Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maraykanka oo Joojinaya Sahayda Milatari oo uu siiyo...

$
0
0

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 100
Washington ( Sh. M. Network):- Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay wado qorsho ay ku joojineyso kaalmada dhinaca saadka ah ee ay siin jirtay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Waaxda Arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in waxyaabaha ay joojineyso ay ka mid noqoyaan cunooyinka iyo weliba shidaalka ay ugu deeqdo Milatariga Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sababaha ay u joojinayaan kaalmadaasi ku sheegay kadib markii ay heleen in la Musuqmaasuqo sahayda ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya.
Mareykanka oo sidoo kale taageero dhaqaale siiya Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya oo gaaraya 22,000 Askari ayaa sheegay in lagu guul dareystay in somaliya loo dhiso ciidamo awood leh.
Diblumaasiyiin ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in haddii aan la helin ciidamo tayeysan ayAl Shabaab fursad weyn u tahay in ay sii wadaan weerarada ay ka gasytaan gudaha Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo Soomaaliya oo dhawaan booqday saldhigyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin Koofurta Soomaaliya ayaa soo ogaaday in aysan jirin xisaab celin sax ah oo ku aadan halka lagu bixiyo shidaalka iyo raashiinka,iyadoo ay soo arkeen tiro ka yar tirooyinkii ciidamada ee hore loogu gudbiyey.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay joojinayaan lacago gunooyin ah oo Askari kasta ay bil kasta ku siin jireen lacag gaareysa 100$
Joojinta kaalmada Maraykanka ee Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay imaaneysa xilli ciidamada Ilaalinta Midowga Africa lagu wado in ay dalka ka baxaan sanadka 2020
storvideo: 


Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ku qaaday...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar xoogan oo ay geysteen maleeshiyaadka al-Shabaab.
Maleeshiyaad Hubeysnaa ayaa weerarka ku qaaday Suuqa Xoolaha ee degmada Mahadaay, iyadoo uu weerarkaa ka dhashay khasaaro kala duwan.
Maleeshiyaadkan ayaa weerarka ku qaaday ciidamo dhowr ah oo lacago canshuur ah ka uruurinaayay dadka ku ganacsada Suuqa, sida ay xaqiijiyeen maamulka Degmada.
Ciidamada ayaa iska caawiyay maleeshiyaadka weerarka qaaday oo watay gaari, waxa uuna khasaaraha ugu badan soo gaaray ciidamada dowlada oo aan fileynin weerarka.
Ciidamada dowlada iyo kuwa maleeshiyada al-Shabaab ayaa waxaa halkaa ku dhexmaray Dagaal kooban, kaasi oo dadka degaanka ku yeeshay saameyn la xiriirta cabsi iyo walwal.
Ugu yaraan lix ruux oo labada dhinac ah ayey waxyeelada kasoo gaartay dagaalka, waxaana dadka dhaawaca ah la dhigay isbitaalka weyn ee Degmada.
Suuqa Xoolaha ee degmada Mahadaay ayaa hada ku soo laabtay sidii caadiga aheyd, maadaama markii Dagaalka uu ku bilowday dadku ay noqdeen kuwo cararay iyo kuwo isku soo xiray goobohooda ganacsi.
Geesta kale, ciidamada dowlada ayaa iminka wada howlgal lagu baadi-goobayo maleeshiyaadka weerarka qaaday ee isaga baxay magaalada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan cagaheeda...

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan cagaheeda ku istaagi karin,haddii aysan helin taageerada Maraykanka ee ku aaddan la-dagaallanka Al-shabaab,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya,Maxammed Cali Xagaa oo qoraalkan soo saaray ayaa Maraykanka ka dalbaday in uu kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya iyo weerarrada dhinaca cirka ah ee looga horjeedo ururka Al-shabaab.
Mudane. Xagaa ayaa sheegay in howlgallada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Drons-ka Maraykanka muhiim u yihiin dagaalka lagu burburinayo Al-shabaab,islamarkaana ay dalbanayaan in la kordhiyo.
Warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmay,xilli xukuumadda Washington ay sheegtay in ay joojisay gargaarkii cuntada iyo shidaalka ee ay siin jirtay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,kadib markii musuq maasuq looga shakiyey.
Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in ay sii wadayso taageerada ay u fidiso cutubyada gaarka ah ee Ciidamada Soomaaliya ay madaxda u yihiin saraakiisha Maraykanka ah ,sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya la shaqeyn doonto,si loogu heshiiyo halbeeg lagu soo celin karo kaalmadii la siin jiray ciidamada kale.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan cagaheeda ku istaagi karin. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: Maxaa Sababay Is maan dhaafka iyo Fadqalalada...

$
0
0

Daawo: Maxaa Sababay Is maan dhaafka iyo Fadqalalada ka soo kordhay Dalka Maraykanka kadib Doorasho Goboleedkii La galay

[embedded content]
storvideo: 

Hambalyo Iyo Taageero Ku Socoda Aqoonyahan Maxamed...

