Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dalka Somaliland marka aan kula yeesho taladiisa iyo...

$
0
0

Dalka Somaliland marka aan kula yeesho taladiisa iyo khayraadkiisa aad maroorsatay ayaan kula difaaci.
Waxa Daabacay staff-reporter on Jan 9th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Inkasta oo aanu sidiisaba dagaal fiicnayn, oo weliba dhiig sokeeye ayaanu fiicnayn, haddana marka lagu yidhaa DALKA ILAMA LIHID......Waa sida Muse Bixi uu u dhigay, ee ku cad dawladdiisa ka tarjumaysa......talada annaga uun baa iska leh. Miyaanan anna xaq u lahayn in aan idhaahdo, 'waayahaye difaaco oo kuwa aad sadbursiiyaha siisay ha kuu difaaceen.
Sidaa marka aan leenahay amma aan u fakaraynaa maaha sidii la reer Somaliland isku ogaayeen, ee waa sida immiga taagan ee aan ku niyad jabay Muse Bixina ku hoggaaminayo dalka, in badan oo innaga mid ahn ka fogeysey magaca Somaliland. Mase garan waayin in aan taageero hadalka Suldaan Saleebaan ee ku qotoma masiirkii aan isla ogayn ee Somaliland.
Suldaan Saleebaan oo ah oday dhaqameed guun ah, ruug caddaadi ahina waxa uu indhaha iska qabtay dhaqanka Muse Bixi ee isugu jira bahdilka, cadaawadda iyo kala ogaynta reeraha ku bahoobay Somaliland. Sidii kale waxa uu og yahay in uu Muse Bixi dadkiisii indhaha ka laliyey oo uu aar-goosi dartii taladii dalka waxba ka siin waayey. Hadalkiisuna waxa uu ciil ku gadhoodhiyey in badan oo dadkiisa ah, walaalaheenna reer Puntland ah amma in badan aan ood wadaagta nahay. Somaliland iyo Puntlandna midna maanta uma habboona in uu dagaal ku fakaro. Laakiin hadalka Suldaanka wax badan ayaa ka run ah.
Dhinaca kale colaadda Somali dhex martaa waa KUGU DHIMAY OO KAA DHIMAY. Labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandna midkoodna guul ma sheegan karo, dhallinta isku dhimanaysa amma dhaawacu soo kala gaadhayaana waa mid doqonniimo, waxana fiican in xal la gaadho.
Gaba gabadii, waxa aan soo dhaweynaynaa dhammaanba inta nabadda ka talisa, inta walaalnimada jecel, ee u hiilinaysa nabadda iyo Somalinimada.
Awdalpress
This post has been viewed 200 times.
storvideo: 


Puntland oo u diyaar-garoobeysa dagaal ka dhan ah...

$
0
0

Xukuumadda Puntland ayaa diyaargarow ugu jirta difaaca xuduudkeeda iyo dib usoo celinta kastamkii Tuko raq oo ay shalay la wareegeen gacan ku hayntiisa ciidamo ka amar qaadanaya maamulka Somaliland, waxaana ka socda magaalada Garowe abaabul iyo shirar looga arrinsanayo jawaabta Puntland ka bixin doonto duulaankii shalay ciidamada Somaliland.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa saacadihii lasoo dhaafey mar kale dib u furey isu socodka Puntland iyo Somaliland ka dib amar uu ku xanibay maalintii shalay, waxaana lagu sababeeyay dib u furida wadada isku xirta Garowe iyo Hargeysa in ujeedadii laga lahaa laga gaarey
Sidoo kale wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya Madaxweynaha Puntland inuu magacaabay saddex guddi oo ka shaqeynaya diyaargarow Puntland ugu jirto difaaca xuduudaheeda, waxayna sheegayaan warar dheeraad ah oo soo gaaraya warbaahinta PUNTLAND POST in maalinta beri ah loo balamay shir dhexmari doona maamulka iyo qeybaha bulshada ee jooga magaalada Garowe.
Dhinaca kale ilo wareedyo laga helayo qaar ka mid ah gollaha xukuumadda Puntland ayaa sheegaya inay dib u dhigtey Puntland qorshayaashii ay damacsanayd in looga jawaabo weerarkii shalay uga yimid maamulka Somaliland tan iyo inta uu dib ugu noqonayo Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Garowe.
Isku soo wada duuboo hadal haynta ugu badan ee shacabka Puntland waxay ku qotontaa dhaq dhaqaaqa ciidan ee Somaliland ka wado deegaano ka tirsan Gobolka Sool.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland oo u diyaar-garoobeysa dagaal ka dhan ah Somaliland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Caruur buurta Calmadow laga afduubtay

