Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Danjire Keating oo soo dhaweeyay Ansixinta...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2018-ka, haddaba War-saxaafadeedkii UNSOM ayaa u Qornaa Sidan;
Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Somalia, ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taasoo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhaweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
"Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay - waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
"Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah," ayuu raaciyay. "Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen."
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee 'Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada' (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika.
Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-ka illaa 2017-ka.
"Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay'adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah," ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. "Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay."
Sannadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go'aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soalia ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.
Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag.
"Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas," ayuu yiri. "Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay'adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed."
Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.
Ugu dambeyn, Iyadoo ay halakeeyeen Abaaro Colaado hubaysan iyo Weliba horumar la'aan, ayaa hadda Somalia waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed 'Farmaajo' ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa].PUNTLAND POST
The post Danjire Keating oo soo dhaweeyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkan 2018 appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Al-Shabaab oo ku dhawaaqay ujeedkii laga lahaa...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay ka soo baxyaaan Dill xalay ka dhacay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne,kaasi oo lagu dilay mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaleysiiyay Maamulka gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Ayaanle Maxamed Dhuule.
Majirto cid loo soo qabtay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay Sheegteen Dilka ay u geysteen Wiilkan dhalin yarada ah oo la sheegay inuu ka tirsanaa Nabad Sugida Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay Marti gelisay Dilal qorsheysan eel ala beegsanayo Askarta ka tirsan ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo dadka Shacabka ee aan waxba galabsan.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo...

$
0
0

Michael Keating, pictured in a May 2011 epa file photo from Kabul, is to head the UN assistance mission to Somalia. EPA/S. SABAWOON +++(c) dpa - Bildfunk+++Muqdisho (SONNA) Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
"Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay - waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
"Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah," ayuu raaciyay. "Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen."
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee 'Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada' (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika.
Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017.
"Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay'adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah," ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. "Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay."
Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go'aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.
Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag.
"Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas," ayuu yiri. "Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay'adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed."
Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.
Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar la'aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed 'Farmaajo' ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa].
storvideo: 

K/waqooyi: 'Xayiraadda nala saaray waa ficil...

$
0
0

Kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaantay xayiraadihii ugu dambeeyey ee Qaramada midoobay ay ku soo rogtay inay yihiin "ficil dagaal".
Hadal laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkaas ay u dhigmaan xayiraad dhaqaale oo dhamaystiran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee KCNA.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii xayiraado cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, kuwaasoo jawaab u ah tijaabooyinka gantaalaha ballistigga ee Pyongyang ay samaysay.
QM oo xayiraado cusub ku soo rogtay K/Waqooyi
Kuuriyada Waqooyi oo gantaal ku ridday badda Japan
Qaraar qabyo qoraal ah oo Maraykanku diyaariyey, ayna taageereen dhamaanba 15ka dal ee golaha ku jira, ayaa qodobbada ku jira waxaa ka mid ah tallaabooyin lagu dhimayo 90% shidaalka uu waddankaas dibadda ka keensado.
Kuuriyada waqooyi waxaa horeba xayiraado ugu soo rogay Maraykanka, Qaramada midoobay iyo midowga Yurub.
storvideo: 

Akhriso Faroole oo weerar aan hore loo arag ku...

$
0
0

Garoowe (Caasimadda Online) - Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dingiin u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.
Isagoo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garowe saaka ayuu shegay inuu socdo qorshe lagula dirirayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya qaadatay, wuxuuna si toos ah u weerarray Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo uu ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha ay faraha kula jiraan ee dastuurka.
"Guddoonka Golaha shacabka waxaa ugu baaqayaa fara gelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo hadba meel ku casuumayo oo faraha hala baxo"ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
"Caqabadaha socda waxaa ka mid ah in lala dirirayo nidaamka federaalka, waxaa kow ka ah Hoggaanka Golaha shacabka iyo cida keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn Wasaaradda Dastuurka oo awalba loo heystay dastuurkii KMG shirweynihii dastuurka ee lagu ansixiyay Xamar sanadkii 2012 faraha gelisay oo buuggii wax ka bedeshay, maalmahan shirarka waday, cida la hadashana aysan jirin"ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Wuxuu ugu baaqay Faroole Hya'adda UNDP ee Qaramada Midoobey inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh ee Dastuurka, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay howlaha dib u eegista dastuurka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u eegistii dastuurka ay soo dhamaatay, isla markaana qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama Aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, howsha dastuurka ay u xil saaran tahay Guddiga madaxa banaan oo ah cida qoreysa.
Waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey, gaar ahaan UNDP inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh, isagoo baaq u diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
"Qaramada Midoobey, gaar ahaan Hey'addeeda UNDP horumar ayay aheyd inay ka shaqeeyaan, ma haboona inay siyaasad ka shaqeeyaan, waxaa leenahay ha joojiyeen maalgelinta ay ku wadaan howsha Wasiir Xoosh iyo Jawaari ay wadaan, ha joojiyeen lacagta lagu bixinayo ka leexinta wadada saxda aheyd ee dastuurka iyo awoodaha hey'adaha federaalka"ayuu yiri Faroole.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Daawo: Cabdiraxmaan Faroole oo shir jaraa’id haatan...