$
0
0

Anigo aha maxamed cali rooble waxaan halkan Bulshadda reer Somaliland doonayaa in aan uga soo gudbiyo gaar ahaan Beesha aan ka soo jeedo ee Baho Dhamal in aan halkan shaqsiyan si weyn ugu taageersanahay walaalkay marna sxbkay Aqoonyahan Maxamed Xuseen Jaamac oo u taagan Booska Murashax Xildhibaanimo Golaha Wakiiladda Somaliland ee Baarlamaanka doorashadda soo socota ka qaybgeli doona,
Waxaan kale oo halkan aan halkan ku sheegayaa maadama oo ninkii hore u shaaciyey in uu Xildhibaan reerka cod ka doonaayo oo Xildhibaanimo u sharaxani uu xilkaasi ka tanaasulay oo iskaga tegay in maanta aanay jirin cid kaga haboon ama buuxin karta xilkaasi oo reerka ku meteli karta oo aan ahayn Aqoonyahan Maxamed Xusseen Jaamac, kaasi aan ka codsanaayo in Beeshu hiil iyo hooba la garab istaagto oo aan hubo in aanu noqon doonin qof go'aanka Beesha iyo hadba wixii u dan ah ka hor iman doona sida dhacday ragii ka horeeyey ee qaarkood codkii loogu codeeyey ay khasaariyeen in aanu maxamd noqon donin, waxaanan sido kalehalkan fariintyda kulahaldayaa Salaadiinta, Madax dhaqameedka, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Haweenka , dhalinyarta iyo haldoorka Beesha Baho Dhamal inay tixgeliyaan hanka uu la yimid Maxamed Xuseen Jaamac oo aan aaminsanahay in uu yahay shaqsi u qalma xilkaasi..
1 waa AQOONYAHAN.
2 waa nin xilka loo dooran lahaa sideeda uga soo bixi kara
3 waxan la doonaayo ma yahay nin karti u leh
4 waa nin soo maray meelo badan maamulka iyo maarayan soo maray
5 Aqoonyahan Maxamed Xuseen Jaamac imikana waa AGAASIMIYE GUUD EE DOWLADA HOOSE.
Maxamed Xusseen Jaamac Waa Haldoorta iyo Shamaca Mustaqbalka ee Dhalinyarta reer Somaliland ee aqoonyahanka, Kartidda iyo Hal-abuurka leh.
Qalinkii Maxamed Cali Rooble
email/ maxamedcase143@gmail.com
storvideo: 

Maaraynta qashinka magaaloyinka ujeedada laga...

