Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ardayda Somaliyeed ee dalka Bangladesh oo Shaaado gudoon-siiyay Safiirka Turkiga u joogga dalkaasi “Daawo Sawirada”

$
0
0

Waxaa maanta safaaradada dalka Turkiya ee wadanka Bangladhesh kullan aad iyo aad muhiim ahaa ku yeeshay gudi matalayay ardayda Somaliyed ee wadanka Bangaladhesh iyo safiirka dowlada Turkiya ee wadankaan.
Kullanka ayaa waxay isla-soo qaadeen xaaladda ardayda Somaliyed waa waxkabarata wadankaan, iyadoo gudiga ardayda Soomaaliyed ay u gudbiyeen safiirka dokument ay ku xusnaayeen mahadcelin balaaran ee ay u mahad celinayeen dowlada Turkiya, dadaalki hagar la’aaneed ay lagarab istaageen umadda Soomaaliyeed iyo dhibaatoooyinka mararka qaar soo wajahda ardayda Somaliyed ee waxkabarata wadankan.
Safiirka ayaa soo dhaweeyay mahad-celinta ardayda Somaliyeed, kuna sheegay ardayda inuu isku dayi doono inta tabartiisa ah inuu wax kaqabto dhibaatooyinka mararka qaar soo wajaha ardayda, uuna ku dadaali doono sidii uu u garab istaagi lahaa.
Safiirka ayaa ka dhawaajiyay inay garab istaagnaan doonaan umada Soomaaliyed iyo umada Muslimiinta oo iudil, wuxuuna ardayda ku dhiira-giliyay inay u dadaalaan wadankooda, ayna isku dayaan inay wax u qabtaan.
Wuxuu sheegay haddii wax la-qabanaayo in shaqsi kaliya uusan wax qaban Karin, balse intii waxbaratay oo is kaashata ay wax badan qaban karayaan, isla-markaana ay badeli karayaan.
Ugu dambeen ardaydii Soomaaliyeed ayaa waxay gudoon-siiyeen safiirka shahaado sharaf ay ugu mahad-celinayeen Dowladda iyo dadka reer Turki, oo wax weyn ka qabtay xaaladda dalka iyo dadka Somaliyeed.


Maxamed C/Laahi
warsame0202@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>