Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Gen.Galaal oo ciidamo ku tababaraya Guriceel

$
0
0

Culuma,udiinka Ahlu Suna Waljamaaca ayaa sheegay in ay ka bilaabeen
degmada Guriceel tababaro dhinaca ciidamada ah kaasoo halkaasi shalay ugu bilowday boqolaal ciidamo karuud ah oo laga soo ururay degaanada ey ka taliyaan Ahlu sunnah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Guriceel ee maamulka Ahlu Sunna, Cali
Baashi ayaa wuxuu sheegay ujeedada loo tababarayo ciidamada inay tahay
si loo xakameeyo ammaanka guud ee deegaanada ay ka taliso Ahlu Sunna.

Tababarka ayaa waxaa bixinaya saraakiil uu ka mid yahay Janaraal Maxamed Nuur Galaal.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel ayaa u mahad celiyay saraakiisha tababarka bixineysa.
Ciidamada la tababarayo oo tiradoodu gaareyso laba boqol askari ayaa ka
howl gali doona magaalada Guriceel iyo deegaanada kale, sida uu sheegay
gudoomiye ku xigeenka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>