$
0
0

9th January 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Caruur kale oo reer Maakhir ah ayaa argagisada huwanta ah ee SNM iyo alshabaab ay afduubteen.
Dhaqankii argagixsadu kula kici jireen beelaha Somaaliyeed ee dega Koonfurta Soomaaliya, ayeey hadda waxay ka bilaabeen Buuraha Calmadow, iyaga oo kaalmo ka helaya maamulka Somaliland.
Siddeedii qof oo ay horay u afduubteen Argagixisadu waxay ku darsadeen labo caruur ah oo aan hubaysnayn oo ku sugnaa degaankii awoowayaashood ka dhexlaan ee buuraha Calmadow.
Caruurta la afduubtay ayaa kala ah.
1-Ina Maxamed Cabdi Saalax Xawar oo ka soo jeeda beesha Ogayslabe, Gashaanbuur
2- Ina Guray Faarx Cabdal. oo Ka soo jeeda beesha Ogayslabe, Gaashaanbuur.
Waxa kale oo jira wiil la sheegay in argagixisadu afka Mayda ay wax ku waydiiyeen oo fahmi waayey, waxa ay waydiiyeen oo isagana gebi laga soo tuuray.
Post navigation
- Garaad Saleemaan iyo Farmaajo oo kulmay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qeyb galaya dalka Kuwait -
storvideo: 

Daawo: Madaxweyne Gaas oo Shir jaraa’id uga hadlay...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland oo goor dhoweyd shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dagaalkii Shalay Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Mudane. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo u muuqday in uu akhrinayo Warqaddii Shalay ka soo baxday Madaxtooyada oo wax yar laga beddelay,ayaa ugu horrayn Somaliland ku eedeeyay in ay carqaladeynayso safarka Madaxweyne Farmaajo iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,islamarkaana ay garabsiinayso Al-shabaab iyo Daacish.
Wuxuu sheegay in Puntland ay "culayska saartay horumarka dalka iyo dib u dhiskiisa" oo aanay raadinayn daadinta dhiig Soomaaliyeed,balse haddii la soo weeraro ay ku filantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda,wuxuuna Somaliland ugu hanjabay in ay cawaaqib xun kala kulmi doonto dagaalka ay ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,jawaabteedna ay heli doonto.
Shacabka reer Puntland ee dal iyo debad ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidamada difaaca Puntland si loo xaqiijiyo midnimada iyo wadajirka Puntland"Shacab ahaan iyo dhul ahaanba". Madaxweyne Gaas ayaa dowladda Soomaaliya,Daneeyaasha Xasiloonida Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ku wargeliyey in Somaliland mas'uul ka noqon doonto cawaaqib xumada ka imaan doonta wax uu ugu yeeray"duullaanka qaawan ee ay ku soo qaadeen degaanka Puntland".
Halkaan ka daawo Shirka Jaraa'id ee Madaxweynaha.
PUNTLAND POST
The post Daawo: Madaxweyne Gaas oo Shir jaraa'id uga hadlay dagaalkii Tukaraq. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Duqa Muqdisho” Hormarka Dowladnimo Dhameestiran Waxa...

$
0
0

Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho oo ka qeyb glayay munaasabad lagu soo xerayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare oo xalay ka dhacday Muqdisho ayaa ka dalbadal golaha aqalka sare in ay meel mariyaan shrciga ogolaanaya maqaamka muqdisho.
Godoomiyaha ayaa sheegay in helista maqaamka - wax badan kusoo kordhintoonto hormarka dowladnimo ee ah halka la hiigsanayo mustaqbalka dhaw.
Shirar farar badan oo looga hadlayo maqaamka - ayaa horay kaga dhacay Muqdisho iyada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya wali aysan si rasmi ah u cadeynin maqaamka Muqdisho ay leedahay
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Michael Keating