$
0
0

Madaxweynihi hore dowladda Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud(Faroole) oo goor dhoweyd shir jaraa'id ku qabtay Hoygiisa magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.
Mudane. Farooole ayaa ugu horrayn baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaannada tuulooyinka ah ee u dhexeeya gobollada Sool iyo Nugaal,wuxuuna codsaday in dhammaan la isu taago joojinta colaaddaas.
Faroole ayaa sidoo kale eedayn kulul u jeediyey guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu sheegay in ay faro-gelin xoogganku hayaan Dowlad Goboleedyada dalka,islamarkaana ay burburinayaan Nidaamka Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayuu isagana ku eedeeyay in uu Dastuurkii ku falaaday oo buug jeebkiisa ah qortay,waxaana Faroole sheegay in arrintaasi ay fududaysay UN-ka gaar ahaanna hay'adda UNDP.Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.
Mudane. Faroole ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay taageeraan horumarka dalka,gaar ahaanna mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee ay xukuumadda Puntland waddo,kuwaasoo ay ku jiraan ballaarinta Dekedda Boosaaso iyo dhismaha garoomada.Halkaan ka daawo shirka jaraa'id oo dhammaystiran.
PUNTLAND POST
The post Daawo: Cabdiraxmaan Faroole oo shir jaraa'id haatan qabtay kana hadlay arrimo xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxwayne beelaha dhexe hadaad u buurtay wax kalena...

$
0
0

Inta badan bulshada jamhuuriyada Somaliland waxay in dhaha ku hayaan madaxwayne muuse biixi cabdi hawasha baaxada wayn ee hor taala qaabka uu u maarayn doono.
Madaxwaynuhu waxuu sheegay maalintii ugu danbaysay khudbadisii in aysan jirin reera doortay balse ay doorteen shacabka ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland, balse waxaad modaa inuu ilaaway doorashada maalma kadib inuu kulan la qaatay beel ka mid ah beelaha ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland una balan qaaday haday yihin beesha wadatay musharax ciro isagana aysan dooran inuu siin doono wasaaradaha ugu tunka wayn.
Waxaadse modaa madaxwaynu muuse inuu iska indha tiray beelaha darafyada oo ah tiirarka Somaliland ay ku tahay Somaliland dhamaystiran
Waxaynu ogsoonahay inuu dalka ku sugan yahay pro. Cali khaliif galaydh oo ahaa madaxwaynihii khaatumo state, madaxwaynihii horena lagalay heshiis sheegaya in Somaliland lawada dhisto tabashadoodana hoos loo eego.
Doorashada madaxwaynaha la dooran doonana sii wado hirgalinta heshiiskii lala galay siyaasiyinta khaatumo.
Madaxwaynaha khaatumo mar uu la hadlay warbaahinta waxuu sheegay ilaa hada inay hawshii ka xaniban tahay xaga madaxwayne muuse dhamaystirka heshiiskii lawada galay
Wali ma cada beelaha ku dhaqan gobolka awdal talaabada ay ka qaadan donaan xukuumada dhinaca ka raran ee aan lagu salayn Somaliland jacayl
Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwaynaha la doortay xasuusinayaa inuu yahay mucaaradka mid sidii hore ka xoog badan,
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :War-murtiyeed Ka Soo Baxay shirka...

