Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland oo geeriyooday.

$
0
0

Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland,Cabdinuur Cilmi Maxammuud(Biindhe) ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Geerida Wasiirka waxaa PUNTLAND POST u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda,waxaana sida ay sheegeen Wasiirku u dhintay xanuun soo wajahay,inkastoo aan faahfaahin laga bixin.
Marxuun Biindhe ayaa kamid ahaa wasiiradii ugu horreeyey ee lagu as-aasay dowladda Puntland,isagoo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray Puntland. Biindhe ayaa sidoo kale xilal ka soo qabtay maamulkii burburay ee Khaatum.
Wasiirka geeriyooday ayaa muddooyinkii dambe ku maqnaa magaalada Muqdisho halkaasoo u tegay baaritaan caafimaad,sida ay sheegeen eheladiisa.Faahfaahin kala soco:puntlandpost.net
The post Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland oo geeriyooday. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Daawo Sawirro+ Taliyaha Ciidanka Asluubta oo maanta...

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa Maanta booqday Xerada Caruurta Agoonta ee Kacaan kuna taala Dagmada Afgooye ee gobolka shabelaha hoose Caruurtaasi uu ka faala qaaday daryeelkooda Nololeed, Caafimadkood iyo waxbarshadooda madaxweynah jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta howlo shaqo ah ku tagay Xero Kacaan isagoo ay [...]
storvideo: 

Trump oo Mar Amrey in La Eryo Robert Mueller

$
0
0

Warbaahitan Maraykanka ayaa warisay in madaxweyne Donald Trump uu amray inuu shaqada ka eryo Robert Mueller, oo ah ninka baaraya in Ruushku faragelin ku sameeyay doorashadii Maraykanka, balse amarkaasi ayuu Trump ka noqday kadib markii uu garyaqaankiisu uu ku hanjabay inuu shaqada ka tagi doono.
Madaxweyne Trump ayaa beeniyay hadalkan ay warbaahintu qortay. Jaamac Buulle Jaamac ayaa warbixntan noo haya.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:45
0:00:00 /0:02:45
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Faaqidaadda: Maqaamka Muqdisho

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Dhageysatayaal ku soo dhawaada barnaamijka faaqidaadda Toddobaadka oo aannu ku eegi doonno maqaamka Muqdisho ay yeelaneyso.
storvideo: 

Tahriibayaal ku Dhintay Xeebaha Yemen

$
0
0

Hay'addaha Qamarada u qaabilsan qaxootiga iyo socdaalka ee IOM ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in 30 qof oo muhaajirin ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ah ay qaraqmeen, kadib markii dooni ay ka soo raaceen Yemen ay ku dagtay xeebaha Yemen.
Mukhallasiintii doonidan waday ayaa la sheegay in rakaabka ay rasaas ku fureen markii ay doonidu dagaysay. Warbixintan waxaa inoo haya Jacfar Kukay.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:40
0:00:00 /0:03:40
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Shaqaale UNICEF ka Tirsan oo Muqdisho Lagu Dilay

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin ajanabi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay'adda UNICEF lagu dilay xarun ay hay'addu ku leedahay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, maanta.
Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya hay'adda UNICEF.
Ilaa hadda lama oga sababta dilka ka danbeysa iyo waliba waddanka uu ninkaasi ka soo jeedo.
Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi gaareen, isla markaana ay meeshaasi ka daad gureeyeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa.
storvideo: 

Human rights official wants KDF withdrawn from Somalia

$
0
0

Human rights organization in Mombasa has called for the withdrawal of Kenya Defense Forces (KDF) from Somalia.
Haki Afrika’s Program officer Francis Auma said the continued stay of the KDF soldiers in neighboring Somalia is hurting Kenyans.
Speaking on Thursday in Mombasa, Mr. Auma said following the increased attacks in the Coast region, the troops should be withdrawn from the war-torn country to protect Kenyans.
Mr. Auma said the national government should enhance security in the country especially in areas prone to terror attacks and to guard the border.
He said the soldiers have failed to deal with Al-Shabaab militants who are now carrying attacks in the country, particularly in Lamu County.
The rights group wants the national parliament to pass a legislation that will allow the Kenya Defense Forces to withdraw troops from Somalia.
The group wants the troops to return back home so that they can guard their own porous border and prevent al-Shabab militants from attacking innocent Kenyans.
“While our troops are in Somalia fighting the terror group, the same militants have been crossing into the country and harming citizens especially in Lamu county which borders Somalia.”
“We want the government to withdraw its troops fighting al-Shabaab terrorist in Somalia so they can protect our borders,” said the officer.
The post Human rights official wants KDF withdrawn from Somalia appeared first on Shabelle.