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Danjire Michael Keating oo safar shaqo ku jooga Somaliland.
Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Sacad Cali Shire iyo xubno kale, Waxaana kulankan diiradda lagu saaray arrimo uu ka mid ahaa; sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.
Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Danjire Keating ayaa ahaa mid ay Albaabbadu u xirnaayeen, waxana markii uu soo dhammaaday warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabihii la isku af-gartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo tilmaamay inay labada dhinac ku lafo-gureen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.
"Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu Hoggaaminayo Ergayga QM ayaa halkan inoogu yimid, waxayna la kulmeen Madaxweyne Biixi, Waxayan uga hadleen kulankooda waxyaabo badan oo la xiriira shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxa ka mid ahaa Siyaasadda, Dimuqraaddiyadda, Nabad-galyada, dhaqaalaha iyo Garg-aarka, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, Waxaanan rajaynaynaa in xiriirkii wanaagsanaa ee wadashaqayneed ee aynu la lahayn QM uu halkaas kasii socon doono," ayuu yiri Sacad Cali Shire.
storvideo: 

Kumannaan dil ka badbaaday Iran kadib sharci wax laga badalay

$
0
0

Illaa 5,000 dambiilayaal xabsiyada ku jira oo sugaya in xukunka dilka lagu fuliyo ayaa ka faa'iideysan kara isbadalkan.

Daawo: ” Waa laga yaabaa Shaqsiyaad Ganacsato ah Oo...

$
0
0

Daawo:" Waa laga yaabaa Shaqsiyaad Ganacsato ah Oo Inqilaabkii Doorasho ee ka dhacday Somaliland ku Taageeraayey in uu Madaxweynuhu Soo Salaamayey Lakiin Wax Faa`ido ah safarkaasi umay lahayn Qaranka" Afgaab Sarkaal Wadani ka tirsan
[embedded content]
storvideo: 


Daawo: Garyaqaanka Guud Mr Maal Oo Soo saaray...

$
0
0

Daawo: Garyaqaanka Guud Mr Maal Oo Soo saaray Warcusub kana jawaabay Eedayntii Qareen Mubaarik ee Ahayd in Xeerka Xeer ilaaliyuhuu ka hor imanaayo Xeerka Nidaamka Xukuumada

[embedded content]
storvideo: 

Kumannaan dil ka badbaaday Iran kadib sharci wax...

$
0
0

Kumanaan qof oo horey loogu heley dacwado la xiriira isticmaalka ama ka ganacsiga daroogada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka badbaadayaan in lagu fuliyo xukun dil ah kadib markii la badalay qodobo ka mid ah sharci horey u jirey oo ay ku muteysteen dil.
Illaa 5,000 dambiilayaal xabsiyada ku jira oo sugaya in xukunka dilka lagu fuliyo ayaa ka faa'iideysan kara isbadalkan, balse waxaa xukunka loogu badalayaa muddo xabsi oo aanan wali la shaacinin.
Sanad kasta Iran waxa ay dil ku fulisaa boqolaal qof oo intooda badan lagu heley dambiyo la xiriira daroogada.

  • Iran 'oo samaysanaysa maraakiib ku shaqaysa nukliyeer'
  • Madaxweynaha Iran oo ka jawaabay hadalkii Trump

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sharciga oo horey u ahaa in qofkii lagu helo 30kg oo daroogo ah uu dil ku muteysanayo, ayaa hadda la kordhiyay garaamka uu qofka ku muteysanayo dilka, waxaana la gaarsiiyay illaa 50 kiilo kadib dib u eegis uu sameeyay baarlamaanka.
Madaxa garsoorka Iran Ayotollah Sadeg Larijani ayaa sheegay in dadka dilka ka badbaadaya xabsi loogu badalayo.
Balse waxaa cabsi laga qabaa in dadka qaarkood oo dil ku xukumay aysan ka faa'iidaysan karin sharcigan maadaamaa ay kasoo jeedaan qoysas faqri ah oo aanan heli karin waxa ay u baahanyihiin si dambiga looga qafiifiyo.
Hay'ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa iyada oo soo xiganaysa saraakiil reer Iran ah sheegtay in illaa sanadkii 1998-dii dil lagu fuliyay dad gaaraya 10,000 qof dambiyo la xiriira daroogo.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
storvideo: 

Dowladda Kuwait oo sheegtay in Mashaariic...

