Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Laas Qorey: Shaqaale Nation Link oo la Afduubtay

Shaqaale ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta ee NationLink ayaa afduub loogu geystay degaan ka tirsan degmada Laas Qorey ee gobolka Sanaag.

Cabdullaahi Axmed Maxamuud oo ka mid ah dableydii afduubka geysatay oo sheegay inuu ku sugan yahay halka lagu magacaab Mashaxaleed oo ku taalla buurta Laas Qorey dusheeda ee Geeldoora ayaa sheegay inay qafaal ku haystaan 5 nin oo ka tirsan shirkadda isgaarsiinta ee NationLink.

Wuxuu sheegay in rag dhalinyaro ah oo uu sheegay inay kalluumeysato ahaayeen lagu xiray xabsiyo ku yaalla deegaanada Maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in raggaasi si dambi la'aan ah loo xiray, inkastoo maamulka Soomaaliland uu horey ugu eedeeyay ragga laga qabqabtay xeebaha inay ahaayeen burcadbadeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>