Beesha Harawo oo Kalsoonidii kala Noqotay Xildhibaan...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen aqoonyahanada, waxgaradka, dhalanyarada iyo haweenka Beesha Harawo oo ka mid Beelaha Soomaaliyeed ayey si weyn ugu soo horjeesteen Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka, kana soo jeeda Beeshaasi.
Dhammaan Qeybaha kala duwan ee Beesha Harawo ee ka soo qeyb galay kulankaasi ayaa waxaa ay sheegeen in uusan Beeshooda matalin Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow
Ibraahim Isaaq Xasan oo ka mid ah waxgaradka Beesha Harawo, kana tirsanaa Ergadii soo dooratay Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow ayaa ku eedeeyay in uusan waxba u qaban Beesha Harawo.
Sidoo kale Yacquub Sheekh Ibraahim oo ah Nabadoonka guud ee Beesha Harawo oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Kalsoonidii ay kala laabteen Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow, kadib markii ay ka waayeen xuquuqda Beesha.
Ugu dambeyn Maryan Yacquub Ibraahim oo qeyb ka ahayd Ergadii soo dooratay Xildhibaanka ayaa xustay in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada uu ku hayo Aadan Ibraahim Dhaayow Beesha Harawo, iyadoo xustay in aysan jirin Cid uu wax u qabtay illaa iyo markii la doortay.Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 


Human rights official wants KDF withdrawn from Somalia

$
0
0

Human rights organization in Mombasa has called for the withdrawal of Kenya Defense Forces (KDF) from Somalia.
Haki Afrika's Program officer Francis Auma said the continued stay of the KDF soldiers in neighboring Somalia is hurting Kenyans.
Speaking on Thursday in Mombasa, Mr. Auma said following the increased attacks in the Coast region, the troops should be withdrawn from the war-torn country to protect Kenyans.
Mr. Auma said the national government should enhance security in the country especially in areas prone to terror attacks and to guard the border.
He said the soldiers have failed to deal with Al-Shabaab militants who are now carrying attacks in the country, particularly in Lamu County.
The rights group wants the national parliament to pass a legislation that will allow the Kenya Defense Forces to withdraw troops from Somalia.
The group wants the troops to return back home so that they can guard their own porous border and prevent al-Shabab militants from attacking innocent Kenyans.
"While our troops are in Somalia fighting the terror group, the same militants have been crossing into the country and harming citizens especially in Lamu county which borders Somalia."
"We want the government to withdraw its troops fighting al-Shabaab terrorist in Somalia so they can protect our borders," said the officer.
storvideo: 

Itoobiya oo siidaynaysa 2,000 oo maxaabiis ah

$
0
0

In ka badan 2,000 oo maxaabiis ah ayaa xabsiga laga siidaynayaa gobolka Oramiya ee dalka Itoobiya.

Itoobiya oo siidaynaysa 2,000 oo maxaabiis ah

$
0
0

In ka badan 2,000 oo maxaabiis ah ayaa xabsiga laga siidaynayaa gobolka Oramiya ee dalka Itoobiya.
Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistan ayaa la xiray ka dib markii ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedeen dowladda.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa toddobaad ka dib markii xabsiga heer fedaraal laga siidaayay maxaabiis uu ka mid ahaa hogaamiyaha mucaaradka ee Merera Gudina.
Maxaabiista maanta cafiska loo fidyay ayaa dhammaantood waxa lala xiriirinayay rabshadihii iyo dibadbaxyadii ka dhacay gobolka Oramiya.
Teshome Girma, oo ah madaxa cadaalada gobolka Oramiya ayaa arrintan u xaqiijiyay warbaahinta.
Maxaabiista xabsiga laga siidaayay ee maanta la shaaciyay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 2,345.
Dhammaan maxaabiistani ayaa waxaa cafis u fidiyay madaxwaynaha gobolka , waxaana la siidayn doonaa ka dib marka ay qaataan tababar dhaqancelin ah.

  1. Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaaray
  2. Maamulka Oramayi oo ka hadlay isku dhacyadii dhexmaray Soomaalida iyo Oramada
  3. Qalbi Dhagax muxuu u gilgiley quluubta Soomaalida?

