Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle


Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah oo howlgallo ka sameeyay duleedka Afgooye

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah ay howlgallo ka sameeyeen deegaan hoos yimaada degmada Afgooye ee Gobolkaasi.
Howlgalladan oo u muuqday kuwa qorsheysan ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen deegaanka Galaawar oo 5 KM u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamadu ay ka xeysteen ku dhawaad 10 Ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi.
Illaa iyo hadda lama u jeedka howlgalladan, waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolkaasi ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi.
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa ku sugan nawaaxiga Afgooye, kuwaas oo inta badan weeraro ku soo qaada fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.
The post Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah oo howlgallo ka sameeyay duleedka Afgooye appeared first on Shabelle.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah oo howlgallo...

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah ay howlgallo ka sameeyeen deegaan hoos yimaada degmada Afgooye ee Gobolkaasi.
Howlgalladan oo u muuqday kuwa qorsheysan ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen deegaanka Galaawar oo 5 KM u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamadu ay ka xeysteen ku dhawaad 10 Ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi.
Illaa iyo hadda lama u jeedka howlgalladan, waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolkaasi ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi.
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa ku sugan nawaaxiga Afgooye, kuwaas oo inta badan weeraro ku soo qaada fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.
storvideo: 

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Maleeshiyaad kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa markale maanta ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug.
Waxaana dagaalkan uu ka dhacay Suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay isku dhaceen Maleeshiyaad ka soo kala jeeda 2-da Maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale oo dhammaan shacab ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.
Mas’uliiyiinta ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen Xiisadaasi.
Waxaana haatan kulamo kala duwan ay la leeyihiin labada dhinac, si looga hortago dagaalkaasi.
Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay Madaxweyne Gaas uu kulamo Nabadeed ka waday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
The post Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

Maxkamad Amartay in xilka laga qaado Madaxweynaha...

$
0
0

Johannesburg (PP) - Maxkamadda Dastuuriga Koonfur Afrika, ayaa maanta ku amartay baarlamaanka dalkaas inuu billaabo hab raaca xilka looga qaadi lahaa madaxweyne Jacob Zuma oo loo haysto dacwado la xiriira Musuq-maasuq.
Dacwadda waxaa maxkamadda geeyay Xisbiyadda Mucaaradka ah oo dhawr jeer isku dayay inay madaxweynaha kalsoonida kala laabtaan, laakiin waxaa ka tiro batay xildhibaannada xisbiga talada haya ee ANC oo Aqlabiyad ku leh baarlamaanka dalkaas.
Chris Jafta oo ah Garsooraha maxkamadda amarkan ridday ayaa sheegay in aysan Maxkamadda awood u lahayn inay baarlamaanka u yeeriso qaabka uu noqonayo habka ay tallaabada uga qaadayaan iyo inay ku qasabto in xilka laga qaado madaxweynaha.
Sidoo kale, Xaakimka guud ee Maxkamadda, Mogoeng Mogoeng oo isagana kasoo hor-jeedsaday Xukunka, ayna ka tiro bateen Codadka garsoorayaasha kale ee maxkamadda la fadhiyay ayaa xukunka ku tilmaamay Garsoor xadkiisii talaabay.
Wararka ayaa sheegaya in 15-milyan oo doollar oo ay dowladda leedahay in Zuma uu u isticmaalay Dayactirka iyo Qurxinta guri uu ku leeyahay Tuuladii uu ku dhashay ee Nkandala.
Dhanka kale, Bishii Maarso ee sannadkii hore 2016-ka, Maxkamaddan ayaa xukuntay in Jacob Zuma uu dib u gudo qayb ka mid ah lacagtii dowladda ee gurigiisa loo isticmaalay, wuxuuna madaxweynaha dib u bixiyay lacag dhan 631,000 oo doollar ah.
Jacob Zuma ayaa muddada xilkiisa wuxuu ku ekaa Sanadka 2019-ka oo ay ahayd in wixii xilligaas ka dambeeya la qabto doorasho lagu oo xulanayo madaxweynihii xilka ka beddeli lahaa.
Ugu dambeyn, Inkastoo uu marar badan oo hore ku guuleystay dacwado Maxkamaddo la hor keenay, haddana Zuma waxaa aad u soo kordhayay xukunnada lidka ku ah ee ay maxkamadaha dalkaas gaarayaan, bishan labo dacwadood oo musuq ah ayaa looga guuleystay hal maalin gudaheed.PUNTLAND POST
The post Maxkamad Amartay in xilka laga qaado Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dacwad ku oogidda askeriga Soomaali-Mareykan ah “oo dib loo dhigay”

