Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi...

$
0
0

TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Jaamac Caarre Samatar oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 20/12/2017, - Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Chief Caaqilka tiir ka baxay madaxda dhaqanka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
storvideo: 


Ma ogtahay in Google uu keydiyo macluumaadkaaga?

$
0
0

Ma ahan arrin qarsoon in Google, oo ah barta ugu wayn caalamka ee akhbaar laga raadiyo, ay hayso macluumaadkaaga. Waxayna fursad kuu siineysaa in aad tirto.

Myanmar oo Gaadhsiisay Qaramada Midoobay inaysan...

$
0
0

Xukuumadda Myanmar waxay ku wargelisay Qaramada Midoobay inaysan oggolaan doonin baadhitaanka xuquuqda aadanaha ee madax banaan, Yangui Li, inuu booqdo dalkooda.
Baadhe Li ayaa sheegay in mas'uuliyiinta Myanmar ay sidoo kale u sheegeen inaysan iskaashi la sameyn doonin inta ay ku sugnaayeen.
Lee ayaa la filayay inuu booqdo bisha Janaayo si uu u qiimeeyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka oo dhan, sida warbixinno ka dhan ah xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee gobolka Rakhine.
storvideo: 

Jacob Zuma ma laga xayuubin doonaa madaxweynenimada Koonfur Afrika?

$
0
0

Hoos waxaan kusoo koobaynaa dhawr siyaabood oo ay suurtogal tahay in ay wax u dhacaan.

Codka Soomaalida Xorta Ah (Axraaru Soomaal) Ujeeddo...

