Hogaamiyaha Alshabaab ina Godane oo wareysisiiyay majalada magaca dheer ee TIME.COM ayaa sheegay in uu shaqsiyan goobjoog u ahaa markii diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah ay weerarka ku qaadeysay Guri ku yaal magaalada Marka oo madax Alshabaabka ka tirsan ay ku shirsanaayeen.
Guriga ay diyaaradu weerarka ku qaaday ayaa waxaa la sheegay in ay ku shirayeen hogaamiyeyaal sarsare oo Alshabaab ka tirsan.
"Diyaarad Helikobtar ah oo midabkeedu yahay dameeri ama cagaar qafiif ah ayaa dhanka badda nooga soo dhowaatay, iyadoo na hareereysan dabadeedna rasaas ooda nooga qaaday" Sidaas waxaa TIME.COM u sheegay Abuu Zubeyr, hogaamiyaha Alshabaabka Mareykanka iyo xulufadiisu ay ku dhejiyeen shabbada Argagixisada.
Saraakiishi gurigan ku shirsanaa ayuu Abuu Zubeyr ka meermeeray in uu ka faaloodo bal haddii waxyeelo ka soo gaartay weerarkan sida muuqata laga soo shaqeeyay.
Hogaamiye Godane oo aan inta badan warbaahinta reer Galbeedka aan u waramin ayaa sheegay in todoba ka mid ah hogaanka sare ee Alshabaab ay ku shirsanaayeen guri ku yaal magaalada Marka oo uu lahaa mid ka mid ah dadka taageera ururkan si buu yiri ay u xaliyaan muran ka dhex aloosan isaga iyo Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur.
Hadalkan hogaamiyaha Alshabaab ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii abaarihii waqtiga Muqdisho 12.30:kii taariikhduna ay aheyd 26.9.2010 ay diyaarad aan la garan halka ay ka soo duushay gantaalo la dhacday guri ay ku kulansanaayeen Hogaamiyeyaal sarsare oo Alshabaab ka tirsan waloow aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray hogaamiyeyaashaas.
Weerarkan ayaa waxaa dhinac isaga riixay ciidamada NATO ee daadsan xeebaha Soomaaliya.
Xigasho: TIME.COM
http://www.time.com/time/world/article/0,8599,2021767,00.html