Shaakir Masri waa 27 Jir u dhashay Mareykanka waxaa la qabtay sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka Mareykanka isagoo ku sii jeedo Soomaaliya si uu ugu biiro Alshabaab.
Booliska Mareykanaka oo ninkan xabsiga dhigay ayaa sheegay baaritaan dheer ka dib in Shaakir u socdaali rabay Soomaaliya si uu uga barbar dagaalo Alshabaabka ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya waxaana uu sidoo kale dhaqaalo siin jiray baa la yiri Xoogagan dhinaca Mareykanka looga aqoonsan yahay argagixiyayaal.
Mareykanka ayaa mudooyinkan dambe aad isha ugu hayay dadka ka soo baxaya ama gelaya Soomaaliya cidii ay doonaanba ha u dhashaane waxaana horay loo xiray Soomaali badan oo looga shakiyay in ay gacan saar la leeyihiin kooxdan.