Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qalbi wanaagga iyo waddan jeceylka shacabka reer...

$
0
0

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham.
Sababta rasmiga ah ee ka dambaysa in guud ahaan dadka reer Somaliland Danjireyaal (Ambassadors) noqdaan Alle ayaa og.Hasa yeeshee, male-gorfeyntayda sababaysan ayaan jecelaystay in aan bartan idin ku la wadaago. Had iyo jeer waxa jirta in shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin dedaal siyaasi ah ay kaga jiraan, maal,muruq iyo maskax ba way la garab taagan yihiin waddankooda, si ka duwan cid kasta oo kale.
Ardayda jaamacadaha dunida wax ka barta ee reer Somaliland waxa ay iyaga oo xaalado adag ku jira ay halkooda ku xusaan maalmaha xusaska Qaran. Sidoo kale, waxa ay Iyana dedaal aan yarayn oo waddiniyaddeed muujiya qurba-joogta reer Somaliland ee dunida dacalladeeda ku filiqsan.
Warbaahinta muwaadiniinta reer Somaliland gacmahooda ku jirta iyo kuwa ay sida dadban saamaynta ugu leeyihiin ba waxa ay ugu adeegaan waddankooda iyaga oo shaqada ugu yar ee ay waddanka ugu qabtaan tahay in ay gol-daloolooyinka ciddii Somaliland neceb raadiyaan oo baahiyaan. Intaas oo dhan xuskooda waxa aan uga socday haddii dad shacab ah oo aan siyaasiyiin ahayni damcaan in ka shaqeeyay arrimo siyaasi ah oo ay filayaan in ay sumcadda waddanka sare u qaadi karto. Waxa dhacda in xilliyada qaar dadkaasi turaan-turooyin diblamaasiyaddeed ay waddanka u keenaan, inta badanna ficilladoodu maaha kuwo aqoon ku dhisan ee waa kuwo qalbi wanaag ku dhisan.Siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland na inta badan waxa ay ku tamarisaa awoodda faraha badan ee dadkaa ku jirta iyo qalbi wanaaggooda. Walow aan filayo in aan xooggaasi sidii ay ahayd aan looga faa'iidaysan.
Suuxsanaanta siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland ayaa jaan-goysay jaho-wareer Qaran oo ummadda wada gaadhay, halkaana waxa ka dhashay in xataa, aqoon yahanka reer Somaliland ay cuqdad ka qaadaan hab-maamuuseedka Somaliland dunidu ula dhaqanto ama ba dawladaha jaarku ula dhaqmaan.
Waxa qoraalkaygani marag gashanayaa in maalmahan dad badan oo reer Somaliland ahi warbaahinta gaar ahaanna baraha bulshada shakhsiyaad kale oo aan siyaasiyiin ba ahayn iskaga jawaabayeen. Fashilka siyaasadda arrimo debeddeed ee innagu dhacay wuxu keenay in aan raadkeena dib ugu soo noqonno.
Laba qodob iskuma kay qabtaan, qalbi wanaagsanaanta, daacadnimada, hawl-karnimada iyo waddan jeceylka muwaadiniinta reer Somaliland iyo gurracnaanta garashada siyaasigayga. Labadan arrimood ayaan sabab ahaan cuskanayaa. Waxa ay kala yihiin;
1.01. AQOONSIGA SOCODKA DIINKA YEESHAY;
Muddo rubuc qarni ah ayay muwaadiniinta reer Somaliland ka dhur-sugayeen in mar uun la helo aqoonsi caro-edeggeed oo maal iyo muruq ba la iskugu geeyay shacab iyo xukuumad ba. Aqoonsigaasi wuxu ahaa yoolka ugu mihiimsan ee siyaasadda arrimaha debeddu liishaamaysay, baadi-doonkiisana xukuumadihii kala dambeeyay jid iyo ceel midna u saari waayeen, ayaa shacab badan ku dirqiyay in ay siyaasadda gacmaha ula tagaan oo ka shaqeeyaan, bal si daawo loo helo,
1.02. MAQNAANSHAHA AQOONSIGA OO DHIBAATOOYINKA DHAQAN-DHAQAALE OO DHAN LOO XAMBAARIYAY.
Guud ahaan dhibaatooyinkii nololeed ee shacabka reer Somalilan soo wajahay oo eeddooda mucaarid iyo muxaafid ba dusha uga tuureen maqnaanshaha aqoonsi caalamihi ah. Xukuumaduhii hoggaanka qabtay mushkiladihii siyaasi,dhaqan-dhaqaale ee ay maareyn kari waayeen waxa ay kaga cudur-daarteen in aan waddanku aqoonsi caalami ah lahayn. Sidaa darteed, shaqo abuur badan la ma samayn karo, maal-gashiyo caalami ah lama heli karo, dunida xidhiidho lama samayn karno, socdaalka muwaadiniinteennu waa dabran yihiin, beesha caalamku arrinta aqoonsigeena waa ka dhago-adaygtay ama dawladaha jaarku waa inna hagradeen. Kuwaasi waxa ay ka mid ahaayeen hadallo sir iyo caad ba shacabka siyaasigu ugu yidhi. Waxaana ka dhashay neceyb dadka lagu beeray oo ku qaan-gaadhay.
storvideo: 


