Ceerigaabo(OWN) Mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee magaalada Ceerigaabo ayaa habeennimadii wax qabsaday dab xooggan oo sida la sheegay kazoo bilawday goob bakhaar ah oo haweenka danyarta ee xaraashka oo goobtani dhabarka ku hayso fadhiistaa ay alaabada ku urursan jireen bakhaarkaas oo isagoo xidhnaa awgeed la ogaadey goor wixii yaaalley intooda badani gubteen dabkuna debedda usoo baxay Waxana arrintan u gurmadey dadweyne aad u tiro badan iyadoo nasiib-wanaag ahayd goob u dhow maqsinka jaadka (571) oo xilligaas dadweyne iyo gaadiid badani ka aga dhowaayeen sidoo kalena ciidanka boliiska magaalada Ceerigaabo oo iyaguna adeegsanayey gaadiidka yar yar ayaa goobtaassi xooggan uga hawl galay una qaybsamay inay dab-daminta ka qayb qaataan iyo inay badbaadiyan alaabooyinka kala duwan ee debedda looga soo daadinayey meheradahaas waxana meherado badan oo isugu jirey dukaannada dharka kaalmaha shidaalka iyo meelo badeecadaha kale lagu iibiyoba alaabadii si deg deg ah looga daad gureeyey.
Lama oga ilaa hadda marka laga reebo bakhaarkaaas dabku ka dhashay inta ay le’eg tahay waxyeellada dabkaasi gaadhsiiyey meheradihii ka ag dhowaa oo qaarkood dabkaasi qabsaday intii alaabada laga daad guraynayey.
Mana jiro wax gaadiid dab-damis ah oo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkan Sanaag ku sugani taasi oo ah dhibaato laxaadkeeda leh oo si fudud ugu sahli karta dhibaatooyinka noocan oo kale ahi inay saamayn we\yn iyo khasaare ballaadhan bulshada ku yeeshaan.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo Office.
↧
Dab Qabsaday Mid Ka Mid Ah Suuqyada Ganacsiga Ee Ceerigaabo
↧