$
0
0

Kuwait (SONNA), Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, kaas oo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday amiirka dalkaasi.
Wasiirka Ayaa ugu horeyn waxuu warbaxin ka siiyay wasiirka arrimaha diiwaanka Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Dowladdaha Soomaaliya iyo Kuwait.
Mudane jamaal Maxmaed Xasan ayaa dowlada kuwait ujeediyay in mahsaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan, tasoo shaqo abuur u noqanayso dhalinyrada somaaliyeed, qeyb wayna ka qaadan doonta horumarka dalka.
Wasiirka arrimaha diiwanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, ayaa balan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona amiirka dalka Kuwait, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonan mashriicada horumarineed ay u baahan tahay, iyaddoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.
Dhinac kale Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Harumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeybgalay shirka madaxda Wasaaradaha Qorsheynta Wadamada Carabta oo dalkaasi maanta ka furmay, waxaana shirkaasi oo socon doonaa muddo labo maalin ah.
Waxyaabaha diiradda lagu saari doono shirkaasi waxaa kamid ah howlaha shaqo ee la qaban doona sanadan iyo sare u qaadista tayada hay'addaha dowladaha carbeed oo ay ka mid yihiin tababaro kala duwan oo la siinayo dhammaan shaqaalaha Dowladaha carbeed.
Wasiir Jamaal, ayaa shirkaasi maalinta barri ah ka jeedi doona Khudbad uu kaga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo doorka ay soomaaliya kaga aadan doorka Soomaaliya kaga aadan waxybaaha sanadkaan la qaban doono.
storvideo: 

Shaqo Xishood Male W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid

$
0
0

Shaqo Xishood MaleW/Q: Cabdiraxmaan RashiidWaxa sida la wada ogsoonyey dalkeena somaliland ka jirta shaqo yaraan baahasan taas oo sababtay in dhallinyaro badan oo wax bartay ay ka niyad jabaan marka ay wayaan wax ay ka shaqeeyaan oo ku taxaluqa cilmigi ay soo barteen marka kadibna ay u fikiraan dhinacyo kale sida in ay tahriibaan in ay meelaha fadhi ku dirirka ah ciyaraa aduunka ku falanqeeyan in ay bilaaban balwado iyo dhinacyo kale,Hadaba iyada oo ay taasi jirto hadana hadi dhankale loo fikiro waxa la abuuri karaa shaqooyin badan oo ay ka xishoodan dhallinyaradeena wax baratay ama jaamacadaha dhamaysatay ,Waxana kamida abuurida ganacsiga yaryar sida dukaanada ka shaqaynta kuuliga, hudheelada, maqaaxiya shaaha, xamaalashada, beerashada khudaarta ,kaariga ,kirishboonimada,wastaadnimada, iyo qaar ka loo badan Inta badana waxa niyadooda ku jirta waa lagula yaabi hadii adoo heer jamacadeed ah aad kuuli ku kalahdo taasna waxan odhan karaa bulshadeena ayaa sababtay waayo? Hadii wiil heer jaamacadeed ah ay ku arkaan isago mudalab ah ama kuuli ah way ku qoslayaan ama way la yaabayaan ! taasina sax maaha hadii aad eegto aduunka waxa lagu waydiinaya "ma shaqaysaa" laakiin wadankeena somaliland waxa lagu waydiinayaa "maxaad ka shaqaysaa" taasina waxay sababaysa in qofku sheegan kari waayo hadii shaqo hoose uu ka shaqeeyo, si kastaba ha noqotee shaqo xishood male.W/Q: Cabdiraxmaan RashiidEmil :Cabdiraxmaan800@gmail.comHargaysa somaliland
storvideo: 

Jidka Barakaysan oo Xoolo loogu deeqay

$
0
0

10th January 2018 admin Category :
Degaanka Caad Saaran iyo Ceel magacle oo ugu deeqay jidka Barakaysan 59 neef oo adhi ah iyo 2 rati .
Bulshada reer Sanaag ayaa muujiyey sida ay u garab taagan yihiin mashruuca barakaysan ee Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli M. Cali Gaas uu ku dhawaaqay isku tashigiisa .Waxa bulshada degan Degaanka Caad Saaran iyo Ceel magacle ay ku deeqeen 59 neef oo adhi ah iyo 2 rati .Sidoo kale ayaa bulshada degaanka Dooxa dheer ayaa waxay iyaguna ku deeqeen 57 adhi ah iyo rati .degaamadaa oo aad isugu dhow ayaa waxay isku noqonaysa xoolaha ay bixiyeen 116 adhi ah iyo 3 geel ah.Waxayna xoolahaas guddoonsiiyeen maamulka Gobolka Sanaag iyo Maamulka Degmada Badhan
storvideo: 

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo bogaadiyay...