Dowladda Kenya oo dishay Sarkaal ka tirsan Ciidamada...

$
0
0

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa dagaal kala horyimid askar ka tirsan Ciidamada Kenya oo ka soo gudbay Xadka,sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Dagaal ayaa bilowday,kadib markii askar ka tirsan ciidamada La-dagaallanka Aragagixisada ee dalka Kenya oo afka soo duubtay ay ka soo tallaabeen soohdinta degmada Ceelwaaq ay la wadaagto waddanka Kenya.Ciidanka Soomaalida ah ayaa ka shakiyey kuwa kenya,sida ay wararku sheegayan.
Dadka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa soo sheegay in Ciidamada kenya oo ku hubaysan saddex kamid ah gaadiidka dagaalka ay magaalada ka soo galeen dhinaca Xadka,kadibna ay rasaas is-weydaarsadeen ciidanka dowlada.
Shacabka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Ciidamada Kenya ay wateen Calanka Al-shabaab xilliga ay ka soo tallaabayeen Xadka.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa dagaalka ka dhashay,inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn,balse waxaa la xaqiijiyey in halkaasi u ku dhintay sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Yuusuf (Ilka Case).
Dowladda Kenya oo war ka soo saartay dagaalka ayaa beenisay Ciidankeeda ay mas'uul ka yihiin dagaalkaas.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Kenya oo dishay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Gabadh 30 jir ah oo hindistay shirkad ku fadhida $1 bilyan doolar

$
0
0

Maanta Canva waa shirkad xarunteedu tahay magaalada Sydney ee dalka Australia, waxayna ku fadhidaa qiimo dhan $1 bilyan oo doolar.

Gabadh 30 jir ah oo hindistay shirkad ku fadhida $1...

