Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Shiikh Xasan Daahir oo ganacsatada Soomaaliyeed eedeyn kulul dusha uga tuuray: Muxuu ku eedeeyay?

$
0
0

Hogaamiyaha Xisbul Islaam, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa weerar afka ah ku qaaday ganacsatada Soomaaliyeed ee Alle maalka aduun u dhiibay.

Shiikha oo kulan deegaanka Ceelasha Biyaha kula qaaday qaar ka mid ah Maal-qabeenada ayaa si cad oo aan leexleexad laheyn ganacsatada ugu eedeeyay in ay ka baaqsadeen ka qeybqaadashada Jihaadka ka dhanka ah Dowlada iyo AMISOM ee ay xoogagiisu ku jiraan.

"Waxaad ka baaqsateen in aad maalkiina ku taageertaan Jihaadka idinkoo ka baqaya in Gaaladu ay idinku daraan waxyaabaha ay ugu yeeraan Liiska Argagixisada" Sidaas waxaa koox ganacsato ah u sheegay Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Inkastoo ganacsatadii kulanka soo xaadirtay ay ka meermeereen ka gilgilashada eeda uu Shiikhu dusha uga tuuray ayaa hadana sida uu sheegayo mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay kulankaas waxay ganacsatadu ka gaws-adeegeen wax balan qaad ah in ay sameeyaan waloow aysan si toos ah uga soo horjeesan hamiga shiikha.

Shiikh Xasan ayaa shaqsiyan ka soo horjeeda Siyaasada aan Soomaalida u hiilineyn sida dad badani qabaan ee Reer Galbeedka iyo weliba dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Shiikh Shariifka ay beri jaalaha ahaayeen, taasina waxay kaliftay in liiska waxyaabaha ay u yaqaan reer Galbeedku Argagixisada ay ku biiriyaan magaciisa.

halgankanet@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>