$
0
0

Maaraynta qashinka magaaloyinka ujeedada laga leeyahay waa in qashinka si cilmiyeysan looga maareeya magaaloyinka dalka kadib qashinka dib looga faidaysto recycle system si dhaqaale abuur loo helo qashinka oo caafimaad xumo bilic xumo ku haya magaalooyinka dalka uu aad u yaraado qashinka dadka ka shaqaynaya waa in ay sitaan ama had iyo goor ay gashadaan qalabka loogu talo in lagaga hor tago waxyeelada ka iman karta qashin ururinta wacyi galinta ayaa ka horaysa wax kasta oo la qabanaayo waa in bulshadu fahantaa marka hore qashinka oo aan loo basrin sida ugu haboon iyo waxyeelada caafimaad ee ka iman kartaDawlada hoose dalka waxa waqti xaadirkan u yaala fursado shaqo oo lagaga hortagi karo shuban biyoodka laguna sugi karo nadaafada - uu ka masuulka yahay sida in la joojiyo biyaha ceelasha dooxa iyo dameerada biyaha ganacsi ka iibiya bulshada waa in moyarku si gaara u eega nadaafada biyaha booyada ee - waraabiya madaama aanay biyaha qasabadaha aanay soo gaadhin - qaybo ka mida in uu qaado olole nadaafadeed dhaaman shirkadaha - in uu diyaaariyo teem staf heegan ah oo fayadhowrayaal aqoon waxbarasho leh haday jiraanDawlada hoose oo aan waqti xaadirkan lahayn shaqaale leh aqoon fayadhowr oo ay bulshada kaga wacyi galiyaan waxyaabaha ay ka dhalan karaan shuban biyoodka oo hada si xooga uga jira gobolada bari waxa loo baahan yahay in la sugu nadaafada sida goobaha hudheelada cuntada gaar ahaan goobta cunto karinta sidoo kale waa in aynu ka wacyi galina kuna qasabnaa dadka cuntooyinka afka banaan ku iibinaya suuuqyada magaaloyinka sida goobaha sariibadaha waa in bac nadiifa lagu daboola sidoo kale waa in la qaada qashinka daadsan goobaha magaaloyinka gaar ahaan dawlada hoose iyo shirkadaha waxa kadib loo baahan yahay in la buufiyo goobaha qashinka qoyan yaalo sida dump site waa in laga hela maamulka dawlada hoose shaqaale tababaran oo leh aqoon fayadhowr oo gurman kara hadii shuban biyoodkan isku badalo cloarea break out oo bulshada ku hagi kara aqoontooda fayadhawrBaahida biyo yaraanta iyo qashinka magaaloyinka oo si fiican loo maarayn basrin waayo waxa ka dhasha xanuuno halis caafimaad daro soo gaadhsiya bulshada sidaa daraadeed waxa waajib ah in la ilaaliyo nadaafada biyaha iyo weelka biyaha aynu ku shubanoBiyahu waa noolasha aadamiga jidhkeenu 94% waxa uu ka samaysan yahay ama u badan yahay biyo sida qaybaha habdhisyada jidhkeenu ay u baahanyahiin in ay ku shaqeeyan biyo sida wareega dhiiga habdhiska dheefshiidka aadamiga etcWaxa loo baahan yahay in aynu had iyo goor aad u badsano isticmaalka biyo nadiifa oo dawaysan waxa kale oo loo bahanyahay in aynu ka shaqayno fayadhowrka nadaafada biyaha iyo nadaafada weelka aynu ku shubano ama ku kaydsano biyaha nadaafada weelka kaydinta biyaha oo aan la ilaalin had iyo goor waxa ka iman kara nadaafad xumoSidoo kale waxa loo baahan yahay in had iyo goor la ilaaliyo nadaafada biyaha baliyada harooyinka waa in aan lagu dul maydhin dharka ama aan lagu saxaroon agaagarka biyaha sidoo kale waa in had iyo goor laga feejignaada waqtiga waraabinta xoolaha in xoolaha lagu sii daayo goobta keydka biyahaWaxa kale oo loo baahanyahay oo masuuliyad culusi inaga saarantahay nadaafada magaaloyinka oo loo bahanyahay in aynu xil iska saaro maaraynta qashinka oo si fiican loo basriyo qashinka waa in lagu keydiyaa weel dabool leh oo hawada u furan waa in la dhigaa goob ku haboon waa in aan qashinka lagu tuurin wadooyinka iyo sharacyada dawlada hoose waxa loo bahan yahay in ay had iyo goor si feejigan ula socdaan nadaafada magaaloyinka iyo hadba heerka uu marayo qashinka magaaloyinka iyo goobaha laga qaaday iyo inta uu kg ee qashin ah ee laga saaray magaalada maalintii si loo helo data waxqabad oo lagula socdo xajmiga baaxada qashinka magaaloyinka dalka iyadoo bulshadeenu aanay xil iska saarin nadaafada deeganka iyo waxyeelada cafimaad daro ee ka iman karta qashinka oo aan si fiican aan loo basrin ama aan loo marayn
Waxa kale oo loo bahanyahay in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galan qashinka magaaloyinka iyo shirkadaha u xilsaran maaraynta qashinka magaloyinka oo waqti xaadirkan aad moodo in la leeyahiiin heeshiis qarsoon moyarka - maadama oo aan la kala saarin heerkooda waxqabad maareyn qashin iyo qalabka ay ku maamulayaan maaraynta qashinka magaaloyinka kadib sida uu dhigayo heshiiskii qashinka magaaloyinka dalka sida shirkadaha privite sectors iyo dawlada hoose ppp waa in dib loo eega shirkada kasoo bixi wayda heshiiskaWaa in aynu had iyo goor u feejignaana nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka hadii nadaafada xumaato ma jirto noolal iyo caafimad qab ay bulshadu ku naaloto waxaana dilaaci kara oo dalka ku fidi kara xanuunka shuban biyoodka oo hada ku soo fidaya gobolada dalkaQofka oo biyo nadiifa oo uu waqti kasta isticmaalo cabitaankooda siiba waqtiga aroortii marka uu tooso waxay daawo ka yahiin xanuunada calool istaaga iyo cuduro badan oo ay keenan biyo yaraantaWaxa waajib in had iyo goor aynu si feejigan uu u ilaalino nadaafada deegankeena iyo nadaafada gooboha ay inoo soo maraanilaha biyaha aynu ka helo ama aynu ku kaydsano biyaha sida foostoyinka jirikamada etc oo u baahan in si gaara loo nadiifiyo waqti kasta waa in laga ilaaliya xayaawanka ooman sida ayda bisadaha
Fariin caafimaad
WQ: Dr Buux Ibraahin AadanFayo-dhawre madax bannaanHYPERLINK "mailto:buux2010@gmail.com"buux2010@gmail.com
storvideo: 

Tayo Darada Daawooyinka Dalka

$
0
0

Madaxwayne muuse bixi abdi waa in ay bulashadeenu helaan cuntooyin wanaagsan iyo dawooyin tatadooda ay hubaan hayada tayada dalka iyo gudida minhadlayaasha caafimaadka oo ka seexday wajibaadkii shaqo ee dadka dalka xukumada iyo ilaahay u igmaday inay sideeda u gutaan bulashada ka shaqaysa caafimaad qabka bulshadoodu waxay ku talaabsadaan hoerumar deg deg Iyadoo ay luntay maamulkii siyaasada caafimaadka dawliga kadib markii ay gudan kari waayeen masuuliyadii ay dawladu u igmatay inay wax ka qabtaan labadan hayadood hayada tayada dalka iyo gudidada minhadlayaasha caafimaadka kadib waxa abuurmay in dalkeenu uu noqdo goob qashin qub oo loo iib geeyo rashin cuntooyin daawooyin dhacay oo sababay soona gaadhsiiyey bulashadeena cuduro waxyeeleya caafimaad qabkoodii gaarka oo dalka hore aan uga jirin sida noocyada cudurka cancerka oo maalin kasta ay u dhimanyaan dad badan oo ah muwaadinin rayid ah waxa sidoo kale samaysmay in ay hoos u dhacdo awoodii iyo haybadii shaqaalahii caafimaadka sida mushahar aan ku filnayn guno la an maamul taas oo keentay in laga doorbido musuqmaasaq laalush naafeeyey hawlihii ay u xilsaarnaayen ee tayada daawooyinka iyo cuntooyinka dalka dibada uga yimaada iyadoo ay samaysmeen farmasiyo iyo ruga caafimaad dhamaan gobolada dalka oo ay ka shaqaynaayan shaqaale ajanib ah oo aan lahayn aqoon caafimaad iyo sharci u fasaxaya in ay ka ganacsadaan caafimaadka iyo daawaynta muwaadininta dalka jahawareerkaa caafimaad ee lasoo darsay bulshadeena rayidka waxa abuurmay goobo iclaajya oo ay naftu ku khasabtay in ay caafimaad ka raadiyaan oo ay haystaan dad aan waxba dhaamin aqoon ahaaneed bukaha caafimaad qabka raadinaya waxa abuurmay halkii laga raadinaayey caafimaadka bulshada oo sugma in ay si fudud u faafan cuduro badan bulshada dhexdeedaIyadoo dekadaha iyo airport dalka aanay jirin qalab lagu ogaan karo nooca dawooyinka dalka dibada uga imanaya iyo sifaha tixraac sharci ee lagula socon karo nooca daawooyinka dalka sameeyey daawadu noocyada ay ka kooban tahay iyo sifa sharci ee dal ku galinta daawooyinka dalka dibada uga yimaadaIyadoo daawooyinkii dalka dibada uga imanayey la ogaaday bukahii loo qoray markuu arimo baadhis caafimaad dalka dibada ugu baxay in xanuunkii uu ka cabanayey ay ka badnaatay waxyeelada caafimaad daro ee bukaha caafimaadkiisi ka soo gaadhay daawooyinkii uu isticmaali jiray waqtigii dalka uu joogay taas oo ay sababtay field caafimaad ee dawliga ahaa oo meesha ka baxayMushkuladaha iibka dawooyinka dalka oo sii batay waxay sababeen in sii bataan pharmacyadii iyo rugahii caafimaadka daka iyagoo aanay jirin aqoon caafimaad oo ay ku shaqaysanayaan ama sifo sharci dawladeed oo lagula socdo furnaantooda sharci meheradeedDawooyinkii oo aan la garanayeyn in ay dalka dibada uga yimaadanan iyadoo taarikhdii hore laga soo badalay oo tariikh cusub lagu soo dhuftay iyadoo aanu jirin qalab casriya oo lagula socon kara tayada dawooyinka dalka dibada uga yimaadaGanacsatadii dalka dibada uga keenayey daawooyinka iyo cuntooyinka aynu isticmaalo oo ka door biday fayaqabka dadkoodu in ay helaan cuntooyin nadiif iyo daawooyin cusub faa ido raadin ganacsi xaaran ah oo shilin lacageed markii hayadii u xilsaara masuuliyada hawshan shaqo sida hayada tayada dalka iyo gudida minhadlayaasha caafimaadku ay ka seexdeen wajibaadkii shaqo ee xukumada dalku u igmatay in ay qabtaan
WQ: Dr Buux Ibraahin AadanFayo-dhawre madax bannaanHYPERLINK "mailto:buux2010@gmail.com"buux2010@gmail.com 063 4130821
storvideo: 

Masar iyo Sacuudiga oo Cambaareeyay qaraxii shalay...

$
0
0

Qaahira ( Sh. M. Network )-Dowladaha Sacuudiga iyo Masar ayaa si xoogan u Cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Dugsiga Tababarka Booliska Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee labada Dal ayaa lagu sheegay in falkaasi uu ahaa mid guracan oo qal qal lagu galinayay amniga Magaalada Muqdisho.
Masar iyo Sacuudiga ayaa Tacsi u daray Ehelada ay ka geeriyoodeen 18 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya oo shalay ku dhintay qarax Ismiidaamin ahaa oo fuliyey ruux Naftii hure ahaa.
Waa markii ugu horreysay ee Al Shabaab weerar loo adeegsaday qarax ay ku qaadaan Dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye.
storvideo: 


Dalalka IGAD oo Sameysanaya Manhaj Mideysan

$
0
0

Djibouti waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka waxbarashada ee dalalka urur goboleedka IGAD, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa manhaj mideynsan.