$
0
0

Tan iyo intii ay burburtay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya 26kii Janaury 1991kii waxaa Soomaaliya hareeyey faragelin shisheeye mid dadban iyo mid toos ah sida Faragelinta iyo tartanka Waddamada Yurub , Yahuudda iyo USA ay ugu baratamayaan boobka kheyraadka Soomaaliya bad iyo beriba, dallaaliinta dalalkaasi awoodda leh sida Ethioibiya iyo Masar oo uu ka dhaxeeyo murana Wabiga Niilka.
Waxaa kaloo dalaaliinta reer galbeedka ka mid ah wadamada khaliijka sida Qatar iyo Imaaraatka oo ay faragelintooda isugu soo biyo shubtay mid bareer ah oo aan cidna laga qarineyn.
Sidaa aawadeed waxaan u kala qaadeynaa aragtida laga qabo faragelintaasi qaawan 3qeybood:
1-Dawladda Hadda Talada heysa oo ku heshay kursiga M/weyne Taageero dhaqaale oo Qatar ay siisay M/weynaha talada haya Max'ed A/Laahi Farmaajo, oo uu Fahad Yaasiin dallaal uu ka ahaa, sidaa aawadeed Villa Soomaaliya waxay noqtay mid si toos looga fuliyo danaha Qadar.
a- Maxkamada Gobolka Banaadir oo u jirta Madaxtooyo in ka yar nus KM, caddaalo daro ka jirta darteed dadka Muqdisho ku dhaqan waxay dacooyinkooda u geystaan Ashbaabka jooga Shabeelada hoose.
b- Wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji ee la dilay , oo ay maxkamad xukuntay ninkii dilka geystay, Dowladda wey u dhici la'dahay fulinta Qisaasta dilka ayadoo ka baqeysa qabilka uu ka soo jeedo Gacan ku dhiiglaha oo ku goodinaya wiilkeena looma dili karo Raxanweyne, Siyaasiyiinta arintaasi la soo taagan waa KUWA ImaaraatKa dabo dhilifKa u ah.
c- Waxay Dowladdu ka dambeeysay rididii M/Weynihii Hir/Shabeelle, iyo isu daygii lagu ridey M/weynaha Galmudug, taasoo u riixday Dowlad-gobleedyadan iyo kuwii soo haray iney u midoobaan sidey isu kaashan lahaayeen oo ay uga hortagi lahaayeen hagardaamada Dowladda
Federaalka oo Qadar u shaqeysa, iyaguna kama roonaan oo waxay maciin bideen iney dabo dhilif Imaaraat noqdaan, waa khalad khalad lagu saxay.
d- M/weynaha oo ka hor qirtay shirkii Dowlad-gobleedyada iney ku fashilmeen la dagaalanka Ashabaab, tallaabadii habooneyd oo aheyd in lala heshiiyo maadaama ay Soomaali yihiin wey ka warwareeganayan isaga iyo R/wasaare Kheyre oo ka baqaya Reer Galbeedka aan u ogoleen Soomaali iney mar kale isu timaado oo ay cagaheeda ku si taagto
e- Xaqiiqda Beesha Caalamka waxa weeye:{Nin ku dilay har kuuma jiido} { Qacda maqashii waxna ha u qaban}{Baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badan aan dooneyn inaad heshaa daa'in abadkaa}
f- Dhiibistii Qalbi Dhagax.
g- Qaraxii Zoobe oo ay ku nafwaayeen in u dhow 1000 qof
h- Wareerarkii Naaso Hablood lagu eedeyey iney mas'uuliyin dowlada ka tirsan ay fududeeyeen.
i- Guryaha Shaqaalaha Bangiga ee ku yaal Buulo Xuubey, Madiina oo Mas'uuliyiin sare Dowladda ka tirsan ay iib ku doonayaan si ayu dhacaan dhowr shirkadood waa looga digey iney iibsadaan, warka ugu dambeeyey waxay heshiis la galeen Preim Banka.
j- Hankii loo hayey Dowladda cusub oo ah iney isbedel & wax qabad kusoo kordhiso dalka lagama hayo sida : Canshuur laga qaado shirkadaha isgaarsiinta, xawaaladaha iwm oo ka caado yeeshay iney laaluushaan madaxda sare makrii la doorto.
k- Kursiga Soomaaliya ee AU-IBAR,Hawada Soomaaliya,& Furaha 252, isuma ayan dayin iney gacan Soomaali dib ugu soo celiyaan.
Khaldaadka dowladda waa intaas iwm, su'aasha waxay tahay Mas'uuliyiinta Dowladda iney isa saxaan diyaar ma u yihiin?!! Jawaabta oo ficil ah iyagaa laga rabaa, caburinse maya.
2- Cumar C/Rashiid & C/Raxmaan A/Shakuur oo labadaba la soo shaqeeyey Sharif Sh. Axmed, iyadoo Cumar ay u dheer tahay inuu Xasan sh. Max'ud u ahaa Ra'iisul wasaare oo ay isaga & Xasan Mas'uul ay ka ahayeen khiyaamo Qaran oo fara badan sida Calanka Soomaaliyeed iney isku dayeen iney bedelaan iyagoo ka amar qaadaneyey Cadowga Soomaaliya.
Cumar C/Rashiid & C/Raxmaan A/Shakur oo taageero ka heysta Shariif , Xasan Sheekh iyo qeybo ka mid ah dadkii lasoo sahqeeyey, oo kulligood ay ku caddahay khayaano Qaran iyo Dawlado Fashalmay waxay u tafo xeeteen sidii ay ku ridi lahaayeen xukuumadda hadda jirta iyagoo taageero muruq, maal iyo maskax (M 3 ) ka heysta Imraatka oo ay danaheeda ka shaqeeyaan, si ay u noqdaan Madaxweyne & Ra'iisul wasaare bedela Farmaajo & Kheyre
Waxa xusid mudan Doorka Turkiga ee uu ku leeyahay Soomaaliya oo mid Muqadas, ahna dal had iyo gooraale u taagan difaaca danaha Islaamka, ma aha inaan la sinno Qatar ama Imaraat iwm.
3- Soomaali weynta soo hartay : waxaan uga digeynaa iney labadaasi dhinac la kala saftaan, sababtuna waxay tahay labaduba dan Soomaali ma wadaan oo waxay isu qaawiyeen ka shaqeynta danaha Qatar iyo Imaaraatka, sidaa aawadeed waxaa la gudbon iyagoo isku duuban iney mujiyaan
dareenkooda ku aadan iney wada jir uga shaqeeyaan waxa u dan ah dadka Soomaaliyeed aduun iyo aakhiro oo ayan dalkooda iyo dadkooda siisan sandareerto, laguna ka xaysan qabiil iyo nafci been ah, sidatan ayaa lagu badbaadin karaa jiritaankeena ummadnimo, hadii kale khariradda Afrika iyo tan Caalamka weynu ka tirmeynaa, waana midda ay u ololeynayaan labada dhinac ee is haya, ha ogaadeen ama yeysan ogaan.
Baraha bulshadu ay kuwada xiriirto, Raadiyayaasha, TV-yada iwm laga muujiyo dareenka dadka Soomaaliyeed inaan loo weecin Karin waddo khaldan oo loogu adeegayo shisheeye usoo tafo xeetay in nalaka tirtaro khariiradda Caalamka
Wada shaqeyn wacan
Hussein Ali Elmi
Share this:
Related
storvideo: 

Ma ogtahay in Google uu keydiyo macluumaadkaaga?

$
0
0

Google way garaneysaa waxa aad raadineyso, waxa aad daneyneyso, iyo baraha kale ee aad booqato, iyo waxyaabo kale oo badan ayey kaa og tahay.
Waxaan ka hadlaynaa Google oo ah barta caalamka ugu wayn ee macluumaad iyo akhbaar laga raadiyo.
"Marka aad adeegga Google isticmaaleyso, waxaad nagu aamintay macluumaadkaaga."
Taasi waa sida ay shirkaddan u sheegtay macaamiisheeda, waana leenka ugu horeeya ee shuruucda xuquuqda gaarka ah ee Google.
Balse waxa aadan garan karin waa in Google ay ku siineyso fursad aan ku tirto macluumaadkaaga ku keydsan qeybta "my activity" oo keydisa waxa aad ka dhex sameyso barta.
Halkan ka eeg sida aad ku tirtiri karto adigoo dhowrkan tallaabo qaadaya.
1. Tir dhaqdhaqaaqeyga
Xilli kasta ee aad Google wax ka raadiso, shirkadda waxay keydineysaa macluumaadka la xiriiro waxa aad raadisay, waxayna ki xireysaa cinwaankaaga.
Waxay sidoo kale diiwaan gelineysaa dhaqdhaqaaq kastoo aad sameyso, sida in aad foom buuxiso ama in aad furto cinwaankaaga Gmail-ka.
Akhbaarta oo dhan waxaa lagu keydinayaa qeybta loo garanayo "dhaqdhaqaaqeyga" - waana halka aad u baahan tahay in aad isha ku hayso.
Waxaad furi kartaa keyda baaridda si aad waxyaabo gaar ah u eegto ama aad bogag u tirto (ka dib raadi macluumaaadka la xiriira, haddii aad u baahato).
Sidoo kale waxaa tirtiri kartaa dhammaad waxyaabihii aad eegtay ama raadisay adigoo taariikh gaar ah ku cayimaya.
"Fursadda ugu wayn ee kuu furan" waa in aad tirto dhammaan waxkastoo aad eegto "xilli kaste".
Digniin ayay Google ku tuseysaa oo la xiriirta cawaaqib xumada ka dhallan karto ficilladaada, balse sida xaqiiqada ah, in aad tirto macluumaadkaaga ku jiro Google, wax saameyn ah kuguma yeelanayaan, xitaa sida cinwaankaaga Google iyo codsiyadaada shaqo.
2. Tir dhammaan dhaqdhaqaaqyadaada YouTube
Google waxay sidoo kale dabagashaa dhammaan waxyaabaha aad ka baarto YouTube.
Balse tani xitaa si fudud ayaad uga feejignaan kartaa. Marka hore guji "history" oo ah meesha keydka oo dhanka bidix ah. Ka dib guji "nadiifi dhammaan wixii aan baaray", ama waxaad si gaar ah u raadin kartaa waxyaabaha qaar ee si gaar ah aad u daawatay.
Halkan waxaa ku jiro lifaaq ku saabsan keydka YouTube ee ah sida aad wax u baarto
3. Sidee loo tiraa waxkasta oo ay kaa hayaan kuwa wax xayeysiiya
Ha u maleynin Google in ay macluumaadkaaga ay keydineyso oo keliya, balse waxay u sii gudbineysaa dadka wax xayeysiiya.
Taasina waa sababta aad markasta u aragto xayeysiis xiriir la leh waxa aad raadineyso ama daawato.
Laakiin haka walwalin - waxaad ogaan kartaa macluumaadkaaga loo gudbiyay kuwa xayeysiinta sameeya.
Sida aad u tirto, fur cinwaankaaga Google ka dibna gal meesha ay ku qoran tahay "Personal info & privacy" ee akhbaartaada gaarka ah keydisa.
Markan waxaa sii gujisaa qeybta ah "Ads Settings". ka dibna sii gal "Manage ads settings" oo fursad kuu siineyso in aad iska xirto.
Ka dib waxaad arki doontaa meel ay ku qoran tahay "Ads personalisation". haddii aad iska xirto halkaasi, laguma so gaarsiin doono xayeysiismo la xiriira waxa aad ka baareyso ama macluumaadka kale ee Google ay kaa hayso.
Laakiin fursadda ah in aad dalbato in xayeysiis oo dhan aysan ku soo gaarin xilligan ma aysan diyaarin shirkadda Google.
Google waxay ku siin doontaa digniin ah in taasi aysan kuu wanaagsanayn, sababtoo ah ma arki doontid xayeysiimaha aad jeceshahay, si kastaba adiga ayey kugu xiran tahay waxa aad dooraneyso.
4. Tir meesha hayso keydkaaga Google
Haddii aad isticmaaleyso shay ku shaqeeya Android, Google waxay keydineysaa diiwaan la xiriiro baraha aad booqatay adigoo adeegsanaya mobile-kaaga ama Tablet.

