Xildhibaanada Barlamanka Somalia ayaa afkii juugda gabay iyadoo in yar ey ka hadleen soo gelitaanka ciidamada Sawaaxiliga Kenya ee dalka Somalia.
Aritan ayaa loo aaneynayaa iyada oo xildhibaanada badankood ay deggan yihiin dalka Kenya iyagoo waliba halkaasi ey ku leeyihiin ganacsi iyo maherado kala duwan oo ku shaqeystaaan.
Xildhibaanada ayaa waxaa loo maleynayaa ineysan dooneyn in ka soo horjeestaan dowladda Kenya iyagoo danahooda khaaska ah ilaashanaya.
Sida uu hadda ka hor maqaaal uu qoray in la yiraahdo Donald Kiptir uu ku sheegay in xildhibaanda Somalia iney u coddeeyaan in Kenya ku darsoonto somalia ey aad u sahalan tahay ayaa haatan waxaa la l'ayey xildhibaan ku dhiirada inuu ka hadlo qabashada ciidamada sawaaxiliga Kenya ee gobolada Koonfureed ee Jamhuuriyada SOmalia.
Proffessor Dhalxa ayaa afkiisa war laga hayaan illaa iyo hadda oo uu ku sheegayo inuu ka xunyahay in Kenya wadankeena gudaha u soo galaan.
Si kastaba, illaa iyo hadda lama hayo xildhibaan sheega fikradiisa iyagoo sida cad ka baqaya iney ka xanaajiyaan dowladda Kenya oo ey dano khaas ah ku leeyihiin.