Roobab xoogan oo lagu diirsaday ayaa waxay ka da’een magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna roobabka ay da’ayeen dhawr saacadood oo xiriir ah.
Roobabka ka da’ay magaaladda Muqdisho, ayaa waxay xalay iyo maantaba ay ka da’een, xilli maalmihii ugu dambeysay ay magaaladda Muqdisho ka dhaceen dagaalo culus oo ay ku daateen dhiig badan.
Roobabka ka da’ay magaaladda Muqdisho, ayaa waxay wateen neecow wanaagsan, waxaana si weyn ugu diirsaday shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee ku yaalla Gobolka Banaadir.
Wadooyinka waaweyn ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa dhigay biyo badan oo roobabka ah, waxaana maanta la-arkaayay dhalinyarada reer Muqdisho oo kubada cagta ku ciyaareysa qeybaha magaaladda, gaar ahaan deegaanada ay gacanta ku heyso Dowladda Somaliya.
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa maanta ka jirta dhiiqo xoogan oo roobabka ah, waxaana la-soo sheegayaa in ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay maanta hadal-hayaan roobabka xoogga leh ee ka da’ay magaaladda, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.
Ugu dambeen roobabka ayaa waxay maanta reebeen hadalo badan, oo ay siyaabooyin kala duwan u hadal-hayaan shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
↧
Roobab xoogan oo ka da’ay magaaladda Muqdisho iyo reer Muqdisho oo ku diirsaday
↧