$
0
0

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka kulankiisii sedexaad ayaa ku soo gebagaboobay magaalada Garoowe, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 12 qodob.
Lataliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaaWadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib warfidiyeenada u aqriyay qodobadan soo scoda oo ay madashu isku raacday:-
1) Madashu waxa ay uga mahadcelisay Dawladda Puntland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka sadexaad ee madasha.
2) Madashu waxa ay soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Wasaaradda Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxanabnaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.
3) Madashu waxay ay ka mahadcelineysaa ammaanta ay u soo jeediyeen madaxdii ka qaybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho 5tii November 2017.
4) Shirka Madasha waxaa lagu ansixiyay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada sano ee soo socota.
5) Madasha waxaa lagu go'aamiyay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.
6) Madashu waxa ay soo dhaweeysay safar hawleedka wadajirka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo labada Guddi ee ku shaqada leh arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ay ku tagi doonaan Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya si ay wadatashi ula sameeyaan madaxda sare iyo Wasaaradaha.
7) Madashu waxay soo dhaweyneysaa qabashada shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka, kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho horaanta 2018.
8) Madashu waxa ay isku raacday in Guddiga Farsamada ee Golaha Iskaashiga Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya lagu soo daro Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
9) Madashu waxay isla garatay in kulanka afaraad ee madasha lagu qabto magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
10) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go'an xoojinta wadashaqaynta iyo wadajirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga guul gaaro Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
11) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalinta madaxda sare ee Qaranka iyo sida ay ugu heelanyihiin dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka.
12) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.
---DHAMAAD---
GAROOWE, PUNTLAND, SOOMAALIYA
23 Disembar 2017
storvideo: 


Dowlada cusub Ee Uu Gadhwadeenka ka yahay Md_Muuse...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Dowlada cusub Ee Uu Gadhwadeenka ka yahay Md_Muuse Biixi Cabdi Waxaanu ka codsanaynaa..UGaas Cali ABiib Axmed.
Magacaygu waa UGaas Cali Abiib c Axmedwaxaanan ka hadlayaa baahida xaafada sheekh cumar waxaanu yidhi:{waana xaafadii la dajiyey dadka barokacayaasha ah dowlada hoose ee magaalada Hargeysa ayaa xaafadani iskugu keentay dad barokacayaal ah ,dadkaasi barokacayaasha ah ee dagan xaafada sheekh cumar ma haysaan goobaha adeega caafimaadka waana goobo kala fog ,xaafadn kama jiraan biyaha iyo wadooyinkuba iyadoo taaggiga biyaha ah loogu shubo Toddobaatan kun Oo Shilinka Somaliland ah ,hadaba qasabaduhuna soomay gaadhin xaafadan ,inkastoo ay balaadhan tahay ,waxaanay dadka xaafadaasi u baahan yihiin iskuulkii in loo sameyo ,waxaanay ardeyda xaafadaasi timaadaa dugsiyada faarax omaar iyo juun oo ka fog xaafadaasi ,markaasi dowlada cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi cabdi waxaanu ka codsanaynaa in uu ilgaar ah ku soo eego xaafadan sheekh cumar oo ay hadda baahi balaadhan ka taagan tahay,anguan waxaan ka mid ahaa goob joogayaashii kulmiye u joogay xaadafaadi sheekh cumar},Muuqaal qaadistii Mr- Ayubi.Hadlaki ka daawo qodob wareedkaasi oo faahfaahsan:
[embedded content]
storvideo: 

Gudaha Ka Eeg :Kuuriyada Waqooyi Oo Xayiraadda La...

$
0
0

Kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaantay xayiraadihii ugu dambeeyey ee Qaramada midoobay ay ku soo rogtay inay yihiin "ficil dagaal".
Hadal laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkaas ay u dhigmaan xayiraad dhaqaale oo dhamaystiran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee KCNA.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii xayiraado cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, kuwaasoo jawaab u ah tijaabooyinka gantaalaha ballistigga ee Pyongyang ay samaysay.
Qaraar qabyo qoraal ah oo Maraykanku diyaariyey, ayna taageereen dhamaanba 15ka dal ee golaha ku jira, ayaa qodobbada ku jira waxaa ka mid ah tallaabooyin lagu dhimayo 90% shidaalka uu waddankaas dibadda ka keensado.
Kuuriyada waqooyi waxaa horeba xayiraado ugu soo rogay Maraykanka, Qaramada midoobay iyo midowga Yurub.
storvideo: 

Madaxweyne Muse Bixi oo Siminaar u furay golihiisa...