$
0
0

Sida uu sheegay dacwad oogaha, baaritaan dheeraad ah ayuu u baahan yahay kiiska dilka haweeneydii u dhalatay Australia, ee la sheegay in uu toogtay Askeri Mareykan ah oo aslkiisa ka soo jeedo Soomaaliya.

Nin dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo Maxkamad lagu soo taagay Mareykanka

$
0
0

Chicago ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa waxaa dhawaan ka soo muuqday nin u dhashay Dalkaasi oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka muwaadin Soomaali ah oo dhawaan Meydkiisa lagu arkay Magaalada blue island,  isaga oo ku jira gaarigiisa.
Francisco Ojeda oo ah 26 jir lagu eedeeyay dilkaasi ayaa waxaa talaadadii la soo dhaafay gacanta ku dhigay Ciidamada Booliska, iyada oo looga shakiyey in uu dilay Ismaaciil Cabdule oo ahaa 54-Sano jir Soomaali ah oo ahaa Tagsiile.
Ismaaciil Cabdulle oo ahaa Xaasle dhalay 4 Caruur ah ayaa waxaa uu ahaa shaqsi si weyn ay u xushmeyn jireen bulshada Soomaalida ah ee degan magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee dalka Mareykanka.
Booliska ayaa sheegay Francisco Ojeda uu si arxan daro ah u dilay muwaadinkaasi Soomaliada ah, kadib markii ay ku murmeen Lacagta Kirada Tagsiga.
Farxaan Cabdule oo ay walaalo ahaayeen Marxuumka la dilay ayaa sheegay in Ojedo uu si ula kac ah u dilay Walaalkiis, isaga oo intaasi ku daray in ay jiraan cadeymo muujinaya dilka.
Mr Ojeda ayaa lagu eedeeyay inuu dhalo madaxa ugu gaaracay Ismaaciil Cabdule islamarkaana uu dhaawacyo daran ka gaarsiiyay Wejiga, kadibna uu halkaasi ka baxsaday.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay Guriga Francisco Ojedo ka heleen dharkii uu watay oo dhiig lahaa,taas oo ka mid ah cadeymaha lagu hayo ninkaasi.
The post Nin dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo Maxkamad lagu soo taagay Mareykanka appeared first on Shabelle.

Nin dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo Maxkamad lagu soo...

$
0
0

Chicago ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa waxaa dhawaan ka soo muuqday nin u dhashay Dalkaasi oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka muwaadin Soomaali ah oo dhawaan Meydkiisa lagu arkay Magaalada blue island, isaga oo ku jira gaarigiisa.
Francisco Ojeda oo ah 26 jir lagu eedeeyay dilkaasi ayaa waxaa talaadadii la soo dhaafay gacanta ku dhigay Ciidamada Booliska, iyada oo looga shakiyey in uu dilay Ismaaciil Cabdule oo ahaa 54-Sano jir Soomaali ah oo ahaa Tagsiile.
Ismaaciil Cabdulle oo ahaa Xaasle dhalay 4 Caruur ah ayaa waxaa uu ahaa shaqsi si weyn ay u xushmeyn jireen bulshada Soomaalida ah ee degan magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee dalka Mareykanka.
Booliska ayaa sheegay Francisco Ojeda uu si arxan daro ah u dilay muwaadinkaasi Soomaliada ah, kadib markii ay ku murmeen Lacagta Kirada Tagsiga.
Farxaan Cabdule oo ay walaalo ahaayeen Marxuumka la dilay ayaa sheegay in Ojedo uu si ula kac ah u dilay Walaalkiis, isaga oo intaasi ku daray in ay jiraan cadeymo muujinaya dilka.
Mr Ojeda ayaa lagu eedeeyay inuu dhalo madaxa ugu gaaracay Ismaaciil Cabdule islamarkaana uu dhaawacyo daran ka gaarsiiyay Wejiga, kadibna uu halkaasi ka baxsaday.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay Guriga Francisco Ojedo ka heleen dharkii uu watay oo dhiig lahaa,taas oo ka mid ah cadeymaha lagu hayo ninkaasi.
storvideo: 