$
0
0

Gabadha lagu magacaabo Melanie Perkings oo u dhalatay dalka Australia ayaa iyada oo 22 jir ah waxa ay curisay fikrad ganacsi oo iyada oo kale markaas suuqa ku yareyd.
Waxa ay usoo duushay xarunta tijnoolajiyadda dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Silicon Valley, halkaas oo ay la kulantay nin milyan dheer ah si ay fikradeeda ganacsi ugu qanciso in uu maalgashi ku sameeyo.
Ninka ay la kulantay ayaa lagu magacaabaa Bill Tai oo aad loogu yaqaano qalabta casriga, waxayna usoo bandhigtay fikradeeda, balse aad uma uusan danaynin, wuxuuse ku xirey dad kale oo fikradda daneeyay.
Fikaraddan ganacsi ayaa ahayd bog qofka caadiga ah u suurtogalinaysa in uu sameeyo naqshad kasta si wax loo daaboco, waxaana lagu magacaabaa Canva.
Muddo kadib ayuu Bill ku qancay fikradda Canva, islamarkaasna maalgashi ku sameeyay qudhiisa.
Maanta Canva waa shirkad xarunteedu tahay magaalada Sydney ee dalka Australia, waxayna ku fadhidaa qiimo dhan $1 bilyan oo doolar.
10 milyan oo qof ayaa isticmaasha bogga, kuwaas oo ku kala nool 179 dal oo adduunka ka mid ah. Waxaa la sheegay in 10 naqshadood lagu sameeyo boggan daqiiqad kasta.
Iyada oo 19 jir ah oo dhigata jaamacadda Western Australia, kuna nool guriga hooyadeed ayay fikaradan ku dhalatay kadib markii ay qaati ka gaartay culeyska barnaamijyada wax lagu naqshadeedu, waxayna aragtay in ay jirto baahi ah in dadka ay doonayaan hab fudud oo ay ku naqshadaystaan waxyaabaha ay daabacayaan.
Kadib iyada iyo lamaanaheeda Cliff Obrecht ayaa asaasay shirkadda Fusion Books, taas oo ardayda dugsiyada sare u suurtogalinaysa in ay naqshadaystaan jadwaladooda iskuulka iyo layliyada ay qorayaan.
Wixii markaas ka dambeeyay dib ma aysan eegin, waxaana u suurtogashay in ay gaaraan halka ay maanta joogaan.
Markii ay timid rugta Silicon Valley iyada oo raadinaysa cid maalgashi ku samaysa shirkadeeda, ayaa waxa ay la kulantay dhaqan ka duwan kii Australia oo ah in qofka uu isaga ka hadlo guulaha uu gaaray, waxayna ku qaadatay 3 sano in ay hesho wax maalgashi ah.
Agaasimihii hore ee Google Cemeron Adams ayaa shirkad la noqday gabadhan iyo saaxiibkeed, isaga oo ku maalgaliyay $3 milyan oo doolar, shirkaddana waxaa loo bixiyay Canva.
Inkasta oo isticmaalka waxyaabaha asaasiga ah ee boggan uu yahay mid lacag la'aan ah, haddane lacag ayay ka qaadaan dadka doonaya in ay isticmaalaan barnaamijyada aadka usii horumarsan ee bogga ku keydsan.
Wax ka badan 200 qof ayaa maanta u shaqaysa Canva, waxaana lagu qiyaasaa in ay ku fadhido lacag gaaraysa $1 bilyan oo doolar.
storvideo: 

Muwaadiniinta Turkiga oo looga digay inay u safraan...

