Argagixiso, dagaal, khilaaf, abaar, qaxooti, barakac, ku tumasho xuquul insaan, xaaluqfin deegaan iyo mid dadeed iyo wax walba oo dhanka burburka u jiheysan haddii aad maqli jirtay in Soomaaliya laga soo tebiyo waxaad hadda maqli doontaa war intaas ka fiican.
Baare madaxbanaan oo lagu magacaabo Shamsul Bari ayaa daboolka ka qaaday in dagaalada socda ka sokoow Soomaaliya ay dhinaca horumarka iyo hiigsiga hanashada dowladnimo ku sii siqayaan.
Bari oo ka hadlayay Shirkii Qaramada Midoobay ee Xuquul Insaanka ayaa ku celceliyay in inkastoo Alshabaab ay heystaan inta badankoofurta Soomaaliya ay Dowladda ku meelgaarka ahi weli jiritaankeedi heysato waa siduu hadalka u dhigaye, taas oo sida uu isagu qabo tilmaan wannaagsan ah.
"Waxaan u maleynayaa in beesha caalamku ay diirada saarto helitaanka habsami socod dhexdhexaad ah, sabatoo sidaas ma sameyn. Fursado waxay taal halkaas ee aanu sahmino. Haddii dowladu ay awoodu in ay horumariso adeegyada bulshada, maamulkeeda iyo kala dambeynta markaas ka dib awooda maamul ee cusub waa dhaqaaqi doonaa" Sidaas waxaa ku dooday Baaraha madaxa bannaan ee lagu magacaabo Shamsul.
Hadalkan ka soo yeeray baarahan ayaa noqonaya kii ugu macquulsanaa ee dhegaha dowladda Soomaaliyeed ku soo dhaca maadaama beesha caalamku aqoonsi waa halkiisee ay inta badan dowladda ku tilmaanto mid liidata oo aan wax horumar ah haba yaraadee sameyn.