Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xiisada Tukaraq iyo diyaar garowga dagaal ee labada...

$
0
0

Puntland iyo Soomaaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa kusoo daabulay gobalka Sool gaar'ahaan duleedka tuulada Tukaraq oo ay xiisad dagaal ka qaraxday 08-Janaayo-2018 markii ay halkaas iska hor-imaad kooban kula wareegeen ciidamada Soomaaliland.
Tukaraq oo horay u ahayd saldhiga u weyn ee Puntland ku leedahay gobalka Sool ayaa tan iyo markii ay la wareegtay Soomaaliland waxaa ka aloosnaa xiisadii ugu cuslayd, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa ku dhaawaqay dagaal ay Puntland isaga difaacayso wuxuu ugu yeeray duulaanka Hargeysa, sidoo kale maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay gaarayaan xaduudkooda oo ay u arkaan inay tahay meel aan sidaa uga fogeyn - Puntland ee Garowe, waxayna tan iyo xiligaas labada dhanba boqolaal ciidana oo si aada u hubaysan ku daabulaayeen degaanadaas.
Wararka aan ka helayno jiidaha ay isku hor fadhiyaan labada dhan ayaa sheegaya inay ciidamadu isku muuqdaan xili walbana la filan karo dagaal ka qarxa degaanadaas.
Ma jirto haba hayaraate wax waan-waan nabadeeda oo laga dhex wado labada dhan, waxayna wararka ay helayso PUNTLAND POST sheegayaan inay guuldaraysteen xal nabadeed oo ay wadeen xubno kasocda qaramada midoobay iyo Dawladaha deriska markii ay Soomaaliland ka dhega adaygtay inay ciidamadooda kala noqdaan degaanka Tukaraq oo ay maalmo kahor la wareegeen.
Sidoo kale odayaasha iyo Isimada Gobalka Sool ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan degaanadaas inay iska diifaacaan duulaanka Soomaaliland.
Marka la eego inaysan jirin xal nabadeed oo laga dhex wado dhinacyada isku hor fadhiya Tukaraq, Ciidamada lagu soo daabulaayo iyo hanjabaadaha culus ee hawada la isku marinaayo waxay u muuqataa inaan laga fursan doonin collaad ka qaraxda gobalka Sool.PUNTLAND POST
The post Xiisada Tukaraq iyo diyaar garowga dagaal ee labada dhinac oo maraysa meeshii u danbaysay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Iiraan oo ku eedeeysay Mareykanka in uu minj xaabinayo heshiiska Niyukleerka

$
0
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay guul,iyada oo sida ay sheegtay Mareykanka ay ku guuldaraysteen in ay minja xaabiyaan heshiiska caalamiga ah ee Niyukleerka Iiraan.

Iiraan oo ku eedeeysay Mareykanka in uu minj...

$
0
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegatay guul, iyada oo sida ay sheegtay dowladda Iiraan ay Mareykankanka ku guuldaraysteen in ay minja xaabiyaan heshiiska caalamiga ah ee Niyukleerka Iiraan.
Madaxwayne Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in madaxwayne Trump uu marar badan isku dayay in uu minja xaabiyo heshiiska ,balse caalamka ay ka hor yimaadeen Mareykanka.
Heshiiskani ayaa Iiraan ugu baaqaya in ay xaddido barnaamijkeeda Niyukleera.
Dalka Iiraan ayaa waxa ay ku badasheen Xaddidaada barnaamijkeeda Niyukleerka in laga qaado cunaqabateenada saarnaa.

  1. Iiraan: Tallaabo ayaan ka qaadi doonaa dadkii dhisay dhismayaasha dumay
  2. Iiraan oo tijaabisay gantaal cusub
  3. Madaxweynaha Iiraan oo digniin u jeediyay Mareykanka

Maalinkii Sabtida,Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka taleefoonka kula hadlay rai'sul wasaraha Israail Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay muhimada ay leedahay in heshiiskan la dhowro.
Toddobaadkii aanu soo dhaafnay Mr Trump ayaa isaga oo ka cagajiidaya aqbalay in heshiiskani la dhowro muddo dhowr bilood ah.
Balse madaxwaynaha Mareykanka ayaa ugu baqay wadamada midowga Yurub oo heshiiska qayb ka ah in ay qasab tahay in wax laga badalo heshiiska .
Madaxawyne Trump ayaa ku hanjabay in heshiiska uu ka bixi doono haddii aan isbadal lagu samayn.
storvideo: 

Farmaajo oo dhagax dhigay dhismaha waddada Gaalkacyo iyo Hobyo

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Faramaajo oo maalintii labaad booqanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta dadweyne kula hadlay barxad ku taalla xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee koofurta magaalada.