$
0
0

Ankara (PP) - Xukuumadda Turkiga ayaa uga digtay shacabkeeda inay ka taxadaraan safarrada ay ku aadayaan dalka Mareykanka sababo la xiriira dhanka amniga, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.
Bayaan maanta oo Jimco ah ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay kordheen cabsida iyo walaaca laga qabo weerarro argagaxiso ee Mareyaknka iyo xarig sharci-darro ah oo lagula kaco Turkida iyo saaxiibbadooda galbeedka.
"Waxaanu ogaanay inay kordheen khatartaha weerarrada argagaxiso ee la filan karo inay ka dhacaan Mareykanka," ayay wasaaraddu ku tiri bayaanka ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay inay jireen dilal dhawr ah oo dalka Mareykanka ka dhacay dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale, waxaa bayaanka lagu yiri. "Waxaa jira weerarro loo adeegsado gaadiidka oo dad badan lagu laayo, weerarro toos ah iyo kuwo bambooyin loo adeegsado iyo in la beegsado goobaha ay dadku isugu tagaan; kuwaas oo ay ka mid yihiin; faras-magaalaha, goobaha dalxiiska, maxadooyinka ay tareennadu ka baxaan, dhismayaasha waaweyn, goobaha cibaada iyo sidoo kale iskuullada."
Wasaaradda ayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay waxay ka xustay weerarkii xarunta jaamacadda Ohio, Masjidka Dar Al-Faruq oo Minnesota ku yaalla, Kaniisad ku taalla gobolka Texas iyo weerar lagu qaaday bishii lasoo dhaafay xarun tareen oo ku taalla New York.
Dhanka kale, Wasaaradda ayaa ka digtay xarigga aan sharciga ahayn ee loo geysto muwaadiniinta iyo shaqaalaha Dowladda Turkiga ee safarrada kala duwan ku aadan dalka Mareykanka.
Ugu dambeyn, Digniintan kasoo baxday dowladda Turkiga ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Arbacadii lasoo dhaafay ay Xukuumadda Washington kasoo saartay dingiin safar oo ku aaddan dalal uu Turkiga ka mid yahay, kuwaasoo ay sheegeen inay ka jiraan khatarro dhanka ammaanka ah, waxaana ka mid ah dalalkaan; Sudan, Pakistan and Guatemala.PUNTLAND POST
The post Muwaadiniinta Turkiga oo looga digay inay u safraan Mareykanka, Maxay tahay Sababta? appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga...

$
0
0

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ayaa soo bandhigay Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay Maamulka Taliska Ciidanka Difaaca ee Degmadaasi ka howlgala. Horjoogahan oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali, ayaa Nabad diidka Al-Shabaab wuxuu kamid ahaa muddo dheer, isagoo sheegay [...]
storvideo: 

Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo...

$
0
0

Wafdi ay horkacayso Xildhibaan Ubax Tahaliil Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana ku wehlinaya socdaalkeeda ciidamada Baambeyda ee Booliiska Soomaaliyeed. Wafdigaan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhusamareb, iyadoo loo sii galbiyey -, waxaana soo dhowayn u sameeyey bulshada oo uu hormuud u ahaa [...]
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo: "Hindiya Waxay Sii Deysay Boqollaal Maxaabiis Soomaali ah"

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), oo maalmahan Puntland ku marayay safarkiisii ugu dheeraa ee dhinaca dhulka ah oo uu dhulka Soomaaliya ku maro tan iyo intii madaxweynaha loo doortay, ayaa ku suggan magaalada Boosaaso, isagoo maanta dhagax dhigay waddooyin isku xira gobolka Bari.


Gud. Guddiga Doorooshada Soomaaliya Xaliimo Yarey oo...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Warka ka imaanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gal-guduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo la sheegay inay ka tirsan-yihiin maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ay xireen gudoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xalima Yareey).
storvideo: 

Gud. Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey oo Dhuusamareeb Lagu Xirey

$
0
0

Warka ka imaanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gal-guduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo la sheegay inay ka tirsan-yihiin maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ay xireen gudoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xalima Yareey).

Madaxweyne Farmaajo: "Hindiya Waxay Sii Deysay...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), oo maalmahan Puntland ku marayay safarkiisii ugu dheeraa ee dhinaca dhulka ah oo uu dhulka Soomaaliya ku maro tan iyo intii madaxweynaha loo doortay, ayaa ku suggan magaalada Boosaaso, isagoo maanta dhagax dhigay waddooyin isku xira gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in boqollaal maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa dalka India badankood la sii daayay, ayna sugayaan dayuuraddii u soo qaadi laheyd Soomaaliya.
Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan Boosaaso ka soo dirtay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:11
0:00:00 /0:02:11
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Gud. Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey...