Wasiir Oomaar”Waxaan qorsheynaynaa dib u soo celinta adeegyadii Soomaali Airline”

$
0
0

Muqdisho ( Xaqiiqso )-Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeybgalayay barnamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa warbahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay wasaaraddu wado,kuwaasi oo  dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada SOomaaliyeed.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.
Wuxuu xusay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo,isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay Calamada Dowladaha,dhawaana ay si rasimi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.
“Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah,hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti,Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo,wuuna socda qorshahaasi”, ayuu yiri Wasir oomaar.
Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garoonada Diyaaradaha ee kuyaala dhamaan Dalka,isagoo xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.
Ugu dambeyntii Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Salaad oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada dhanka Gaadiidka,si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is waafajin doono,taasi oo uu ku sheegay in ay sahlayso ogaanshaha macluumaadka gaadiidka guud ahaan dalka,islamarkaana hadda ay ka bilowdeen Muqdisho iyo Koonfur Galbeed.
The post Wasiir Oomaar”Waxaan qorsheynaynaa dib u soo celinta adeegyadii Soomaali Airline” appeared first on Shabelle.

Dil Goordhow Ka Dhacay Degmada Afgooye

$
0
0

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa goordhow bartamaha suuqa weyn ee Degmada Afgooye gaar ahaan Isgoyska qaadka waxaa ay ku dileen shaqsi magaciisa lagu sheegay Ibraahim Adeyle.
Qofka la diley ayaa la xaqiijiyey in uu ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliya sida ay noo Sheegeen xubno qoyskiisa uu ka tirsan.
Heybta kooxda dilka geysatey ayaana la garaneyn, balse hadal heynta ayaa ah inay ka tirsan yihiin Al shabaab.
Dhanka Saraakiisha Amniga oo aanu la Xiriirnay waxaa ay Sheegeen inay Baaritaan ku Jiraan oo aysan wax faah-faahin ah hada ka bixin karin Dilkaasi ka dhacay Suuqa Dagmada Afgooye.
storvideo: 

Keating oo sheegay 2018 in ay ka qayb qaadan doonaan...

$
0
0

Ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa tilmaamay inay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladduba u qabsoomeen wax wanaagsan Sanadkan dhammaanaya ee 2017-ka.
Qoraal kooban oo uu Michael Keating soo dhigay boggiisa Tweeter-ka ayuu ku sheegay in Sanadkan dabayaaqada ah ee 2017-ka uu Soomaaliya u ahaa mid wanaagsan, Sanadka 2018 kana uu rajeynayo in guulo wax ku ool ah ay bulshadu gaarto.
Wuxuuna intaa ku daray inay Qaramada Midoobay samayn doonto wax kasta oo ay ku gaari karto bulshadu natiijooyin la taaban karo, si loo hagaajiyo ammaanka loona abuuro fursado shaqo, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa kaalin mug leh kaga jira fursadaha shaqo ee ay helaan Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, wuxuuna Sanadkan cusub ee 2018-ka diiradda saari doonaa jiheynta Dhallinyarada si loo yareeyo ka faa'iideysiga kooxaha Argagixisada ah iyo ku dhiirrashada Tahriibta.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sagaal ruux oo lagu dilay kiniisad ku taalla Qaahira

$
0
0

Sagaal ruux ayaa dhimatay markii rag hubaysan ay weerareen kiniisad ku taalla koonfurta Qaahira, laakiin waxaa markiiba arrintan ka jawaabay booliiska, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sagaal ruux oo lagu dilay kiniisad ku taalla Qaahira