  • Halkan ayaad ka eegi kartaa

Si aad macluumaadkan oo dhan uga tirto Google Maps, waxaad u baahan tahay in aad boggan booqato.
Waxaad iska xiri kartaa goob raadinta, waxaadna tiri kartaa dhammaan waxa ku keydsan ee maalinle ah ama waqtiyo badan ah.
Sidoo kale, Google wuxuu keydiyaa safarradaada iyo meelaha aad ku nagaatay. Haddaba waad tiri kartaa adigoo furaya meesha ay ku keydsan yihiin safarradaada taariikhihii hore.
storvideo: 

Jacob Zuma ma laga xayuubin doonaa madaxweynenimada...

$
0
0

Jacob Zuma, madaxweynaha ay fadeexadaha hareeyeen ee Koonfur Afrika ayaa laga yaabaa in uusan dhamaysanin waqtiga uga dhiman muddo xileedkiisa maadaamaa xisbiga talada haya ee ANC hoggaankiisa loo doortay Cyril Ramaphosa.
Sanooyinkii ugu dambeeyay Ramaphosa waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Zuma, balse xiriirkooda ma ahayn mid sahlan.
Ramaphosa waxa uu ololaha doorashada ku galay barnaamij la dagaalanka musuqa, dad badana waxa ay aamineen in uu ka dhabayn doono in eedeymaha musuqmaasuqa ee loo heysto Zuma maxkamad lagu saaro.
Hoos waxaan kusoo koobaynaa dhawr siyaabood oo ay suurtogal tahay in ay wax u dhacaan.
1.Zuma oo xilka laga eryay
Xisbiga ANC waxa uu ka fogaan doonaa in ay abuurmaan labo saldhig awoodeed oo hardamaya, oo ay labo hoggaamiye oo lid isku ah kala maamulaan, kuwaas oo kala ah hoggaamiyaha xisbiga iyo madaxweynaha dalka.
Sidaas darteed waxa uu xisbiga go'aansan karaa in uu eryo Mr Zuma maadaamaa loo arko in uu halis ku yahay xisbiga in uu aqlabiyada markale helo marka la gaaro doorashooyinka sanadka 2019-ka.
Tani waxa ay wadada u xaaraysaa in Ramaphosa uu awoodda la wareego, si markaas codbixiyeyaasha uu kalsooni cusub ugu beero xili ANC ay halis ugu jirto in ay lumiso aqlabiyadeeda boqolkiiba 62% ah.
Balse waa talaabo halisteeda leh oo kala qeybin karta xisbiga.
Xubno olog la ah Zuma oo xilal awood badan ka haya xisbiga sida madaxweyne ku xigeenka iyo xoghayaha guud ayaa laga yaabaa in ay ka horyimaadeen talaabo kasta oo xilka looga qaadayo Zuma.
Ma noqon doonto markii koowaad oo ANC ay xilka ka dirto madaxweyne uusan xiligiisa dhamaanin, waxa ay ku dhacday Thabo Mbeki sanadkii 2008-dii kadib markii Zuma ku guuleystay madaxweynenimada ANC sanadkii 2007-dii.
Go'aan kasta oo xilka looga eryayo Zuma waxaa gaaraya golaha dhexe ee xisbiga oo loo yaqaano NEC, kaas oo ah kan leh go'aanka ugu sareeya ee xisbiga.
Sida uu nidaamka u shaqeeyo, mid ka mid ah golaha dhexe ayaa soo jeedinaya in madaxweynaha xilka laga qaado, kadibna golaha oo tiradoodu dhantahay 100 ayaa u codeynaya ama go'aan wadar-ogol ah ka gaaraya mustaqbalka madaxweynaha.
Xisbiga ayaa soo xulanaya xubnaha golaha dhexe inta uusan dhamaanin shirweynaha Johannesburg ka socda, waxaana la arki doonaa in dadkaasi ay noqdaan kuwa taageerayaal u ah Zuma iyo in kale.
Suurtogal ma ahan in lasii ogaado xiliga ANC ay xilka ka qaadayso Zuma, balse dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegaya in xisbiga uu xilka ka eryi doono Zuma ka hor Hadal-Jeedinta Qaran ee Madaxweynaha oo dhacaysa bisha Feberaayo, xiligaas oo uu furmo baarlamaanka.
