Taariikhdu waxay bani aadamka bartaa casharo muhiim u ah in ay tixraac ka dhigtaan si ay go’aan qaadasho wanaagsan u sameeyaan. Boqortooyadii Romanka ee Germania, Xoogagii Faransiiska ee Al jeeriya qabsaday, American kii Vietnam gashay iyo Soviet kii Afghanistan ka dagaal galay dhamaan waxay dad badan tusisay in Wax iska caabinta ama muqaawamada (insurgents) aan la loodin karin oo guusha u dambeyn doonaan.
Lakin arinta layaabka leh ee taariikhda na bartay oo xaaladahaas oo dhan been tiri waa qaabkii lagu jabshay laguna tirtiray kooxdii LTTE oo la dhihi karo waa muqaawamadii ugu awooda badneed uguna xariifnimo dagaal iyo dhaqaalo badneed inta muqaawamo aduunka soo martay. kooxdan waxay la dagaalami jireen dowladda Sri Lanka ee qaarada Asia. Dagaalkooda wuxuu socday mudo kabadan 33 sano.
Lakin marki dambe si layaab leh ayaa looga awood roonaaday iyagoo waliba awoodooda militari meeshi ugu fiicneed mareso.
Kooxdan waxay heesteen dhul baaxadiisa dhan 15,000 square kilometre waxayna lahaayeen awood militari dhanka cirka, dhulka iyo badaba oo ay mararka qaar kaga yaabsin jireen dowlada. Waxay noqotay kooxdii ugu horeysay ee waayahan casriga ee bilowday isqarxinta iyagoo fuliyay 325 is qarxin oo ku dileen dad badan iyo madax badan. Intii u dhaxeysay 1999-2008 waxay qaadeen in aan ka yareen 60 weerar badda ah. Waxay ku raaxaysan jireen taageerada dad malaayiin Tamil ka loo yaqaan oo 44 wadan aduunka ah kala joogay oo sanad kasta u soo aruurin jiray lacag gaaraysa $80-$200 million oo dollarka maraykanka ah.
Hadaba kooxdan awooda intaa le’eg oo si daran looga argagixi jiray markii la maqlo waxaa dhacday in looga adkaado dagaal militaray iyo xeelado kale. Hadaba waxaa isweydiin mudan sidee maanta kooxdan dalkeenna hooyo ka jirta diidayna in wada hadal wax lagu xaliyo isla markaana daadinaysa dhiiga umada shacabka hadana inkiriyaan looga bixin lahaa wadan ka iyadoo laga tirtirayo gebi ahaan wadanka?
Waxaa hubaal ah hadii Dowlada ku dhaqanto xeeladahan ama strategy yadan hoos ku xusan in natiijo la taaban karo gaarayso:
Strategy #1:Kasbo taageerada dadka
Koox kasta oo muqaawamo sheegata kaliya laguma jabin karo awood militari. Dowlada waxaa la gudboon in ay kasbadaan taageerada shacabka. Waa in ay laga helaa dowlada ficillo ay dadka maanta dhibaatada gaajo iyo waxbarasho la’aanta haysa gacan u fidisaa sida kordhinta taakuleynta dadka abaaraha ku dhufteen, ku baraarujinta nabadda iyo in la imaato qorshe horumarineed ee dhalinyarada wax loogu qabanayo sida shaqo abuur iyo deeqo waxbarasho. waa in ay ka faa’iideysataa qaladaadka kooxdan ay galaan iyo cadaadiska ay ku hayso umadda.
Stratery #2: U dagaalan sidii Jabhadii oo kale.
Waa wax loo baahanyahay in la isticmaalo qalab waaween ee militari sida tank yada iyo diyaaradaha lakin waxaa jira xeelad aad loo amaanay oo natiijo wax ku ool leh lagu helay. waa in la sameeyaa unugyo ama kooxo yar yar ilaa 10-12 askari oo si heersare ah loo tababaray oo guureeya habeenkii oo qaada dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo lagu jahwareersho cadowga. Unugyadan waa in ay si qarsoodi ah u galaan dhulka cadaoga iyagoo dilal gaadmo ah ku fulinayaan saraakiisha iyo ciidamada cadowga.
Stragety #3: Go’doomi cadowga maaliyad iyo dublamaasi ahaanba
Waxaa muhiim ah in dunida la tusiyo dadkan in ay qatar ku yihiin dagaanasha iyo nabadda gobolka iyo waliba caalamka. waa in laga joojiyaa ilaha dhaqaalaha ay u soo maraan. waxaa sidoo kale arin muhiim ah in dowladaha deriska ah lala kaashado in aysan wax kaalmo ah siinin.
Dad badan aya is weydiin kara sidee Ethiopia oo cadow soo jireen ah loola kaashan karaa. lakin waxaa in la fahmo ah in aysan macquul aheyn in aad ka adkaatid koox mucaarad ah oo taageero toos ah ka heleyso wadamada deriska ah.
Dhanka kale hadii laga fiirsho wadan kasta wuxuu leeyahay ujeedo daneed marka waa in la iskaashadaa iyadoo mid walba danaheeda lagu xad gudbeyn oo aan xaqeeda la duudsiin.
Strategy #4: Kala qeybi oo xukun
Xeeladan waa mid aad muhiim ah si loo wiiqo awooda koox kasta oo mucaarad ah. Waa in laga faa’iideystaa kala jabka iyo khilaafka dhexdooda ah. Waa in la siiyaa saraakiisha soo goosanaysa iyo ciidanka balan qaad ah in nabad galayaan oo waliba laga qeyb galin doono horumarka iyo dib u dhiska wadanka. Madaxdan soo goosanaysa waxay muhiim u noqon karaan in la helo warbixinno xasaasi ah oo tilmaamaya inta ay le’egtahay awoodaha kooxda mucaaraka iyo waliba qaabka loo jabin karo.
wabillaahi towfiiq
↧
Sidee Dowladda iyo shacabka Somaliyeed ay u tirtiri karaan kooxaha nabadiidka ah “Warbixin”
↧