Farmaajo oo dhagax dhigay dhismaha waddada Gaalkacyo...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Faramaajo oo maalintii labaad booqanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta dadweyne kula hadlay barxad ku taalla xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee koofurta magaalada.
Arrimihii uu khudbadiisa ku soo qaaday waxa ka mid ahaa in nabadda la adkeeyo.
Wuxuu ballan qaaday in dawladdiisa ay wax ka qaban doonto dhismayaasha kaabayaasha iyo mashaariicda horumarinta bulshada.
Mr Farmaajo intii uusan khudbadda jeedin wuxuu soo kormeeray goobo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen, wuxuuna amar ku bixiyey in ciidamo weli goobahaas ku sugnaa laga kaxeeyo.
Isla maanta wuxuu madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.
Berri ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo gobolka Galgaduud.
storvideo: 

Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri wiil uu dhalay oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hargeysa (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wiil uu isaga dhalay lagu dilay Dalka Syria isaga oo ka mid ahaa Ururka Daacish.
Xuseen Faysal ayuu sheegay in uu ku dhintay duqeyn ka dhacday goob isaga iyo koox ka tirsan Daacish ay ku wada sugnaayeen,halkaas oo Diyaaradaha Syria ay ku duqeeyeen.
Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray isaga.
Hooyada dhashay wiilkan ayuu sheegay in ay ku noolyihiin Dalka Finland,waxaana Faysal uu sheegay in uusan ogeyn waxa ay ku suganyihiin Xaaska iyo Carruurta kale ee Faysal u jooga Finland.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Hooyada u dhashay wiilkan uu u sheegay in aan dib loogu cusbooneysiin Baasaboorka Finland,maaddaama ay suuragal tahay in uu dhibaato ka geysto gudaha dalkaas.- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawiro: Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Gaalkacyo (Caasimadda Online) - Dadweyne aad u badan ayaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxay kusoo dhoweeyeen madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar kamid ah gobollada dalka.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hadal ka jeediyey fagaaraha lagu soo dhoweynayey madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in nasiib wanaag tahay in madaxweynaha iyo xildhibaanno Labada aqal ay joogaan Gaalkacyo.
Waxa uu Xaaf sheegay in madaxweynaha uga fadhiyaan inuu reer Galmudug u dhiso jidka hobyo iyo Gaalkacyo, sidoo kalena wuxuu tilmaamay iney doonayaan in loo dhiso xabsiga Gaalkacyo.
Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfurta Gaalkacyo wuxuu uga mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isaga oo sheegay in taasi ay ka tarjumeyso dowlad jaceylka, midnimada iyo sidey reer Galmudug u jecelyihiin martida.
Waxaa lagu wadaa madaxweyne Farmaajo inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug, waxgarad iyo madaxda maamulkaasi.- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shir looga hadlayay daraasad laga sameeyay abaartii...

