Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dad masaakiin ah oo maanta lagu dillay magaaladda Galkacyo iyo Saraakiisha Ammaanka oo ka hadlay

$
0
0

Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta dad masaakiin ah ay ku dilleen Koonfurta Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo dhinaca kalana ay ka hadleen Saraakiisha Ammaanka ee Koonfurta Galkacyo.
Kooxo aan heybtoodu la-aqoonsan ayaa waxay maanta laba ruux oo masaakiin ah ay ku dilleen Koonfurta Magaaladda Galkacyo, isla-markaana waxaa la-sheegay inay ka qaateen teleefanka gacanta ee Mobile-ka.
Kooxda dhacdadaan geysatay ayaa waxay si farsamo leh ay uga baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen oo ay iskugu soo baxaan boqolaal ruux oo ka tirsan shacabka ku dhaqan Koonfurta Magaaladda Galkacyo.
Dilka kadib ayaa waxaa arintaan ka hadlay Saraakiisha Booliska ee Maamul Goboleedka Galmudug States, isla-markaana waxay sheegeen in arintaan ay ka dambeysay kooxo aan weli la-aqoonsan.
Hase ahaatee waxay sheegeen inay ku raad jooggaan kooxdii ka dambeysay dilalka labadaan ruux, isla-markaana waxay sheegeen inay gacan adag ay ku suggi doonaan ammaanka Koonfurta Magaaladda Galkacyo.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa sii xumaaneysa ammaanka Koonfurta Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo dhamaadkii bishii hore laga qafaashay laba saraakiil oo Ajaaniib ah, kuwaa oo u kala dhashay Maraykanka iyo Denmark.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>