Samadoda Fikeni oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaase qaba in xil ka eryidda Zuma ay dhici karto mar xiligaas kasii dambeysa maadaamaa dacwada loo heysto madaxweynaha ay maxkamadaha hor tagayaan sanadka 2018-ka, waxaana ka mid ah 18 dacwadood oo musuqmaasuq ah.
Fikeni ayaa waxa uu intaas ku daray in ANC ay si fiican u garanayso Zuma in uusan ahayn nin dagaal la'aan iska taga, lagana yaabo in uu dab ku huriyo ANC haddii isaga la rido.
2.Zuma oo isaga is casilo
Waxaa kale oo iyadana suurtogal ah in hoggaanka ANC ay Zuma ku qanciyaan in uu xilka isaga dego sida uu qabo Mr. Fikeni.
"Hoggaamiyeyaasha ANC waa ay fahamsanyihiin dhibaatada uu sababi karo Zuma, xitaa waxa uu halis ku yahay doorashada 2019-ka" ayuu yiri Fikeni.
Sidaasi darteed waxaa laga yaabaa in ay ka codsadaan in uu xilka isaga dego, haddii uu taas diido , markaas ayaa lagu qasbanaan doonaa in xisbiga uu eryo.
3.in Zuma xilka sii hayo illaa dhammaadka waqtigiisa.
Waxaa jira dad ku doodaya in ay arrin qalad ah tahay in Ramaphosa uu isku dayo in uu xilka ka qaado Zuma, maadaamaa taas ay xisbiga sii kala jabinayso, islamarkaasna jiho wareerinaysa arrinta dhabta ah ee ah in loo diyaargaroobo doorashooyinka 2019-ka.
Waxaa Ramaphosa lagula taliyay in uu faraha ka qaado Zuma, islamarkaasna kaligiis wajoho dacwada loo heysto.
Garsoorka Koonfur Afrika waa mid aad u madax banaan, wuxuuna marar hore xabsiga dhigay dad ay darajadoodu sarayso.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in Zuma uu aad ugu mashquuli doono dacwadaha loo heysto , waqtina uusan u heli doonin in uu qalqal galiyo Ramaphosa.
Haddii ay taasi dhacdana waxa ay Ramaphosa siin doontaa fursad uu isugu diyaariyo doorashada soo socota. Iyo in uu xisbiga mideeyo.
storvideo: 

Xildhibaannada Uganda oo laalay sharciga xaddidaada da’da madaxweynaha

$
0
0

In ka badan saddex-meelood laba ka mid ah xildhibaannada ayaa u codeeyay in la badelo dastuurka.


Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakur oo Lasoo Daayay

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya xabsiga kasii deysay siyaasiga Cbadiraxman Cabdshakur, saddex maalmood kadib marki ay ciidanka ka xireen gurigiisa.
Ugaas Maxamud Cali Ugaas oo ka mid ahaa odayaal dhaqameed ku lug lahaa sii deynta siyaasiga, ayaa VOA-da u xaqiijiyay in Cabdiraxman Cabdishakur uu dib u helay xorriyadiisa.
Wali ma cadda in cafis lagu sii daayay iyo in ay jiraan shuruudo, hase yeeshee Isniitni lasoo dhaafay ayay Dowlada Soomaaliya sheegtay in Cabdiraxman uu wajahayo eedeymo la xiriira khiyaano qaran iyo dowlad dumis.
Weerar ay habeenki Axadda ee aanu kasoo gudubnay gurigiisa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya, ayaa lagu xiray Cabdiraxman Cabdshakur. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay shan ruux.
storvideo: 

Xildhibaannada Uganda oo laalay sharciga xaddidaada...