Al Shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Mahadaay

$
0
0

Mahadaay ( Sh. M. Network )-Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday Askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Mahadaay oo ku sugnaa Suuq Xoolaha lagu Iibiyo ku yaalla Degmadaasi.
Waxaana weerarkaasi Al Shabaab ay ku dileen Askari ku sugnaa Suuqa Xoolaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiyaha Degmadaasi C/laahi Maxamed Xuseen "Geeldoox" oo la halday Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in uu jiro dilka Askarigaasi.
Waxaana uu tilmaamay in ay ku raad joogaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi.
Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, kana qaateen Qorigii uu watay, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma'ahan markii ugu horreysay ee Al Shabaab weerar ku qaadaan Degmadaasi, waxaana inta badan weeraro ay ka fuliyaan Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.
storvideo: 

Isbitaalka Zamzam oo soo kordhiyay Qalliimo Casri ah

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Isbitaalka Caalamiga ah ee Zamzam oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa maanta qabtay Munaasabad weyn oo ku soo bandhigayo Qalliimo cusub oo lagu soo kordhiyay Adeegyada uu bulshada u qabto Isbitaalkaasi.
Isbitaalka oo ay ka howlgalaan Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaanib ayaa ku soo kordhiyay adeegyadiisa Caafimaad qallinka Guud, qallinka Haweenka , qalliinka Lafaha iyo kuwa kale.
Waxaana Isbitaalka ka howlgala dhaqaatiir Syrian ah oo Khibradoodu dhantahay muddo 35 sano ah sida uu Shabelle uga warbixiyay Agaasimaha Zamzam Hospital Xasan Cabdulaahi Cabdulle.
Iyadoona ay xusid mudan tahay in qalliimada uu soo kordhiyay Isbitaalka Zamzam ee Ceelasha Biyaha ay dadka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo tuulooyinka Shabeeleha Hoose iyo qeybo ka mid ah Shabeelaha dhexe in ay u soo aadaan Magaalada Muqdisho.
Dhinaciisa Maxamed Afyare Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaanka oo isna Shabelle uga warbixiyay sida ay u arkaan adeegyada uu Isbitaalkani soo kordhiyay ayaa shaaa ka qaaday in ay ku Nafiseen Zamzam Hospital waxaana uu gocday in tan iyo 2001 oo uu degenaa Ceelasha Biyaha , ay higsadeen haatan horumarkii ugu wanaagsanaa marka loo eego baahiyaha Isbitaalkani Zamzam uu ka haqabtiray dadka deegaanka haba ugu horreeyso qalliimada Haweenka Uurka leh oo inta aanu Isbitaalkaan keenin loo soo qaadi jiray haweenka Uurka leh Muqdisho taas oo keeni karta dhiig bax iyo dhibaato kale oo hooyada la soo darista inta safarkaas dheer ay ku soo jirto.
Sidoo kale Maxamed Afyare Maxamuud ayaa cadeeyay in Isbitaalka Zamzam uu u diyaariyay Gaadiid Ambalaas ah oo qofkii wax la soo darsaan inta la xiriiro Isbitaalka durba gurigiisa loogu tagayo.
Zamzam Hospitaal ayaa u muuqda mid iminka la tartamaya Isbitaallada ugu Horumarsan Magaalada Muqdisho ayna ka howlgalaan dhaqaatiir Khibrad fiican u leh adeega ay u qabanayaan Bulshada Soomaaliyeed ayna ku jiraan dhaqaatiir Syrian ah oo howlaha Caafimaadka ku soo guda jiray ku dhawaad 40 sano , waxaana Masuuliyiinta Isbitaalkaasi sheegeen in Mustaqbalka dhow ay higsanayaan Isbitaallada in ay la jaan qaadaan Isbitaallada kale ee wadamada horumay , maadaama iyagoo muddo yar jira kuna yaalla deegaanka Ceelasha biyaha ay dhaafeen Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
storvideo: 

Faaqidaadda: Saameynta Kaalmada uu Mareykanka Ka Jarayo Somaliya

$
0
0

Barnaamijka Faaqidada Todobaadka wuxuu ku saabsanyahay, saameynta ay yeelan karto go,aanki uu Mareykanka ku gaaray inuu hakinayo kaalmadi uu siin jiray ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Dalalka IGAD oo Sameysanaya Manhaj Mideysan

