Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

DEG DEG:-Wariye Goor Dhoweyd Lagu Dilay Gaalkacyo

$
0
0

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen wariye ka mid ah wariyeyaasha ka howlgalla magaaladaasi.
Allaha u naxariistee wariyahan la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Cali Axmadeey waxaana uu ka howlgali jiray Radio Gaalkacyo oo ku yaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayadoo wariyahanna ay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysan xili uu ku sugnaa nawaaxiga Hotelka Guureeye ee waqooyiga magaaladaasi.
Kooxaha wajiyada soo duubtay ayaa wariyaha dhowr xabadood kaga dhiftay madaxa waxaana ay ka baxsadeen goobta ay dilka ku geysteen mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka magaalada Gaalkacyo iyo kan gobolka Mudug ee Puntland.
WIXII WARAR AH EE KUSOO KORDHA KALA SOCOD RADIOMUQDISHO.NET


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>