Dagaal xoogan oo saaka ka bilowday degmada hodon ee magaalada Muqdisho ayaa weli socda iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa u dhexeeya u dhexeeya ciidamada dowlada KMG ah oo taageero ka helaya Ciidamada afrikaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana lagu waramayaa in dagaalka uu yahay mid culus.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda waaweyn oo ka dhaca gaadiidka dagaalka oo ay ku rakiban yihiin qoryaha daran daariga u dhaca.
Lama oga khasaaraha uu geystay dagaalka saaka degmada hodon ku dhexmaray Ciidamada dowlada KMG ah oo taageero ka helaya Ciidamada Midowga afrika ee AMISOM iyo Xoogaga ka soo horjeeda gaar ahaan ururka Xizbul Islaam oo fariisimo ku leh Tarbuunka.
Xaalada ayaa haatan yara degan waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah oo dhacaysa goobaha labada dhinac ay isaga soo horjeedaan ee degmada hodon ee magaalada Muqdisho.
↧
Dagaal ka soconaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho
↧