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Djibouti waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka waxbarashada ee dalalka urur goboleedka IGAD, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa manhaj mideynsan.
manhajkan ayaa waxaa loogu talagalay dadka qaxootiga ee ku nool dalalka ku mideysan urur goboleedka IGAD.
Warbixntan waxaa Djibhout ka soo diray Ramadan Muse.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:07
0:00:00 /0:04:07
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Faaqidaadda: Saameynta Kaalmada uu Mareykanka Ka...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Barnaamijka Faaqidada Todobaadka wuxuu ku saabsanyahay, saameynta ay yeelan karto go,aanki uu Mareykanka ku gaaray inuu hakinayo kaalmadi uu siin jiray ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
Waxaa soo jeedinaya Cabdicaziz Xuseyn Cisman.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:35:32
0:00:00 /0:35:32
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Amuuraha Islaamka

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Todobaadkan wuxuu ku saabsan yahay barnaamijka Amuuraha Islaamka, shirki hogaamiyaasha caalamka ay dhawaan ku yeesheen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
storvideo: 


Taliska Ciidanka Asluubta oo dib u dhis ku sameynaya...

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa maanta booqasho ku tegey xarunta agoonta Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho. Taliyaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxay soo kormeereen baaxadda ay ku fadhido xarunta Agoonta Lafoole oo ay saameeyeen dagaalladii sokeeye ee Dalka soo maray. Kormeerka kaddib [...]
storvideo: 

“TABNAAN IYO TOGNAAN XUKUUMADDA MADAXWEYNE BIIXI...