$
0
0

Kismaayo(SONNA):- Shirkan Wadatashiga ah oo looga hadlay Daraasad laga sameeyay laga sameeyay abaarahii ka dhacay dalka sanadii 2016 iyo 2017 ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo kaas oo ay ka qeybgaleen mas"uulayiinta Wasaaradda Qorsheynta oo shirka wadatashiga soo qaban qaabisay iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowlad gobaleedka jubbaland.
Daarasada wax ay qeexaysaa dhibaatada ka dhalatay abaarahii ka dhacay dalka, waxybaaha ugu badan ee keena abaaraha iyo sida looga gaashaman karo iyadoo diirada la saarayo isla qaadashada natiijada daraasadda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Dowlad gobleedka jubbaland oo daraasada si qota dheer uga hadlay qeybta quseyso kan jubbaland ahaan ayaa tilmaayay sida wanaagsan ee ay dowladda uga go,antahay wax ka qabashada abaaraha oo si cilmiyeesan loo darsayo.
Cabdiqaadir Aadan Maxamed Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxuu si kooban sharxaad ugu baxiyay Ujeedka kulankan iyo marxaladihii laga soo maray samaynta daraasaddan.
Wuxuu sheegay in waqti iyo dhaqaalo lagu bixiyay sidii daraasad dhab ah looga sameyn lahaa abaarihii ku dhuftay dalka sanadii la soo dhaafay,islamarkaana loo heli lahaa natiijada rasmiga ama dhibaatada abaartaasi ka dhalatay.
Daarasadan laga sameyay Gobalada dalka ayaa markii ugu horeysay maanta lagu soo bandhigay xarunta KMG ah Jubbaland ayaa sidan oo kale lagu soo bandhigi doona Dowlad Gobaleedyada Wadanka si wadajir ah wax looga qabto abaaraha dalka ku soo noq noqtay.
.
storvideo: 


Daawo: ” Muusaan Idhi Jeegaanta Baabii Waa nin Run...

$
0
0

Daawo:" Muusaan Idhi Jeegaanta Baabii Waa nin Run Sheegoo Markaasuu yidhi Waa tii kursiga i saaratay Waa runtaa ayaanu nidhi Bahashuna Dhibaato kaleh ma leh" Suldaan Maxamed
[embedded content]
storvideo: 

Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galabta ku dagaalamay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho
Waxaana dagaalkan uu yimid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay xubno ka tirsan Maamulka deegaanka Lafoole ee G/ Shabeelaha Hoose.
Warar hoose oo ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in khilaafkan uu ka dhashay Afduub dhawaan loo geystay mid ka mid ah xubanaha la shaqeeyo guddoomiyaha deegaankaasi lafoole.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.
Halkan kala soco wixii soo kordha:-
 
The post Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle.

Faysal C. Waraabe oo xaqiijiyey in wiilkiisa Suuriya lagu dilay

$
0
0

Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa BBC u sheegay in sanadkii iminka uun dhamaaday ee 2017 lagu diley dalka Suuriya wiil uu dhalay. Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday.

Faysal C. Waraabe oo xaqiijiyey in wiilkiisa Suuriya...

$
0
0

Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, ayaa BBC u sheegay in sanadkii iminka uun dhamaaday ee 2017 lagu diley dalka Suuriya wiil uu dhalay.
Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu aabihii sheegay.
Waxa uu ku dhashay oo ku noolaa wadanka Finland. Xuseen waxaa la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.
Haddaba Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Axme Cabdi Nuur uga warramay dhimashada wiilkiisa.
storvideo: 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo shaaciyey sababta...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee sida wey uga soo horjeeda hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey sababta uu u tegay magaalada Dhuusamareeb.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano labada aqal ah, wasiiru dawladaha wasaaradda arrimaha gudaha, saraakiil sare oo ciidamada ah, taliyaha AMISOM ee qeybta 4aad iyo hogaamiyaal ka mid ah ururada Haweenka ay maanta gaareen magaalada Dhuusmareeb ee caasimadda Galmudug.
"Ujeedada wafdiga ayaa ahayd inay qeyb ka noqdaan ka qeybgalka munaasabadda dhacaysa 16-ka Janaayo ee lagu dhaqan gelinayo heshiiskii midnimada GALMUDUG & maamulka ASWJ.." ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
Xildhibaan Fiqi, Sentor Abshir Bukhaari iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka ugu waaweyn dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku qasbanaaday inay tagaan Galmudug, qeybna ka noqdaan soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo fariintan aanu ku soo hadalqaadin.
- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