$
0
0

Madaxweyne Muse Bixi oo Siminaar u furay golihiisa wasiirrada. ( Daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Dec 24th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Mudane Bixi oo ah madaxweynaha cusub ee dhawaan la wareegay hoggaanka dalka Somaliland ayaa Siminaar u furay golihiisa wasiirrada ee uu dhawaan soo magacaabay. Waxana uu si cad oo aan qarsoodi lahayn ugu sheegay in aanu ka oggolaanayn wada shaqayn la'aan.
Wasiirradan Siminaarka loo furay, oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay in ujeedku yahay isbarasho iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen. Ayaa muddo maalmo ah lagu xereeyey dugsiga Abaarso.
Hadal dheer oo uu Muse Bixi u jeediyey wasiirradiisa ayaa u egaa in uu yahay madaxweyne la xisaabtami doona, oo la socon doona dhaq dhaqaaqa wasiirrada.
Farriinta laga fahmayo tallaabadan Muse Bixi qaaday, ayaa ah in uu leeyahay HALLA I SUGO...oo yaan laga didin golaha kooban ee aan magacaabay.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 110 times.
storvideo: 

wareysi Kooban-Wariyayaashan Oo Ka Dareen celiyey...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Wareysi Kooban-Wariyayaashan Oo Ka Dareen celiyey Abaalmarinta Cawke oo ay ku Guulaysteen.
Daawo Wareysgasi oo kooban:
[embedded content]
storvideo: 

Mawqifka Ururka Ee Jabinta Ay Xukuumadu Jabisay...

$
0
0

Taariikh: 23/ 12/2017
Ku: Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi - Hargeysa
Ku: Golaha Wakiilada JSL - Hargeysa
Ku: Dhamaan Shacabka JSL - Goobohooda
Ku: Dhammaan Warbaahinta JSL - XaruumohoodaUJEEDO: MAWQIFKA URURKA EE JABINTA AY XUKUUMADU JABISAY DASTUURKA
Asalaamu Calaykum Wa Raxmatu Laahi Wa Barakaatu:
Waxa dareen damqasho leh nagu abuuray sida badheedhka ah ee ay xukuumada cusubi u jabisay dastuurka dalka, siiba qodobka 94/ faqradihiisa 2,3 ee ku saabsan qaabka ay wasiiradu xilka ula wareegayaan.
Dastuurka JSL marka uu qodobkaasi ka hadlaayay kamuu dhigin mid mad-madaw ku jiro, balse si cad oo qayaxan ayuu kaga waramay, waana kan dastuurka oo ka waramaaya arrintan:QODOBKA 94AADGOLAHA WASIIRADA

  1. Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah.
  2. Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.

Qodobkani si cad oo aan mad-madaw lahayn ayuu u xusay in la wareegista xilka ay wasiiradu la wareegayaan uu yahay mid ka dambeeya ka dib marka uu ansixiyo golaha wakiilada JSL, oo Golaha wakiiladu wuxuu awood u leeyahay wasiirada la magacaabay inuu aqbalo iyo inuu diido sida ku xusan dastuurka, haddaba haddii uu goluhu awood u leeyahay diidmada wasiir laba-wareegayba xilkii loo magacaabay, waxa ay arrintu noqonaysaa laba arrimood midkood:

  1. In ka dib marka uu wasiirkaasi uu diido ansixintiisa golaha wakiiladu uu iska dhaga mariyo madaxweynuhu iyo wasiirkuba, oo ay noqoto badhedh kale oo sharci jabin ah.
  2. In uu wasiirku sidaasi xilka uga tago, taasina waxay la mecno noqonaysaa in golaha wakiilada la siiyay awooda xil-ka-qaadista wasiirada, taasina waa awood uu iska leeyahay madaxweynaha oo qudha.

