Wa murtiyeed ay si wadajir ah magaalada Nayroobi uga soo saareen mas'uuliyiinta kala ah Wakilka UN-ka ee Soomaaliya Augustine P. Mahiga, Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Boubacar Diarra iyo Sarkaalka IGAD u qaabilsan nabadda iyo dib u heshisiinta Kipruto Arap Kirwa ayaa lagu muujiyay sida ay u arkaan khilaafka ka soo dhex butaacay Mas'uuliyiinta Dowladda soomaaliya dhexdooda.
Warkan oo dhinacyo badan ka eegaya xaalada siyaasadeed ee uu haatan dalku marayo ayaa waxaa hadaladii ku qornaa ee sida gaarka ah farta ugu fiiqyayay mas'uuliyiinta dowladda ka mid ahaa erayadan; "Xubno badan oo beesha Caalamka ka tirsan ayaa si daal-la'aan ah u garab taagan maamulka iminka ka jira Soomaaliya, waxayna xubnahaasi ugu baaqayaan madaxda DKMG ah inay khilaafkooda damiyaan ayna doobirka saaraan sidii ay kusoo celin lahaayeen ammaanka dalka xilliga yar ee u haray"
War murtiyeedkan oo aan mas'uuliyiinta kala soocin ayaa madaxda dowladda si wadar ah ugu ku tirtirsiiyay in ay ka gudbaan muranka aan loo baahneyn ee wax dhiseyn una gudbaan wax qabad la taaban karo si dalku uga gudbo kala guurnimada shacabkuna u helo fursad aan ku meel gaar aheyn iyo dowladnimo taam ah oo ay shinsadaan.
Waxaan oo dhan ayaa dhacaya xili dabeylo siyaasadeed aan wannaagsaneyn ay ku dhufteen Dowladda Soomaalida oo markeedi horeba la daalaa dhaceysay dagaalo sokeeye, dhaqaalo xumo baahsan, nabadgelyo la'aan daran iyo weliba musuqmaasuq xidideystay oo aan xisaabi ka dambeyn.