Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Shariif oo Addis Ababa ku sugan

$
0
0

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweyne Shariif ayaa halkaasi kulamo kula yeelanaya ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi iyo saraakiil ka kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Sida ay VOA-da u sheegeen xubno ku wehliya madaxweynaha safarkiisa Addis Ababa, in madaxweyne Shariif uu kulamo la qaadan doono sidoo kale saraakiil ka tirsan dalalka arrimaha Soomaaliya aadka u daneeya. Wuxuuna sameyn doonaa la tashiyo la xiriira ra'iisal wasaaraha cusub ka hor inta uusan soo magacaabin.

 

Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli la sheegayo in ciidamo Itoobiyaan ahi ku soo xadgudbeen xaduuda dalka Somalia lamana oga in arintan uu la qaaadi doono madaxda Itoobiya

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>