$
0
0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxa uu ka hadlay howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan. Xildhibaanka oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka socdaalka uu yahay sidii lagu dhiiri gelin lahaa ciidamada [...]
storvideo: 

Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Bari...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa waxaa si dirran ugu soo dhaweeyey Qardho kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa waxa uuna ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.
"Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taagerdiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina."
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dhagax dhigay dhismaha faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Qardho oo ay hirgelinayso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ku socdaalayey dhanka dhulka inta uu ku guda jiray safarkiisa manta ayaa ku hakaday magaalooyin iyo deeganno ka tirsan Gobollada Nugaal iyo Bari, isagoo shacabka salaamayey xaaladahooda nololeedna ka waraysanayey
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay waddo isku xiri doonta Dangorayo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kahor intii aanay gaarin Degmada Qardho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Mareykanka oo ka digay burburinta Xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho

$
0
0

Washington ( Sh. M. Network )-Hay’adda Wolrd Vision ee fadhideedu yahay dalka Mareykanka ayaa cambaareysay barakicin iyo burburin ay Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay  ku hayaan barakacayaal dagan duleedka magaaladda Muqdisho.
Waxaana ay hay’addo sheegtay in Ciidamada oo isticmaalaya gawaarida baldoosarada iyo qalab kale ay ay burburiyeen gabaadkii guryaha u ahaa barakacayaashaasi, kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada iyo abaaraha ka jira ka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Agaasimaha hay’adda World Vision ayaa sheegay in cagta la mariyay illaa iyo 21 Kaam oo ku yaallay duleedka magalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo hadda Hoy la,aan soo wajahday.
Dhawaan ayey ahayd markii ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay walaac ka muujisay barakicinta Ciidamada DFS ay ka wadaan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla magaalada Muqdihso
The post Mareykanka oo ka digay burburinta Xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho appeared first on Shabelle.

Mareykanka oo ka digay burburinta Xeryaha...

$
0
0

Washington ( Sh. M. Network )-Hay'adda Wolrd Vision ee fadhideedu yahay dalka Mareykanka ayaa cambaareysay barakicin iyo burburin ay Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay ku hayaan barakacayaal dagan duleedka magaaladda Muqdisho.
Waxaana ay hay'addo sheegtay in Ciidamada oo isticmaalaya gawaarida baldoosarada iyo qalab kale ay ay burburiyeen gabaadkii guryaha u ahaa barakacayaashaasi, kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada iyo abaaraha ka jira ka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Agaasimaha hay'adda World Vision ayaa sheegay in cagta la mariyay illaa iyo 21 Kaam oo ku yaallay duleedka magalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo hadda Hoy la,aan soo wajahday.
Dhawaan ayey ahayd markii ay hay'addda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay walaac ka muujisay barakicinta Ciidamada DFS ay ka wadaan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla magaalada Muqdihso
storvideo: 

Dowladda Imaaraatka oo hurinaysa Dagaalka ka...