$
0
0

In ka badan saddex-meelood laba ka mid ah xildhibaannada ayaa u codeeyay in la badelo dastuurka.
Sharcigan cusub ayaa ka dhigan in madaxweyne Yoweri Museveni oo ay da'diisu kor u dhaaftay 75 sano uu haatan markii lixaad xilka qaban karo.
Dhowr Xildhibaan ayaa ku amaanay xukinkiisa 30 ka sano, waxa ayna sheegeen inuu isbeddel ku sameeyay dhaqaalaha dalka uuna nabad kusoo dabaalay wadankaan uu mar halakeeyay dagaal sokeeye.
Labada waqti ee qabashada xilka madaxweyne ayaa dib loo soo celiyay, taasi oo markii hore la laalay sanadkii 2005.
Balse dadka diidan ayaa sheegaya in markale ay suuragal tahay in meesha laga saarayo
Xubnaha baarlamaanka ayaa sidoo kale u codeeyay in la kordhiyo muddada ay mudanayaasha baarlmaanka xilka hayn karaan taasi oo haatan ah 5 sano lagana dhigo ilaa 7 sano.
Tallaabadan ayaana looo arkaa mid lagu dalaalay xubnaha baarlamaanka si ay u meel mariyaan sharcigan.
Waxaa ka jiray dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Uganda kuwaasi oo ku saabsan in meesha laga saro xadiditaanka da'da, ra'yi uruurin la sameeyayna wax ay sheegysaa in inta badan dadka Uganda ay kasoo horjeedaaan tallaabada uu baarlamaanku ku dhaqaaqay.
Dowladda Uganda ayaa diidan rayi uruurintan waxa ayna sheegeysaa in dad tiro yar ay yihiin kuwa kasoo horjeedo.
storvideo: 

Rosicky oo Ciyaaraha Ka Fariistay

$
0
0

Ciyaaryahanki hore ee kooxda Arsenal iyo Jamhuuriyadda Czech Tomas Rosicky ayaa iska siibay kabaha kubadda cakta kadib sannado badan oo uu ku shaqeysanayay xirfadan.

Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku guulaysatay in C...

$
0
0

21st December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku guulaysatay in C/raxmaan C/shakuur Xabsiga laga sii daayo
Waxaa goor dhow la sii daayay xabsiga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasoo habeenkii axada aheyd ay ciidamada ammaanka xabsiga u taxaabeen, kaddib markii weerar dhiig ku daatay ay ku qaadeen gurigiisa.
Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go'laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la'aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.
Heshiiska lagu sii daayay oo ahaa damiin ayaa waxaa saxiixay Madaxda Maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Gobolka Banaadir Odayaasha Dhaqanka, Madaxweynaha GalmuWasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.
Shuruudaha heshiiska ayaa waxaa ka mid ah inuusan dalka ka bixi karin, inuu saxaafada la hadli karin iyo in uusan shir qaban karin, inta ay socoto kiiska dacwadiisa.
Wararka ayaa sheegaya in loo balamay in maalinta berri Maxkamad la aado, waxaana qaabka sii deyntiisa tahay qaab damiin ah
Hoos ka akhriso qoraal uu soo dhigay mid ka mid ah Xildhibaanaad besha Habar gidie
[embedded content]

Ugu danbeyn Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxey, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano...
Opslaet af Hon Ahmed Fiqi pa 20. december 2017

Post navigation
- Qooleeysatada Abaabullan oo la Fahmay Gaas oo Digreeto Magacii Kaga Bedeley Wakaaladda Wararka Dawladda Puntland. -
storvideo: 

Gaas oo Digreeto Magacii Kaga Bedeley Wakaaladda...

$
0
0

21st December 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo magacii lagaga bedelay Xeer Madaxweyne Lr-151 December, 20, 2017 Wakaaladda Wararka dawladda Puntland.Madaxweynaha Dawladda Puntland.Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.Markuu arkay: Tala soo jeedinta Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka dawladda Puntland,
Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa magaca Wakaaladda Wararka dawladda Puntland loo bedelay Wakaaladda Warbaahinta iyo Horumarinta Teknoolajiyadda dawladda Puntland.
  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=
Post navigation
- Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku guulaysatay in C/raxmaan C/shakuur Xabsiga laga sii daayo
storvideo: 

