Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Heshiis La Dhex Dhigay Beelo Dhawaan Ku Dagaalamay Degmada Rako Ee Gobalka Karkaar

Rako (RBC):- Waxa shaley degmada Rako ee gobalka Karkaar heshiis kuwada gaaray beelo dhawaan labo jeer ku dagaalamay tuulooyin hoos yimaad Rako kuwaas oo isku heestay dhul daaqsiin iyo Ceel Biyoodyo.
Gudi gaaraya ilaa 25-xubnood ayaa oo ka soo kala jeeda dhinacyadii dagaalamay oo wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa maalmahan waxa ay kulamo colaada lagu soo gabagabeenaayo ay ku lahaayeen degmada Rako.
Gudigan oo ay ku jireen cuqaal, wax gara iyo ismo ayaa sheegay in si rasmi loo dhameeyay colaadii beelaha Ugaar Saleebaan iyo Cali Saleebaan
Dhamaan masuuliyiintii u hadlay beelahan waxa ay sheegen in ay dhinac uu adkeen doono heshiiska uuna dhiniciisa dhaqan galin doono.
Masuuliyiintii ka hadlay heshiiska waxa ka mid ahaa Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay maamulka Puntland heshiiska ay gaareen labada beelood.
Waxa ka hadlay Wasiirka duulista hawada iyo Garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute oo qayb ka ahaa wasiiro maalmahan u joogay degmada Rako ayaa ku booriyay wax garadkii ka soo jeeday labada beel in ay meel mariyaan heshiiska oo aan mar dambe la soo cusbooneesin dagaalada iyo in si nabad galyo loo qayb sado ceel biyoodyada iyo Dhul daaqsimeedka.
Bishii La soo dhaafay ayay ahayd markii ugu yaraan 10-qof ay ku dhinteen degmada Rago ka dib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan.
RBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles