Gudoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Daaci) ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Sader ruux iyo gaari uu sheegay inay saarnaayeen hub iyo Bambaanooyin kala duwan. Axmed daaci waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ee degmada ay ragaas iyo gaariga ay wateen ay gacanta ku dhigeen, islamarkaana haatan ay ku jiraan xabsiga degmada waxaana uu intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaano kala duwan. Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in hubka ay qabteen ay ka mid ahaayeen Bambaanooyin Qoryaha fud fudud iyo Rasaas kala duwan, isagoo sheegay in maamulka uu haatan ku howlan yahay sidii loo ogaan lahaa halka hubka loo waday. Si kastaba ha’aahaatee Degmada Wadajir ayaa ka mid ah goobaha inta badan ciidamada dowlada KMG ah ay ka sameeyaan howlgalada kala duwan waxaana lagu tilmaamaa degmada ugu amaanka roon deegaanada ay maamusho dowlada KMG ah.
↧