$
0
0

Sagaal ruux ayaa dhimatay markii rag hubaysan ay weerareen kiniisad ku taalla koonfurta Qaahira, laakiin waxaa markiiba arrintan ka jawaabay booliiska, sida ay saraakiishu sheegeen.
Saddex ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen booliis, kuwaas oo shaqo u joogay kaniisadda Mar Mina.
Mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la dilay, suun kuwa qarxa ah oo uu qabayna waa lakala furay, balse nin kale oo hubaysan ayaase maareeyay in uu goobtaasi ka baxsado.
Laamaha ammaanka ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay qorshe ay ku sugayaan ammaanka xilliyada loo damaashaadayo sannadka cusub iyo Ciidda Qibdiyiinta.
Waxaana tallaabooyinkaas ka mid ahaa in la hawlgaliyo ciidammada xaaladaha degdegga ah ka jawaaba iyo qalabka lagu cunaqabateeyo isgaarsiinta oo dhan.
Weerarka Jimcahan ayaa u muuqda in uu ka dhacay markii booliis roondo ku samaynaya kiniisadda ay arkeen labo nin oo u dhaqmaya si laga shakiyo, sida ay ku warramayso weriyaha BBC-da Radwa Gamal oo Qaahira ku sugan.

  • Masar oo duqeysay saldhigyo ku yaal Liibiya
  • Ka hortagidda daruuraha madow ee Masar

Waxay soo abaareen nimanka, rasaas ayayna fureen. Waxaa jira warar sheegaya in ay dad badan dhaawacmeen labo ka mid ahna ay xaaladdoodu liidato.
Weriyaha BBC-du waxay ku soo warramaysaa in suunka qarxa ee ninka la dilay laga helay uu tilmaamayo in la qorsheeyay weerar gaysta dhimasho intan ka badan.
Qibdhiyiinta Masar ayaa horay ugu eedeeyay xukuumadda in ay tilmaantay oo kali ah in ay ilaalin doonto ammaankooda, arrintaana ay xaallada uga sii dari karto.
Masar Muslimiinta ayaa aqlabiyad ku ah Kiristaanka laga tirobadan yahay oo Qibdhiyiin u badanna waxay bulshada ka yihiin 10%.
storvideo: 

Isbedel lagu sameynayo Ciidamada ku sugan Sh/Hoose

$
0
0

Wuxuu sheegay talaabadan oo ay garab ku siinayaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka in ay wax badan ka bedeli doonto dhaq dhaqaaqa amni ee Gobolka.
Sidoo kale Guddoomiye Ku xigeenka ayaa sheegay ujeedka loo sameynayo isku dhafka Ciidamada Dowladda in ay tahay sidii loo wax looga qaban lahaa Isbaarooyinka aan xadidneyn, dhibaatooyinka lagula kaco Haweenka iyo Dagaal beeleedyada.
Shabeellaha Hoose waa Gobolka ugu colaada badan ee dalka, waxaa isku fara saara mararka qaar Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Shabaab, Maleeshiyo beeleedyo, khasaaraha ugu badan wuxuu soo gaaraa rayidka.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo: Wariyayaal Sheegay in Ay Ka soo hor jeesteen...

$
0
0

Daawo: Wariyayaal Sheegay in Ay Ka soo hor jeesteen Shirka Solja Ee ay Sheegeen in Xuuto Afduubay Sidee kalena Shaaciyey In ay isla Ambasidoor ku Qabanayaan shir kale
[embedded content]
storvideo: 


Waa kuma George Weah, madaxweynaha cusub ee Liberia?

$
0
0

Isaga oo yar ayuu bilaabay ciyaaraha kubbadda cagta, dadaal badan oo uu sameeyay ayuu ku gaaray heer ah in uu ka tago Clara, noloshiisana isbadal ku sameeyo.

Waa kuma George Weah, madaxweynaha cusub ee Liberia?