Rosicky oo Ciyaaraha Ka Fariistay

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Ciyaaryahanki hore ee kooxda Arsenal iyo Jamhuuriyadda Czech Tomas Rosicky ayaa iska siibay kabaha kubadda cakta kadib sannado badan oo uu ku shaqeysanayay xirfadan.
Hadal uu ku qoray barta internetka ee kooxda Sparta, ayuu Rosicky ku sheegay in jirkiisa uusan u diyaari karin waxyaabaha looga baahanyahay qofka xirfadlaha ah. Wuxuu u mahadceliyay taageerayaasha kooxda uu hadda u ciyaarayay ee Sparta oo uu markiisii horana kusoo bilaabay ciyaaraha kubadda cakta.
Rosicky ayaa sanadki 2006-di ku biiray Arsenal markaas oo uu kaga yimid naadiga Brussia Dortmund. 10 sano oo uu ka tirsanaa Arsenal, wuxuu la qaaday laba ka mid ah koobka FA.
storvideo: 

Cabd7ramaan Cabdishakuur oo damiin xabsuga looga....

$
0
0

Cabd7ramaan Cabdishakuur oo damiin xabsuga looga. Saray caawa
Dec 20, 2017 -
C/raxmaan C/shakuur oo ah siyaasi mucaarad ah oo u xirnaa muddo 3 cisho ah dowlada Somalia ayaa warar goor dhow oo saqdii dhexe ee caawa soo baxay waxay sheegayaan in laga saaray xabsiga ciidanka NISA ee godka Jilacow oo uu ku xirnaa.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku xaqiijiyey sii daynta. C/raxmaan C/shakuur
"Ugu danbeyn Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxey, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo, Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin"ayuu yiri Axmed Fiqi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in C/raxmaan C/shakuur lagu sii daayey damiin, iyadoo arintan ay ka dambeysay kulamo lagu sii deynayo oo ay maanta illaa caawa ay isugu yimaadeen madaxda dowlada, Wasiiro, xildhibaano, Siyaasiyiin iyo waxgarad kale kuwaasoo looga hadlay sidii sii deyn lahaa siyaasigan.
Kulamadan oo ahaa kuwo aad u adag oo laa isku dhaafsaday doodo aad u kulul ayaa sababay in la sii daayo, iyadoo aan la ogeyn maxkamadayntiisa oo beri loo balansanaa ay dhici doonto iyo in kale. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Qubaha VOA, December 21, 2017

Qubaha VOA, December 21, 2017

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Erdogan , Abdullah bin Zayedow Halkee Awoowgaa...

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si xoog leh u naqdiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al Nahyan ka dib qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka kuna sheegay dambiyo ay ka geysteen Cusmaaniyiinti Madiina Al-Munawara 1916-kii.
"Markii awoowgayaw Fakhruddin Basha difaacayay Magaalada Madiina halkuu awoowgaa joogay, kaagan niyad jabaysani ee beenta iyo Buhtaanka sheegaya ?" Erdogan ayaa sidaa sheegay mar uu Kalmad ka jeedinayay Ankara Arbacadii .
Erdogan ayaa Raaciyey: "Waa inaad ogaataa xadkaaga, ma garan kartid Shacabkan (Turki),Erdogan sidoo kale ma garan kartid, awoowayaasha Erdogan Waligood iyana maad aqoon."
Waxa uu sheegay in ay cadahay in qaar ka mid ah Masuuliyiinta dalalka Carabta ay bartilmaameedsanayaan cadaawadooda ay u hayaan Turkiga si ay ugu Qariyaan jaahilnimadooda iyo ciirsi la'aantooda iyo xitaa Khayaanadooda."
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Wasiir Bayle iyo Arrimaha Maaliyada ee Soomaaliya

$
0
0

21st December 2017 admin Category :
Wasiir Maaliyada ee DF Bayle ayaa ka waramay xaalada guud ee maaliyada dalka Soomaaliya. Bayle ayaa sheegay in Soomaalidu uu illaahay nimco siiyey balse ay ka gaajoonayaan, wellibana ay door bideen dawarsiga shisheeye.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Dagaalka Oromada iyo Soomaalida

$
0
0

21st December 2017 admin Category :
Oromada iyo Soomaalida ayaa daggaalo ay dad badan ay ku dhinteen ayaa ay ku dhexmareen deegaano ka mid ah dhulka ay deggaan labadaa ummadood. Hadaba, sababta kalliftay dagaaladaas soo noqnoqday fadlan ka daawo muuqaalka hoose.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live