta dawladdu aad u faafisay.
Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu uu muujinayo "in uu aad uga xun yahay ugana soo horjeedo dhibaatadan, dalkuna uu dardar galin doono ilaalinta xaqiisa iyo ammaankiisa".
Calaaqaadka labada dal ayaa xumaaday bishii Juunyo markii Hindiya ay sheegtay in ay ka soo horjeedo isku dayga Shiinahu uu ku ballaarinayo waddada Doklam/Donglang ee joogeedu sarreeyo ee xadka Shiinaha, Hindiya iyo dalka Bhutan.
Shiinaha iyo Bhutan ayaa isku haya dhulkan uu joogiisu sarreeyo, Hindiyana waxay taageersan tahay Sheegashada Bhutan.
Ka dib toddobaadyo ay xiisaddu sare u sii kacaysay ayay labada dhinacba ciidammadoodii dib ula baxeen bishii Agoosto, taas oo soo af jartay is hor fadhigii.
Labadan dal ayaa xad ku dagaalamay 1962dii, murankaas ayaan wali ka tagaan meelaha qaar oo aan wax xal ah laga gaarin, taas ayaana sababta in xiisaddu marmar kacdo.
storvideo: 

Daawo: ” Wax Alla Wiixi Hantida Qaranka ah Ee la...

$
0
0

Daawo:" Wax Alla Wiixi Hantida Qaranka ah Ee la iibiyey doorashada Dabadeed Waa xaaraan Waxaananu ku celinaynaa in aan la yeeli doonin Arintaas Oo aanu joojinay" Hantidhawrka Guud oo Awaamiir Cusub soo saaray.
[embedded content]
storvideo: 

Xog: Maamulka G/Banaadir oo qasbay in isbedel lagu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Maamulka Gobolka Banaadir oo ka dhex muuqday shirarkii caalamiga ahaa ee arrimaha Soomaaliya oo dhowaan lagu qabtay Muqdisho ayaa sababay in isbedel weyn lagu sameeyo qoraallada laga soo saari lahaa shirka.
Labadii shir ee Muqdisho ka dhacay 4-5 Disember 2017 ayuu si buuxda uga qeyb galay maamulka Gobolka Banaadir iyadoo guddoomiyaha maamulkaasi Taabit Cabdi Axmed uu khudbado toos ah ka jeediyay labada shir ee Amniga iyo Iskaashiga Soomaaliya.
Arrinta shirka hareysay ayaa noqotay in Dokukementiyada iyo war-mutiyeedyada shirka laga soo saaray dib loo qoray kadib markii qoraallada oo diyaarsanaa aan lagu soo darin maamulka Gobolka Banaadir, waxaana dood ka dhalatay in magaca G/Banaadir uu ka dhex muuqdo go'aanada iyo war-murtiyeedka shirka laga soo saarayo markii uu ku adkeystay Guddoomiye Taabit.
Guddiga farsamada shirka ayaa dib u bedelay qoraaladii shirka waxaana dhammaan lagu daray magaca maamulka Gobolka Banaadir (Benadir Regional Administration-BRA) oo ku soo baxday war-murtiyeedyadii shirka kasoo baxay, iyadoo ay isla wada qaateen dhammaan madaxda Soomaalida iyo Wakiilada Beesha Caalamka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maxaa ka dhallan kara go'aanka Trump ee Qudus?

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arbacadi shalay ku dhawaaqay in Mareykanka uu si rasmi ah ugu aqoonsaday magaalada Qudus in ay tahay - Israel.
Trump wuxuu sheegay in dowladdiisu ay billaabayso qorshaha ay safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv ugu rareyso magaalada Qudus.
Tallaabadan ayaa caro iyo qeylop dhaan ka dhalisay dunida Muslimka iyo guud ahaan caalamka.
Haddaba go'aanka uu madaxweyne Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus - Israel maxaa ka dhalan kara, malaga yaabaa in dalalka Islaamka uu go'aankaasi mideeyo?
Su'aalahaasi iyo kuwo kale waxaa falanqeynaya, Xassan Cabdi Xayle oo ah khabiir ka faallooda arrimaha Carabta iyo dunida Islaamka, oo ku sugan magaalada London, wuxuuna u waramey Falastiin Ahmed Iimaan.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:40
0:00:00 /0:03:40
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live