Halkaasi waxa ka cad in xukuumadu ku kacday dastuur jabin cad oo aan qiil loo helayn, annagoo luuqada ugu adag ku cambaaraynayna falkaasi xaraanta ah ee ay ku kacday xukuumadu, kaasoo gabi ahaanba luminaaya kalsoonida shacabka.
Waxaanu sidoo kale si kulul u cambaaraynaynaa golaha Wakiilada JSL oo ay xilkiisii ahayd inuu xukuumada sharciga ku ilaaliyo, oo ay ahayd inuu goluhu si cad uga soo horjeesto falka sharci jabinta ah ee ay ku kacday xukuumadu.
Haddaba Annago ah shacabka JSL, waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada JSL annagoo ixtiraam iyo qadarin u hayna inay raali-galin buuxda ka siiso shacabka jabinta dastuurka ee ay ku kacday, oo ay sida ugu dhakhsaha badan ka noqoto tallaabadan ah jabinta dastuurka JSL.
Haddii ay xukuumadu ka noqon waydo jabinbta dastuurka.... Waanu ku celinaynaa, carrabkana waanu ku adkaynaynaa haddii ay xukuumaddu ka noqon waydo tallaabadan xaraanta ah ee ay ku kacday, waxa shacabka JSL oo ah Ilaaliyaha 1aad ee dastuurku uu xor ka noqonayaa waajibaadka dastuuriga ah ee dastuurku faray shacabka, maadaama hogaankii dalka laftiisu aanu wax ixtiraam ah u haynin heshiiskii ummada ka dhexeeyay oo ah dastuurka.
Mawqifkan wuxuu ururku u cuskaday Ayaada Quraanka Kariimka ah ee suuratul Maa'ida
(y 'yh ldhyn amnw 'wfw bl`qwd) iyo xadiiska Rasuulka CSW ee ah (lmslmwn `l~ shrwThm).
Markaa waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa inay Ilaahay SWT ka cabsato oo ay u soo noqoto waxa Ilaahay SWT iyo Rasuulkiisu CSW ay fareen, isla markaana ay u hogaansanto wixii lagu heshiiyay oo ah dastuurka dalka.ALLAA MAHAD LEH
URURKA DALSOOR
storvideo: 

War degdeg ah /Daawo: Kulan Is laab Xaadhasho ah Oo...

$
0
0

War degdeg ah /Daawo: Kulan Is laab Xaadhasho ah Oo Maanta Dhex maray Xisbiga Madaxweynaha La doortay Muuse Biixi iyo Madaxda Xisbiga Wadani oo uuu Hogaaminaayo Ciro
[embedded content]
storvideo: 

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Kulan...

$
0
0


Hargeysa-Maanta-24/12/2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley hoggaanka sare ee xisbiga waddani oo ay horkacayaan gudoomiye cirro iyo, gudoomiye ku xigeenkiisu.
Kulankaasi oo madaxweynuhu u fidiyey masuuliyiinta xisbiga waddani ayey ujeedadiisu ahayd sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada iyo in la isla meel dhigo meelna looga soo wada jeedo danta qaranka, doorka mucaaridnimadu ay noqoto mid wax dhista, waxna toosisa, xukuumadduna ay dulqaadkeeda yeelato wixii toosin ah.
Kulankaasi oo saacado qaatay waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Xil Siciid Cabdilaahi Yasir.
Kulanka ka dib waxa saxaafadda la hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga Waddani waxaanu yidhi" Maanta oo ay bisha Diseenbar 24 tahay waxaanu Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Tiimkiisii oo Kulmiye ah ugu nimi Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo Xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii gaarka ahaa xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay hadana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baan ku kulnay.
Wax badan oo qaran ahaan inoo wada sameeyey oo mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn ayaa jira oo laga wada shaqaynayo, mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn, ayaa jira oo laga wada shaqayn karo kolay taas ayuun bay ku saabsanayd iyo islaab xaadhasho runtii ummaddana fariinta aan u diraynaa tahay si Xisbiga waddani doorashadii go'aankii hore ee uu ka qaatay uu yahay keedii, Xukuumaduna ay iyaduna asluubteedii yeelayso dul qaadkii laga rabayna ay u yeelato doorkaa mucaaradeed, Saxaafadana dulqaad u yeelato mucaaridka dulqaad u yeelato, arrimahaasi oo runtii aanu si wanaagsan isugu afgaranay qarankan iyo mashaakilaadka taagana aanu iska waraysanay guud ahaan, waana kulankii koobaad wixii arrimo qaran ah in laga wada shaqeeyo waa laga balamay".
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna ka hadlay ayaa yidhi "Waxa maanta isu yimi Madaxweynihii Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii Waddani runtii waa Madaxdii ugu awooda badnaa dalka, sidaa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu ku heshiinay maadaama ay xanaftii Doorashadu inaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo, Xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidkuba, hawlo badan baa inoo yaala runtii aan ku eekayn uun doorashadii Madaxtooyada in aan si wada jira uga wada shaqayno runtiina ay mucaaridku noqdaan muraayada aan isku daawanayno oo ah kuwa na toosinaya, xisbiga mucaaridka mar walba waxa uu yahay muraayada laysku eego ee marwalba tallo iyo tilaam wixii shaqadaasi ka qaloocma toosinaya, waxaan ku heshiinay in si qaranimo oo wax dhisida oo mucaaridad wax dhista ah ay u shaqeeyaan iyaguna oo ay balan qaadeen anaguna aanu dul qaad u yeelano dhaliilaha naloo soo jeedinayo ama toosinta, mucaaridadu maaha dumis inay dadku khalad u fahmaan maaha, waxay qaateen inay dalkii dhisaan oo toosiyaan oo xukuumadii maanta dhisantahay wixii dhaliila ama shaqo ka leexda ay ku toosiyaan annaguna waxaanu balan qaadnay in aanu dul qaad u yeelo toosintooda iyo tilmaantoodaba hawlaha inoo yaalana aan si wada jira uga wada shaqayno mudada dhow, waxanay maanta ahayd kulan kii koobaad wada hadalkii ku furmay"
storvideo: 