$
0
0

"TABNAAN IYO TOGNAAN XUKUUMADDA MADAXWEYNE BIIXI"Cabdinaasir Axmed Abraham
Qoraalkaygayan abbaarkiisu yahay saluuggayga xukuumadda M. Biixi wuxu ku soo hagaagay xilli guud ahaan dadkii rajada weyn ka qabay in uu M. Biixi soo dhisi doono xukuumad ka duwan kuwii hore ee lagu hungoobay, yididiilooyinkaa iyo nayaayiradaa shacabku ay burburtay.
Goor shacabkii rumaysnaa in M. Biixi xog-ogaal yahay dhismaha xukuumaddiisuna run waaqic ku dhisan noqon doonto Iyana u arkaan riyo aan rumoobin.
Ammin dhagaha shacabka ay wali ka sii dhex guuxayaan hadallo wanaagsan oo ka soo yeedheen M. Biixi oo laga filayay in xukuumaddiisu noqoto mid ka turjunta Somaliland la wada leeyahay. SIdaa darteed, ayaan aragtidayda nooca xukuumadda M. Biixi soo dhisay ay u eeg tahay halkan idinkula wadaagi doonaa. Hasa yeeshee, ka hor inta aynaan u gundo-deggin aan idin la wadaago dhowr maalmood uun ka hor inta aanu Madaxweyne Biixi soo dhisin xukuumaddiisa Maqaar-saarka ah ayaan qoraalkan warbaahinta ku baahiyay.
"Xarriiq-dhaqaaqa taageerada iyo mucaariddada xukuumadda Biixi waxa bud-dhig u noqon doona hannaanka dhismaha xukuumaddiisa. Sidaa darteed, qofkasta oo waddanka lexejeclo ka qabaa weydiimaha maskaxdiisa ku dhex hirdamaya waa qaar dhismaha xukuumadda ku aaddan. Anna waxa jeclaystay inaan halkan idin kula wadaago qaar ka mid ah su'aalaha dhex guclaynaya maskaxday ee ku aaddan odoroska xukuumad noocee ah ayuu Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi soo dhisi doonaa?" Weydiimahii qoraalkaa aan isku weydiiyay waxa ka mid ahaa; 1. Xukuumad ka jawaabta tabashooyinka guud ahaan qabaa'ilka Somaliland leh oo iyaga laftoodu gudahooda sii kala qaybqaybsan siduu u soo dhisi doonaa? 2. Dhismaha xukuumaddiisu ma noqon doontaa mid isku soo jiidda quluubta kala irdhowday ee qabaa'ilka Somaliland leh? 3. Yagleellida xukuumaddiisu ma waxa ay ku dhisnaan doontaa habkii, sidii iyo cidii taageertay intii uu halkanka ugu jiray kursiga Madaxweynenimo? Haddii ay sidaa ku dhisnaatona maxay cidhib xumo keeni kartaa? 4. Xubnihii xukuumadda M. Siilaanyo ee ummaddu nacday ee intii ay xilka hayeen hawadooda la ciyaaray maantana barbar yaacaya Muuse Biixi lana soo shaqeeyay kuwaas laftooda maxaa uga meel yaal? 5. Haddii kuraasta hab qabiil qaybintooda lagu salaynayo intee in leeg buu la tashan doonaa dhaqan yaqaanno "Anthropologist" taariikhda Somaliland, aqoonta qabaa'ilka iyo saami qaybsiga kuraasta intaa isla wada eega oo ka talo bixiyo xukuumad dhaqan siyaasadeed dhismaheed? 6. Ma soo dhisi doonaa xukuumad aqoontu hagto ama bud-dhig u tahay oo sahan, cilmi baadhis iyo talo-wadaag qorsheyaasheeda ku fulisa? 7. Masuulka magaacibistiisa bud-dhig looga dhigayo reernimo reerka laftiisa nin noocee ah ayuu Muuse Biixi Cabdi ka soo xuli doonaa? 8. Dariiqii Madaxweyne Siilaanyo maray ee ahaa in xukuumaddiisa uu ku soo daro xubnihii ugu dhibaatada badnaa intii uu loolanka ku jiray sidaas oo kale awood ma u yeelan doonaa Madaxweynaha la doortay in uu kuwii ka soo hor jeeday cafiyo wali ba xilal u dhiibo? 9. Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi reerka uu ka dhashay(Sacad Muuse) xilalka ay ku wadhwadheen ummadda ma u qeybin doonaa mise waabu uga sii badan inta ay hadda hayaan? Sida aan qoraalkaygaa ku bilaabay xarriiqa taageerada iyo mucaaridadda xukuumadda M. Biixi soo dhisi doono, waxa jaan-goyn doona habka uu xukuumaddiisa u soo dhiso. Maanta dareenka dadka ayaa ka jawaabay hal-xidhaalahaa. Aan uga sii gudbo nuxurka fikirkayga xukuumadda M. Biixi soo dhisay. Qodobbada aan ku bogaadinayo dhismaha xukuumaddan waxa ka mid ah;
1.01. DHISMAHA XUKUUMAD DHALLINYARTU SAD WANAAGSAN KU LEEDAHAYIn xukuumadda M. Biixi ay dhallinyartu ku badan tahay waa guul weyn marka aan dareen sannahay dhibkii ay da'yarta u geysatay siyaasadda aan laga hawl-gabin. Dhallinyartan oo aan qiyaasayo in da' ahaan ay 34 jirro ka yar yihiin, waxa aan ku tilmaami karaa hannaan cusub oo dhismahiisa curin xeel-dheeraani ka muuqato. Aragtidayda xulashada dhallinyartan xoogga ahi waxa ay muujinayaa dhowr arrimood oo mid ba gaarkeeda ahmiyad weyn u leedahay. Kala ahna sidan;
B. Tababar ama layli lagu siinayo dhallinyarta hoggaanka siyaasadda iyo shaqada qaranka si ay u beddelaan jiilka talax-gabka ku dhow oo saaxadda siyaasadda goor dhow wakhtigu ka saari doono.
T. Diyaar garaw hoggaanka xukuumadda ah oo farta ku fiiqaya in xubnaha golaha wasiirradu u diyaar yihiin shaqo badan oo adag sidaa darteena luugu baahan yahay "Wadneyaal cusub oo aan sahal ku neeftuurayn.
J. U guus goyn kooxdii koobnayd ee fagaaraha siyaasadda sida dhillow-yahanka uga dul baxay Qaranka. IWM. Xilalka waaweyn ee da'yarta loo dhiibay waxa ka mid ah;- Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, Wasiirka Wasaaradda Hurumarinta Maaliyadda. - Yuusuf Mire Maxamed "Boos" Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarta iyo Ciyaaraha.- Maxamed Axmed Maxamuud "Cawad" Wasiirka Wasaaradda Hurumarinta Maal-gashiga. - Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen, Wasiir-ku-xigeenka WasaaraddaIyo Arrimaha Debedda. - Cabdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirka Caddaaladda.- Xuseen Ibraahim Xasan "Buuni" Wasiir-ku-xegeenka Wasaaradda Qorshaynta kuwo kale.
1.02. MIDAYNTA WASAARADO HORE LOO KALA JARAY IYO KUWA UU M. BIIXI GARTAY IN MIDAYNTOODU AHMIYAD WEYN LEEDAHAY IYO KUWO UU CURIYAY
In wasaarradaha qaar oo hore laba wasaaradood u kala ahaa uu mideeyay M. Biixi. Kuwaas oo aan ka xusi karo;
- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Kalluumaysiga. Waxaana hadda luugu yeedhi doonaa, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hurumarinta Kalluumaysiga.
- Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Dhaqanka. Haatanna isku ah, Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. - Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurku waa wasaarad lagu biiray shaqo Qaranku baahi weyn u qabay oo ah qabyo-tirka Xeerka Qaranka (Dastuurka) oo u baahan kaabis iyo wax ka beddel door ah( Amendment) Haddii wasaarraddani shaqadeeda si habsan u qabsato waxa xal loo heli doonaa arrimo badan oo xeerkii caddayn lahaa ama qayixi lahaa uu ku dhaafay, xeer baa qeexi doona.
1.03. KURAASTII JILIBKA MADAXWEYNUHU KU WADHWADHEEN OO UU HOOS U DHIGAY
In xilal dhowr ah oo xukuumadda ay jilibka madaxweynuhu (Sacad Muuse) ka hayeen uu ka qaaday.Taasi oo ah hal tallaabo oo dhinaca wanaagsan loo qaaday. Haddii uu ku dhiiran lahaa saamiga kuraasta ee beesha dhexe in uu intan ka yareeyo, waaxda uu iyaga ka soo jarana siiyo qabaa'ilka hore u saluugsanaa saami qaybsiga xukuumadda.
1.04. XUKUUMAD QURBE-JOOGTU KU YAR TAHAY
Xukuumaddii M. Siilaanyo Qurbe-joogtu waxa ay ku dhowaayeen saddex-daloolow-laba, waxa aad mooddaa in tan uu M. Biixi soo dhisay ay u badan tahay dad xog-ogaal u ahaa xaalka waddanka oo iskugu jira dhallinyar waddanka wax ku baratay, oo aan ka soo qaadan karo, Wasiirka Caddaaladda Cabdiqani Maxamuud Caateeye "Fariid" Wasiirka Hurumarinta Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi Raage iyo shakhsiyaad kale oo rug-cadaa ah oo uu gadhwadeen u yahay Maxamed Kaahil Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
QALLOOCA MUUQDA WAJIIGA HORE EE DHISMAHA XUKUUMADDA M.BIIXI
Markii aan eegay dadyow kala duwanaa ee indheer-garadka ahaa ee noocyada bulshada oo dhan matalay ee uu M. Biixi talada waddanka wax ka weydiiyay, ee aan u geeyay in uu xog-ogaal u ahaa guud ahaan waddanka wixii ka dhacay shar iyo khayr ba waxa ii soo baxday in uu soo dhisi doona xukuumada tan hordhaceedu hadda muuqdo ka barako badan waxa aanan ku dhaafayaa meerisyadan; "Duluc-furasho mooyee, Ducatay oo wax may dhalin..." Gaarriye.
1.01. MAGACAABISTA WASIIRRADAN HOOS KU XUSAN KUWA LAGU HUNGOOBAY AYAY IILA MUUQDAAN
Xubnaha golaha wasiirrada ku jira xukuumadda Biixi ee waxa ku jira kuwo xilalkii hore ee ay ummadda u hayeen dayacay oo hadda xil kale loo igmaday iyo qaar aan waaqica dalka wax badan ka ogayn oo ay aad u adag tahay in ay la jaan qaadaan. Markii aan magacyadooda maqlayna waxa maskaxdayda ku soo dhacay meerisyo uu Hadraawi lahaa oo maansada Debed-yaal ku yjiray. Waxay ahaayeen;Wuxu yidhi degmadayduDuleed-joogta maqashiyo,Ka hagrada ma durugtada, Ayay geel u dirataa.1. Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faarax, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada 2. Cabdiraxaan Cabdillaahi Faarax Diiriye "Guri-barwaaqo" Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta 3. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw-Yuusuf. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka.
LA SOCO...
storvideo: 