HRW: Shabaab Caruur ayay Ka Afduubteen Baay

$
0
0

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ururka al-Shabab ay gobolka Baay aka afduubeen carruur ay ka kaxaysteen dugsiyada qur'aanka iyo kuw ay ka dalbadeen odayaasha dhaqanka.
Warbixintan oo ay markii ugu horraysay tebisya idaacadda VOA ayaa Human Rights Watch sheegtay in mid ka mid ah tuulooyinka ugu yar yar ay al-Shabab ka kaxaysteen illaa 50 carruur ah.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:07:22
0:00:00 /0:07:22
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Dalays ‘ileyskii’ fanka Soomaaliyeed oo ifka ka hoyatay

$
0
0

Dalays waxaa aad loogu xusuustaa heestii looga soo horjeeday midabtakoorkii dalalka Afrikada Koonfureed, ee 'Midab gumeysi diida' taas oo la qaaday sanadii 1970yeedii.


Ciidamada AMISOM oo qarax lagula eegtay Buulo mareer

$
0
0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabellaha hoose, ciidamada Amisom ayaa goor dhaw halkaasi waxaa lagula beegsaday qarax.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wuxuu qabsaday mid ka mid ah kolonyo gaadiid Amisom oo maraayay duleedka deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabellaha hoose.
Wararka waxa ay sheegayaan in qaybta dambe uu qabsaday qaraxan gaariga Amisom, waxayna taasi keentay in gaari uu socon waayo oo ciidamada Amisom, halkaasi ay ka jiidaan.
Lama ogaan karo inta uu la eeg yahay khasaaraha askarta Amisom soo gaaray, balse qaraxa miinada oo aad u cuslaa ayaa la soo sheegayaa in waxyeelo xoogan uu gaarsiiyay gaariga.
Dadka ku sugan deegaanka Buulo Mareer waxa ay sheegayaan gaadiidka Amisom oo la jiidaayo in la soo galiyay gudaha Magaalada, maadaama gaari uu socon waayay oo taayarada iyo qaybta dambe ee gaariga uu saameeyay qaraxa.
Ma'ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Amisom qarax lagula beegsado deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha hoose.
storvideo: 

Nabad uu Trump hormuud ka yahay “waa hagar daamo weyn”

$
0
0

Mr Cabbas (dhexda) wuxuu hadlayay laba saacadood
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabbas ayaa dadaalka nabadda Trump ee bariga dhexey ku qeexay sida "dharbaaxada qarniga".
Kullan ay yeesheen hoggaaamiyayaasha Falastiiniyiinta wuxuu ka sheegay in uusan aqbali doonin qorshe nabadeed oo Trump uu horkacayo ka dib markii Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.
Sidoo kale wuxuu Israa'iil ku eedeeyay in ay soo gebagebeysay heshiiskii Oslo ee 1994tii, kaas oo uu ka bilowday hannaanka nabadda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku caga jugleeyay in uu lacagta kaalmada ah ka jarayo Falastiin haddii wadahadalka nabadda ay diido.
Hadal uu jeediyay horraantii bishan, Mr Trump wuxuu ku adkaystay in aqoonsiga Qudus ay ka dhasheen arrimaha dhabta ah ee la isku khilaafsan yahay ee "miiska wadahadalka ka maqan", loona baahan yahay wadahadal nabadeed oo cusub.
Falastiiniyiinta waxay ku doodayaa in tallaabada Trump ay caddeyn u tahay in Mareykanka uusan dhexdhexaad ka noqon karin geedi socodka nabadda.
Muxuu Cabbas ka sheegay kullanka?
Hoggaamiyayaasha Falastiin waxay leeyihiin kullan laba cisho ah oo ka dhacaya Ramallah, waxayna ka tashanayaan in ay soo saaraan jawaab ku haboon qorshaha Trump ee Qudus.
Madaxweyne Cabbas wuxuu horay u diiday dalabka Trump ee bishii la soo dhaafay, ka dib markii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey uu u codeeyay qaraar ka dhan ah tallaabada Trump ee Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.
Isagoo la hadlayay dhinacyada Falastiin ee kullanka Ramallah isugu tagay wuxuu yiri: "Heshiiska qarniga waa dharbaaxada qarniga, lamana aqbali doono."
"Waxaan taasi ula jeedaa Oslo; hadda wax Oslo la dhoho ma jiro, Israa'iil ayaa soo afjartay Oslo," ayuu yiri.
Wax cusub ma sheegay Cabbas?
Maamulka Washington ayaa bilihii la soo dhaafay diyaarinayay qorshe nabadeed inkastoo aan la shaacin faafaahinta arrintan.
Axaddii, Mr Cabbas wuxuu soo jeediyay in Falastiiniyiinta la siiyay deegaanka Abu Dis oo ah duleedka Qudus oo la doonayo in ay noqoto caasimadda Mustaqbalka ee Falastiin.
"Maxaad rabi lahayd haddii Qudus la waayi lahaa?" ayuu yiri, sida ay baahisay barta Jerusalem Post. "Ma jeclaan lahayd in aad yeelato dal ay caasimad u tahay Abu Dis".
Ismacil Haniya, oo ah hoggaamiyaha Xamaas wuxuu bishii la soo dhaafay sheegay in uu ogaaday in Mareykanka uu tuulada Abu Dis la doonayo in Falastiin ay u noqoto caasimadda mustaqbalka.
Xamaas waa lagu casuumay kullanka Ralammah, balse way diideen in ay ka qeybgalaan.
storvideo: 

