Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Baarlamanka Somaaliya oo loogu Hanjabey in Cunaqabatayn la Saari doono Haddii Khilaafaadkiisa Xalin Waayo

$
0
0

Waxaa Dalka Jabuuti weli ka socda Shirkii ICG oo ah Wadamada Daneeya Arrinta Soomaaliya ayaa arrimihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa Road Map-ka. Shirkan oo ay ka qayb galayaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya, Guddoomiyaha Barlamanka ee xilka laga qaaday, Madaxweynaha Gal Mudug iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa halkaa khudbad ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz.waxaa la filayey in shirkaas uu ka qaybgalo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed balse ka baaqdey arrimo Shaqo oo ka jira Gudaha Mudane Gaaz ayaa soo hadal qaaday arrimaha dhamaystirka Road Map-ka isagoona hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay meel marinta Heshiisyadii Kambala .
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegey in Beesha Caalamku ay xiligan ku hawlan tahay sidii looga gudbi lahaa ku meel gaarka sidaa darteedna ay xukuumaddiisu kala shaqaynayso sidii arintaa loo dhamayn lahaa maadaama ay Xukuumadu u harsan tahay Bilooyin Kooban.
Cabdiraxmaan Yariisow oo ah Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaa kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in qodobadii ka qayb galayaasha Shirka ay soo jeediyeen ay ka mid ahayd in Baarlamanka Soomaaliya maalmaha soo socda uu xalliyo khilaafkaasa isla markaana la helo Baarlamaan Xukuumad iyo Beesha Caalamka oo isku si u wada Shaqaynaya si soomaaliya Nabad loogu soo dabaalo .
Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in shirku uu soo hadal qaaday in Cuna qabatayn la saaro cid alla iyo ciddii ka hor timaada xalka la doonayo in lagu soo af jaro Khilaafka mudada hareeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Mudane Yariisow ayaan dhinacna Eedda Saarin labada Garab ee uu Barlamanku u qaybsan yahay isagoo taa bedelkeedana kaga wareegay in cuna qabatayntu ay tahay mid u gooni ah ciddii ka hor timaada dadaalka Beesha Caalamku ku dooneyso sidii loo soo af jari lahaa Khilaafka Barlamanka
Xildhibaanada ka soo hor jeeda Guddomiyanimada Shariif Xasan ee xilka laga qaaday ayaa ku adkaysanayay in marnaba aanay aqoonsanayn Shariif Xasan inuu yahay Guddoomiyaha Barlamanka isla markaana ayan aqbalayn inuu inta Baarlamanka soo hor fariisto ilamarkaana mar kale uu Hagaamiyo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles