Waxaa soo baxaya oo weliba iska soo daba dhacaya warar bidhaaminaya khilaaf ba'an oo soo kala dhexgalay labada nin ee dhinaca maamulka ugu sareysa Alshabaab, Muqtaar Rooboow iyo Axmed Godane.
Labadan nin oo khilaafkooda la sheegay in uu salka ku hayo talada Ururka iyo dhismaha dowlad islaami ah ayaa waxaa xaqiijiyay ismaandhaafka u dhexeeya Abuu Zubeyr mar uu xog-wareysi siinayay jariidad lagu magacaabo TIME.COM.
Dad ku dhow labadan nin ayaa laga soo weriyay in Abuu Zubeyr doonayo in uu Dowladda la dhisayo Madaxweyne ka noqdo halka Abuu Mansuur uu taas ka soo horjeestay isagoo ku doodaya in Abuu Zubeyr uusan awood ciidan iyo mid deegaan toona ku laheyn Koofurta Soomaaliya taas darteedna uusan hogaamin karin dowlad Koofur ka dhisan.
Dhanka kale waxaa isna la soo sheegayaa in uu aad uga welwelsan yahay mansabkiisa madaxa dacwada iyo askareynta Alshabaab u'aad Shangole waloow aan isaga weli si toos ah loogu sheegin in uu deegaan iyo ciidan la yimaado haddii uu doonayo in uu xubin sare ka noqdo dowladda ay Alshabaabku doonayaan in ay dalka Soomaaliya gaar ahaan Koofurta ka yagleelaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa khilaafkan ka soo dhex baxay oo ay qarsan waayeen hogaanka Alshabaabku ka dhigan yahay in kooxdani ay qarka u saaran tahay in ay labagarab u kala jabto balse la arki doonee meesha uukhilaafkani ku biyo shubto.
halgankanet@gmail.com