Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Itoobiya oo dalbatay in cuna-qabateynta lagu sii giijiyo xukuumada Eritrea

$
0
0

Seyoum Mesfin, wasiirka arimaha dibadda Itoobiya ayaa beesha caalamka ka codsaday in ay cuna-qabateynta saaran Eritrea ku sii giijiyaan.

Wasiir Mesfin oo sabab u u yeelayay codsigiisa ku wajahan Beesha Caalamka iyo QM ayaa sheegay in taliska Casmara uu weli halis ku yahay ammaanka guud ee bariga Afrika sidaas darteedna aan laga maarmin in la hogaan baro oo cuna-qabateynta lagu sii adkeeyo.

Dhanka kale Taliska Casmara ayaa ku dooday in Itoobiya ay si joogto ah mashaakil uga abuurto mandiqada Bariga Afrika, waxayna si gaar ah ugu eedeeyeen faragelinta ay ku heyso dalka dagaalada ka daalay ee Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>