$
0
0

George Weah waxa uu ku dhashay magaalo isku raran ah oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Manrovia, halkaas oo markii dambe uu ka aaday qaaradda Yurub halkaas oo ka noqday ciyaaryahan caan ah, kadibna hadda ayuu noqday madaxweynaha dalka Liberia.
Haddabe sidee ayuu halkan kusoo gaaray George Weah?
Koriimo
Magaalada yar ee uu ku koray Weah waxaa lagu magacaabaa Clara, waxayna Manrovia u jirtaa meel loo soconayo saacad iyo bar marka baabuur la wato.
Weah ayaa waxaa halkan geeyay waalidkiis si uu ula noolaado ayaydiis, xiligaas waalidkiis waxa ay ku noolaayeen degmada Grand Kru oo ah meelaha ugu faqrisan.
Taariikhdaas faqrinimada ayaa taageerayaashiisa agtooda uu uga noqday qof halyay ah oo aad u dadaalay.
Isaga oo yar ayuu bilaabay ciyaaraha kubbadda cagta, dadaal badan oo uu sameeyay ayuu ku gaaray heer ah in uu ka tago Clara, noloshiisana isbadal ku sameeyo.
Xitaa waxa uu dhexda uga tagay iskuulka si uu horumar uga gaaro kubbadda cagta, go'aankaas oo ahaa mid uu ku bullaalay, balse dhibaatooyin u keenay markii uu damcay in uu u tartamo xilka madaxtinimada.
Xiddig Kubbadda Cagta
Mustaqbalka George Weah waxa uu is badalay kadib markii tabobare Arsene Wenger uu ku arkay isaga oo ka dheelaya dalka Cameroon.
Maamulaha ayaa markii kadib Weah geeyay Yurub, halkaas oo uu u saftay kooxaha AS Monaco, Paris Saint Germain, AC Milan, Chelsea, Manchester City iyo Olympique Marseille.
Intii uu waqtiga socday, Weah waxa uu qaanadaha armaajadiisa ka buuxsaday abaalmarino kala duwan oo ay ka mid tahay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee FIFA iyo abaalmarinta Ballon d'Or sanadkii 1995-kii.
Balse waligiis ma uusan halmaamin dalkiisii hooyo, kaas oo markaas ku jiray dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen dad gaaraya 250,000 qof.
Mararka qaarkood jeebkiisa ayuu lacagta ka bixin jiray si xulka qaranka Liberia ay ugu safraan ciyaaraha dibedda.
Weah waa muusigiiste hibo leh, wuxuuna mihnadda muusiga iyo heesaha ku laabtay sanadkii 2014-kii, xiligaas oo isaga oo kaashanaya fanaaniin reer Ghana uu soo saaray heeso uu kaga digayo cudurka Ebola.
Waxyaabahan yaryar ee uu sameeyay ayaa aad loo xusuustaa illaa iyo maanta.
Mar ayuu noqday danjiraha hay'adda carruurta adduunka ee UNICEF, wuxuuna ka qeybqaatay arrimaha samofalka.
Madaxweynihii hore ee Liberia Charles Taylor ayaa mar uga shakiyay in uu doonayo kursigiisa madaxnimo kadib markii uu Weah diiday in uu ookiyaalka iska bixiyo xili labada nin ay kulmayeen.
Malaha taas waa uu ku saxnaa Taylor, Mr Weah ayaa sameeyay xisbiga CDC waxyar ka hor doorashooyinkii 2005-tii.
Goolkii ugu dambeeyay ee Weah
Wariyaha BBCda ee Jonathan Paye-Layleh ayaa sheegay in uu dareemay in damaca Weah ee ah goolka ugu dambeeyo ee uu rabo in uu dhaliyo uu yahay in uu noqdo madaxweynaha Libera markii uu la kulmay sanadkii 2004-tii, magaalada Manrovia.
Waxa uu xiligaas ahaa danjiraha UNICEF, shaqadiisana waxa ay ahayd in uu ku dhiirogaliyo da'yartii dagaalamaysay in ay hubka dhigaan.
Weah ayaa markii uu saxaafadda la hadlay kadib wariyaha ku yiri "waxaa la gaaray xiligii dadka yaryar ee dalkan ay hormuud ka noqon lahaayeen".
Inkasta oo uusan Weah si cad u sheegin in uu madaxnimo damaacinayo, haddane sidii uu u hadlayay ayaa laga garan karay waxa maankiisa ka guuxaya.
"Sidaasi darteed maanan la yaabin markii sanad kadib aan maqlay in uu Weah isu sharaxay madaxweynenimada" ayuu yiri wariyaha BBC-da.
Balse markii uu tartan la galay haweenayda kasoo baxday jaamacadda Harvard Ellen Johnson Sirleaf, waxaana dhacday in aqoon la'aantiisa iyo qibrad yaridiisa ay ka dhigtay in si sahlan looga guuleysto.
Mid ka mid ah wargeysyadii xiligaas soo baxay ayaa ciwaan bogga hore kusoo qoray far waaweyn oo ah 'Caanimo v/s Aqoon', oo loola jeedo in ay tartamayaan qof caan ah (Weah) iyo qof aqoon leh (Sirleaf).
Sirleaf ayaa markii guuleysatay, waxayna xilka qabatay labo xili .
Wariyaha BBC-da waxa uu Weah ku tilmaamay nin shucuurtiisa ay hagto oo waraysiyada bixiya marka uu isagu rabo in uu saxaafadda la hadlo, balse aanan inta badan ogolaanin wareysiyada marka laga doonto.
Sanadkii 2007-dii ayuu sheegay in uu dhameeyay dugsi sare, afar sano kadibna waxa uu ka qalin jabiyay jaamacad, isaga oo qaatay shahaadada maamulka ganacsiga oo uu ka qaatay jaamacadda DeVry ee gobolka Florida.
Sanadkii 2014-kii ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Liberia, isaga oo kasoo galay gobolka Montserrado oo ay qeyb ka tahay magaalada caasimadda ah ee Manrovia.
Isla sanadkaas ayuu u tartamay madaxweyne ku xigeenimada Liberia, balse kuma uusan guuleysanin.
Sanadkii 2016-kii ayuu ku dhawaaqay in uu markale isu sharaxayo xilka madaxtinimada, taas oo ay dadka aad u jecleysteen.
storvideo: 