Ciidamada Kenya oo lacag ka qaadaya Shacabka Baledxaawo

$
0
0

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa dadka shacabka ah ee ka gudbaya xuduuda u dhaxeysa Kenya iyo Somaliya inay ka qaadayaan lacag, waxayna arintaasi dhalisay walaac.
Magaalooyinka Mandhera iyo Baled Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Baled Xawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera, balse ciidamada Kenyan-ka ayaa la soo sheegayaa in haddda lacag dhan nus doolar ay ka qaadayaan qofkii u gudbaya dhanka madhera.
Nabadoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Degmada Baled Xaawo ayaa ka waramaya lacagaha laga qaado dadka Mandhera u gudbaya.Shacabka Degmada Baled Xaawo, ayaa walaac ka muujiyay arintaan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay maamulka Gobolka Gedo inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Baled Xaawo ka taagan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo: Hantidhawrka Guud ee Qaranka Oo iska difaacay...

$
0
0

Daawo: Hantidhawrka Guud ee Qaranka Oo iska difaacay Eedo loo soo jeediyey Sheegayna in aanay Golaha Wakiiladu Wax hunsan Hadii ay u yeedhaan u hor tagaayo
[embedded content]
storvideo: 

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan xal u helidda...

$
0
0

Madashan aqoon isweydaarsiga ku saabsaneyn dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha Saxafiyiinta iyo Xuquuqda Aas-saasiga ee Sufuxiyiinta, waxaa soo qaban qaabiyey ururka u dooda Xuquuqda Gabdhaha Saxafiyiinta ee SOWJRA, wasiirka Warfaafinta, guddoomiyaha NOSOJ, saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Warfaafinta iyo gabdhaha saxafiyiin ee ka howlgalla Mudisho ayaa madasha kulanka isku dhaafsaday dooda mira-dhal ahaa. Xubno [...]
storvideo: 

VIDEO: Muuqaalo laga helay CCTV meel u dhaw guriga C...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Dhagayso : Xildhibaan C/llaahi Sh ismaaciil &...

$
0
0

Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Cismaaciil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay Xildhiban Axmed Macalin Fiqi ee ahaa in xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay nin soo galooti ah oo an u dhalan Soomaali.
Kadib weerarkii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame ayaa Xildhibaan Fiqi isaga oo hadlayay waxa uu sheegay in Axmed Cali Daahir uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed balse uu yahay Muwaadin Itoobiyan ah oo u bahan in baaritaan lagu sameeyo.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ayaa sheegay in xiligaan lakala soocayo muwaadiniinta Soomaaliya,isla markaana Axmed Cali Daahir lagu tilmamay in uusan Soomaali aheyn taasina ay tahay wax cadaalada ka fog.
Waxa uu sheegay in Garsoorka dalka uu xushmad leeyahay isla markaana iyada oo Siyaasad kale la eegayo aan loo gefin Madaxda Garsoorka dalka,uguna baaqay in arrinkaas dib looga laabto.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live