Khadiijo Cabdullaahi Dalays oo Toronto ku Geeriyootay

$
0
0

Allaha u naxariistee waxaa saacadihii hore ee Isniintii, xilliga dalka Kanada ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Kanada fannaanaddii Khadiijo Cabdullaahi Dalays oo ka mid ahayd heesaagii ugu horreeyey ee ka heesa idaacad qaranka sannadkii 1952-kii.
Haddaba, weriyahayaga Ibraahim Xasan Daandurey ayaa taariikhda iyo xusuusta Khadiijo Dalays ka waraystay Abwaan Axmed Saleebana Bidde, fannaanaaniinta Khadro Daahir, Faadumo Cali Nakruuma iyo mullaxamiiste Cabdikariim Faarax Qaarey Jiir, oo isagu ku horraynaya hadalka.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:00
0:00:00 /0:06:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Galmudug oo siideysay Wariye Hanad Cabdi Faarax 

$
0
0


Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xabsi ku yaalla Magaalada Gaalkacyo kasii daayay Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug.
Wariyeyaasha gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay sii deynta Wariye Hanad oo Saddex maalmood ku xirnaa Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Booliska Galmudug ayaa xiray Agaasimaha Radio Codka Mudug subaxnimadii Janaayo 12-keedii ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu wax ka oggaa banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.
Ma jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay intii uu xirnaa, waxaana la xirnaa Ganacsato laga yaqaano Koonfurta Gaalkacyo.
Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyay, maadaama uu booqasho ku tagay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ciidamada ay xireen cid kaste oo tuhun amni daro uu soo galay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dalays ‘ileyskii’ fanka Soomaaliyeed oo ifka ka hoyatay

$
0
0

Fanaanadii Soomaaliyeed Faadumo Cabdullaahi Dalays ayaa ku geeriyootay dalka Canada kadib muddo ay xanuun la jiiftay.
Khadiijo oo lagu garan ogyahay Dalays oo ahaa magaceeduu kalkoolinta fanka ayaa ka mid ahayd hobaladii Waaberi kuwii ugu caansanaa, waxayna taariikhda ku gashay in ay ahayd haweenaydii ugu horeysay oo hees qaada gobolada Koonfureed, halka Waqooyiga ay kaga horeysay Guduudo Carwo.

  • Guduudo Carwo oo ku geeriyootay Hargeysa

Waa xiddigii labaad oo ka baxa fanka soojireenka ee Soomaaliyeed muddo bilo gudahood ah, iyada oo muddo dhow ay geeriyootay Fanaanadii Guduudo Carwo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Dalays, waxaana tacsida madaxda lagu baahiyay warbaahinta dowladda.
Dalays waxaa aad loogu xusuustaa heestii looga soo horjeeday midabtakoorkii dalalka Afrikada Koonfureed, ee 'Midab gumeysi diida' taas oo la qaaday sanadii 1970yeedii, waxayna la qaaday Cabdi Bacalwaan, halka uu heesta Alifay Abwaan Singub.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live