Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

R/Wasaaraha KMG ah oo baaq u diray culumaaudiinka Ahlu Sunnah Waljamaaca

Sii-hayaha xilka R/waraaraha Somaaliya
mudane C/waaxid Climi goonjeex oo Radio Muqdisho u warmay ayaa  ka
hadlay go’aankii dhowaan ka soo baxay culima’udiinka Ahlu Sunna ee ku
aaddanaa in ay ka noqdeen dhankooda heshiiiskii ay dowladda Soomaaliya
ku kala saxiixdeen magalada Adib Ababa ee dalka isagoo hadalkaas ku
tilmaamay mid aan u daneyneyn midnimada Umadda iyo mata bixinta dalka
Soomaaliya.

R/wasaaruhu Waxa uu sheegay in
xukuumadda Soomaaliya ay fulisay qodobadii lagu gaaray heshiiskaas
islamarkaana Ahulu-suna ay qayb ka noqotay xukuumadda kaddib markii
xubno wasiiro ah oo metelaya  Ahlu-sunna dowladda Soomaaliya lagu soo
deray.

Mudane C/waaxid Goonjeex ayaa culimada
ugu baaqay in ay dhowraan qaranimada oo ay ka dhur sugaan hanaanka
dowladdanimo iyo xukuumadda cusub ee dhowaan la filayo in la soo dhiso
maadaama hadda ay dhacday xukuumadii ay qeybta ka ahaayeen, wuxuuna
lagama maarmaan ku sheegay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray
Culimada iyo Dowladda FKMG.

Siihaya xilka R/waasaaranimo ayaa dhanka
kale sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dowladdnimada
iyo difaaca dalka Soomaaaliya oo xilligaan ku sugan xaalad xasaasi ah
iyo dagaal ay dalka ku soo qaadeen kooxo ajaanib ah oo ka
faa’iidaysanaya shacabka Soomaaliyeed oo aan aragti midaysan qaadan iyo
nidaam darrada mudda ka jirtay dalka.

Dhowaan culimaa’udiinka Ahlu sunna ee ku
sugan gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka labaateen
heshiiskii ay xukuumadda Soomaaliya ay kula galeen magaalada Adis Ababa
bartamihii bishii march ee sanadkaan, Culimada kale ee ka tirsan ASWJ
eek u sugan Muqdisho ay sheegeen in ay wali qeyb ka yihiin Dowladda KMG
ee Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>