Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

War-Saxaafadeed Madaxwayne Siilaanyo oo kulan saacado qaatay la yeeshay Maanta Madaxda Hay'adaha Madaxa banaan ee Dalka

$
0
0

 War-Saxaafadeed :
Madaxweynaha
JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu maanta kulan
Saacaddo Qaatay Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Hay’adaha Madaxa Banaan
ee Dalka.

    Madaxweynuhu waxa uu Madaxda kulankan ka soo  qayb gashay kaga
Dhegaystay Warbiximo ay ka bixiyeen Hay’adaha ay  Madaxda ka yihiin
iyada oo masuul walba uu warbixintiisa uu si Tafatiran u soo Bandhigay
Hawsha iyo xilka ay Qaranka u hayso Hay’ada uu Madaxda ka yahay, xalada
ay Hay’adu ku sugantahay, Caqabadaha Horyaala iyo Kuwa ay Furdaamiyeen
iyo weliba Qorshaha ay Hay’adu  fulindoonto Mudada Dhaw  iyo kuwa ay
Damacsan tahay inay Mustaqbalka fulinayso.

    Madaxweynaha JSL
ayaa Madaxda kulanka ka soo qayb gashay ka Dhegaystay Warbixintaasi 
waxaanu masuuliyiintaa ku amaanay Sida ay ugu Diyaarsanyihiin Hawsha ay u
xilsaaran yihiin, waxaanu kula dardaarmay in ay Warbiximahan  Tafatiran
ee ay u soo jeediyeen ka Dhabeeyaan oo ay Ficil u bedelaan.

   
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintan u sheegay in ay yihiin Baalasha uu
ka sugaayo in ay ka Dhabeeyaan isbedelka ay  umadu ka sugayso Xukuumada.

   
Ugu Danbayna waxa uu Madaxweynuhu Maddaxda Hya’adaha Madax banaan ee
kulanka ka soo qayb gashay ku wargeliyey inuu Bilkasta  Laba Goor
kulankan oo kale layeelandoono iyaguna waxay uga mahadnaqeen
Madaxweynaha  in aanay Fursadan oo kale hore u helin isla markaana waxay
u balan qaadeen in ay Fulindoonaan Dardaarankiisa kana Dhabayn doonaan
Maamul wanaaga uu ka rajaynaayo Madaxweynuhu.

    Madaxda Hay’adaha uu madaxweynuhu Shirkan la qaatay waxay kala ahaayeen sidan:-

    No
        

    Name
        

    Title
        

    State Agency

    1
        

    Axmed Mohamed Madar
        

    Gudomiye
        

    NIC

    2
        

    Cali Siciid
        

    Maareeye
        

    Madbacadda Qaranka

    3
        

    Siciid Saleebaan Mire
        

    Gudoomiye
        

    SQCC

    4
        

    Ibraahim Aadan  
        

    Xisaabiye Guud
        

    Xisaabaadka Guud

    5
        

    Xasan Cismaan Aadan
        

    Maareeye
        

    Hay’adda Korontada

    6
        

    Xasan Aw Aadan Cabdi
        

    Gudoomiye
        

    H/Dib u habaynta

    7
        

    Aamina Cabdillaahi Axmed
        

    Gudoomiye
        

    Xuquuqda Iisaanka

    8
        

    Aamina Maxamuud Diiriye
        

    Maareeye
        

    Samafalka Madaxtoyada

    9
        

    Ibraahim Siyad Yoonis
        

    Maareeye
        

    W/Biyaha Hargeysa

    10
        

    Cali Cabdillaahi Daahir
        

    Gudoomiye
        

    ICT Commission

    11
        

    Cabdi Dirir Cabdi
        

    Gudoomiye
        

    Centeral Bank

    12
        

    Aadan Cabdillaahi Xasan
        

    Gudoomiye
        

    G.G.Qandaraasyadda Qaranka

    13
        

    Jamaal Caydiid Ibraahim
        

    Maareeye
        

    NDC

    14
        

    Cabdi waaxid Cabdiqaadir
        

    Maareeye
        

    SRA

    15
        

    Muxumed Aw Cabdi
        

    Gudoomiye
        

    Hay’adda Shaqalaha

    ALLAA                            MAHAD                                 LEH

     

     

    Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

        Af-hayeenka Madaxtooyada JSL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>