khudbaddii Qarniga ee Darwiishka

$
0
0

Shirkii Beesha Dhulbahante Garaad Jeedal oo runta u Sheegay Beeshiisa in Colaad lakala dhex dhigayo Dhulbahante iyo Majeerteen.Dhulbahante Maamul Goboleed ma Noqon karo Beesha Isaaq ma Hoos tagi karno asagoo sheegay xaqiiqda iyo Runtu inay Tahay Puntland inay wax ku leeyihiin oo ilaa heer Madaxweyne ka Noqon karaan asagoo ku taliyay Puntland inay Xoojiyaan. #SHARE
Opslaet af Shacabka News pa 29. december 2017
storvideo: 

Danjire Michael Keating “2018-ka waxaan ka qayb...

$
0
0

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa tilmaamay inay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladduba u qabsoomeen wax wanaagsan Sanadkan dhammaanaya ee 2017-ka. Qoraal kooban oo uu Michael Keating soo dhigay boggiisa Tweeter-ka ayuu ku sheegay in sanadkan dabayaaqada ah ee 2017-ka uu Soomaaliya u ahaa mid wanaagsan, Sanadka 2018 kana [...]
storvideo: 

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo sheegay dagaalka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Baydhabo(SONNA)-Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa ka hadalay howlgalada Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ee looga gol leeyahay sidii looga sifeyn lahaa Deegaanada Gobolada Baay ,Bakool iyo shabeelaha Hoose.
Xasan Eelaay oo la hadalayay Warbaahinta Qaranka ayaa intaasi raaciyay in ay socadaan howlgallo lagu doonayo sidii gabi ahaanba looga sifaynayo Malweeshiyaadka Kooxda Al Shabaab gooba ay kaga sugan yihiin,ama ay kaga dhuuntaan Deegaanada hoos yimaada Gobolaada Baay ,Bakool iyo Shabeelada Hoose, isagoo xusay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda kale oo is garabsanaya ay wadaan dagaal ka dhan ah Maleeshiyaadkaasi, isagoo xusay in dhawaan laga sifeyn doono.
Wasirka Amniga ee Maamula Koonfur Galbeed waxaa kaloo uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu bar-bar socdo in gacan cafis loo fidiyo Maleeshiyaadka la marin habaabiyay, marka ka soo tagaanna loo sameyn doono daryeel dhinacyo badan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleSoo wareejinta Maamulka Hawada, waa Qaranimada oo dib loo soo celiyay (FAALLO)
Next articleWasiirka Maaliyadda oo saxiixay 2.7 $ Malyan oo loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la'aanta (Sawirro)

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live