$
0
0

Warka ka imaanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gal-guduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo la sheegay inay ka tirsan-yihiin maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ay xireen gudoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xalima Yareey).
Goob joogayaal ayaa VOA u sheegay in gawaari ay la socotay guddoomiyaha iyo xubno 10 ka badan oo ka tirsan shaqaalaha guddiga doorashada oo ka tagay magaalada Guriceel kuna sii jeeday Dhuusa-Mareeb lagu joojiyay kantoroolka magaalada, ka dibna la xiray.
Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq ayaa warbixintan Gaalkacyo ka soo diray.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:22
0:00:00 /0:02:22
Direct link
Pop-out player
Dhageystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiriirnay maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe si aan arrintan wax uga weydiinno, saraakiishii aan la hadalnayna ay beeniyeen xarriga Xaliima Yareey. Waxeysa sheegeen in cid walba oo soo gasha magaalada loo baaro sababo dhinaca amniga ah.
storvideo: 

Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf oo gaaray Gaalkacyo

$
0
0


Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta labada Gole ee Galmudug ayaa ujeedka ay u tageen magaalada Gaalkacyo waxa ay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo sidoo kale sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaanada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.
Ammaanka guud ee degaanada Maamulka Galmudug ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Soomaaliya booqashada Galmudug uu ka bilaabi doono.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolada dalka ayaa waxa uu yahay mid ku teetsan nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

War deg deg ah warshadii isbuunyada goodilaha ee...

$
0
0

Warshadii joodariyaasha isbuunyada oo goor dhaweyd uu baaibiyey dab xoogan oo ka dhashay matoorkii xaruntooda
Wararka inaga soo gaaraya dagmada heli waa ee magaalada muqdisho ayaa tibaaxaya in warshadii goodilaha isbuunyada ee mubaarag uu dab qabsaday .
Waxaana socda gur mad lagu doonayo in la xakameeyo dabka xoogan ee ku sii fidaya guryaha ku yaal xaafadaasi
Shirkadaha isgaarsinta oo ay ugu horeyso shirkada isgaarsiinta hormuud ayaa ku howlan wada dadaal ka dhan ah dabka ka kacay warshada
Xaruuntii ay warshada isbuunyada Mubaarak ku lahayd degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxaa qabsaday dab aad u xoog badan kaasoo guud ahaanba bas beeliyay xaruunta.
Dabka qabsaday xaruunta warshada Isbuunyada Mubaarak, ayaa la sheegayaa inuu guud ahaanba bur buriyay qalabkii iyo dhismaha warshada, mana jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaas.
Dadkii ka ag dhowaa dhismaha warshada ayaa lasheegay in markii uu dabka qabsaday ay habeenimadiiba isaga carareen iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo uu kasoo gaaro dabka xoogan ee warshada qabsaday.
Majirin wax gurmad dhanka gaadiidka dab damiska ah oo maamulka gobolka katirsan oo halkaas gaaray
Laakiin gaadiidka dab damiska ee ay leedahay shirkada Taleefanada Hormuud, ayaa la sheegay ineey ka qayb qaadanayeen
Warshada Isbuunyada Mubaarak, oo sameysay Joodariyaasha, fadhiyada guryaha iyo waxyaabo kaloo badan aya qaybo kala duwan ku kala leh magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaliya qaarkood.Waa markii labaad oo warshadaan uu qabsado dab qasaare hantiyadeed u geystay
Share this:
Related
storvideo: 

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in isu...

$
0
0

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu isu dhiibay Ciidanka Xoogga dalka qeybtooda ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Xasan Cali,ayaa in muddo ah ka tirsanaa ururka Al-shabaab,waxaana Wakaaladdu ka soo xigatay sarkaalkan,in Al-shabaab khilaaf ka dhex abuurmay,kadib markii ay kala shakiyeen,islamarkaana haatan ay dhexdooda is-dilayaan.
Sida Wakaaladda SONNA sheegtay ninkaan ayaa Al-shabaab ka soo goostay,kadib markii uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan oo ka soo wajahday dhinaca Al-shabaab. Ma jirto cid ka madax-bannaan SONNA oo warkaan xaqiijisay.
PUNTLAND POST
The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in isu dhiibay dowladda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Saldhig ay Shabaabka ku lahaayeen Shabeelaha Hoose...