VIDEO: Jilaaga Barkhad Abdi oo markaan loo dhiibay...

$
0
0

Inteena badan isma aanaan weydiin qisada filimkii ugu danbeeyey ee Barkhad Abdi iyo koox Soomaali ah jileen waxa laga damacsanaa iyo hadafkii laga lajaa
Hadaba waxaan halkaan rabaa inaan idinkaga qeexo dhowr arimood oo bahdilaad ku ah shacabka Soomaaliyeed oo ceebo aysan laheen laga faafinaayo kuwaasoo caalamka laga iibinaayo
storvideo: 

Ciyaartooyda Jubbaland iyo Gal-Mudug oo Ciyaar Xiiso...

$
0
0

Waxaa galabta abaaro 3:30 Xiliga Muqdisho lagu wadaa in garoonka Koonis Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir ay ka dhacdo ciyaar xiiso badan oo u dhaxeeyso Ciyaartooyda Jubbaland iyo Gal-Mudug.
Ciyaartaan oo ah mid Xiiso badan Ayaa Haddii Gal-mudug laga badiyaa ama xitaa Bar Baro lagaliyaa waxa ay ka hareeysaa Tartanka Maamul Goboleedyada.
Dhanka kale Kooxda Jubbaland ayaa heeysata fursad waxaana ay ku soo baxdaa Badis ama Bar Baro si ay Semi Finalka ugu gudubto.
Taageerayaasha Jubbaland iyo Gal-Mudug ayaa hadda isku diyaarinaya sidii ay u tagi lahaayeen Garoonka islamarkaasina ciyaartaasi goobjoog uga noqon lahaayeen.
Koonfur Galbeed oo ku soo baxday Groupka B ayaa waji doonto Midkood Jubbaland ama Gal-Mudug tii soo Baxdo.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Ciyaartooyda Jubbaland iyo Gal-Mudug oo Ciyaar Xiiso Badan ku Dhexmari Doonto Koonis appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

SAWIRRO: Kulanka Golaha Shacabka oo Furmay

$
0
0

Halkaan ka dhageyso wareysiga
Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live