$
0
0

Hargeysa (Caasimadda Online) - Waxaa guluf colaadeed ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland maalintii Isniinta ahayd, waxaana weerarka soo qaaday Somaliland oo qabsatay tuulada Tuke-raq ee ka tirsan Puntland.
Puntland oo ka hadashay xiisadda colaadeed waxay cambaaraysay weerarkaas , iyado aan qaadin wax jawaab weerar celis ah, oo ku aaddan deegaanka u dhow Tuke-raq oo Somaliland la wareegtay.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo beegeen weerarkaas xilli uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya booqasho ku marayo deegaanada Puntland, taasina uu ku tilmaamay inay carqalad ku tahay geeddi socodka Nabadda.
Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish, oo ay ku dhuumaalaystaan deegannadaas iskana soo abaabulaan.
Waxaa xusid mudan in Puntland ay la dagaalamayso Alshabaab iyo Daacish oo duulaan kusoo qaaday deeganadaas, kadib markii lagasoo saaray qeybo badan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya.
Shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland iyo Puntland ayaa tilmaamay, in aysan raalli ka ahayn in colaad la geliyo Shacabka Soomaaliyeed, balse laga shaqeeyo isdhexgalka iyo wada shaqeynta dadka ehelka iyo qaraabada ah.Yaa maalgelinaya Dagaalka Tuka-raq?
Dadka Siy aasadda falanqeeya waxay isweydiinayaan, Somaliland oo hadda kasoo baxday doorashooyin ay kaga baxday lacago aad u farabadan, yaa maalgelinaya dagaalka ay kusoo qaadday Puntland?.
Waxa aan shaki ku jirin in gacmo shisheeye aysan ka maqnayn holcinta iyo kicinta dagaalkaas kasoo cusboonaaday Puntland iyo Somaliland.
Waxaa dad badani rumaysanyihiin in Somaliland ay lacagaha canshuurta ee daakhiliga ah ay ku maalgelinayso dagaalkaas, waxaase muuqata in Somaliland ay ka jirtay dhaqaale xumo aad u baahsan, iyo sicirka maciishadda oo kor u kacay saddexdii sano ee u danbaysay.
Madaxweynaha cusub ee Somalinad Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu maqnaa Jabbuuti ayaa dib ugusoo laabtay Hargeysa, wararka qaar waxay sheegayaan inuu kulamo lasoo qaatay Saraakiil Imaaraati ah, waxa ayna ka wada hadleen Saldhigga Milateri ee ay ka dhisayaan Berbera.
Sidoo kale waxay Somaliland ka codsatay Imaaraatka inay ka xoojiso dhanka saanadda ciidanka, mar horena waxay Imaaraatku saanad ciidan iyo hub kasoo dejiyeen Berbera.
Dowladda Imaaraatka oo raadinaysa inay Soomaaliya ka abuurto colaad Siyaasadeed sida ay uga abuurtay dalka Yemen oo kale, ayaa raadinaysa inay Soomaaliya ka dhigto mid aan Siyaasad ahaan degenayn, si ay uga fushato danaheeda oo ay ugu horreyso Saldhigga Milareri ee ay Berbera ka dhisanayso iyo maamulidda dekedaha Boosaaso iyo Berbera.
Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa u arka in Imaaraatku ay maalgelinayaan Somaliland si ay khalkhal ugu abuurto Puntland, ugana mashquuliso dagaalka ay Puntland kula jirto Alshabaab iyo Daacish.
Sanadkii tegey ee 2017, Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa digniino kasoo saartay hubka uu Imaaraatku soogelinayo Soomaaliya, iyo in ay iibsadaan dhuxusha laga dhoofiyo deegaanada ay Alshabaab ka taliyaan ee Koonfurta Soomaaliya. Yaa dan ugu jirtaa Dagaalka Tuke-raq:
Waxaa iska cad in Shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaallo sokeeye, aysanna ugu jirin wax dan ah dhiig Soomaaliyeed oo daata, laakiin danaystayaal iyo shisheeyaha u baahan in Soomaaliya aanay degin ayaa danta ugu badan ugu jirtaa, si colaad looga bilaabo Soomaaliya gudaheeda, Waqooyi ama Koonfurba.
Odayaasha Dhaqanka ee Puntland iyo Somaliland ayaa ka hadlay in xiisadda colaadeed la qaboojiyo, laguna dhammeeyo arrinta wada hadal iyo walaaltinimo.- OnlineXafiiska Garoowe-@live.com
storvideo: 

C/weli Gaas oo ka hadlay waxyaabaha ay dowlada...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Garoowe (- Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa shaaca ka qaaday in farqi weyn uu u dhexeeyo dowlada Federaalka hadda jirta iyo dowladihii ka horeeyay ee ka danbeeyay dowlada dhexe ee burburtay.
C/weli Gaas waxa uu sheegay in dowlada iminka shaqeysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llahi Farmaajo ay ku shaqeyneyso hanaanka dowladnimo ee loogu tallo galay in lagu maamulo dal dhismaaya.
Waxa uu Gaas tilmaamay in dhismaha Somalia uu yahay mid u baahan inuu ka imaado dhanka maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Farmaajo uu bilaabay qorshaha isku xirka dowlada iyo maamul Goboleedyada.
Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ku taagan tahay maamul Goboleedyada maadaama ay ku dhex noolyihiin shacab isku xiran, sidaa aawgeed uu Madaxweyne Farmaajo dhismaha dowladiisa uga soo bilaabay dhanka maamulada.
Waxa uu sheegay in dowladihii hore ay kaga duwan yihiin tan iminka jirta daneyn la'aan iyo inaysan ahmiyada saari jirin maamulada ka jira dalka, markii laga soo tago xiliga doorashada oo ay garabsan jireen.
''Dowlad waliba waxa ay leedahay wax lagu xasuusan doono tani waxa ay ku dheereysay halka laga soo maro Siyaasada iyo wada shaqeynta waxaan leeyahay dalka uma baahna dowlad Madaxweynaheeda ku kooban -''
''Puntland gorgortan kama gali doonto la shaqeynta dowladani maadaama ay kasoo muuqatay qodobadii aan is laheyn waxaa lagu dhisi karaa dowlad iyo maamulo wada shaqeynkara''
C/weli Gaas, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo laga doonaayo in socdaalkiisa uu ballaariyo isla markaana gaarsiiyo Gobolada kale ee dalka uusan weli gaarin.
Dhinaca kale, waxa uu Maamulada ka jira dalka ugu baaqay inay taageeran dowlada Somalia oo uu sheegay inay u baahan tahay is garabtaag.- OnlineXafiiska Garoowe-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Canada: N.S. premier orders review as former foster...