$
0
0

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal gaar ah ay ka sameeyeen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku bur buriyeen saldhigii ugu weynaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi, halkaasi oo ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarada ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska [...]
storvideo: 

Ciidanka Danab ee XDS oo howlgal gaar ah ku...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA), Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa Howlgal gaar ah ay ka sameeyeen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku bur buriyeen saldhigii ugu weynaa ee Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi , halkaasi oo ay ka abaabuli jireen Qaraxyada iyo Weerarada ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah.
Sargaal ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in howlgal gaar ah Ciidamadaasi ay ka fuliyeen Deegaanka Leego ay ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay lahayeen, waxaana ay dileen in kabadan 10 dagaalame, dhaawacana intaas uu ka badan yaha, isaggoo tilmaamay in gacanta ay ku dhigeen Hub iyo Gaadiidka dagaalka.
Taliyaha Ciidanka Kumaadooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, G/sare Ahmed Cabdullahi sheekh ayaa isna inoo sheegay in Ciidanka ay kordhiyeen Howgalka iyo weerarada ay ku bartilmaamedsanayaan Kooxda Itaalka daran ee Alshabaab, waxaana dadka shacabka ah uu ugu baaqay in Ciidanka ay ku gacan siiyaan soo sheegida Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka firxadka ah ee dhulka hoodka ah ku dhuumanaya.
Waxaa sii kordhaya Howlgalada iyo Weerarada tooska ah ee Ciidanka Difaaca Soomaaliya ay ku bartilmaameedsanayaan Kooxda Alshabaab, waxaana sidoo kale sii kordhaya tirad Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka argagixisada ah ee kasoo cararaya Nabad diidka, kuwaasi oo isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Xaaf iyo Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo gaalkacyo gaaray

storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

$
0
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Barnaamijka Imaqashii iyo Imadaddaali oo ka mid ah Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaasi oo baxa maalinka Jimcaha 5:00 pm shanta galabnimo. Hadaba haddii aad dooneyso inaad dirsato tahniyad dhalasho iyo mid aroos intuba noogu soo hagaaji radiomuqdisho@gmail.com Hoos ka dhageyso Barnaamijka oo dhameystiran, [...]
storvideo: 

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo caawa kulan soo...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa caawa kulan soo dhaweyn iyo sagootin ah loogu sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha oo socdaal shaqo ku jooga deegaannada Puntland ay maanta ku soo [...]
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey ganacsatada...

$
0
0

Boosaaso, 12 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka iyo Ganacsatada Gobolka.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, caqabadaha ku xeeran ganacsiga iyo qorsheyaasha ku aaddan qaabeynta iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee dalka.
Hormuudka ganacsatada ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay sida ay uga go'antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan qorsheyaasha lagu hormarinayo dalka, iyagoona xaqiijiyey in ay markasta garab taaganyihiin dowladdooda si looga gudbo waqtiyadii muragada badnaa ee soomaray shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliya kaalinta qiimaha badan ee ay ka qaateen samata bixinta dalka muddadii bur burka, waxa uuna ugu baaqay in ay sii laba laabaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo hiigsiga ku saleysan Soomaaliya nabad ah, dadkeeduna nolol wanaagsan ay heystaan.
Intaas kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta Golis oo ah dhismaha ugu dheer ee laga hirgeliyey magaalada Boosaaso. Sidoo kale waxa uu daah furay adeegga Internetka ee xawaarehiisu sarreeyo (Fiber Optic) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo deegannada Puntland.
"Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed" Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu kormeeray qaybo ka mid ah suuqyada magaalada Boosaaso iyo goobaha loo nasasho tago isagoona ka soo dukaameystay goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso waxa uu kulamo wada tasho oo ku saabsan mustaqbalka dalka iyo dib u dhiska Qaranka la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.
DHAMMAAD
The post Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live