Marka hore waxaan salaamayaa bahda warbaahinta somaliland gaar ahaan oodweyne news oo mar walba inaga haqab tira wararka dalka iyo dibedaba
Waxay nu ognahay in Somaliland ka koobantahay lix gobol oo waawayn oo kala ah maroodi jeex, togdheer ,boorama saaxil,sanaag ,iyo sool ,waxa kala oo jirtay in dawladii riyaale dalka ku soo kordhisay gobolo cusub oo ay ka mid ahaayeen
1) Oodweyne 2) gabiley 3) selel 4) saraar 5) hawd
Wax aynu lawada soconaa in dhamaan tartamadii kala duwanaa ee laga ciyaaray somaliland in ay ka qayb qaadan jireen lixda gobol ee waawayni oo qudha hadaba waxa dhacday in tartankan la doonayo in dhawaan lagu qabto burco in wasiirka ciyaaraha uu go’aan ku gaadhay in ay ka qayb galaan 8 gobol oo kala ah lixidii gobol ee waawaynaa iyo 2 gobol oo kuwii danbe ah oo uu isagu ku daray kuwaasoo kala ah gabiley iyo Hawd .
Hadaba su’aashu waxa weeye goboladii kale sida oodweyne, selel,iyo saraar maxay tahay sababta uu wasiirku uga reebay tartanka ciyaaraha mise waxaanu u aqoonsanyn in ay yihiin gobolo
Miyaanu ogaynse wasiirku in dhamaan gobolada dalka oo dhan uu wasiir u yahay oo ay cadaalad uga fadhiyaan !!!!!!!!!!!!!
Fadlan waxaan jecelahay in aa doodan fikradiina ka dhiibataan iyo sabata lookala soocay goboladii dalka ??????
by qaasim diiriye ( wadani )
qaasim444@hotmail.com
————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
Dood furan maxay tahay sababta uu wasiirka ciyaaruhu gobolada dalka qaar ka mid ah uga reebay in ay ka qayb qaataan tartanka kubada cagta ?????
↧