In ka badan 1,500 oo ka mid ah dadka liiska ku jira ayaa horey dambiyo lagu helay islamarkana la xukumay.
Maxaabiista kale ayaa wali waxa ay sugayeen in maxkamad la soo taago.
Liiska maxaabiista la siidaayay wali lama shaacin , balse madaxa cadaaladda ee gobolka Oramiya ayaa sheegay in maxaabista la siidaynayo aysan ku jirin kuwa dil gaystay amaba dhibaato kale gaystay xilligii dibadbaxa.
Waxa uu intaa ku daray in sidoo kale maxaabiista la cafinayo aysan ku jirin kuwa burbur u gaystay hantida dowladda amaba kaabayaasha daqaalaha.
Go'aankan cafinta maxaabiista Oramaiya ayaa lala xiriirinayaa tillaabadii xisbiga haya talada dalkaasi ay ku dhawaaqeen ee ahayd in maxabiis la siidaynayo sida uu xaqiijiyay madaxa cadaalada.
Gobolka Oramiya ayaa ahaa gobol ay ka dhaceen dibadbaxyadii ugu xumaa sanooyiinkii ugu dambeeyay .
Tobonaan kun oo qof ayaa la xiray ka dib dibad baxyadaasi.
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo taageertay hawlgal khilaaf...

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa jimcihii maanta sheegtay in ay taageersantahay hawlgalka muranka dhaliyey ee Turkigu ka wado magaalada Afrin ee dalka Syria.
Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad oo magaalada Addis Ababa kula hadlay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency,ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay taageersantahay hawlgalka militari ee Turkigu ka bilaabay dalka Syria ee lagu baacsanayo Jabhadda Kurdiyiinta Maraykanku hubeeyo ee PYD.
Dowladda Turkiga ayaa sabtidi bilowday hawlgal ballaaran oo magaalada Afrin ee dalka Syria looga sifaynayo Jabhadda Kurdiyiinta PYD,waxaana hawlgalkas ka dhashay khilaaf weyn oo u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Maraykanka oo taageero hub iyo mid dhaqaaleba siisa Jabhadda PYD.
Turkiga ayaa rumaysan in Jabhadda PYD ay xiriir hoose la leedahay Jabhadda kale ee PKK oo dagaal xun kala dhexeeyo militariga Turkiga,laakiin xukuumadda Washington ayaa ku doodaysa in Jabhadda PYD ee kurdiyiinta ay door muuqda ka qaaday cirib-tirka dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Syria.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Soomaaliya oo taageertay hawlgal khilaaf weyn dhaliyey. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Xabadjoojin Bariga Ghouta ee Suuriya ka dhaqangalaysa

$
0
0

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka waddanka Suuriya ayaa sheegay in iyaga iyo dowladda Suuriya ay isku afgarteen xabadjoojin laga hirgaliyo deegaanka muddada dheer go'doonsanaa ee bariga Ghouta oo dhacda nawaaxiga caasimadda Dimishiq.

Xabadjoojin Bariga Ghouta ee Suuriya ka dhaqangalaysa

$
0
0

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka waddanka Suuriya ayaa sheegay in iyaga iyo dowladda Suuriya ay isku afgarteen xabadjoojin laga hirgaliyo deegaanka muddada dheer go'doonsanaa ee bariga Ghouta oo dhacda nawaaxiga caasimadda Dimishiq.
Ergeyda mucaaradka ee ka qeybgalaya wareega ugu dambeeyo ee wadahadallada nabada ee toddobaadkan uga furmaya dowladda Suuriya iyo mucaaradka magaalada Vienna ayaa sheegay in xabadjoojinta ay dhaqan gali doonto saacada soo socda.
Dagaalyahanada mucaaradka ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay balan qaaday inay dhaqan galineyso xabadjoojinta.
Balse waxa ay sheegtay inay ku xireyso shardi ah in gargaarka degdega ah uu gaaro deegaanada go'doonsan afar iyo labaatanka saac ee fooda nagu soa hayo.
Qiyaastii afar boqol oo kun oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku harsan yihiin bariga magaalada Ghouta, kuwaasi oo raashinka daruuriga ah uu kasii dhamaanayo, sidoo kalena goobihii caafimaadka ay burbureen.
storvideo: 

Aamina Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka...