$
0
0

HALIFAX -- Nova Scotia's premier has told child welfare officials to review how they handle complex cases, as a former foster child in the province faces deportation to a country he has no connection to.
Stephen McNeil said Wednesday he asked the Community Services Department to complete a review of any cases that would require supports similar to those needed by Abdoul Abdi.
The 24-year-old man was recently released from prison after serving a five-year sentence on multiple charges. He was put in segregation in a New Brunswick jail by the Canada Border Services Agency upon his release and is now awaiting a hearing on deportation to Somalia.
Abdi arrived in Canada as a six-year-old child refugee and was shortly after apprehended by the Nova Scotia government and placed in foster care but never obtained citizenship.
McNeil said all children in the province's care who require extensive support are offered a "myriad of options," but he said the province can't force them to take on the options.
While refusing to speak to any specific case, he said the province can provide children in its care legal advice or "options to gain citizenship" but cannot force them to pursue citizenship.
"I can tell you since this has come out there will be a complete review of not only this case but any cases that would require the kind of support that I'm hearing about with this particular gentleman," McNeil told reporters.
"I've asked, not specific to this case but all children in care, what are the options that we are providing and laying out to all children in care, and then it is up to those children as they grow into teenage years to decide whether or not they take advantage of those options," he said.
Abdi was born in Saudi Arabia in 1993. After his parents divorced, his mother -- fearing persecution if she returned to Somalia -- fled to Djibouti, where the family obtained refugee status.
His biological mother died in the refugee camp when he was four, and two years later he came to Canada with his sister and aunts.
But shortly after arriving, the children were apprehended by the province of Nova Scotia. Abdi's aunt's efforts to regain custody were rejected, and her attempt to file a citizenship application for the children blocked.
Between the ages of eight and 19, Abdi was moved 31 times, separated from his sister and never completed high school.
He fell into trouble with the law and in 2014, Abdi pleaded guilty to four charges: Aggravated assault, theft of a motor vehicle, dangerous driving and assaulting a police officer with a vehicle. He was sentenced to 4.5 years, but had another nine months tacked on for assault charges early in his incarceration.
Halfway through his sentence, Abdi's lawyer Benjamin Perryman said, he started to "see the consequences of his actions" and was transferred to a medium-security facility because of good behaviour.
Abdi was "gated" when he was released from prison earlier this month and is now at the Madawaska Regional Correctional Centre in Saint-Hilaire, N.B. His deportation hearing is in four weeks, despite a court case raising charter and international law arguments that is expected to be heard by the federal court in the coming months.
Perryman said Abdi was given grossly inadequate care by the province as a foster child. He said deporting him to Somalia -- a country to which he has no ties and where he would be unable to care for his Canadian-born daughter -- would be unfair.
Alec Stratford, executive director and registrar with the Nova Scotia College of Social Workers, expressed concern that "structural issues" plaguing child welfare services are hampering the care that can be provided to children.
"It really is a struggle for social workers dealing with really high case loads of huge complexity to be able to know all the ins and outs," he said.
"I hear a system that is failing our kids and our youth, a system that doesn't recognize the great structural inequities that continue to exist in Nova Scotia and the fact that we don't have the tools and resources to adequately support someone first in their home and then to support them in care."
Source: CP
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live