$
0
0

26th January 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Aamina Maxamed u magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya, iyadoo baneyneysa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo shan sano ay heysay.
Aamina Maxamed ayaa mar kale ka mid noqotay Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaa horay loo hadal hayay in aysan ku soo laaban doono Golaha Wasiirada.
Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa loo magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Jabuuti iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sanadkii hore dib loo doortay ayaa si tartiib u wada magacaabista xilalka Wasiirada, waxaana uu dib u soo celiyay xubno ka mid ah Wasiiradii hore.
Post navigation
- Ma Dhulkii aynu Dhulbahante ka dhacnay ayaa ku dagaalamaysaan
storvideo: 


Buuraha Sacuudiga oo Baraf helay

$
0
0

27th January 2018 admin Category :
Gobolo ka mid ah Dalka Sacuudiga oo baraf ka da'ayo
Baraf xoogan ayaa ku dhuftay buuraha, dhulka hoose iyo dooxooyinka Buurta Aloz, ee ku taal dhulka waqooyi galbeed ee dalka Sacuudiga Subaxdii jimcaha
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sacuudiga (Saudi Press Agency), barafkan waxa la filayaa inuu sii socdo ilaa maalinta sabtida
Video_ Heavy snowfall hits parts of Saudi over the weekend - Khaleej Times
storvideo: 

Wasaaradda Beeraha Somaliland oo soo saartay tirakoobka dalagii soo go'ay 2017

$
0
0

Wasaaradda beeraha ee Somaliland ayaa warbixin ay soo saartay waaxda wax soo saarka beeraha waxa ay uga hadashay tirakoob ay ku soo sameysay dalagyada soo go'ay 2017.

Xarumaha lagu dhaqo gawaarida oo albaabada la isugu dhuftay Gaarisa

$
0
0

Shirkadda maamusha biyaha magaalada Garissa ayaa joojisay biyihii ay siin jirtay xarumaha lagu dhaqo baabuurta ee magaaladaasi.

Sucuudiga oo sii daayay qaar ka mid ah ragga ugu qanisan oo horey loo xiray

$
0
0

Dhowr ka mid ah ragga ugu qanisan uguna saameynta badan waddanka Sucuudi Carabiya ayaa la sii daayay kaddib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas'uuliyiinta waddankaasi.

Sucuudiga oo sii daayay qaar ka mid ah ragga ugu...

$
0
0

Dhowr ka mid ah ragga ugu qanisan uguna saameynta badan waddanka Sucuudi Carabiya ayaa la sii daayay kaddib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas'uuliyiinta waddankaasi.
Raggan ayaa lagu soo qabtay howlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa lana bilaabay Nofeembartii la soo dhaafay.
Waxa ay ka mid ah ahaayeen in ka badan 200 oo amiir, bilyaneerro iyo saraakiil lagu hayay hoteelka Ritz Carlton ee magaalada Riyaad, kaas oo lagu wado in dib loo furo 14-ka bisha Febraayo.
Sacuudiyiinta ayaa dhammaadka howlgalkan waxa ay rajaynayaan inay ku xoojiyaan dhaqaalaha dalka ugu yaraan 100 bilyan oo doolar.
Dadkan awoodda badan ee la soo daayay ayaa waxaa ka mid ah Waalid Al-Ibraahim oo ah milkiilaha taleefishinka Carbeed ee MBC ee ah midkii ugu horreeyay ee si gaar ah loo leeyahay.
BBC-da ayaa waxaa loo sheegay in ninkaasi uu haatan dib ugu laabtay qoyskiisa oo deggan magaalada Riyaad.
Lama shaacin faafaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska kama dambeystii ay mas'uuliyiinta waddankaasi raggaasi ku sii daayeen.
Balse waxaa jira warar sheegaya in ninkaasi lagu sii daayay saamiga uu ku leeyahay taleefishinka MBC, kaas oo ah midka weli ugu ballaaran shirkadaha warbaahinta ee ka jira Bariga Dhexe.
Dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa waday howlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa waxaana la rumaysan yahay in dano shakhsiyadeed uu ka lahaa wadaxaajoodyada ka socday hoteelka Ritz Carlton.
Ugu yaraan saddex qof oo kale oo caan ah ayaa sidoo kale ka mid ah ragga la sii daayay kaddib markii heshiis lala galay.
Waxaa ka mid ah Khaalid Al-Tuwaijiri, kaas oo mar madax ka ahaa maxkamadda boqortooyada xilligii Boqor Cabdallah.
Dadka weli aanan heshiiska gelin ee xabsiga loo taxaabi rabo waxaa ka mid ah ninka qaniga ah ee Alwaleed bin Talal kaas oo diiday in xoriyaddiisa uu ku iibsado inuu bixiyo lacago badan.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live